Muxuu wadahadalka dadka u sii yaraanayaa sannad kasta, maxayse khubaradu u walaacayaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cilmi baaris cusub ayaa daaha ka qaadaysa in bulshooyinka reer Galbeedka marka la eego mujmaca kelinimada door bida ay dadku hadda si ka yar sidii hore wada hadlaan.
Cilmi baarayaashu waxay la socdeen wada hadalka maalinlaha ah ee ku dhawaad 2,000 oo qof oo da' kala duwan leh, kuwaas oo ku nool dalal dhowr ah, oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Meksiko, Australia, iyo dalal dhowr ah oo Yurub ka tirsan. Ka dib markii ay falanqeeyeen xogta muddo 17 sano ah, waxay ogaadeen isbeddel cad oo muujinaya hoos u dhac ku yimid tirada ereyada la isticmaalo: dadku waxay maalin kasta isticmaalayeen in ka badan 300 oo erey oo ka yar intii ay hore u isticmaali jireen.
Haddii tiradan la isku daro, waxay noqonaysaa ku dhawaad 110,000 oo erey sannadkii, taas oo u dhiganta mugga sheeko-faneed (buug) gaaban.
Valeria Pfeiffer iyo Matthias Mehl, oo ah qorayaasha daraasaddan, ayaa sheegay in cilmi baaristooda aan loogu talagalin in lagu ogaado sababta keentay arrintan. Si kastaba ha ahaatee, faafitaanka degdegga ah ee taleefannada gacanta, internetka, iyo baraha bulshada ee tobannaankii sano ee la soo dhaafay ayaa laga yaabaa inay gacan ka geysteen hoos u dhaca ku yimid wada hadallada dhexmara dadka.
Intaas waxaa dheeraa soo ifbixidda masiibada COVID-19, taas oo dad badan ku qasabtay inay galaan go'doon bulsho. Xaaladdan waxaa sii xoojiyay faafitaanka shaqada laga qabto meel fog (remote work) iyo kororka tiknoolajiyadaha iyo adeegyada yareynaya baahida loo qabo in dadku ay si fool-ka-fool ah u kulmaan.
Si kastaba ha ahaatee, Mehl wuxuu qirayaa in ay jiraan bulshooyin "urursan", bulshooyin aan ku jirin qaabka lagu arkay daraasaddan oo ay ku jiraan in ka badan laba kun oo qof.
Sida laga soo xigtay Mehl, habka looga hortago xaaladdan iyo la dagaallanka "cudurka kalinimada" ee dalal badan ay wajahayaan waxay noqon kartaa mid fudud sida geesinimada in lala hadlo "shisheeyaha"; shisheeyaha mararka qaarkoodna noo dhow sida deriskeenna.
Wuxuu la hadlay weriyaha gaarka ah ee BBC-da Katie Kay isagoo ka hadlay natiijooyinka daraasaddan.
Sidee ku ogaatay in sannad kasta ay dadku hadlaan in yar?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaan sannadkii 2007-kii daabacnay daraasad muujinaysay inaanay jirin farqi weyn oo u dhexeeya ragga iyo dumarka marka la eego tirada ereyada ay ku hadlaan maalintii, isla markaana labada dhinacba ay ku hadlayeen qiyaas isku mid ah. Hase yeeshee, dad badan ayaa sheegay in tirada dadka aan daraasadda ku salaynay ay aad u yarayd.
Sidaa darteed, 17 sano ka dib, waxaan dib u samaynay daraasadda annagoo adeegsanay tiro dad ah oo afar jeer ka badan tii hore, kuwaas oo gaarayay in ka badan 2,000 oo qof. Markii Dr. Pfeiffer uu arkay natiijooyinka, wuxuu yiri, "Natiijooyinkii waa la helay, waxayna u muuqataa in dadku ay ku hadlaan qiyaastii 12,000 oo erey maalintii."
Waxaanan ku iri, "Tani waxay u muuqataa inay khaldan tahay, suurtagal ma aha. Waa inay noqotaa qiyaastii 16,000 oo erey, waayo taasi waa tiradii aan helnay xilligaas."
Laakiin wuxuu dib u hubiyay tirooyinka, waxaana soo baxday inay sax ahaayeen tan iyo bilowgii. Sidaa darteed, aad bay noola yaab badnayd inaan aragno in muddo ku dhow 17 sano gudahood, tirada ereyada ay dadku ku hadlaan maalintii ay hoos u dhacday ku dhawaad 4,000 oo erey.

Malahayga ugu horreeya ayaa ah in taleefannada gacantu ay beddeleen hadalkeenna, waxaan isticmaalnaa suulkeenna in badan, qoraallo badan ayaan dirnaa, hadal yarna waan sheegnaa. Ma taas baad ogaateen?
Daraasaddan si toos ah uguma aannan eegin arrintan. Hase yeeshee, waxaan si adag u aaminsanahay inaan ereyo badan oo afka laga sheegi jiray ku beddelnay ereyo qoran. Dhab ahaantii, lama yaabi lahayn haddii wadarta guud ee ereyada aan isticmaalno ay korortay tan iyo xilligaas, maadaama aan wax badan ku qorno iimayllada, farriimaha qoraalka ah, iyo baraha bulshada.
Laakiin waxa ka sii xiiso badan, isla markaana ka sii muhiimsan, ayaa ah: haddii hoos u dhacan ku yimid hadalka uu dhab ahaantii ka dhashay isticmaalka aaladaha dhijitaalka ah, waxaa soo baxaya su'aal ah in jiilalka da'da yar ay ereyadan luminayaan si ka badan dadka kale. Waxaan awoodnay inaan arrintan baarno. Si aan taas u samayno, waxaan dadkii daraasadda ka qaybgalay u qaybinay laba kooxood: kuwa da'doodu ka yar tahay 25 sano iyo kuwa da'doodu ka weyn tahay 25 sano.
Sida la filayay, waxaan ogaannay in hoos u dhaca ku yimid wada hadalka uu aad uga badnaa kooxda da'da yar. Celcelis ahaan, tirada ereyada la isticmaalo maalintii ayaa hoos u dhacday 338 erey. Laakiin dadka ka qaybgalay ee da'doodu ka yar tahay 25 sano, hoos u dhacu wuxuu ahaa 451 erey maalintii, marka la barbar dhigo 314 erey oo laga diiwaangeliyay kooxda da'da weyn.
Natiijadan ayaa tilmaamaysa in isticmaalka aaladaha dhijitaalka ah ay u badan tahay inay xiriir la leeyihiin hoos u dhac ku yimid hadalka maalinlaha ah.
Ma haysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ereyada gaarka ah ee naga maqan, iyo noocyada wada sheekeysiga ee laga yaabo inay naga maqan yihiin?
Waxa ay u badan tahay inaan luminay waa qayb weyn oo ka mid ah wadahadalladii gaabanaa ee aan maalin walba yeelan jirnay. Sababtu waxay tahay in qaab dhismeedka xiriirka bulshadu uu isbeddelay taasoo keentay inay yaraadaan fursadaha wadahadal la isku dhaafsan karo dhowr eray oo lala yeesho dadka ay saynisyahannadu ugu yeeraan kuwo ay ka dhexeeyaan "xiriirro daciif ah".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xogtayadu waxay dib ugu noqonaysaa sannadkii 2019-kii, waqtigaas oo ka horreeyay xilligii cudurka safmarka oo in meelo fog laga soo shaqeeyo ay aad u badatay. Haddaba, ma haysaa wax fikrad ah oo ku saabsan waxa ku dhacay wada-hadalladeenna tan iyo markii u cudurku dillaacay? Ma sii kordheen mise way yaraadeen?
Waxaan hadda wadnaa cilmi baaris aan ku falanqeyn karno dhowr sano gudahood. Markaa ma hayno xog toos ah, laakiin ma lihi sabab aan u maleeyo in isbeddelkani uu istaagay, sababtoo ah masiibada waxay ahayd waayo aragnimo abuurtay go'doon badan.
Waxay ahayd waayo aragnimo aan si sax ah u yeelan karin wadahadalladan iskood u dhaca sababtoo ah waxaan ku qasbanaanay inaan ilaalino kala fogaanshaha bulshada.
Ka dib markii uu cudurku soo baxay, dad badan ayaa soo sheegay nooc ka mid ah caajisnimada bulshada, sidii in isdhexgalka bulshadu uu noqday mid aad u adag oo martigelinta asxaabta ama bixitaanku ay u muuqatay mid aad u adag. Markaa waxaan u maleynayaa in laga yaabo inay jirto soo kabasho ka timid hoos u dhaca masiibada, laakiin guud ahaan, aad ayaan ula yaabi lahaa haddii aan awoodnay inaan si dhab ah u xakameyno isbeddelkan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidee u malaynaysaa in isbeddelkan loo joojin karo ama dib loogu celin karo?
Ma hayo xal weyn oo arrintan wax looga qaban karo, balse waxaan ka hadlay laba cilmibaare oo kala ah Gillian Sandstrom iyo Nicholas Appley. Waxay qoreen laba buug oo kala ah Once Upon a Time, a Stranger iyo A Little More Social. Waxaan akhriyay buugaagtaas ka dib markii cilmibaaris aan annagu sameynay ay muujisay inaan seegayno noocyadan wada sheekeysiga.
Haddii aan soo koobo waxa ay sheegeen, farriintoodu waa: Isku day; billow isdhexgal iyo wada sheekeysi dheeraad ah. Waxaan arrintan ka dhigtay yool aan higsado: mar kasta oo aan is weydiiyo, "Malaha hadda waan la hadli karaa qofkan," isla markiiba waan sameeyaa.
Laakiin waxaa jira dhinac kale oo ay igu qaadatay waqti dheer inaan fahmo. Waxaan ka hadalnay daqiiqadaha yaryar ee dareenka ka mid ahaanshaha, waana taas waxa aan ka helo wada-sheekeysiyadan. Hase yeeshee, waxaan aaminsanahay in bulshada guud ahaan ay wada-sheekeysiyadan uga faa'iido badan yihiin shakhsi shakhsiga.
Aragtidayda, xilli aynu wajahayno ma aha oo kaliya dhibaatada go'doonka bulshada, balse waa mid aynu sidoo kale la tacaalayno caqabadda kala qaybsanaanta ba'an ee bulshada, wada sheekeysiyadan fududi waxay noqon karaan fursad aynu in yar isugu soo dhowaan karno.























