Dowlada Soomaaliya oo maanta qaadatay go'aan culus oo ka dhan ah imaaraadka

Xigashada Sawirka, OPM Somalia
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa Khamiistii sheegay in dowladda ay safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ka dalbatay inuu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah.
Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa hadal laga sii daayay warbaahinta dowladda ku sheegay in Soomaaliya ay sidoo kale u yeertay safiirkeeda u fadhiya Imaaraadka Carabta, si uu dalka dib ugu soo laabto.
Go'aankan ayaa lagu gaaray kulankii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada, kaas oo uu guddoominayay Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kaddib markii Imaaraadka Carabta lagu eedeeyay inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana uu wiiqayo madax-bannaanida iyo amniga qaranka.
War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu amray inay u yeerto safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta, si wadatashi loogu sameeyo, isla markaana ay safiirka Imaaraadka ku wargeliso inuu dalkiisa dib ugu laabto muddo 72 saacadood gudahood ah.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale sheegay inay dib u eegeen warbixin ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ka diyaarisay heerka faragelinta Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya, sida ay dowladdu ku tilmaantay.

Xigashada Sawirka, Socail
Xiriirka labada dhinac oo gaaray meeshi ugu hooseysay
Go'aankan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qalabka warbaahinta dawladda kala hadlay shacabka uu si kulul u cambaareeyay faragalin uu sheegay in dalkiisa ay ku haysay muddo dheer dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta.
"Muddo sannado ah, Imaaraadka Carabta waxay si joogto ah u faragelineysay arrimaheenna gudaha iyo siyaasaddeenna qarannimo, isaga oo hareer marayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sharciga ah" ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay shan qodob oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin faragalinta Imaaraadka ee arimaha gudaha ee Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiisyo dekedeed uu la galay maamull goboleedyo, kuwaas oo ku saabsan dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo. Dekedahaasi ma aha buu yiri hanti ay maamul goboleedyo gaar ahi leeyihiin.
Xasan Sheekh waxa kale oo uu faragalinta Imaaraadka ku sheegay inuu dhisay saldhigyo milatari iyo ciidamo ka baxsan nidaamka amniga Soomaaliya, isaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladdiisa.
"Ciidan aan ka amar qaadan talisyada qaranka waa ciidan wiiqaya awoodda iyo midnimada hay'adaha amniga dalka. Xilli aan si weyn ugu baahnnahay isku-duubni si aan ula dagaallanno argagixisada caalamiga ayeey abuureen ciidamo iyo qaab-dhismeedyo amni oo isbarbar socda, kuwaas oo wiiqaya awoodda iyo isku-duubnida amniga qaranka" ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xigashada Sawirka, Google
Jawaabta Imaaraadka
Dowladda imaaraadka aya dhnkeeda si kulul uga jawaabtay eedeynta dowladda federaalka ee soomaaliya.
Dr. Anwar Gargash oo ah la taliyaha madaxweynaha Imaaraadka Carabta qoral uu bartiisa soo dhigay , ayuu ku sheegay in hadaladda madaxweynaha Soomaaliya aaney is waafaqsaneyn isla markaana uu dantiisa gaarka ah ka hormarinayo tan guud.
"Weerarka madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Soomaaliya uu ku qaaday Imaaraadka Carabta ayaa muujinaya isbeddelka iyo iswaafaq la'aanta mowqifyadiisa iyo siyaasaddiisa, wuxuuna su'aal gelinayaa in uu danihiisa gaarka ah ka hormarinayo kuwa dalkiisa," ayu uku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa X.
Maxay ka dhigan tahay tallaabadan?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bishii Janaayo, dowladda Soomaaliya ayaa baabi'isay heshiisyadii ay Imaaraadka Carabta kula jirtay ee la xiriiray amniga, difaaca iyo maamulidda dekedaha, iyadoo sabab uga dhigtay walaac ku saabsan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
Tallaabooyinkan cusub ayaa sii xumeeyay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, kaas oo markii horeba uu jiray khilaaf ka dhashay xiriirka Imaaraadku la leeyahay maamullada gobollada Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dadka lafa-gure arrimaha Soomaaliya ayaa rumeysan in dhow waji ay leedahay tallaabada dowladda.
Maxamed Mukhtaar oo ka faalood arrimaha Soomaaliya qaba in siyaasadda arrimaha dibadda iyo tan gudaha ay labada tahay in laga eego.
"Waxay isu badeli doontaa laba dhinac, dhinac waa arrimaha gudaha dhinac-na waa arrimaha dibadda".
Waxaa uu xusay in su'aasha la is waydiin karo ay tahay waxa go'aanka dolwadda uu ak badeli karo maamulada xiriirka la leh imaaraadka.
"Gaar ahaan dadka uu ku tilmaamay si gooni ay ay Imaaraadku u taageerayso oo Jubaland iyo Puntland u horeeyaan, maxay ka badeli kartaa oo ah in wada shaqeyntii ay Imaaraadka la shaqeynaynayeen arrintaas inay joojiso iyo sidoo kale dadka mucaaaradka kaalamada ama wada shaqeynta ay ka heliyaan ay joojiyaan" ayuu yir Mr Mukhtaa.
Maxamed Mukhtaar ayaa dhanka kale sheegay in marka ay timaado hirgalinta go'aanadan ee madalada caalamiga ay Imaaraadka xiriir dhaw la leeyihiin dalal badan iyo ururo ay Soomalaiya xubin ka tahay.
"Madalada caalamiga ah, sidaa la socoto soomaaliya waxay ka tirsan tahay Igad, waxay ka tirsan tahay midowga Afrika , waxay ka tirsan tahay Jaamacadda Carabta laakiin Imaaraadku wuxuu ku guuleystay inuu saaxibo dhaw la yeesho wadamada dariska nala ah iyo kuwa ka baxsan, marka madaladaasi wax wayn oo a ka qaban karno ma muuqato" ayuu rumeysan Maxamed Mukhtaar.
Mr Mukhtaar ayaa farta ku fiiqay in tallaabada kali ah ee u furan Soomaaliya ay tahay in caalamka ay u dacwooto, balse aysan muuqan wax imaaradka ku qasbaya inay joojiyaan waxyaabihii laga cabanayay.
" ayuu intaa ku daray.Inaan muujino carada aan u qabno, inaan caalamka u dacwad tagno oo aan u sheegno, balse marka la eego wax ficliyan ah oo maanta ku kalifi kara imaaraadka inay bari subaxnimo wada joojiyaan wixii aan tabanaynay way adag tahay"























