Dalka Canada darawal ayaa shaqada laga eryay kadib markii uu faafay muuqaal laga duubay

Xigashada Sawirka, Youtube/Saif Khan
Nin wade baabuur ah ayaa shaqada laga eryay dalka Canada kadib markii laga duubay muuqaal isaga oo dad dariiqa marayay 'si ula kac ah' biyo ugu sayraya.
Darawalkan oo ku sugan magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa xilli uu roob da'ayay waxa uu baabuurka la aaday halkii biyaha yiileen, si dadkii wadada dhinaceeda marayay ay biyaha ugu firdhaan.
Shirkadda Black and McDonald oo leh baabuurta ayaa barteeda Facebook ku sheegtay in darawalkii gaariga waday shaqada laga eryay kadib markii aad loo shaaciyay muuqaalka la duubay.
Waxaa la daawday wax ka badan 750,000 oo jeer, waxaana dhacday in shirkadda ay raaligalin ka bixisay dhaqanka darawalka.
"Waan ka raaligalinaynaa qof kasta oo ay arrintan saamaysay, dhaqanka darawalkana waa mid aanan la aqbali karin, ninkii sameeyayna shaqada waa laga tiray" ayay shirkadda war qoraal ah ku sheegtay.
Shirkadda waxa ay sheegtay in ay wada shaqayn arrinkan kala leedahay booliiska oo baaraya.

Xigashada Sawirka, YouTube/Saif Khan
Sidase uu qoray wargayska Ottawa Sun, darawalka ma wajihi doono wax dacwad dambiyeed ah, iyada oo booliiska ay sheegeen in shaqada oo laga eryay ay ciqaab ugu filantahay.








