Mala socotaa inay jiraan taageerayaal la siinayo $50,000 si ay u daawadaan ciyaar kasta oo Koobka Adduunka ah?

Koobka Adduunka
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Koobka Adduunka ayaa si xowli ah u socda, iyadoo lix kulan la ciyaarayo maalin kasta ilaa uu ka dhammaanayo wareegga guruubyada, taasoo ka dhigaysa daawashadiisu shaqo waqti-buuxa ah u baahan.

Taasi dhab ahaantii waa shaqada ay qabtaan imika Kevin Akoto iyo Austin Franklin, kuwaas oo midkiiba la siinayo $50,000 si ay u daawadaan dhammaan 104-ta kulan ee Koobka Adduunka.

BBC-da ayaa la kulantay labada taageere kubbadda cagta ah wax yar ka dib toddobaad markii ay bilaabeen shaqadooda cusub ee "Chief World Cup Watchers" ee Fox One, si ay u ogaato sida ay waayo-aragnimadoodu u socoto.

Way adag tahay in aan la arkin qolkooda muraayadda ka samaysan ee gaarka ah, kaas oo ku yaalla bartamaha Times Square ee magaalada New York, halkaas oo taageerayaashu ay ka daawan karaan. Gudaha waxaa yaalla kuraas lagu nasto, fadhiyo maqaar bunni ah ka sameysan, laba telefishan oo waaweyn iyo xitaa miis kubbadda cagta lagu ciyaaro.

Sidoo kale waxaa ku jira qalab badan oo la xiriira kubbadda cagta iyo cuntooyin fudud, si meeshaasi ugu ekaato goob taageere dhab ah leeyahay.

Kevin ayaa BBC-da u sheegay: "Waxay u egtahay riyada qof kasta oo 20 jir ah; haddii aad wax kasta gelin karto qolkan, tani waa sida uu u ekaan lahaa meel uu taageere kubbadda cagta ahi jeclaan lahaa."

Kevin, oo ah cunto kariye ka shaqeeya Florida, iyo Austin, oo ah nin saameeyn ku leh baraha bulshada kana soo jeeda gobolka ka soo jeeda Philadelphia, ayaa ka adkaaday kumannaan qof oo kale si ay shaqadan u helaan.

Shaqadani ma aha oo kaliya inay daawadaan kulan kasta, balse sidoo kale waxay u baahan tahay inay taageerayaasha u sameeyaan waxyaabo iyo muuqaallo ay ku raaxaystaan.

Iyadoo ay weli toddobaadyo badan ka harsan yihiin tartanka, labada nin waxay sheegeen inay isku dayayaan inay si taxaddar leh u maareeyaan tamartooda oo aysan daal badan dareemin.

"Anigu waan yara daalay, Austin-na sidoo kale wuu yara daalay, markaa hadda waxaan baranaynaa sida aan ula jaanqaadi lahayn wax kasta oo socda," ayuu yiri Kevin.

Garoonka Los Angeles wuxuu martigeliyaa sideed kulan,Koobka Adduunka 2026

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Austin-na wuu ku raacay, isagoo khibraddan la barbar dhigay xerooyinka xagaaga, halkaas oo maalmahu ay isu ekaadaan oo ay adag tahay in la kala garto.

"Waqti dheer oo dulqaad badan u baahan. Shaqadu way fududahay marka la eego inaan kursi ku fadhiyo oo aan kubbad daawanayo, laakiin haddana way daal badan tahay. Waxaan hubiyaa inaan helo siddeedda saacadood ee hurdada ah marka aan awoodo," ayuu yiri Austin.

Nasiib wanaag, shaqadoodu kuma qasbayso inay seexdaan qolka muraayadda ah ee ku yaalla Times Square, sidaas darteed waxay awoodaan inay baxaan marka shaqadoodu dhammaato si ay u nastaan uguna diyaar garoobaan maalinta xigta.

Labadan nin waxay horeyba u soo arkeen dhacdooyin taariikhi ah. Waxay goob joog u ahaayeen markii Lionel Messi uu jabiyay rikoodhka gooldhalinta ugu badan ee taariikhda Koobka Adduunka, xilli ay cunayeen hilib duban oo ay inta badan cunaan dadka reer Argentin.

Mid kale oo ka mid ah faa'iidooyinka shaqadan ayaa ah in loo diyaariyo cuntooyin ka yimaadda dalalka ka qaybgalaya tartanka.

Inta u dhexeysa kulamada, waxay sidoo kale heleen fursad ay kula kulmaan taageerayaal badan, sida kumannaan reer Brazil ah oo buux dhaafiyay Times Square.

Aaggaasi oo ah goob dalxiis oo caan ah ayaa noqday meel ay ku soo qulqulaan dadka u soo daawasha tagay Koobka Adduunka, waxaana ka mid ahaa taageerayaal reer Norway ah oo halkaas ku soo bandhigay dabaaldeggooda caanka ah ee loo yaqaan "Viking rowing celebration."

Austin wuxuu sheegay in qaybta uu ugu jecel yahay shaqadan ay tahay la kulanka taageerayaal ka kala yimid daafaha dunida iyo inay ka wada hadlaan kubbadda cagta, dhaqamada kala duwan, iyo sida ay u arkaan una waayo-aragnimadooda Maraykanka.

"Waxa ugu yaabka badan ayaa ah sidaaan marar badan u illoobo inaan joogo Times Square iyadoo dadku i daawanayaan,mararka qaar waxaan ciyaarta daawanayaa 10 ilaa 15 daqiiqo oo si buuxda ayaan ugu dhex milmaa, dabadeed markaan dhinacayga midig eego waxaan arkaa Kevin iyo dhammaan dadka ku wareegaya Times Square, markaas ayaana xusuustaa meesha aan joogo," ayuu yiri.

Marka laga hadlayo saadaashooda tartanka:

Kevin wuxuu aaminsan yahay in xulka qaranka Spain ay ku guuleysan doonto koobka dahabka ah, inkastoo uu taageerayo xulka Mareykanka iyo maadaama uu asal ahaan xiriir la leeyahay dalalkaas.

Austin-na wuxuu xirtaa funaanadda xulka qaranka Norway, ma aha sababo shaqsiyeed darteed, balse wuxuu la dhacay qaabka ay u ciyaarayaan kooxdaasi iyo weeraryahanka Erling Haaland ee kooxda Manchester City.

"Way fududahay in la yiraahdo Spain ama Fransiiska ayaa koobka qaadaya, laakiin waxaan u malaynayaa in Norway ay aad ugu dhowdahay inay heerkaas gaarto. Haddii arrimuhu si wanaagsan ugu dhacaan, waxaan si dhab ah u arki karaa iyagoo koobka gurigooda geeya," ayuu yiri Austin.

Si kastaba ha ahaatee, dadka daawanaya arrintan fikrado kala duwan ayay ka qabaan in ay jeclaan lahaayeen shaqadan iyo in kale.

Taageeraha Norway ee Eimund Liland oo 52 jir ah iyo gabadhiisa 15-jirka ah, Camille Liland, waxay aaminsan yihiin in daawashada dhammaan 104-ta kulan ay noqon karto wax aad u badan ama xad-dhaaf ah.

Sidoo kale, Matthew Mendez oo 18 jir ah ayaa BBC-da u sheegay in waqtigaas lagu qaato saaxiibbada ama qoyska uu yahay hab ka wanaagsan oo lagu raaxaysan karo Koobka Adduunka.

Laakiin Miguel Sanchez oo 20 jir ah ayaa aamini waayay nasiibkooda.

"Waa maxay? Xitaa way ka wanaagsan tahay inaad shakhsi ahaan u tagto, oo lacag lagu siiyo daawashada Koobka Adduunka, taasi waa wax waali ah, taasi waa wax waali ah."