Markaad kaadiso kadib, ma dareentaa inay dhibco kaa soo dareeraan? Ogow xanuunka ku haya

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, ओंकार करम्बेलकर
- Role, बीबीसी मराठी संवाददाता
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Dhibicda kaadida ee timaada dhowr ilbiriqsi kadib marka la kaadiyo ama musqusha laga soo baxo waxaa loo yaqaanaa Post-Micturition Dribbling ama PMD.
Inkastoo ay u muuqato dhibaato fudud, haddana waxay saameyn ku leedahay nolol-maalmeedka, kalsoonida iyo caafimaadka maskaxda ee rag badan.
Fikradda guud ayaa ah in PMD uu ku yimaado da'da, balse dhab ahaantii wuxuu si isku mid ah ugu badan yahay ragga da'da yar. Waxaa keena murqaha miskaha oo daciifa oo tabar-darro ku timaado, kaadida oo ku hararta kaadi-mareenka oo si buuxda u soo bixi weydo, iyo qaab aan wanaagsaneyn oo loo kaadiyo.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladdan si fudud ayaa loo xakameyn karaa iyadoo la sameeyo jimicsiyo gaar ah iyo farsamooyin fudud.
Si loo daweeyo PMD, waa in marka hore la fahmo waxa keena, calaamadihiisa iyo daawooyinka waxtarka leh.
Rag badan ayaa la kulma dhibco kaadi ah oo soo daata isla marka ay kaadiyaan kadib, surwaalka gudaha oo qooya marka musqusha laga soo baxo. Inkastoo dareenkani yahay mid caadi ah, haddana raggu inta badan way ka xishoodaan inay ka hadlaan.
Xaaladaha PMD badankood waa la iska aamusaa iyadoo laga xishoonayo ama laga baqayo in qofku lagu qoslo, ama iyadoo loo haysto si khaldan in 'arrintan ay ku dhacdo dadka waayeelka ah oo keliya' ayna ahayn wax culus.
Waa maxay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Calaamadda ugu weyn waa in dhibco kaadi ah ay si kedis ah u timaaddo dhowr ilbiriqsi ama daqiiqo kadib marka musqusha laga soo baxo.
Xaaladdan waxaa badanaa keena kaadi yar oo ku hartay qeybta hoose ee marinka kaadida.
Rag badan ayaa u maleeya in dhibaatadan ay ka timid qanjirka borostaatka ee kaadi-haysta, taasoo cabsi aan loo baahnayn ku abuurta. Qaar ka mid ah waxay internetka ka helaan macluumaad khaldan oo sii wareeriya, halka qaar kalena ay dhibaatada gebi ahaanba iska indha-tiraan.
Khabiiradu waxay leeyihiin PMD ma ahan cudur halis ah, waxaana ugu badan oo keena murqaha miskaha oo daciifa, kaadi yar oo ku harta marinka kaadida ama nolol aan dhaqdhaqaaq lahayn.
Dhakhtar Akil Khan oo ah la-taliyaha cudurrada kaadi-mareenka ee Isbitaalka KIMS ee Thane ayaa yiri, "Dhibcaha kaadida ee yimaada kaadida kadib, ee loo yaqaan Post Micturition Dribbling, kuma jiraan nooca caadiga ah ee kaadida la ceshan waayo. Waa nooc kale oo ka mid ah dhibaatooyinka kaadida."
Sagxadda miskaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sagxadda miskaha ama keedi-heynta oo ay dadka qaar u yaqaanaan, waa muruqyo, unugyo iyo seedo isku xiran oo ku yaalla gunta caloosha, kaas oo adag isla markaana dabacsan. Qaab-dhismeedkani wuxuu u shaqeeyaa sida madal lulan ama shabag xajin ah oo meeshooda ku haya kaadi-haysta.
Murqahaasi waxay qaadaan miisaanka xubnahaasi waxayna ku hayaan booskooda saxda ah marka qofku taagan yahay ama soconayo.
Shaqo kale oo muhiim ah oo ay qabtaan waa inay si fiican u xoojiyaan wareegyada murqaha ee xira oo xakameeya kaadida iyo saxarada.
Marka cadaadiska ku jira caloosha uu kordho xilliyada neefsashada, qufaca, hindhisada, miisaan-qaadista iyo jimicsiga, murqaha pelvic floor-ku ayaa u adkeysanaya cadaadiskaas waxayna xubnaha siinayaan degganaansho wanaagsan.
Yuu ku dhacaa PMD?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sababta ugu badan ee PMD-da keenta waa murqaha kaadi-heynta oo tabar-darnaada ama si fiican u shaqeyn waaya, kuwaas oo loo xilsaaray inay soo saaraan dhibcaha kaadida ugu dambeeya.
Sababtaas awgeed, kaadida kadib, in yar oo kaadida ka mid ah ayaa ku haraysa marinka kaadida, kadibna waxay bilaabataa inay dhibic-dhibic u soobaxdo. Arrintani waxay ku dhici kartaa nin kasta oo nolol aan dhaqdhaqaaq badnayn ku nool.
Badanaa waxaa jira waxyaabo haldan oo la aamino, oo ah in PMD-da ay si toos ah ula xiriirto prostate-ka. Run ahaantii, mararka qaarkood bararka prostate-ka ayaa sabab u noqon kara; hase yeeshee ragga intooda badan, gaar ahaan kuwa da'da yar, ma qabaan wax cudur ah oo prostate-ka ku dhaca.
Dhalinyarada marka la eego, PMD-du waa dhibaato ku saabsan sida murqaha u shaqeeyaan.
Dhakhaatiirta takhasuska leh waxay leeyihiin haddii PMD-da ay la socdaan calaamado kale oo ka baxsan dhibicda oo keliya, waa in la baaro.
Calaamadaha halista ah ee PMD

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii aad qabto PMD-da oo ay haddana la socdaan calaamado kale, tani waxay muujin kartaa inay jirto dhibaato halis ah.
Dhakhtarka ku takhasusay kaadi-mareenka iyo xubinta taranka ee Cisbitaalka Kokilaben Dhirubhai Ambani ee Mumbai, Dr. Shyam Varma wuxuu yiri, "Haddii PMD-da ay la socdaan waxyaabo kale sida dhiig kaadida la socda, dareen kulayl ah, xanuun ka jira aagga u dhexeeya xiniinyaha iyo meesha saxarada soo marto, qulqulka kaadida oo gaabis ah ama caabuq soo noqnoqda, kuwaas waa calaamado halis ah. Waa inaad si degdeg ah ula xiriirto dhakhtar."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
PMD-da inta badan waxay la socotaa dhibaatooyinka kale ee ku dhaca qeybta hoose ee kaadi-mareenka. Marka kaadi-heystu ay noqoto mid aad u firfircoon, qofku wuxuu dareemaa inuu kaadi badan oo heyso oo uu si degdeg ah ugu baahan yahay inuu kaadiyo mar walba. Marka taas ay jirto, dhibcaha kaadida ee yimaada kaadida kadib ayaa sii xanuun badan.
Dr. Varma wuxuu yiri, marka uu jiro bararka qanjirka ragga , kaadi-heystu waxay noqon kartaa mid xasaasi ah, isku soo ururanta ama bararta. Arrimahaas oo dhan waxay keeni karaan in kaadidu ay dhibic-dhibic u daadato, maxaa yeelay kaadi-mareenku si fiican uma faaruqo.
Haddii calaamaduhu ay sii bataan, waa in dhakhtar lala xiriiro.
Wuxuu kaloo yiri dhaqtarka, daawo waxaa loo baahan yahay oo kaliya marka dhibcaha kaadida ay leeyihiin sabab halis ah. PMD-da si ugu fiican oo loogu daaweeyo waxaa la isku haleyn karaa waa jimicsiga murqaha miskaha hoose iyo in kaadi-mareenka la tuujiyo si kaadida ku hartay gudaha looga saaro.












