"Israa'iil waxay qarka u saarnayd inay baaba'do" – Trump oo ka hadlay khatarta haddii Iran ay hub nukliyeer yeelan lahayd

Xigashada Sawirka, AP
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in haddii Iran ay heli lahayd hub nukliyeer ah oo ay adeegsan lahayd, Israa'iil iyo qaybo badan oo muhiim ah oo Bariga Dhexe ah ay burburi lahaayeen, halka Mareykanka ama Yurubna ay noqon lahaayeen kuwa xiga ee halistu gaarto.
Hadalka Trump ayaa yimid kaddib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay in fiidnimadii Axaddii uu duqeyn cirka ah ku qaaday goobo ku yaalla Jasiiradda Larak, halkaas oo Iran ay gantaallo ka riddo.
Duqeyntii shalay ayaa ahayd weerarkii ugu horreeyay ee toos ah oo Mareykanku ku qaado Iran tan iyo dhammaadkii bishii Luulyo. Iran ayaa iyaduna jawaab aargoosi ah ka bixisay, iyadoo beegsatay saldhigyo militari oo ku yaalla gobolka.
Trump oo wareysi siiyay Fox News ayaa yiri: "Haddii Iran ay haysan lahayd hub nukliyeer ah, way adeegsan lahaayeen," isaga oo ka hadlayay saameynta ay arrintani ku yeelan lahayd mustaqbalka Bariga Dhexe.
"Waxay ahayd xaalad aan ku dhawaannay in nala baabi'iyo. Gaar ahaan Israa'iil, waxay u badan tahay in la baabi'in lahaa," ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in billowgii dagaalka, Tehran ay bartilmaameedsatay dalalka Khaliijka, taasina ay sababtay in taageeradii ay dalalka deriska ah u hayeen Iran ay hoos u dhacdo.
Trump ayaa sheegay in haddii Iran ay heli lahayd hub nukliyeer ah, Israa'iil iyo dalalka Khaliijka ay noqon lahaayeen kuwa ugu horreeya ee halista wajahaya, halka Mareykanka ama Yurub ay noqon lahaayeen kuwa xiga. Sida uu sheegay, tani waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay in Iran laga hor istaago inay yeelato hub nukliyeer ah.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in xannibaadda lagu soo rogay dekedaha Iran iyo ololaha cadaadiska dhaqaale ee uu Washington hoggaaminayo ay daciifiyeen Iran.
Waxa uu sheegay in ciidamada badda iyo cirka Iran, nidaamka difaaca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha sare ee dalka ay daciifeen, isagoo sheegay in Iran ay hadda tahay "dowlad tabar daran."

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu awood u yeeshay inuu ka saaro dhammaan miinooyinka badda ee lagu aasay marinka Baab al-Mandab, isaga oo xusay in howshaasi lagu fuliyay "caawimaad ay bixiyeen dalal kale oo aad u kooban".
Trump ayaa intaa ku daray in marka uu dagaalkani dhammaado, Mareykanku uu "waqti dhow si buuxda ula wareegi doono gacan-ku-haynta" marin-biyoodka Baab al-Mandab. Waxa uu sidoo kale sheegay in Jasiiradda Kharg ee Iran "si buuxda loo burburiyay oo ay burbur baaxad leh gaartay".
Subaxnimadii Isniinta, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa qaaday weerar cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday saldhig militari oo ku yaalla Qatar iyo saddex saldhig oo militari oo ku yaalla Urdun.
Weerarkan ayaa ahaa jawaab laga bixiyay weerarkii Mareykanku ku qaaday Jasiiradda Larak ee ku taalla marin-biyoodka Baab al-Mandab. Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa xaqiijiyay in weerarku "si toos ah u gaaray bartilmaameedkiisa".
Weerarkan kaddib, xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Tehran ayaa si degdeg ah u sii xoogeysatay. Khilaafku wuxuu hadda ka gudbay weerarradii lagu beegsanayay gudaha Iran, wuxuuna u gudbay hanjabaado iyo weerarro lagu qaadayo ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka.















