Maxaa ka soo kordhay dukmentiyada sirta ah ee ay sii daysay Pentagon-ka Maraykanka ee ku saabsan makhluuqaadka UFO?

Wasaaradda Difaaca Maraykanka ee Pentagon ayaa soo bandhigtay dukumiintiyo badan oo hore sir u ahaa, kuwaas oo la xiriira arrimaha UFO-yada ama walxaha aan la aqoonsan ee cirka lagu arko. Dukumiintiyadan cusub waxaa ku jira warbixino ay qoreen dad rayid ah oo sheegay inay arkeen waxyaabo aan caadi ahayn, iyo sidoo kale xog laga helay cirbixiyeenno tegay Dayaxa.
Dukumiintiyadaas oo soo jiray tobannaan sano ayaa Jimcihii si rasmi ah loo fasaxay kaddib amar uu bixiyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Trump ayaa horay u sheegay inuu doonayo in dadweynaha loo soo bandhigo xogtan sababtoo ah xiisaha weyn ee ay dadku u qabaan nolosha ka baxsan meeraha dhulka.
Sannadihii ugu dambeeyay, Maraykanka waxaa dib uga soo cusboonaaday doodda ku saabsan noolaha cirka iyo UFO-yada ama waxyaabaha aaan la aqoon ee hawada duula. Sannadkii 2022, Kongareeska Maraykanka ayaa qabtay dhageysigii ugu horreeyay muddo 50 sano ah oo ku saabsan UFO-yada, halka militarigana uu ballan qaaday inuu arrintan ka bixin doono xog dheeraad ah oo hufan.
Waqtigan la joogo, 161 fayl ayaa lagu daabacay bogga Wasaaradda Difaaca, iyadoo la sheegay in faylal kale oo dheeraad ah la sii deyn doono.
Sii deynta dukumiintiyadan waxay timid kadib markii madaxweynihii hore Barack Obama uu wareysi bishii February ku sheegay in "shisheeyayaal cirka ka yimid ay dhab yihiin, balse uusan isagu arkin". Obama ayaa markii dambe sharaxaad bixiyay isagoo sheegay in fursadda ah in nolol kale jirto ay aad u badan tahay marka loo eego cilmiga, laakiin uusan arkin wax caddeyn ah intii uu madaxweynaha ahaa.
Kadib hadalka Obama, Trump wuxuu Pentagon-ka ku amray inay sii daayaan dhammaan faylasha la xidhiidha "noolaha cirka, walxaha aan la aqoonsan ee hawada duula iyo noolayaasha UFO".
Safarkii Dayaxa ee Apollo iyo wixii ay arkeen
Dukumiintiyada la sii daayay waxaa ku jira qoraallo hore loo qariyay oo laga helay hawlgalladii Dayaxa ee Apollo sanadihii 1960-meeyadii iyo 1970-meeyadii. Waxaa kale oo ku jira warbixino ay qoreen dad sheegtay inay arkeen walxo cirka ku socda oo aan la garanayn halka ay ka yimaadeen.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mid ka mid ah cirbixiyeennadii caanka ahaa ee hawlgalkii Apollo 11 Moon Landing, Buzz Aldrin, ayaa wareysi uu bixiyay sanadkii 1969 ku sheegay inuu arkay iftiin aad u xooggan intii uu safarka Dayaxa ku jiray. Wuxuu yiri iftiinkaasi wuxuu u ekaa "ilo iftiin oo xooggan" oo aysan si sax ah u garanayn waxa uu ahaa.
Qoraallada cusub ayaa sidoo kale muujinaya in cirbixiyeenka Alan Bean ee hawlgalkii Apollo 12 uu sheegay inuu arkay walxo yaryar iyo iftiinno bannaanada hawada ku socda oo u muuqday inay "Dayaxa ka baxsanayaan".
Sidoo kale laba cirbixiyeen oo saarnaa hawlgalkii Apollo 17 sanadkii 1972 ayaa sheegay inay arkeen iftiinno biligleynaya. Mid ka mid ah cirbixiyeennadaas, Jack Schmitt, ayaa yidhi: "Waxay u ekaayeen rashkii dabaaldegyada July Afarteeda ee Maraykanka."
Si kastaba, waxay sheegeen inay suuragal tahay inuu ahaa iftiinkaasi mid ka tarjumayay ilays ku dhacay baraf hawada ku jiray.
Fayl kale ayaa laga helay cod duuban oo ka yimi safarkii hawada ee Gemini 7 sanadkii 1965. Cirbixiyeenka Frank Borman ayaa xarunta NASA u sheegay inuu arkay walax aan la aqoonsan iyo "malaayiin walxo yaryar" oo dhinaca bidix ee dayax-gacmeedkooda kasoo muuqday.
Walxo hawada ku dul sabeynaya oo iftiin weyn samaynaya
Dukumiintiyada waxaa sidoo kale ku jira warbixino badan oo ay qoreen dad rayid ah oo sheegay inay arkeen walxo cirka ka soo baxaya ama hawada ku dul sabeynaya.
Mid kamid ah warbixinadii 1957 ayaa nin u sheegay FBI-da inuu arkay gaadhi wareegsan oo weyn oo dhulka kor uga kacaya.
dhibaatooyin kale oo muhiim ah sida sicir-bararka iyo dagaallada caalamka.
Aragtiyo millatari oo laga soo sheegay Iraq, Syria, iyo United Arab Emirates.
Waxaa kale oo la sii daayay muuqaallo militari oo laga duubay Iraq, Syria iyo United Arab Emirates sanadkii 2022. Muuqaalladaas ayaa muujinaya walxo aan la aqoonsan oo hawada si degdeg ah ugu socda.
Mid kamid ah muuqaalka ayaa muujinaya walax wareegsan oo si xawaare sare leh u socota, iyadoo warbixinta la socotay ay sheegtay inay "u muuqan karto gantaal".
Falcelinta sharci dejiyayaasha
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanka ayaa soo dhaweeyay sii deynta xogtan. Xildhibaan Tim Burchett ayaa sheegay inay tani tahay "bilow wanaagsan" oo dhanka daahfurnaanta ah.
Sidoo kale xildhibaanad Anna Paulina Luna ayaa ku tilmaantay "tallaabo weyn oo sax ah".
Laakiin siyaasiyiin kale sida Marjorie Taylor Greene ayaa sheegtay in arrintan loo adeegsanayo in lagu mashquuliyo shacabka Maraykanka, iyadoo ay jiraan dhibaatooyin kale oo muhiim ah sida sicir-bararka iyo dagaallada caalamka.











