Ciyaaryahanada ugu sarreeya Afrika ee aan ka qayb galayn Koobka Adduunka 2026

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Iyada oo ay soo dhowaatay isku-aadka Koobka Adduunka, dalal badan, gaar ahaan kuwa ka qayb galaya koobka ayaa bilaabay qorshahooda inay dhowaan safraan.

Sannadka, 48 dal ayaa ka qayb galaya tartanka oo ay si wadajir ah u martigalinayaan Maraykanka, Canada iyo Mexico.

Dhanka kale, iyada oo kooxuhu iyo ciyaartooydoodu ay ku jiraan diyaar garow, qaar kamid ah dalalka caalamka ayaa guryahooda ciyaartoodu ka daawanayaan koobka- maadaama aysan awooddin inay ka qayb galaan.

Warbixintan waxaynu ku eegaynaa ciyaartooyda kubbada cagta Afrika kuwaada uga sarreeya ee aan ka qayb galayn tartanka koobka kubbada cagta adduunka.

Victor Osimhen - Nigeria

Victor Osimhen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Victor Osimhen, oo hadda u ciyaara Galatasaray ayaa dhaliyay 33 gool dhammaan tartamada kooxdiisa ee xilli ciyaareedkan, iyaga oo hadda saaran wadada ku guulaysashada koobka Turkish league.

Ciyaaryahanka weerarka ka dheela ee reer Nigeria waxaa uu kamid yahay ciyaaryahanada aan u safrayn koobka adduunka, sababta oo ah dalkiisa oo soo bandhigay bandhig liita, iyaga oo hal dhibic ka gadaal maray Koonfur Afrika.

Nigeria waxaa ka adkaaday Congo, ciyaar gool ku laad la isla gaaray, ciyaartaasi oo la beddelay Osimhen, waxaana ay dalkaasi ku hoggaamisay guul daro uu ugu doo bixi waayay koobka adduunka.

Serhou Guirassy - Guinea

Serhou Guirassy

Xigashada Sawirka, Getty Images

Serhou Guirassy ayaa muujiyay inuu yahay mid kamid ah kuwa ugu xirfad fiican weeraryahanada koobka kubadda cagta adduunka, isaga oo ka dhaliyay 62 gool horyaalka Bundesliga saddexdii sano ee u dambaysay, mana jiro ciyaaryahan kaga badan ee dhaliyay 13 gool oo horyaalka Champions League ee 2024 ilaa 2025.

Waa lambarka Afaraad ee kala sarreynta ciyaaryahanada ugu goolasha badan Bundesliga sannadka.

Si kastaba ha ahaatee, ma awooddo inuu kala qayb galo koobka adduunka dalkiisa Guniea maadaama wareegii koowaadba laga reebay inay kasoo gudubto dalalka Afrika.

Waxaa ay ku dhammaysteen lambarka Afaraad ee Group-ka ay kamid ahaayeen, iyaga oo helay afar guul iyo saddex barbar dhac ah oo kamid ah toban is-arag.

Bryan Mbeumo - Cameroon

Bryan Mbeumo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ciyaaryahanka weerarka uga dheela kooxda Manchester United Bryan Mbeumo ayaa kamid ah ciyaaryahanada aan ka qayb galayn koobka adduunka.

Tani ayaa timid kadib markii uu dalkiisa Cameroon ka caawin waayay inay u soo baxaan koobka adduunka.

Mbeumo waxaa uu u dhaliyay 8 gool kooxda Manchester United horyaalka Premiere League xilli ciyaareedkan, iyaga oo fadhiya kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka, waxaana doonitaankoodu uu yahay inay kamid noqdaan kooxaha ka qayb galaya Champions League.

Pierre-Emerick Aubameyang - Gabon

Aubameyang

Xigashada Sawirka, Getty Images

Pierre-Emerick Aubameyang waxaa isaguna kamid yahay ciyaaryahanada aan aadayn Koobka Adduunka, kadib markii dalkiisu bandhig liita ay ka muujiyeen ciyaarihii loogu soo baxayay koobkaasi.

Group-ka ay ku jireen ee F ayaa Gabon ay ka gashay meesha ugu dambaysa, iyada oo ''ceeb'' uu ku tilmaamay wasiirka ciyaaraha ee dalkaasi.

Aubameyang ayaa hal mar gool ka dhaliyay koobkii ciyaaraha Afrika (Afcon) ee ka socday Morocco, iyada oo Gabon ay ku guul dareysatay inay ku guulaysato mid kamid ah saddexdii ciyaarood ee Group-kooda.

Aubameyang waxaa uu ka dhaliyay sagaal gool iyo shan caawin ah horyaalka Faransiiska ee Ligue 1.

Ademola Lookam - Nigeria

Ademola Lookam

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ciyaaryahanka Khadka dhexe ee Nigeria oo uga soo biiray Atletico Madrid xulka Atlanta ayaa kamid ah liiska ciyaaryahanada kobcaya ee Afrika ee aan ka qayb galayn koobka adduunka.

Lookman waa uu ku guuldaraystay caawinka qarankiisa, kadib markii uu boos ka heli waayay.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo dib ugu laabashadiisii Atletico, waxaa uu ka dhex muuqday kooxda Atletico isaga oo dhaliyay 7 gool, sidoo kale sameeyay ilaa afar caawin ah.

Kooxdiisa hadda waxaa ay ku sugan tahay afar dhammaadka horyaalka Champions League, iyaga oo Arbacada lugta koowaad ay isku wajihi doonaan kooxda Arsenal.

Ciyaaryahanada kale waxaa kmaid ah

Ola Aina - Nigeria.

Carlos Baleba - Cameroon.

Vincent Aboubakar - Cameroon.

Yves Bissouma - Mali.

Patson Daka Zambia.

Bertrand Traoré - Burkina Faso.

Mbwana Samatta - Tanzania.