Maxay Netherlands uga soo wareejisay Mareykanka uguna rartay London 86 tan oo dahab ah oo qiimihiisu yahay balaayiin doollar?

Xigashada Sawirka, Reuters
Bangiga dhexe ee Netherlands (DNB) ayaa xaqiijiyay inuu balaayiin doollar oo dahab ah uga soo raray Waqooyiga Ameerika una wareejiyay London. Bangigu wuxuu sheegay in go'aankaas loo qaatay sababo la xiriira xiisadaha juqraafi-siyaasadeed ee sii kordhaya iyo hubanti la'aanta ka jirta dunida.
DNB ayaa Arbacadii sheegay in 86 tan oo dahab ah laga soo raray Mareykanka iyo Canada, kaddib hawlgal adag oo qaatay dhowr bilood. Dahabka ayaa hadda lagu keydiyay Bangiga England, halkaas oo loo arko inay xaalad qalalaase ama degdeg ah si fudud uga suurageli karto in la iibsado, la iibiyo ama meel kale loo wareejiyo.
Madaxweynaha bangiga, Olaf Slapen, ayaa sheegay in tallaabadan loo baahnaa si "loo xoojiyo awoodda maaliyadeed ee hay'adda iyo diyaar-garowgeeda ku aaddan wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah".
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay weli sareysoxiisadaha ganacsi ee u dhexeeya Mareykanka iyo Canada. Kaddib markii aan horumar laga sameyn wada-hadallada ganacsiga, labada dal ayaa ku dhawaaqay canshuuro cusub oo ay ku soo rogeen badeecadaha midba midka kale.

Xigashada Sawirka, Reuters
Sida uu sheegay DNB, 27 tan oo dahab ah ayaa laga soo qaaday New York iyo Ottawa, waxaana loo qaaday magaalada Zeist ee Netherlands intii u dhexeysay Maarso iyo Agoosto.
Kadib, isla qaddarkii iyo tayadii dahabka ayaa loo wareejiyay London, iyadoo aan loo baahnayn in dahabka la dhalaaliyo intii hawlgalku socday.
Si kastaba ha ahaatee, bangigu ma uusan faahfaahin sida qaddarkan badan ee dahabka ah looga soo gudbiyay Badweynta Atlaantik.
Sida uu bangigu sheegay, wareejintii dahabka ee hartay waxaa lagu dhammeystiray iyadoo dahab lagu iibiyay New York, kadibna isla qaddarkii dahabka ahaa dib looga iibsaday London.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Isku-darka hababka iibsiga iyo iibinta iyo wareejinta ayaa gacan ka geystay in khataraha la xiriira hawlgalkan adag lagu qaybiyo marxaladaha kala duwan," ayuu DNB ku sheegay bayaankiisa.
Bangigu ma uusan caddeyn waxa uu uga jeedo erayga "hubanti la'aanta juqraafi-siyaasadeed". Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in dhaqaalaha Mareykanka uu wajahayo hubanti la'aan, taas oo ka dhalatay xiisadaha socda iyo dagaalka uu Iran kula jiro, kuwaas oo sidoo kale saameyn ku yeelanaya ganacsiga caalamka iyo suuqyada maaliyadeed.
Dhanka kale, Canada ayaa khasaare dhaqaale oo weyn kala kulantay canshuuraha uu Mareykanku ku soo rogay qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha, oo ay ka mid yihiin birta, aluminiumka, alwaaxda iyo baabuurta.
Bishii August, Mareykanka ayaa sidoo kale canshuur dheeraad ah oo boqolkiiba 50 ah ku soo rogay badeecooyin Canada oo qiimahoodu gaarayo ku dhowaad C$28 bilyan, oo u dhiganta $20 bilyan oo dolar.
Sida uu sheegay DNB, dahabka lagu keydiyo Bangiga England waxaa loo arkaa inuu yahay "dahabka ugu fudud ee lagu kala iibsan karo dunida". Sidaas darteed, waxaa loo arkaa in xaalad qalalaase ama hubanti la'aan ah si fudud looga heli karo marka loo eego dahabka lagu keydiyo Mareykanka ama Canada.
Ka hor ku dhawaaqistii Arbacadii, DNB wuxuu boqolkiiba 31.3 kaydkiisa dahabka ku hayay New York, halka boqolkiiba 19.7 lagu hayay Ottawa. Hase yeeshee, wareejintii dhowaan la sameeyay kaddib, saamiga dahabka labada dal lagu keydiyo ayaa hoos ugu dhacay boqolkiiba 18.5.
Sida ku cad xogta DNB, Netherlands waxay dhammaadkii 2025 haysatay kayd dahab oo dhan 612.4 tan, kaas oo qiimihiisu ahaa ku dhowaad 72.2 bilyan oo yuuro.
Wareejintan ayaa keentay in saamiga dahabka lagu keydiyo London uu ka kordho boqolkiiba 18.1 ilaa 32.1, halka boqolkiiba 30.8 kaydka dahabka bangiga uu weli ku keydsan yahay gudaha Netherlands.














