Farriintii Khamenei uu u diray dalalka Khaliijka: Waxa aan ka ognahay xaaladdiisa caafimaad

Khamenei

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, ayaa ugu baaqay madaxda dalalka Islaamka, gaar ahaan kuwa Bariga Dhexe iyo gobolka Khaliijka, inay midoobaan oo ay iska kaashadaan ka hortagga Mareykanka iyo Israa'iil, sida lagu sheegay farriin ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iiraan, IRNA.

Farriintan ayaa la soo saaray lix bilood kadib markii weerarro ay Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iiraan ay sababeen dhimashada aabbihii, Hoggaamiyihii Sare ee hore Cali Khamenei, isla markaana ay si xun u dhaawaceen Mojtaba, sida ay sheegeen ilo ku dhow gudaha xafiiskiisa oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Farriinta oo la soo saaray xilli lagu jiro Toddobaadka Midnimada Islaamka, Khamenei wuxuu sheegay in madaxda dalalka gobolka ay tahay inay "gartaan cadowga dhabta ah, fahmaan qorsheyaashiisa oo ay ka hortagaan," isagoo ula jeeday Mareykanka iyo Israa'iil, sida ay sheegtay IRNA.

Wuxuu intaas ku daray in Washington iyo Israa'iil aysan cadow u ahayn oo keliya Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo "dhidibka iska caabbinta", balse ay sidoo kale cadow u yihiin dhammaan dalalka Islaamka ee Bariga Aasiya iyo Waqooyiga Afrika, xitaa kuwa xiriirka iyo iskaashiga la leh.

Tani waa farriintii labaad ee uu soo saaro maalmihii u dambeeyay oo uu ku adkeynayo midnimada gudaha, iyadoo uu farriin uu 28-kii Agoosto soo saaray kaga digay hadallo keeni kara kala qaybsanaan bulshada dhexdeeda, sida ay sheegeen warbaahinta rasmiga ah ee Iiraan.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan hadallada loo aaneynayo Khamenei tan iyo markii uu xukunka qabtay waxaa lagu gudbiyay qoraal ahaan. Isagu si fagaare ah uma soo muuqan, mana jirto wax sawir ah, cod la duubay ama muuqaal laga soo saaray oo isaga ah tan iyo markii loo magacaabay Hoggaamiyaha Sare. Arrintan ayaa dhalisay su'aalo la xiriira xaaladdiisa caafimaad iyo heerka ay gaarsiisan tahay awoodda dhabta ah ee uu ku leeyahay go'aannada iyo maamulka dalka.

Miyay is beddeshay aragtida loo qabo dalalka Khaliijka?

Farriinta Khamenei ayaa timid kadib bilo ay xiisad xooggan ka dhex taagnayd Iiraan iyo dalalka Khaliijka, kaddib markii Tehran ay intii uu dagaalku socday weerarro ku qaaday saldhigyo militari oo Mareykanku ku leeyahay iyo goobo kale oo ku yaalla dalalka gobolka.

Ka hor inta uusan dagaalku bilaaban, Sacuudiga, Qatar iyo Cumaan waxay isku dayayeen inay Washington ku qanciyaan inaysan weerarin Iiraan. Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman, ayaa sidoo kale madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, u xaqiijiyay in dalkiisu uusan oggolaan doonin in dhulkiisa ama hawadiisa loo adeegsado tallaabo militari oo ka dhan ah Tehran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba ha ahaatee, Iiraan waxay uga jawaabtay weerarradii Mareykanka iyo Israa'iil iyadoo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay lixda dal ee xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), sida lagu sheegay baaritaan ay Reuters samaysay.

Weerarradu kuma koobnaan oo keliya saldhigyada Mareykanka, balse waxay sidoo kale beegsadeen garoomo diyaaradeed, kaabayaal shidaal iyo goobo rayid.

Tallaabooyinka ay Iiraan qaaday ayaa sidoo kale sababay hoos u dhac weyn oo ku yimid isu-socodka maraakiibta ee marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz, taas oo carqalad ku keentay gaadiidka tamarta iyo ganacsiga gobolka.

Weerarradu waxay caro xooggan ka abuureen dalalka Khaliijka. Ra'iisul wasaaraha Qadar ayaa tallaabooyinka Iiraan ku tilmaamay "khiyaano", isagoo sheegay inay dhaceen inkastoo dalalka Khaliijku ay hore u ballanqaadeen inay dhexdhexaad ka ahaan doonaan dagaalka. Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa sheegay in kalsoonidii ay Tehran ku qabeen "la jebiyey", isagoo intaas ku daray in dalkiisu xaq u leeyahay inuu qaado tallaabo militari oo ka dhan ah Iiraan.

Xiisaddu waxay mar kale sii korortay bishii Agoosto, markii Iiraan ay ka digtay inay beegsan doonto xarumaha tamarta ee dalalka Khaliijka haddii Mareykanku uu qaado weerarro cusub oo ka dhan ah Iiraan.

Kadib markii Abu Dhabi ay sheegtay inay ogaatay laba gantaal oo laga soo tuuray Iiraan, Imaaraadka Carabta ayaa hakiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee ay la leeyihiin Tehran, ilaa amar dambe.

Si kastaba ha ahaatee, waddooyinka isgaarsiintu ma aysan xirmin. Cumaan iyo Qatar ayaa sii waday dadaalladooda dhexdhexaadinta ah ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, gaar ahaan wada-hadalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka iyo dib loogu furo marinka Hormuz.

Marka loo eego hanjabaadihii hore ee Iiraan, farriinta Khamenei waxay lahayd cod u muuqday mid si ka badan ugu wajahan dalalka Khaliijka oo ku dhisan iskaashi, iyadoo uu madaxda ugu baaqayay inay Tehran garab istaagaan oo ay si wadajir ah uga hortagaan Mareykanka iyo Israa'iil.

Si kastaba ha ahaatee, farriintu kama hadlin weerarradii Iiraan ku qaadday dalalka Khaliijka, mana aysan soo bandhigin qorshe wax-ku-ool ah oo lagu hagaajinayo xiriirka. Waxaa kale oo ku jiray eedeymo dadban oo ku saabsan iskaashiga ay qaar ka mid ah dalalka gobolka weli la leeyihiin Washington.

Sidee ayuu Mojtaba Khamenei ku noqday Hoggaamiyaha Sare?

Mojtaba Khamenei wuxuu hoggaanka Iiraan qabtay kadib markii aabbihii lagu dilay weerarradii Mareykanka iyo Israa'iil ee billowday 28-kii Febraayo.

Mojtaba ayaa sidoo kale ku dhaawacmay isla weerarradaas. Saddex qof oo isaga ku dhow ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay inuu dhaawacyo ka soo gaaray wejiga iyo lugaha, isla markaana wejigiisa uu si daran u dhaawacmay, inkastoo Reuters ay sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin xogtaas.

Mas'uuliyiinta Iiraan wax war ah kama aysan soo saarin oo faahfaahinaya xaaladda dhaawacyadiisa.

Mojtaba Khamenei waxaa loo doortay Hoggaamiyaha Sare 8-dii Maarso, siddeed maalmood kadib markii uu dagaalku billowday, xilli Iiraan ay wajahaysay mid ka mid ah qalalaasihii siyaasadeed iyo militari ee ugu waaweynaa tan iyo Kacaankii 1979-kii.

Ka hor dagaalka, Mojtaba wuxuu si qarsoodi ah uga shaqaynayay la-taliye sare oo u ahaa aabbihii, waxaana uu si aad ah u yaraa inuu fagaaraha ka soo muuqdo.

Si kastaba ha ahaatee, maqnaanshihiisa gebi ahaanba indhaha shacabka tan iyo markii uu qabtay xilka ugu sarreeya dalka ayaa sii kordhiyay muranka, iyadoo la tixgelinayo in Hoggaamiyaha Sare uu leeyahay go'aanka kama dambaysta ah ee arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda iyo militariga.

Maxaa sabab u ah inuusan weli fagaaraha uga soo muuqan?

Mas'uuliyiinta Iiraan waxay maqnaanshaha Khamenei ku sababeeyeen inuu weli ka soo kabanayo dhaawacyadii soo gaaray, iyo sidoo kale cabsi laga qabo in Mareykanka ama Israa'iil ay isku dayaan inay mar kale bartilmaameedsadaan.

Mas'uul sare oo Iiraani ah ayaa Reuters u sheegay in tiro kooban oo mas'uuliyiin ah oo keliya ay si toos ah ula xiriiraan Khamenei, iyadoo mas'uuliyiintuna aysan bixin wax xog ah oo isaga ku saabsan, sababo la xiriira cabsi laga qabo in xogtu bannaanka u baxdo oo ay Mareykanka ka caawiso inuu ogaado halka uu ku sugan yahay.

Reuters ayaa sidoo kale soo xigatay qof ku dhow Khamenei oo sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay si weyn u soo hagaagayso, isla markaana uu weli feejigan yahay oo uu ka qayb qaadanayo go'aan-qaadashada.

Si kastaba ha ahaatee, mas'uuliyiintu wax war ah oo rasmi ah kama aysan soo saarin xaaladdiisa caafimaad. Sidoo kale ma aysan baahin wax sawirro, codad la duubay ama muuqaallo cusub oo isaga ah tan iyo markii loo magacaabay Hoggaamiyaha Sare, sida ay sheegeen wakaaladaha wararka AFP iyo Reuters.

Khamenei sidoo kale kama uusan qaybgelin aaska aabbihii, wuxuuna shacabka Iiraan kula xiriiray oo keliya farriimo qoraal ah oo laga akhriyay warbaahinta rasmiga ah, sida ay sheegtay Reuters.