Maxaa sababay inuu xumaado xiriirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta?

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SOCIAL

    • Author, Axmed Rawaba
    • Role, BBC
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Imaaraadka Carabta waa dalka labaad ee ugu dadka badan Khaliijka Carabta kadib Sacuudiga, iyadoo ay ku nool yihiin in ka badan 11 milyan oo qof. Hase yeeshee, 90% dadkaas waa ajaanib ka kala yimid ku dhowaad 200 jinsiyadood, badankoodna ka yimid Hindiya, Pakistan iyo Bangladesh. Dadka Hindida ah ayaa gaaraya 38.45% ka mid ah dadka dalka.

Dadka haysta jinsiyadda Imaaraadka waxay gaarayaan 1.31 milyan (tirakoob 2025). Raggu waxay ka yihiin 63.8%, halka dumarku yihiin 36.2%, taas oo ay sabab u tahay tirada shaqaalaha ajaanibta ah ee keligood yimaada.

Dakhliga guud ee gudaha (GDP) ee Imaaraadku waa 504 bilyan oo doollar, halka UK ay tahay 3.3 tirilyan. Dakhliga qofkiiba Imaaraadka waa qiyaastii 53,000 doollar.

Dhaqaalaha Imaaraadka wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay shidaalka, oo ka ah 30% GDP-ga iyo 41% dakhliga dowladeed. Waxay soo saaraan 3.38 milyan oo foosto maalintii, kaydkooduna waa 113 bilyan oo foosto.

Heshiisyada Abraham

 Lapid oo qaabilaya bin Zayed

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaarihii hore ee Israa'iil, Yair Lapid, ayaa qaabilaya wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka, Abdullah bin Zayed

Imaaraadka wuxuu sanadkii 2020 saxiixay heshiisyada Abraham si uu xiriir ula sameeyo Israa'iil, isaga iyo Baxreyn, Morocco iyo Sudan. Wuxuu sheegay tallaabadaasi inay ahayd "in la joojiyo in Israa'iil ku darto Dhulka Galbeed".

Ganacsiga labada dal ayaa si weyn u kordhay — laga bilaabo 160 milyan oo doollar 2020 ilaa 2.3 bilyan sanadkii 2023.

Intii lagu jiray dagaalka Qasa, Imaaraadku wuxuu cambaareeyay weerarkii Xamaas ee 7 Oktoobar 2023, wuxuuna ku baaqay xabbad joojin degdeg ah. Ganacsiga Imaaraadka iyo Israa'iil ayaa sii socday, iyadoo dhaqaalaha Imaaraadka uu kordhay 11 boqolkiiba intii u dhaxaysay 2023 iyo 2024.

Xiriirka Iiraan

Mid ka mid ah hay’adaha maaliyadeed ee Iiraan ee dibadda

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Bangiga Saderat ee Iiraan ee Abu Dhabi 2010

Imaaraadku wuxuu ka mid ahaa dalalkii go'doomiyay Qadar 2017 ilaa 2021, isaga oo ay weheliyaan Sacuudiga, Baxreyn iyo Masar, isagoo ku eedeeyay "taageeridda argagixisada" iyo xiriir dhow oo ay la leedahay Iiraan.

Imaaraadku wuxuu dalbanayaa saddex jasiiradood oo Iiraan ay gacanta ku hayso: Abu Musa, Tunb weyn iyo Tunb yar. Muhiimadda jasiiradahani waa inay ku yaallaan Marinka Hormuz, oo uu maro qiyaastii rubuc ganacsiga saliidda ee adduunka iyo sidoo kale gaaska dabiiciga ah iyo bacriminta.

Hase yeeshee, xaqiiqdu waxay tahay in Imaaraadku yahay dalka Khaliijka ugu xiriirka badan Iiraan ganacsi ahaan. Tirakoobyada 2023 iyo 2024 waxay muujinayaan inuu yahay lammaanaha ganacsi ee labaad ee ugu weyn Iiraan kadib Shiinaha.

Ganacsiga labada dal wuxuu kor uga kacay 11 bilyan oo doollar ilaa 24 bilyan 2020/2021. Marka la barbar dhigo, ganacsiga Imaaraadka iyo Maraykanka 2012 ma dhaafin 22 bilyan.

Markii Sacuudigu joojiyay xiriirka Iiraan 2016, Imaaraadku wuxuu hoos u dhigay wakiilladiisa diblomaasiyadeed, balse xiriirka ammaanka iyo dhaqaalaha ayaa dib u xoogaystay 2019.

Calooshood u shaqeystayaasha Yemen

Xarun milatari oo Imaaraadku hore u maamulayay oo ku taalla Hadramout

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Xarun milatari oo Imaaraadku hore u maamulayay oo ku taalla Hadramout
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Imaaraadku wuxuu ku biiray 2015 isbahaysiga milatari ee uu hoggaaminayo Sacuudiga ee Yemen, si looga hortago Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan. Dhulka Imaaraadka ayaa marar badan lala beegsaday gantaallo ay Xuutiyiintu rideen.

Sanadkii 2019 ayuu ku dhawaaqay "ka bixitaanka milatari" ee Yemen. Si kastaba, wuxuu sii hayay "ciidamo gaar ah" oo uu sheegay in ay la dagaallamayaan "argagixisada". Taas macnaheedu waxa uu ahaa inuusan si toos ah uga qeyb qaadan dagaalka lagula jiro Xuutiyiinta.

Baaritaan BBC-du sameysay ayaa muujiyay in Imaaraadku tan iyo 2015 uu shaqaaleysiiyay askar Maraykan ah si ay u fuliyaan dilal siyaasadeed oo Yemen ka dhacay, kuwaasoo inta badan lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyeyaasha xisbiga Islaax.

Imaaraadku wuu diiday dilka shacabka wuxuuna sheegay in hawlgalladiisu ay beegsanayaan Al-Qaacida iyo kooxda Daacish. Si kastaba, baaritaanka BBC wuxuu muujiyay in uu shaqaaleysiiyay xubno hore uga tirsanaa kooxahaas si ay uga mid noqdaan hay'adihiisa ammaanka ee Yemen.

Ka saaridda go'doominta Bashaar Al-Assad

Madaxweynaha Imaaraadka Maxamed bin Zayed iyo Bashaar Al-Assad, 2023

Xigashada Sawirka, Emirates Presidential handout

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Imaaraadka Maxamed bin Zayed iyo Bashaar Al-Assad, 2023

Jaamacadda Carabta waxay sanadkii 2011 hakisay xubinnimada Suuriya, iyadoo ka dalbatay maamulka Bashaar al-Assad inuu "ilaaliyo shacabka" intii ay socotay colaadda.

Laakiin 2018, Imaaraadku wuxuu dib u furay safaaraddiisa Dimishiq. Sanadkii 2020 ayuu Maxamed bin Zayed la hadlay Bashaar al-Assad, isagoo u soo bandhigay caawimaad la xiriirta xanuunka Covid-19.

Sanadkii 2022 ayuu Bashaar al-Assad booqday Imaaraadka — booqashadii ugu horreysay ee dal Carbeed tan iyo markii dagaalku billowday 2011.

Imaaraadku wuxuu si joogto ah u riixayay in Suuriya dib loogu soo celiyo Jaamacadda Carabta, taas oo dhacday May 2023.

Liibiya

Kadib dilkii Muammar Qadaafi 2011, Liibiya waxay gashay dagaal sokeeye. Imaaraadku wuxuu ka mid ahaa dalal taageeray dhinacyo kala duwan.

Sanadkii 2014, diyaarado uu leeyahay Imaaraadka ayaa weeraray maleeshiyaad Islaami ah.

BBC waxay sheegtay in diyaarado aan duuliye lahayn oo Imaaraadku leeyihiin ay dileen 26 arday oo ku jiray dugsi milatari oo ku yaalla Tripoli sanadkii 2020.

Imaaraadku wuu diiday inuu ku lug lahaa faragelin milatari wuxuuna sheegay inuu taageerayo dadaallada nabadda ee Qaramada Midoobay.

Dagaalka sokeeye ee Suudaan

Sudan

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Warbixin ay wakaaladda wararka ee Reuters daabacday ayaa sheegtay in Imaaraadku dhisay xarun milatari oo lagu tababaro kumannaan ka tirsan Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF).

Dawladda Suudaan waxay dacwad ka gudbisay Imaaraatka, iyadoo ku eedaysay ka qeybqaadasho xasuuq. Waxay sheegtay in Imaaraadku siiyo hub iyo rasaas kooxda RSF.

Imaaraadku wuxuu ku tilmaamay eedeymahaas "olole dacaayad ah", maxkamadduna way diidday dacwadda sabab la xiriirta awooddeeda.

Soomaaliya iyo Israa'iil

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bartamihii Janaayo, dowladda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday inay baabi'isay heshiiskii iskaashiga amniga iyo maamulka dekedaha ee ay la saxiixatay Imaaraadka Carabta. Khudbad uu telefishinka ka jeediyay, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay xukuumadda Abu Dhabi inay "ku xadgudubtay madax-bannaanida iyo xorriyadda dalkiisa."

Hadalkaasi wuxuu tixraacayaa aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo ay dowladda federaalka ee Muqdisho u aragto mid jabinaysa midnimada dhuleed iyo madax-bannaanideeda. Soomaalidu waxay aaminsan yihiin in Imaaraadku door muhiim ah ka qaatay tallaabadaas ay qaadday xukuumadda Benjamin Netanyahu.

Bishii Diseembar ee la soo dhaafay, Israa'iil ayaa noqotay dalka ugu horreeya adduunka ee aqoonsada madax-bannaanida Somaliland. B

Xaqiiqdii, shakiga dowladda Soomaaliya ee ku saabsan "doorka shakiga leh" ee Imaaraadka ee arrimaha midnimada dhuleed ayaa soo bilowday 2024. Soomaalidu waxay aaminsan yihiin in Abu Dhabi ay taageertay is-afgarad ay Somaliland la saxiixatay Itoobiya, inkastoo ay ka soo horjeesatay dowladda federaalka ee Muqdisho.

Is-afgaradkaas wuxuu dhigaya in Itoobiya, oo xulafaysi la leh Imaaraadka, ay heli doonto xaq ay uga samaysato saldhig badeed xeebaha Somaliland, isla markaana ay u isticmaasho dekedda Berbera hawlaheeda ganacsi. Beddelkeedana, Addis Ababa waxay aqoonsan doontaa madax-bannaanida Somaliland — tallaabo hore ay u qaadday Israa'iil.

Khilaafka Aljeeriya

Khilaafaadka Aljeeriya iyo Imaaraadku way sii kordheen kadib markii uu xilka ka degay Abdelaziz Bouteflika.

Aljeeriya waxay ku eedaysay Imaaraadka inuu ku faragelinayo arrimaheeda gudaha, isla markaana uu taageerayo jabhado gooni-goosad ah.

"Dagaalka Argagixisada"

Sanadkii 2017, wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka, Abdullah bin Zayed, ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Geneva, isagoo ku dhaliilay hoggaamiyeyaasha Yurub "dabcigooda jilicsan" ee ay u muujiyaan Islaamiyiinta. Wuxuu uga digay in dalalkoodu ay mustaqbalka dhow arki doonaan mowjado xagjirnimo Islaami ah oo ka dhalanaya "jilicsanaantan."

Abdullah bin Zayed ayaa u sheegay hoggaamiyeyaasha Yurub:

"Waqti ayaa iman doona marka aan aragno xagjir iyo argagixiso badan oo ka soo baxaya Yurub, taasoo ay sabab u tahay ka gaabiska iyo dabacsanaanta. Tani waxay ka dhalatay in Yurubiyiintu ay u maleynayaan inay si ka fiican nooga fahmaan Bariga Dhexe iyo Islaamka. Nasiib darro, tani waa jahli weyn."

Faransiiska gudihiisa, Jean‑Luc Mélenchon, hoggaamiyaha xisbiga bidix ee La France Insoumise, ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inuu maalgeliyay warbixin ka digaysa dowladda Faransiiska "in Ikhwaanul Muslimiinta ay ku dhex milmeen hay'adaha dowladda iyo bulshada." Warbixintan ayaa horseedday in baarlamaanka lagu furo baaritaan arrintan ku saabsan.