Waxa aad cunayso waxay saameyn ku yeelan kartaa niyaddaada: Afar arrimood oo aad isku dayi karto

Canjeero

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxaad cunto ma aha wax xallin kara dhammaan dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda. Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baaristu waxay muujinaysaa in cuntadu si la yaab leh u saameyn karto niyadda iyo walbahaarka, iyadoo loo marayo arrimo kala duwan, sida hoos u dhigidda sonkorta dhiigga iyo hagaajinta caafimaadka mindhicirka.

Khubarradu waxay sharraxayaan afar isbeddel oo fudud oo wax-ku-ool ah oo dhinaca cuntada ah, kuwaas oo kaa caawin kara taageeridda caafimaadkaaga maskaxda.

Cuntadu ma daaweyn kartaa niyad-jabka?

Marka laga hadlayo niyad-jabka, hagaajinta cuntadaadu ma beddeli karto taageerada iyo daaweynta xirfadlayaasha caafimaadka, balse waxay weli noqon kartaa qayb muhiim ah oo ka mid ah daaweyn dhammaystiran.

Professor Felice Jacka oo ka tirsan Jaamacadda Deakin ayaa muddo sannado ah baaraysay xiriirka ka dhexeeya nafaqada iyo niyad-jabka.

"Cilmi-baaris ballaaran oo joogto ah ayaa muujinaysa in cunista cunto caafimaad leh ay ka caawiso qofka inuu ka badbaado niyad-jabka."

Tani waxay tilmaamaysaa hab-cunto oo la mid ah cuntada Mediterranean-ka, taas oo hodan ku ah waxyaabo badan.

  • Sida badarka aan qobka ama qolofta laga qaadin
  • khudaarta
  • miraha
  • kalluunka
  • saliidda saytuunka

Waxay intaas ku dartay:

"Cunto dheellitiran waxay maskaxda siisaa nafaqooyinka ay u baahan tahay si ay u taageerto niyad wanaagsan, isla markaana u hagaajiso xiriirka iyo isgaarsiinta u dhexeeya unugyada maskaxda, taas oo muhiim u ah shaqada maskaxda."

Daraasaddii SMILES ee Jacka ayaa muujisay in u beddelashada cunto u eg cuntada Mediterranean-ka ay gacan ka geysan karto yareynta calaamadaha niyad-jabka.

Hadda, waxay taageertaa dadaallada lagu sameynayo nidaamka caafimaadka Australia si dadka qaba niyad-jabka loogu daro taageero dhinaca nafaqada iyo jimicsiga ah oo qayb ka noqota daaweyntooda.

Waa kuwan afar hab oo wax-ku-ool ah oo nafaqadu kaa caawin karto hagaajinta niyaddaada:

1. Si joogto ah wax u cun

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cunista cuntooyinka waqtiyo joogto ah waxay ka caawisaa jirka inuu ilaaliyo heerka sonkorta iyo dhiigga oo dheellitirnaada.

Marka heerka sonkorta dhiiggu hoos u dhaco, waxaan dareemi karnaa daal iyo deggenaan la'aan.

Hoos-u-dhacyada sonkorta dhiigga ee ka dambeeya kororka ayaa sidoo kale lala xiriiriyay dhibaatooyinka niyadda, oo ay ka mid yihiin niyad-jabka iyo welwelka.

Khabiirka nafaqada iyo cilmi-nafsiga, Dr. Sonal Shah, ayaa yiri:

"Haddii aad si joogto ah u dareento gaajo maalintii oo ay taasi saameyso niyaddaada, feejignaantaada iyo heerka tamartaada, waxaa muhiim ah inaad cunto waqtiyo joogto ah."

Shah wuxuu ku talinayaa in la cuno 3 ilaa 4 saacadood kasta si loo ilaaliyo heerka tamarta.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in tani aysan macnaheedu ahayn in qofku si joogto ah cunto fudud u cuno, sababtoo ah taasi "uma oggolaanayso jirka inuu si wanaagsan u nidaamiyo rabitaanka cuntada iyo hormoonnada insulin-ka."

2. Cab biyo kugu filan

Marka aad harraadsan tahay, waxaa kugu adkaan kara inaad si cad u fikirto oo aad diiradda saarto waxa aad doonayso.

Sida uu sheegay Shah, maskaxdu waxay u baahan tahay biyo.

Tani waxay sharxaysaa sababta qofku ugu nuglaan karo walbahaarka maskaxda marka jirku biyo yari ku dhacdo.

"Biyuhu waxay caawiyaan socodka dhiigga. Marka aysan jirin biyo ku filan oo jirka ka caawiya inuu iska saaro sunta, waxaad dareemaysaa tabar-darro," ayuu yiri.

Sida uu Shah sheegay, biyo-yaraantu waxay sidoo kale kordhin kartaa rabitaanka cuntooyinka aan caafimaadka lahayn, sida chipsiga iyo karbohaydraytyada la sifeeyey.

Biyuhu guud ahaan waa doorashada ugu fiican ee jirka lagu waraabiyo, laakiin cabitaanno kale ayaa sidoo kale kaa caawin kara inaad hesho dareeraha aad u baahan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, isku day inaad iska ilaaliso cabitaannada sonkorta badan.

3. Yaree ku tiirsanaanta cuntooyinka aadka loo warshadeeyey

Macnaheedu waa in la yareeyo cunista cuntooyinka warshadaysan ee badan, sida chips-ka, buskudka, macmacaanka iyo cuntooyinka sonkorta, milixda ama dufanka badan leh.

Badelkoodana waxaa fiican in la doorto cuntooyin dabiici ah oo nafaqo badan.

4. Xoogga saar cuntooyin badan oo dabiici ah

mindhicirka ee la dagaallanka niyad-jabka, waxaana cilmi-baaristu muujinaysaa in waxa aan cunno ay arrintan ka caawin karaan.

"Nafaqadu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee saameeya caafimaadka mindhicirka iyo bakteeriyada ku dhex jirta."

"Hadda waxaan ognahay in bakteeriyada mindhicirka, oo loo yaqaan microbiota, ay door muhiim ah ka ciyaarto caafimaadka hab-dhiska difaaca jirka, dheef-shiid kiimikaadka, shaqada hidde-sideyaasha, iyo caafimaadka maskaxda iyo hab-dhiska neerfaha."

Cilmi-baarayaashu waxay soo jeedinayaan in cunista noocyo badan oo kala duwan oo cuntooyinka dhirta ka yimaada ay gacan ka geysan karto in mindhicirku yeesho noocyo badan oo bakteeriyo caafimaad leh.

Tani waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa caafimaadkeena guud, oo ay ku jirto caafimaadka maskaxda.