TOOS, Mareykanka iyo Iiraan oo duqeymo isweydaarsaday iyo Trump oo sheegay inay xabad-joojinti weli sii jirto

Trump oo sheegay in xabbad-joojinta u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan ay weli sii jirto kadib is-weydaarsi duqeyn kooban oo dhex martay labada dhinac.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Awoodda milatari ee Soomaaliya iyo kaalinta ay gashay sanadkii tegay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Global Firepower Index, oo sanadkiiba mar lagu qiimeeyo ccududda ciidan ee dalalka caalamka, ayaa ah isha ugu weyn ee laga helo xogta milatari ee la aamini karo.

    Qiimayntan ayaa ku salaysan xog laga helay ilo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo, laga soo bilaabo dalalka ugu awoodda badan ilaa kuwa ugu yar. Awoodda ciidan ee waddamada lagu soo daray darajadan laguma qiyaaso oo kaliya inta ay le'eg yihiin cududdooda ciidan iyo hubka ay wataan.

    Liiska shuruudaha loo yaqaan 'Power Index Score', oo ka kooban 50 dhibcood, ayaa loo isticmaalaa si loo go'aamiyo darajadan. Kuwaas waxaa ka mid ah tirada dadka, tirada ciidamada, tirada iyo nooca hubka, kheyraadka dabiiciga ah, awoodda dhaqaale, muuqaalka, iyo kuwa kale.

    Soomaaliya ayaa keliya ka sarreysa saddex dal marka la eego dalalka 145-ta ah ee la qiimeeyay, waxayna ku jirtaa kaalinta 142-aad waana dalka 36aad Afrika marka la eego awoodda militari.

    Dalalka Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku kala jira dalalka ugu awoodda badan caalamka, kuwaas oo kala galay min shan ilaa shan, iyadoo dalalka kale ee reer galbeedka iyo kuwa kaleba ay soo galeen qiimayntan.

  2. Wax ka ogoow gantaalka awoodda cajiibka ah leh ee dalkan Muslimka ah sameystay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gantaal biyo ku dhacaya

    Xarunta Cilmi-baadhista iyo Horumarinta ee Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa soo bandhigtay gantaalkii ugu horreeyay ee qaaradaha isaga goosha ee dalkaasi samaysto, kaas oo loo bixiyay "Yıldırım Han".

    Gantaalka Yıldırım Han ayaa maalintii ugu horreysay lagu soo bandhigay xuska caalamiga ah ee SAHA Expo ee magaalada Istanbuul, kaas oo bilaabmay 5-ta May islamarkaana socon doona ilaa 9-ka May.

    Dhinac ka mid ah gantaalka waxaa ku sawiran astaanta Suldaankii Cusmaaniyiinta Bayezid I, halka qaybtiisa sare ay ku taallo astaanta Mustafa Kemal Atatürk.

    Bayaan uu soo saaray wasiirka difaaca qaranka Turkiga, Yaşar Güler, ayuu ku sheegay in kani yahay gantaalkii ugu horreeyay ee dalka oo ku shaqeeya shidaal dareere ah, isla markaana leh astaamaha gantaallada hypersonic-ga.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in kani uu yahay gantaalkii ugu masaafada fogaa ee ay Turkigu abid sameeyaan.

    Maxaan ka og nahay gantaalkan?

    Ilaa hadda, xogta farsamo ee la heli karo ee ku saabsan gantaalkan waa mid xaddidan.

    Sida ku qoran jaantus la dhigay agagaarka gantaalka lagu soo bandhigay, gantaalka "Yıldırım Han" wuxuu gaadhi karaa masaafo dhan 6,000 kiiloomitir. Waxa ku rakiban afar matoor, wuxuuna ku jari karaa xawaare 25 jeer ka dheereeya guuxa.

    Gantaalkan waxa uu isticmaali doonaa shidaal dareere ah.

  3. Haweeney kashiftay arrin sir u ahayd iyada iyo bilyaneerka caanka ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xubin hore oo ka tirsaneyd guddiga OpenAI ayaa sharraxday sida xiriirkeeda gaarka ah ee aan caadiga ahayn ee ay la lahayd Elon Musk uu ugu dambayn u noqday inay u dhasho afar carruur ah.

    Shivon Zilis ayaa saacado badan ka marag furtay maxkamad federaal ah oo ku taalla Oakland, California Arbacadii, taas oo qayb ka ahayd dacwad uu Musk ku doonayo inuu dib uga noqdo isbeddelka OpenAI ee ku aaddan noqoshada shirkad faa'iido-doon ah.

    Ujeeddada in Zilis ay kasoo muuqato dacwadda marag-furka waxay ahayd doorkeeda tooska ah ee wada-hadalladii hore ee ay la lahayd Musk ee ku saabsanaa in shirkaddu noqoto mid faa'iido-doon ah, iyo sidoo kale sida ay ula shaqeysay Musk isla markaana ay xiriir ula yeelatay intii ay talo bixin siinaysay OpenAI.

    "Weli si dhab ah ayaan u doonayay inaan noqdo hooyo, Elon-na wuxuu ii soo bandhigay arrintaas waqtigaas, aniguna waan aqbalay," ayay tiri, iyadoo sharraxaysa in Musk sannadkii 2020 uu u soo bandhigay inuu ugu deeqo shahwo.

    "Wuxuu dadka ku xeeran dhammaantood ku dhiirrigelinayay xilligaas inay carruur dhalaan, wuxuuna ogaaday inaanan anigu lahayn carruur. Wuxuu ii soo bandhigay inuu deeq bixiyo," ayay Zilis tiri.

  4. Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Iiraan iyo Aayatulla Mojtaba Khamenei?

    Mojtaba

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in uu la kulmay hoggaamiyaha cusub ee sare, Mojtaba Khamenei.

    Pezeshkian ayaa kulanka ku tilmaamay “mid dheer oo qaatay ku dhowaad laba saac iyo badh, kana dhacay jawi wanaagsan,” sida ay baahisay wakaaladda rasmiga ah ee wararka Iiraan ee IRNA.

    Pezeshkian ayaa hadalladan sheegay intii uu kulan kula jiray ganacsato ka tirsan Wasaaradda Warshadaha, Macdanta iyo Ganacsiga, halkaas oo madaxweynaha dalku uu ku ammaanay habka fikirka ee hoggaamiyaha cusub iyo sida uu ula tacaalo arrimaha kala duwan.

    Pezeshkian ma uusan sheegin goorta uu kulankani dhacay, balse hadalkiisa ayaa leh muhiimad gaar ah maaddaama xogta ku saabsan hoggaamiyaha cusub tan iyo markii uu xilka qabtay ay si weyn qarsoodi u ahayd — gaar ahaan iyadoo ay jireen warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan dhaawacyo culus oo soo gaaray, iyo su’aalo laga keenay cidda dhab ahaantii maamusha arrimaha dalka.

  5. CENTCOM: ''Iiraan ayaa weerarka bilowday''

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in Iiraan ay weerartay maraakiibtooda dagaalka ee badda xilli ay marayeen marinka Hormuz kuna sii jeedeen Gacanka Cumaan, balse ciidammadoodu “ay ka hortageen weerarrada aan sababta lahayn ee Iiraan” islamarkaana ay uga jawaabeen is-difaac ahaan.

    CENTCOM ayaa bayaan ku yiri: “Ciidamada Iiraan waxay fuliyeen weerarro badan oo isugu jiray gantaallo, diyaarado aan duuliye lahayn iyo doomo yaryar, xilli ay maraakiibta USS Truxton (DDG 103), USS Rafael Peralta (DDG 115) iyo USS Mason (DDG 87) marayeen biyaha caalamiga ah.”

  6. Iiraan oo war ka soo saartay weerar la sheegay in Maraykanku uu ku qaaday maraakiibteeda

    Taliska Khatam al-Nabiyya oo mas’uul ka ah maareynta dagaalka ee Iiraan, ayaa soo saaray bayaan saacad kaddib markii ay soo baxeen warar ku saabsan weerarro iyo is-weydaarsi rasaas ah oo ka dhacay agagaarka marinka Hormuz, isagoo weerarrada ku tilmaamay “kuwo xadgudub ku ah xabbad-joojinta ah.”

    Bayaan-ka ayaa lagu yidhi: “Ciidammada gardarrada iyo burcadda ah ee Mareykanka ayaa jebiyay xabbad-joojinta iyagoo beegsaday markab shidaal oo Iranian ah oo ka soo dhaqaaqay biyaha xeebaha Iiraan ee gobolka Jask kuna sii jeeday marinka Hormuz, iyo sidoo kale markab kale oo galayay marinka Hormuz meel ku beegan dekedda Fujairah ee Imaaraadka Carabta.”

    Markab

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  7. War deg deg ah, Qaraxyo iyo dhawaqa difaaca cirka oo laga maqlay galbeedka Tehraan

    Warar dhowr ah oo laga helayo dadka deggan Tehraan ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo iyo rasaasta difaaca cirka xilli habeenkii Khamiista ah.Wakaaladda wararka dawladda ee IRNA ayaa qortay: “Kaddib laba qarax oo waaweyn, waxaa muddo dhowr daqiiqo ah si xidhiidh ah looga maqlayay rasaasta difaaca cirka, gaar ahaan galbeedka Tehraan.”

  8. War deg deg ah, Is rasaasayn ka dhacday jasiirsad ku taalla Iiraan - Warbaahinta Iiraan

    Kaddib markii warbaahinta Iiraan ay baahiyeen wararka ku saabsan qaraxyo laga maqlay agagaarka Bandar Abbas iyo jasiiradda Qeshm, wakaaladda wararka ee Fars ayaa hadda sheegtay in baaritaannadeedu muujiyeen in “qaybaha ganacsiga ee dekedda Bahman ee Qeshm la bartilmaameedsaday intii uu socday is-weydaarsiga rasaasta ee u dhexeeyay ciidamada hubeysan ee Iiraan iyo 'kuwa cadowga.'

    Hay’adda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran ayaa sidoo kale sheegtay in “qaraxa ka dhacay dekedda Bahman ee Qeshm uu dhacay intii lagu jiray is-weydaarsiga rasaasta ee u dhexeeyay ciidamada Iran iyo 'cadowga.'

    Sida ay sheegtay Hay’adda Warbaahinta Iiraan, dhismaha xafiisyada ee dekeddan ayaa ahaa bartilmaameedka weerarka.

    Wakaaladda Fars ayaa sidoo kale soo xigatay “sarkaal ciidan oo xog ogaal ah” oo fiidkii Khamiista sheegay: “In ciidammada Maraykanku ay weerar ku qaadeen markab shidaal oo ay Iiraan leedahay, cutubyadii cadowga ee weerarka ka waday marinka Hormuz ayaa waxaa lagu garaacay gantaallo, waxaana lagu qasbay inay dib u gurtaan kaddib markii ay waxyeello soo gaadhay,” ayaa uu yidhi.

  9. Iiraan oo ka fiirsanaysa farrimaha kaga imanaya Pakistan

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iraan, Esmail Baqai, ayaa wakaaladda wararka dowladda ee IRNA u sheegay in Iran ay dib u eegayso farriimaha uga imanaya dhinaca Pakistan isla markaana “aysan weli wax jawaab ah siin Maraykanka.”

    Xilli sii horraysay, saraakiil Pakistani ah ayaa sheegay in ay sugayaan jawaabta Iran ee ku saabsan soo-jeedimaha cusub ee Mareykanka.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Tahir Andrabi, ayaa Khamiistii muujiyay rajada ah in heshiis u dhexeeya Maraykanka iyo Iran dhawaan la gaadhi doono.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  10. Warbaahinta Iiraan oo tebisay in qaraxyo laga maqlay Bandar Abbas iyo Qeshm

    Wakaaladaha wararka ee Fars iyo Tasnim ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay agagaarka Qeshm iyo Bandar Abbas.

    Ilaa hadda lama sii deyn wax faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca iyo sababta qaraxyadan.

  11. Maraykanka oo si kulul u cambaareeyay qorshaha cusub ee Iiraan ee Hormuz

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii bilaabay wada-hadallo albaabbadu u xidhan yihiin oo ku saabsan qaraar ay diyaariyeen Maraykanka, Bahrain, Saudi Arabia, Imaaraadka, Kuwayt iyo Qadar.

    Khamiistii, shir jaraa’id oo ka dhacay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wakiillo ka socday Maraykanka, Bahrain, Saudi Arabia, Imaaraadka, Kuwayt iyo Qadar ayaa ku baaqay in la joojiyo hanjabaadaha Iran ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee marinka badda.

    Mike Waltz ayaa cambaareeyay wararka sheegaya in Iran ay sameyneyso “Hay’adda Marinka Gacanka Faaris” oo ay doonaysa inay canshuur ku soo rogto maraakiibta mara biyahaas.

  12. Jarmalka oo eed culus u jeediyey Donald Trump

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Wasiirka maaliyadda ee Jarmalka, Lars Klingbeil, ayaa ku eedeeyay waxa uu ku tilmaamay “dagaalka mas’uuliyad darrada ah ee Donald Trump ka wado Iran” inuu sabab u yahay hoos u dhac weyn oo ku yimid dakhliga canshuuraha ee la filayay.

    Guddi khubaro canshuureed ah ayaa dhimay qiyaastii dakhliga la filayay sannadaha ilaa 2030 in ka badan boqol bilyan oo dollar marka loo barbardhigo saadaashii hore.

    Khasaaraha sanadkan kasoo gaaray canshuuraha federaalka, kuwa gobollada iyo kuwa dowladaha hoose ayaa lagu qiyaasay ku dhowaad saddex iyo toban bilyan oo dollar.

    Dowladda isbahaysiga ee Jarmalka ayaa la daalaa dhacaysa sidii ay u kobcin lahayd dhaqaalahooda oo sannado badan hakad ku jiray. Hase yeeshee, Klingbeil wuxuu sheegay in dhaqdhaqaaqii wanaagsanaa ee dhaqaalaha uu gaabis noqday sababo la xidhiidha colaadda Iran

  13. Jaamacadda bilowday barashada sirdoonimada ee ku dhex taalla guryaha duqa ah

    Bare-sare Zawie Kerteh ayaa qirtay in aanu garanayn magacyada dhabta ah ee qaar badan oo ka mid ah ardaydiisa.

    Xaaladdan ayaa ah mid aan caadi ahayn marka la eego dunida tacliinta, laakiin shaqadiisa macnaheedu maaha in ay tahay mid caadi ah.

    Wuxuu tababaraa basaasiinta Faransiiska.

    "Waa naadir in aan ogaado taariikhda basaasiinta ee loo soo diray koorsadan, waxaana shaki ka qabaa in magacyada la ii sheegay ay xitaa dhab yihiin," ayuu yiri.

    Haddii aad rabto inaad abuurto goob loogu talagalay dugsi basaasnimo, xerada Sciences Po Saint-Germain ee ku taal duleedka Paris waxay noqonaysaa doorasho wanaagsan.

  14. Laba shaqaale oo reer UK ah oo lagu helay in ay basaas u ahaayaan dalka Shiinaha

    .

    Xigashada Sawirka, Metropolitan police

    Sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka ee Britain ayaa lagu helay dambi ah inuu u shaqaynayay sirdoonka Shiinaha, isagoo qayb ka ahaa waxa lagu tilmaamay “hawlgal booliis oo qarsoon”.

    Chi Leung Wai oo sidoo kale loo yaqaan “Peter” Wai, 40 jir ah, ayaa isticmaalay qalabkiisii iyo fursadddiisi ee uu u lahaa nidaamka kombiyuutarrada ee Xafiiska Arrimaha Gudaha si uu ula socdo mucaaradka Hong Kong ee ku nool Britain, isaga oo adeegsanaya keydka xogta socdaalka.

    Waxaa lagu helay dambi hoos yimaada sharciga amniga qaranka ee Britain, kaas oo ah in uu caawinayay adeeg sirdoon oo shisheeye, isaga iyo Chung Biu Yuen oo 65 jir ah, oo isna xidhiidhiyihiisii ugu horreeyay ee maamulka Hong Kong.

    Wai sidoo kale waxaa lagu helay dambi ah ku takri-fal awoodeed isagoo haya xil dowladeed.

    Safiirka Shiinaha ee Britain, Zheng Zeguang, ayaa loogu yeedhay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain kadib markii labada nin lagu helay dambiyadaas.

  15. Saaxafadda oo weli sugaysa in ay galaan shirkii Jaraa'id ee Trump iyo Madaxweynaha Brasil

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweyne Donald Trump iyo dhiggiisa Brazil Luiz Inácio Lula da Silva ayaa weli kulan albaabadu u xiran yihiin ku leh Aqalka Cad, iyadoo aan wali si rasmi ah loo ogeyn waxa ka socda gudaha Xafiiska Oval-ka ama heerka ay warbaahintu u heli doonto kulanka.

    Aqalka Cad ayaa weriyeyaashii safka ugu jiray inay galaan Xafiiska Oval-ka ku wargeliyay inay hadda kala tagi karaan, iyadoo saxaafadda lagu wargeliyay inay heegan sii ahaadaan si loogu soo gudbiyo wixii faahfaahin cusub ah ee ku saabsan waqtiga ama helitaanka kulanka.

    Lula ayaa Aqalka Cad yimid in ka badan hal saac kahor, waxaana markii hore la filayay in labada hoggaamiye ay la hadlaan warbaahinta isla markaana ay ka jawaabaan su’aalo. Si kastaba, ilaa hadda wax war ah lagama hayo in saxaafadda loo oggolaan doono inay goob joog ka noqoto kulanka ama ay wax su’aalo ah weydiiso labada madaxweyne.

  16. Madaxweynaha Brasil oo la kulmay Trump xilli khilaaf weyn u dhexeeyey

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Donald Trump ayaa Aqalka Cad ku soo dhaweeyay madaxweynaha Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva. Kulankan oo lagu tilmaamay mid shaqo oo ay isugu yimaadeen laba hoggaamiye oo aragti ahaan aad u kala fog, ayaa lagu doonayaa in lagu xoojiyo heshiis daciif ah oo la gaadhay kadib markii Madaxweyne Trump uu canshuuro 50% ah ku soo rogay inta badan badeecadaha Brazil.

    Trump wuxuu tallaabadaas ku sheegay inay jawaab u tahay dacwad lagu soo oogay saaxiibkiisa, madaxweynihii hore ee midigta fog ee Brazil Jair Bolsonaro, oo markii dambe lagu helay dembi la xidhiidha isku day afgambi oo ka dhan ah Lula.

    Amniga, ganacsiga, iyo macdanta muhiimka ah ayaa la filayaa inay noqdaan qodobada ugu waaweyn ee miiska saaran.

  17. Maxay WHO ka tidhi xanuunka Hantavirus ee adduunka welwelka ka abuuray?

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    WHO, ayaa madaxdeedu maanta shir jaraaid qabteen, halkan waxaan ku soo koobaynaa wixii uu ku saabsanaa

    • Tani ma aha faafitaan kale oo sidii Covid ah. WHO waxay sheegtay in hantaviruses-ku ay “si aad u kala duwan yihiin” faafitaan ahaan, isla markaana ay u baahan yihiin xidhiidh muddo dheer ah si ay u gudbaan.
    • Shan ka mid ah siddeed kiis oo la tuhunsanaa waa la xaqiijiyay – dhammaan siddeeda qof waxay ahaayeen dad saarnaa markabkii laga helay.
    • Kiisas cusub ayaa laga yaabaa in la soo sheego. Maadaama muddada uu cudurkani ku qarsoon yahay (incubation period) ay gaadhi karto ilaa lix toddobaad, waxaa suurtagal ah in kiisaska hantavirus-ku ay sii kordhaan.
    • Khatarta caafimaadka dadweynaha waa mid hooseysa. Agaasimaha guud ee WHO wuxuu sheegay in tani sidoo kale khuseyso Jasiiradaha Canary-ga, halkaas oo markabku uu hadda ku sii jeedo.
    • Baadhitaan ayaa socda. WHO waxay sheegtay in lammaanihii ugu horreeyay ee cudurka qaaday ay booqdeen meelo “ay joogeen noocyada jiirka ee sida caadiga ah u sida fayraska”. Baadhitaanka faafitaanka cudurkan “wali waa socdaan”.
  18. Askari Israel ah oo lagu haysto in uu sawir anshax darro ku galay taallo muhiim ah oo ku taal Lubnaan.

    .

    Xigashada Sawirka, Social Media

    Ciidamada milatariga Israel ayaa sheegay inay baadhayaan sawir lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinaya askari sigaar cabbaya isla markaana sigaar kale afka u gelinaya taallo caan ah oo Lubnaan ku taalla. Taalladan ayaa lagacaabaa Mary, ama Maryam, hooyadii Nebi Ciise.

    Dhacdadan ayaa la sheegay inay ka dhacday tuulada Debel ee koonfurta Lebanon, halkaas oo bishii hore askari Israa’iili ah lagu sawiray isagoo dubbe weyn wejiga kaga garaacaya taallo kale.

    Israel Defense Forces (IDF) ayaa sheegtay in sawirka ugu dambeeyay la qaaday dhowr toddobaad ka hor, waxayna ku tilmaantay dhacdada “mid gebi ahaanba ka hor imaanaysa qiyamka laga filayo askarteeda.”

    Kiiskii dubbaha weyn, askariga falka sameeyay iyo askari kale oo sawiray dhacdada ayaa lagu xukumay 30 maalmood oo xabsi ciidan ah, kadib cambaareyn caalami ah oo ka dhalatay falkaas.

  19. Madaxweynaha Paraguay oo difaacay xidhiidhka dalkiisu u la leeyahay Taiwan

    Madaxweynaha Paraguay Santiago Peña ayaa jeediyay khudbad adag oo uu ku difaacayay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dalkiisu la leeyahay Taiwan.

    Santiago Peña ayaa la hadlayay arday jaamacadeed intii uu booqasho rasmi ah ku joogay Taipei.

    China ayaa Taiwan u aragta gobol ka go’ay dalkeeda, waxayna ugu baaqday Paraguay inay jarto xidhiidhka ay la leedahay jasiiradda, iyadoo sheegtay in tallaabadaasi ay dalka gelin doonto “dhinaca saxda ah ee taariikhda”.

    Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Peña ayaa sheegay in labada dhinac ay wadaagaan saaxiibtinimo ku dhisan dimuqraadiyad, xorriyad, kalsooni lagu qabo hay’adaha dowladda, iyo shaqada adag ee hayaan.

  20. Jamaacadda Cammuud oo qabatay toddobaad lagu weynaynayo dhaqanka Soomaalida

    Jaamacadda Cammuud ayaa toddobaadkan qabatay munaasabadda Toddobaadka Dhaqanka, sida lagu baahiyay boggeeda Facebook. Jaamacadda ayaa sheegtay in munaasabadda ay ahayd mid lagu soo bandhigay bilicda hiddaha iyo dhaqanka, isla markaana lagu weynaynayay aqoonta iyo asalnimada bulshada.

    Jaamacadda Camuud ayaa sidoo kale xustay in “dhaqanku yahay aqoonsiga qofka, aqoontuna tahay iftiinka nolosha,” iyadoo munaasabadda lagu soo afmeeray dabaal-deg iyo bandhigyo dhaqameed kala duwan.Halkan sawirro ka daalaco

    .

    Xigashada Sawirka, Jaamacadda Cammuud

    .

    Xigashada Sawirka, Jaamacadda Cammuud

    .

    Xigashada Sawirka, Jaamacadda Cammuud

    .

    Xigashada Sawirka, Jaamacadda Cammuud

    .

    Xigashada Sawirka, Jaamacadda Cammuud

    .

    Xigashada Sawirka, Jaamacadda Cammuud