Ma habboon tahay in aad baabuurka xawaare sare ku waddo si meesha aad rabto aad dhaqso u gaarto?

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Si tartiib ah u wad, darawalow. Degdegsiimo door ma dhasho."
Waxaa laga yaabaa in aad marar badan maqashay hadalkan, ama aad adigu qof u sheegtay in uu xawaaraha gaariga yareeyo. Xitaa marka aan arrin degdeg ah ku jirno, ku wadista baabuurka xawaare sare mararka qaarkood faa'iido badan ma leh. Sababtuna waa in xawaaraha badan uu kordhiyo halista shilalka iyo khaladaadka wadeyaasha.
Inkastoo dad badani rumaysan yihiin in xawaaraha kordhintiisu ay waqti badan badbaadiso, daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in arrintu aysan sidaas u sahlanayn.
Cilmi-baaris ayaa lagu ogaaey in marka kasto oo aad xawaaraha kordhiso si aad dhaqso ugu gaarto meesha aad u socoto, waqtiga aad dhab ahaantii dhabiileyso uu marar badan aad u yar yahay. Dhanka kalena, halista in aad shil gasho ayaa si weyn u kordhaysa. Daraasado iyo tirokoobyo kala duwan ayaa xaqiijiyay arrintan.
Laakiin taas macnaheedu ma aha in haddii aad xawaare sare ku socoto aanad hore u gaari doonin meesha aad u socoto. Saacadaha aad tashiishay wey ka yar yihiin dadaalka aad gelisey.
Inkasta oo kordhinta xawaaruhu ay yareyso muddada safarka, haddana waxaa jira heer waqtiga dheeraadka ah ee aad badbaadinayso iyo khatarta la socota xawaaraha sare ee aad ku socoto aysan isku qalmin. Aan tusaale u soo qaadanno safar dhan 10 kiiloomitir.
Haddii aad ku socoto xawaare ah 10 kiiloomitir saacaddii, waxaad ku qaadanaysaa hal saac in aad gaadho meesha.
Haddii aad labanlaabto xawaaraha oo aad ku socoto 20 kiiloomitir saacaddii, waxaad ku gaadhaysaa 30 daqiiqo oo keliya.
Haddii aad mar kale labolaabto xawaaraha oo aad gaarsiiso 40 kiiloomitir saacaddii, waxaad ku gaareysaa 15 daqiiqo.
Laakiin ma dareentay waxa dhacaya?
Aan sii kordhinno xawaaraha
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Farqiga u dhexeeya 10 km/saacaddii iyo 40 km/saacaddii waa weyn yahay, maadaama aad 15 daqiiqo ku gaadhayso halkii aad saacad ku qaadan lahayd. Si kastaba ha ahaatee, mar kasta oo xawaaraha la sii kordhiyo, waqtiga dheeraadka ah ee la badbaadinayo wuu sii yaraanayaa.
Waxaa kale oo jira arrimo kale oo muhiim ah.
Xaqiiqadu waxay tahay in waxyaabo badan ay dib u dhigaan safarka, sida nalalka taraafikada, ciriiriga waddooyinka, iyo waddooyinka xun.
Haddii aad dhammaan arrimahaas tixgeliso, waxaa laga yaabaa inay ka fiican tahay in aad wacdo dadka aad u socoto oo aad u sheegto inaad wax yar daahayso.
Sababtu ma aha oo keliya in waqtiga aad badbaadinayso uu yar yahay, balse sidoo kale waa halista weyn ee la socota xawaaraha.
Digniin: Halis
Inta faa'iidada waqtigu sii yaraanayso marka xawaaraha la kordhiyo, halista shilalka iyo dhaawacyada culusna way sii kordhaysaa.
Xawaaraha sare wuxuu yareeyaa waqtiga aad ku falcelin karto haddii wax lama filaan ahi kaa hor yimaadaan, sida baabuurka kaa horreeya oo si degdeg ah u istaaga ama dhacdo kale oo aan la filayn.
Sidoo kale, marka aad bareegga qabato, masaafada uu baabuurku ku istaagayo way sii dheeraanaysaa iyadoo ku xidhan xawaaraha uu ku socdo.
Aan eegno xog ay soo saareen mas'uuliyiinta gobolka Queensland ee dalka Australia.
Qof si caadi ah u wada baabuur:
Haddii uu ku socdo 40 km/saacaddii oo wax lama filaan ahi ka hor yimaadaan, baabuurku wuxuu soconayaa qiyaastii 17 mitir ka hor inta uusan darawalku bareegga taaban. Kadib wuxuu u baahan yahay ilaa 26 mitir oo kale si uu u istaago.
Haddii uu ku socdo 80 km/saacaddii, wuxuu soconayaa qiyaastii 33 mitir ka hor inta uusan bareegga qaban, wuxuuna u baahan doonaa ilaa 69 mitir si uu u istaago.
Haddii uu ku socdo 110 km/saacaddii, xitaa haddii uu si degdeg ah bareegga u qabto, baabuurku wuxuu u baahan karaa ilaa 100 mitir ka hor inta uusan istaagin ama ka leexan karin caqabadda.
Tani waa sababta xawaaraha sare uu khatar weyn ugu yahay dadka waddooyinka isticmaala, wuxuuna sababi karaa masiibooyin murugo leh.
Waxa dhici kara
Xawaaraha sare ma saameeyo oo keliya waqtiga safarka; wuxuu sidoo kale si weyn u saameeyaa cawaaqibka shilka.
Haddii baabuur xawaare sare ku socda uu ku dhaco baabuur kale, baaskiil ama qof lugaynaya, khasaaraha dhaca wuxuu ku xidhan yahay xawaaraha iyo tamarta dhaqdhaqaaqa baabuurka.
Tusaale ahaan, haddii kubbad si tartiib ah laguugu soo tuuro, waxaa laga yaabaa inaanay wax badan ku yeelin. Laakiin haddii si xoog leh laguugu dhufto, waxay kuu keeni kartaa xanuun ama dhaawac.
Kubaddu waa isku mid, laakiin xoogga ay ku socoto ayaa kala duwan. Taasi waa waxa loo yaqaan tamarta dhaqdhaqaaqa.
Sidaas darteed, xawaaraha oo keliya ma aha waxa muhiimka ah; culayska iyo cabbirka shaygana door ayay leeyihiin.
Marka laba shay oo isku xawaare ku socda ay isku dhacaan, kan culus ayaa badanaa waxyeello badan geysta.
Marka shil dhaco, xawaaraha badan wuxuu kordhiyaa xoogga iyo waxyeellada ka dhalata isku dhaca.
Daraasad la sameeyay sannadkii 2019 ayaa qiyaastay halista dhimashada qof baabuur ku dhaco iyadoo loo eegayo xawaaraha baabuurka.
Halista dhimashadu waxay kordhaysaa qiyaastii 11% xawaare kasta oo hal kiiloomitir saacaddii lagu daro.
Qiyaasaha halista dhimashada waxay ahaayeen:
Qiyaastii 5% marka baabuurku ku socdo 30 km/saacaddii.
10% marka uu ku socdo 37 km/saacaddii.
50% marka uu ku socdo 59 km/saacaddii.
75% marka uu ku socdo 69 km/saacaddii.
90% marka uu ku socdo 80 km/saacaddii.
Marka xawaaruhu kordho, ma aha oo keliya in fursadda shilku korodho, balse sidoo kale darnaanta shilka ayaa si weyn u sii kordhaysa.
Haddii baabuurku qof ku dhaco isagoo ku socda 30 km/saacaddii, halista dhimashadu waa qiyaastii 5%. Laakiin haddii xawaaruhu gaaro ku dhowaad 60 km/saacaddii, halista dhimashadu waxay dhaaftaa 50%.
Xiriirka ka dhexeeya xawaaraha iyo khatarta shilka wuxuu muujinayaa in si tartiib ah loo kaxeeyo ay si weyn u yarayso suurtagalnimada dhimasho ama dhaawac culus.
Waxaa laga yaabaa in tani u muuqato war murugo leh, laakiin waxaa jira war wanaagsan: xawaaraha yaree.
Dabcan, tani waxay u baahan tahay inaad iska caabiso rabitaanka kuu sheegaya inaad sii dedejiso sababtoo ah waxaad ka baqayso inaad daahdo.
Marka fikirkaas maskaxdaada ku soo dhaco, is weydii:
"Ma mudan tahay in aan naftayda iyo dadka kale geliyo khatar weyn si aan u badbaadiyo 5 ama 10 daqiiqo oo keliya?"













