Maxaa xalay ka dhacay Deyniile?
Iska hor imaad ayaa ka dhacay deegaanka Warlaliska ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo maleeshiyo kasoo horjeeda in dadka laga saaro dhulka dowladda.
Maleeshiyaadka ayaa rasaas kala hortagay ciidanka dowladda oo burburinayay guryaha dadka kadib markii sida ay sheegeen uu dhammaaday waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay inay uga guuraan. Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay 20 kalena way ku dhaawacmeen sida ilo kala duwan ay BBC u sheegeen.
Ka saaridda dadka ee dhulalka dowladda ayaa socotay sanadihii ugu dambeeyay ee dowladda Xasan Sheekh. Dadka qaar ayaa ku doodaya inay guryaha degganaayeen muddo ka badan 20 sano.
Dhulalka qaar ee dowladda ayaa laga iibiyay ganacsato halka qaarna loo celiyay wasaaradihii hore u degganaa sida xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo sida wararku sheegayaan dhismaheeda la dhammeeyay.
Siyaasiyiinta mucaaradka ee fahdigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay isu soo bax dadweyne maalinta Axada ah ee bishu tahay 10-ka.
Dibadbaxa ayay sheegeen in uu yahay mid bini’aadanimo oo looga soo horjeedo barakicin ay sheegeen in lagu sameeyay boqollaal kun oo qof oo daganaa dhullalka danta guud ee magaalada Muqdisho.
Xubnahan mucaaradka ah oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu baaqay saraakiisha ammaanka in aanay hor istaagin dibadbaxa.
Sidoo kale akhri







