TOOS, In ka badan 2,400 oo qof oo la la’yahay ka dib daadadkii ka dhacay Nepal iyo Tibet iyadoo howlgalladu galeen maalintii shanaad
Dadaallada samatabbixinta ayaa galay maalintii shanaad ee Nepal iyo Tibet ka dib markii daadad xooggan ay baabi'iyeen aag xuduudeed Arbacadii
Tebin toos ah
Shan ka tirsan dadkii loogu doonista badnaa caalamka ee Soomaaliya ku dhuuntay
Laga soo billaabo burburkii dowladdii dhexe, waxay Soomaaliya gabbaad u noqotay dadka baxsadka ah ee dunida oo dhan laga baadi-gooobayo. Waxaa ku jira qaar lagu eedeyay in weerarro ay ku qaadeen safaarado ay Maraykanku leeyihiin.
Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa shan ka tirsa dadka u dhuumaaleysi tagay Soomaaliya, kaddib markii ay galeen liiska dadka la baadi-goobayo ee sirdoonnada caalamka.
Yousef Pezzekian,
oo ah wiilka uu dhalay Madaxweynaha Iran Masoud Pezzekian, ayaa qoraal uu soo
dhigay qaybta 'Stories'-ka ee Instagram-ka ku yiri: "Nolosheennu kuma
xirna hawsha tayeynta [uranium-ka]. Haddii aynaan samayn hawsha tayeynta, ma
dhimanayno." Bilowgii qoraalkiisa ayuu ku caddeeyay inuusan ka soo
horjeedin hawsha tayeynta, isla markaana uu u hoggaansan yahay go'aan kasta oo
ay gaaraan Golaha Sare ee Amniga Qaranka iyo hoggaanka dalka, balse wuxuu
intaas ku daray: "Ujeeddada kaliya ee aan ka leeyahay ayaa ah inaynu
ogaanno baaxadda iyo saameynta go'aankeenna, aynaannu gaarno go'aanno ku dhisan
aqoon iyo faham. Qofka caqliga leh wuxuu miisaamaa faa'iidooyinka iyo
khasaaraha wax, ka dibna wuxuu qaataa go'aan."
Wiilka Masoud
Pezzekian ayaa yiri: "Tamarteenna nukliyeerka kuma xirna habka hodminta.
Xitaa maanta, shidaalka laga isticmaalo xarunta korontada ee Bushehr ma aha wax
aan annagu soo saarno, balse waxaa laga soo waaridaa Ruushka." Wuxuuna
intaas ku daray: "Waxaan haynaa teknoolojiyado ka muhiimsan kuwaas, kuwaas
oo haddii aan la helin ay khatar geli doonaan amnigeenna iyo hab-maamulkeenna,
balse ma lihin wax qorshe ah oo ku saabsan. Aad uma aannu xiisaynayno
arrimahaas."
Dadka la la’yahay kuwa la badbaadiyey iyo xaaladihii ugu dembeeyey ee Nepal
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, khasaarihii ugu dembeeyey ee la shaaciyey Nepal
Ku dhawaad
20,000 oo ka tirsan ciidamada amniga ayaa loo daabulay hawlgallada gurmadka.
Sidaan dhawaan
soo sheegnay, hay'adda maareynta masiibooyinka ee Nepal ayaa sheegtay in tirada
dadka dhintay ay gaartay 734, taas oo ka badan 675-kii shalay la shaaciyay.
Saacaddii ugu
dambeysay, booliiska Nepal ayaa sidoo kale xaqiijiyay in la helay meydadka 734
qof.
Waxay sidoo kale
soo bandhigeen xogtan soo socota:
Dadka la
la'yahay: 2,498
Dadka la
badbaadiyay: 8,186
Dadka dhaawacmay:
242 (waxaa ku jira qaar la fasaxay)
Shanta diyaaradood ee dagaalka ee ugu xawaaraha sarreeya dunida iyo dalalka iska leh
Muddo dheer, diyaaradda Mareykanka ee F-16 ayaa ahayd diyaaraddii ugu dheereysa ee kuwa dagaalka. F-16A waxay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameysay sanadkii 1976-kii, waxayna adeegga Ciidanka Cirka ee Mareykanka (USAF) ku biirtay sanadkii 1979-kii.
Diyaaradda dagaalka ee F-16 ayaa horumar sameysay intii lagu jiray 50-kii sano ee ay adeegga ku jirtay, taas oo ka caawisay inay sii ahaato diyaarad muhiim u ah dagaallada casriga ah.
Inkastoo asal ahaan loo naqshadeeyay inay noqoto diyaarad fudud, hal matoor leh, oo kharashkeedu hooseeyo, haddana waxay caddeysay inay leedahay awood sare, iyadoo ka qaybqaadata dagaallada cirka, hawlgallada duqeynta, iyo difaaca hawada.
In kasta oo F-16 ay isticmaashay matooro kala duwan intii ay shaqeyneysay, haddana xawaaraha ugu sarreeya ee ay sheegtay USAF ma uusan isbeddelin. Tirada rasmiga ah ee xawaaraha F-16 waa Mach 2.0 ama 1,500 oo mayl saacaddii.
Waa kuwee diyaaradaha dagaalka ee ugu dheereeya xilligan? Aan eegno shan diyaaradood oo ka xawaare sarreeya F-16.
Iiraan oo wacdaro dhigtay kaddib markii ay ka adkaatay Faransiiska
Xigashada Sawirka, Tehran Times
Qoraalka sawirka, Kooxda kubadda Laliska ee Iiran ee da'doodu ka yar tahay 17 sano
Xulka qaranka
wiilasha ee Iiraan ee ciyaarta kubbadda Laliska (volleyball) ee da'doodu ka
hoosayso 17-ka sano ayaa ku guuleystay horyaalka adduunka ka dib markii ay
ciyaartii kama dambaysta ahayd kaga badiyeen Faransiiska 3-1.
Tani waxay ahayd
guushii toddobaad oo xiriir ah oo ay gaareen wiilasha da'da yarka ee reer Iran magaalada Doxa.
Kooxda wiilasha
da'da yar ee Iiraan ayaa ka adkaatay Aljeeriya, Shiinaha Taipei (laba kulan),
Baakistaan (laba kulan) iyo Argentine lixdii kulan ee ka horreeyay, iyadoo
sidaas u kala horreeyay, ka hor inta aysan Faransiiska kula ciyaarin kulanka
kama dambaysta ah.
Waa kuma Khaalid Maxamed, ninkii "qorsheeyay" weerarkii ugu xumaa ee ka dhacay Maraykanka?
Ninka lagu eedeeyay inuu qorsheeyay weerarkii 11-kii Sebtembar 2001 ee ka dhacay Maraykanka, Khaalid Sheekh Maxamed, ayaa maxkamad la horgeyn doonaa bisha Juun 2028, in ka badan 25 sano kaddib weerarkii ay dowladda Maraykanku ku tilmaantay "weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee abid ka dhaca gudaha dalka."
Garsooraha maxkamadda ciidamada milatariga ayaa go'aamiyay in dacwaddu bilaabato labo sano gudahood, isagoo sheegay in codsiga xeer-ilaalintu ku doonaysay in maxkamaddu bilaabato 2027 uu ahaa mid xilli hore ah.
Khaalid ayaa dalbaday in la gaaro heshiis u oggolaanaya inuu qirto dambiyada lagu soo oogay, iyadoo loo ballanqaadayo in aan lagu xukumin dil. Hase yeeshee, maxkamad federaali ah oo racfaan qaadda ayaa diidday codsigaas. Waxaa la qabtay sanadkii 2003, waxaana lagu hayaa xabsiga Guantanamo Bay tan iyo Sebtembar 2006.
Khaalid Sheekh Maxamed ayaa hore u qirtay inuu isagu qorsheeyay weerarkii 11-kii Sebtembar 2001, laga bilaabo billowgiisii ilaa dhammaadkiisii.
Senator-ka
xisbiga Dimuqraadiga Elizabeth Warren ayaa ku tilmaantay Donald Trump
"madaxweynihii ugu musuqmaasuqa badnaa taariikhda Mareykanka,"
waxayna sheegtay in shirkadaha waaweyn ee saliidda ee xulafada la ah ay
faa'iidooyin aad u badan ka heleen dagaalka lagula jiro Iran.
"Su'aashu
waxay tahay, maxaan arrintan ka yeelnaa? Marka Donald Trump uu dagaal la
bilaabo Iran, saaxiibbadiisana dhanka shidaalka ee ugu deeqay malaayiin dollar ololihiisa,
ay macaash badan ka helayaan dagaalkan, waa waajib saaran inaan arrintaas soo
bandhigno oo aan ka hortagno. Taasi waa waxa aan hadda wadno," ayay tiri
Warren iyadoo ka hadlaysa isu-soo-bax lagu taageerayo senatar ka tirsan xisbiga
Dimuqraadiga oo laga soo doortay gobolka Massachusetts.
Iyadoo aan la
magacaabin shirkado gaar ah, Warren waxay sheegtay in shirkadaha waaweyn ee
saliidda ay heleen faa'iidooyin "aad u badan" tan iyo markii uu
billowday dagaalka Iran. Isla mar ahaantaana, kororka qiimaha saliidda iyo
faa'iidooyinka lama-filaanka ah ee laga helay qaybaha tamarta iyo gaadiidka
ayaa soo jiitay dareenka falanqeeyayaasha bilihii ugu dambeeyay, inkastoo
arrintani keligeed aysan caddaynayn sheegashada Senator Warren ee ku saabsan
xiriirka tooska ah ee kala dhexeeya deeqaha ololaha doorashada.
Donald Trump ayaa
horay u dhaliilay kororka qiimaha saliidda, wuxuuna ugu baaqay soo-saareyaasha
inay kordhiyaan wax-soo-saarkooda si looga hortago in qiimuhu uu sii kordho.
Warbaahinta
dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku warantay in hoggaamiye Kim Jong Un uu
shaqada ka eryay wasiirka difaaca isla markaana uu beddelay dhowr sarkaal oo
sare oo militariga ah taasoo qayb ka ah isbadal ballaaran oo lagu sameeyay
taliska militariga.
Wakaaladda
rasmiga ah ee wararka Kuuriyada Waqooyi (KCNA) ayaa Axadda ku dhawaaqday in go'aannadan lagu gaaray kulan
Sabtidii dhacay oo uu guddoominayay Kim Jong Un, isla markaana qayb ka ahaa
"qorshayaasha dib-u-habaynta qaab-dhismeedka" ciidamada qalabka sida.
Sida lagu sheegay
warbixinta, Noh Kwang-chul ayaa laga qaaday xilkii Wasiirka Difaaca, waxaana
sidoo kale darajadiisa hoos loo dhigay oo loo magacaabay ku-xigeenka koowaad ee
madaxa hay’adda warshadaha hubka iyo rasaasta ee ku dhex taal qaab-dhismeedka
hoggaanka xisbiga talada haya.
Kim Song-gi, oo
ah madaxa Waaxda Siyaasadda ee Ciidamada Kuuriya, ayaa loo magacaabay wasiirka
cusub ee gaashaandhigga.
Sida ay
sheegayaan wararkani, Pak Jong-chun, oo ah lataliyaha gaashaandhigga ee Kim
Jong-un, ayaa sidoo kale loo magacaabay guddoomiye-xigeenka Guddiga Dhexe ee
Militariga, wuxuuna noqday xubin ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Xisbiga
Shaqaalaha Kuuriya.
Warbaahinta
dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaan sharraxaad ka bixin sababta ka dambeysa
isbeddeladan. Hase yeeshee, tallaabooyinkan ayaa ku soo beegmay xilli Pyongyang
ay bilihii u dambeeyay xoogga saaraysay horumarinta awooddeeda milatari iyo
iskaashiga dhanka difaaca ee ay la leedahay Ruushka, iyadoo ay weli taagan
tahay xiisad sare oo ka jirta Jasiiradda Kuuriya.