Warqad muddo la qarinayay oo uu 'qoray' Jeffrey Epstein oo la sii daayay

Jeffrey Epstein

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Nardine Saad
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Digniin: sheekadani waxa ay ka kooban tahay waxyaabo ay akhristayaasha qaar ay dhibsan karaan.

Garsoore Maraykan ah ayaa amray in la sii daayo dukumeenti la sheegay in uu ahaa qoraal kooban oo uu qoray dambiilaha galmada ee Jeffrey Epstein bil ka hor dhimashadiisa.

Nuqul ka mid ah warqadda gacanta lagu qoray ee la sii daayay Arbacadii ayaa sheegaysa baaritaan socday muddo bilo ah oo aan "waxba la helin", wuxuuna leeyahay "waa go'aan in qofku dooran karo in uu u macsalaameeyo dadka".

Nin ay kuwa jiri jireen qolka xabsiga ayaa sheegay inuu helay qoraalka oo buug ku dhex duugan ka dib markii Epstein uu isku dayay inuu is dilo bishii Luulyo 2019. Epstein waxaa meydkiisa laga helay qolka xabsiga bil ka dib.

BBC ma aysan xaqiijin in qoraalka uu qoray Epstein, mas'uuliyiinta Mareykankana kama aysan hadlin.

Dhimashadiisa, oo ay maamulka ku dhawaaqeen in ay ahayd is-daldalaad xukuntay , ayaa timid isagoo sugayay maxkamad, kuna eedeysnaa ka-ganacsi galmo.

Warqadda la sheegay in la hayay ayaa qayb ka ahayd dacwadaha dambiyada ee uu loo jeediyay ninkii ay xabsiga kuwada jireen, Nicholas Tartaglione, kaas oo isna lagu hayay isla qolka Epstein wakhtigaas isagoo sugaya in lagu maxkamadeeyo afar dil oo uu ku eedeysnaa.

Tartaglione waa sarkaal hore oo boolis ah oo lagu xukumay dilka afar ruux iyadaoo hal mar lagu eedeeyay inuu weeraray Epstein , inkasta oo uu beeniyay. Waxa uu markii ugu horeysay ku sheegay jiritaanka qoraalka podcast sannadkii hore.

Sawirka qoraalka ku jira oo ah dukumeentiga maxkamadda oo la shaaciyay Talaadadii ayaa muujinaya qoraal gacmeed leh, "Waxay i baarayeen muddo bil ah - WAXNA AY HELIWAAYEEN!!!"

"Waa wax macno leh inaad naftaada u doori karto goorta aad ka macsalaameyneyso," ayaa lagu yiri qoraalka.

"Maxaad rabtaa inaan sameeyo - inaan oohin ku dhufto!!" kadibna waxaa ku xiga. "MADADAALO MAAHAN- UMA QALANTO IN LA SAMEEYO."

Qoraalku wuxuu ka kooban yahay toddoba sadar, taasoo oo aan waxba si fiican looga fahmi karin.

Waqradda

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka (DOJ) si degdeg ah ugamay jawaabin codsigii BBC ee ahaa inay ka warbixiso warqadda.

Afhayeen u hadlay DOJ ayaa hore ugu sheegay NBC News bayaan ay soo saareen oo ahaa in wasaaraddu aysan arag qoraalka. Waxay iftiimiyeen "dadaalka dheeriga ah ee DOJ" ee aruurinta iyo siideynta malaayiinta faylasha kale ee la xiriira Epstein bilihii dhawayd.

Qoraalka waxaa la socday warqad bishii Maajo 2021 uu maxkamadda u gudbiyay John A Wieder, oo qareen hore u ahaa Tartaglione. Qareenka ayaa ku tilmaamay qoraalka in uu yahay "dokumentigii asalka ahaa" ee uu xaakimka federaalka Kenneth M Karas amray in maxkamadda la keeno xilligaas.

Majaladda The New York Times ayaa ka codsatay garsooraha White Plains, New York, inuu daah furo qoraalka, isagoo ku dooday inaan loo baahnayn in la qariyo. Wargeysku waxa kale oo uu doonayey dukumentiyo kale oo aanu xaakimku xukumin.

Xeer-ilaaliyeyaasha federaalku waxay sidoo kale u ololeeyen in qoraalka la sii daayo, iyaga oo sheegay in aysan jirin dano qasabaya in la hayo qoraalka iyo in Tartaglionesi shaac baxsan uga hadlay qoraalka "ay ka dhigan tahay in ay meesha ka baxday baahida loo qabo sii haynta qoraalka".

Amarka ay ku soo baxday warqadda arbacadii, garsoore Karas wuxuu ku sheegay in qoraalka "uu u furmayo male-awaalka dadweynaha".

"Maxkamaddu waxay si raaxo leh u soo gabagabeyneysaa in u sii daynta qoraalka dadweynaha ay kor u qaadayso 'cabbirka isla xisaabtanka' iyo sidoo kale inay hubiso in dadweynuhu 'ku kalsoonaan doonaan maamulka caddaaladda," Karas ayaa qoray.

Waxa uu intaa ku daray in maxkamaddu ay ogolaatay in ka hadlidda Tartaglione ee wax ku qoran warqadda "ay ka uu meesha ka saaray mudnaanta qareenka-macmiilka ee ah in uu ilaaliyo qarsoomidda dokumiintiga".

Guuldarrooyinka amniga ee xabsiga habeenkii Epstein dhintay ayaa lagu xusay warbixin heer federaal ah waxaana jiray warar isdaba joog ah oo ku saabsan sida uu u dhintay.