Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Dhacdo"Maxay qoyskaygu iiga qariyeen cidda aan ahay?"
"Inaad madow tahay waad ogtahay, sow maaha?" Gabadhii su'aasha weydiisay waxay u haysatay kaftan. Sidee bay Lacy ugu qarsoomi kartaa wax qof walba u cad?
"Eeg dibnahaaga, eeg timahaaga. Adigu madow baad tahay. Mid ka mid ah waalidkaa waa madow, keebaa?" ayay gabadhii ku adkaysatay.
Laakiin Lacy Tezino, erayadaas waxay ugu dhaceen sida fallaartii oo kale.
Inay madow tahay marnaba ma ogayn; waxay ku kortay Vidor, oo ah magaalo ku taalla Texas oo taariikhdeedu cunsuriyad ku suntan tahay.
Iyadoo diyaar u ahayd inay mustaqbalka eegto, ee aanay dib u eegin wixii hore u soo maray, markii gabadhii da'da yarayd ay jaamacadda gashay, daqiiqadaas ayaa nolosheeda gebi ahaanba bedeshay.
Lacy hooyadeed marnaba ma arag. Qoyskeedu waxay u sheegeen in hooyadeed ay mukhaadaraad isticmaali jirtay, isla markaana ay u dhimatay cudur la xiriira HIV iyadoo Lacy ay weli ilmo yar tahay. Waxay kaloo u sheegeen in hooyadeed ay asal ahaan ka soo jeedo Hawaii, si ay ugu sharaxaan sababta muuqaalkeedu uga duwan yahay kan carruurta adeerkeed iyo eedooyinkeeda.
"Mar kasta oo aan sawirkeeda sawiro, waxaan timaha ugu xidhi jiray ubax; waayo markii aan Hawaii ka fikiro, ubax baan la xiriiriyaa."
Aabbaheed Ronny, ka dib markii kansar ku dhacay, wuxuu Lacy yaraanteedii ka soo kaxeeyay Houston, wuxuuna u geeyay Vidor si ay ula noolaato waalidkiis. Aabaheed wuxuu geeriyooday markii Lacy ay lix jir ahayd.
Laakiin inkastoo ay labadeeda waalid lumisay, had iyo jeer waxay dareemi jirtay in qoyskeeda caddaanka ahi ay si diiran u soo dhoweeyeen; waxayna jeclaan jirtay inay la ciyaarto carruurta adeerkeed iyo eedooyinkeeda.
"Guri ilaa guri ayaan u wareegi jiray... Qof walba wuxuu doonayay inuu ila ciyaaro... Hadiyado ayay i siin jireen, jacayl iyo daryeel badan baa la ii muujin jiray."
Si kastaba ha ahaatee, had iyo jeer waxay la socotay dareen aan raaxo lahayn. Markii Lacy ay 17 jir ahayd, "nin madow oo dheer oo madaxa xiiran" ayaa garaacay albaabka gurigooda, wuxuuna yiri hooyadeed weli way nool tahay.
Awoowayaasheeda Lacy waxay u sheegeen in ninkaasi uu been sheegayo. Inkastoo arrintaasi ay Lacy aad uga xanaajisay oo ay si buuxda u jahwareerisay, waxay isku dayday inay dhacdada maskaxdeeda ka saarto.
Laakiin markii ay Jaamacadda Houston gashay, Lacy oo ku hadlaysa lahjad xooggan oo reer miyi ah, waxay gebi ahaanba ruxday waxa ay ka aaminsanayd aqoonsigeeda. Saddexda arday ee Afrikaan-Mareykan ah ee la noolaa, ma rumaysan karin in aabaheed uu caddaan yahay oo hooyadeed ay ka soo jeedo Hawaii.
"Arrintan inaan rumaysno ayaa nagu adkaatay. Wayna naga murugootay" ayay tiri. "Sida ay sheegeen, hadafkooda shaqsiyeed ee nolosha wuxuu noqday inay iga caawiyaan inaan wax walba garto."
Markii ay weydiisay xubnaha qoyskeeda sababta aan loogu sheegin aqoonsigeeda dhabta ah, waxay ku jawaabeen, "Adigu waxaad tahay xubin qoyska ka mid ah... Waxaan u maleynay inaanan wax gaar ah sameyn."
Mararka qaar waxay ogaatay in carruurta adeerkeed iyo eedooyinkeeda ay la dagaallami jireen kuwa ku caaya aflagaado cunsuriyeed.
Lacy hadda waxay aaminsan tahay in awoowayaasheeda ay runta ka qariyeen iyagoo u maleynaya inay ilaalinayaan.
Maalin maalmaha ka mid ah, markii ay la hadlaysay ayeeyadeed, waxaa loo sheegay in la aqbali doono haddii ay guriga la timid saaxiib madow ah. "Runtii waxay isku dayaysay inay noqoto mid aad u wanaagsan; waxayna isku dayaysay inay muujiso inay leedahay aragti furan" ayay tiri.
Laakiin markii ayeeyadeed ay wargeys akhrinaysay oo ay isticmaashay aflagaado cunsuriyeed, ayay tiri inay xanaaqday; waxayna xasuusataa inay tiri, "Hortayda hadal noocan oo kale ah ha ku hadlin."
Ka dib markii ay iyadoo ooyaysa qolka ka baxday, wuu raacay oo raalli gelin weydiistay.
"Kani waa ayeeyaday i korsatay oo nolosheyda oo dhan i daryeeshay. Wuxuuna ii yiri, 'Aad baan uga xumahay, mar dambe ma dhici doonto.' Runtiina wixii ka dambeeya mar dambe kuma celin."
Hooyadeed waxay ku noolayd meel u jirta saacad wadis ah meesha ay ku noolayd.
Isla maalintaas markii ay baabuur wadisay si ay ula kulanto, waxay aragtay isla ninkii dhowr sano ka hor gurigooda u yimid oo la jooga hooyadeed; wuxuuna ahaa saaxiibka hooyadeed.
Laakiin indhaheedu waxay diiradda saareen oo kaliya hooyadeed Elizabeth.
"Waxay ahayd qofka ugu quruxda badan ee aan waligey nolosheyda ku arko... Salaan isma aysan waydaarsan, waxna ma aysan oran; waxaan kaliya isku duubnay oo ooyaynay."
Ka dib wada hadalladii isdaba jooga ee ka dhacay, Lacy waxay ogaatay in Ronny uusan ahayn aabaheed dhalay ee uu ahaa kii korsaday.
Ronny wuxuu ahaa saaxiibka hooyadeed markii hooyadeed ay ku cabaysay baar ku yaal Houston. Hooyadeedna waxay Ronny u sheegtay inay uuraysatay nin Afrikaan-Mareykan ah oo ah darawal baabuur xamuul ah oo ay qorsheynaysay inay ilmaha iska soo rido. Ronny wuxuu u sheegay inuu had iyo jeer rabay inuu ilmo dhalo.
Markaa labadoodu way heshiiyeen. Ronny wuxuu ka caawin doonaa hooyadeed inay ka baxdo qabatinka mukhaadaraadka oo ay ku noolaato nolol nadiif ah, wuuna daryeeli doonaa. Ka dibna wuxuu si sharci ah u qaadan doonaa ilmaha ay dhalayso.
Lacy laakiin ilaa waqtigaas ma aysan ogeyn in la korsaday.
Waqtigaas waxay cafisay qoyskeeda.
"Waa inaad waalidkiinna ku eegtaan naxariis weyn iyo cafis; sababtoo ah iyaguna waxay ahaayeen dhalinyaro isku dayaya inay helaan jidkooda sida annaga oo kale" ayay tiri.
Waqtigan xaadirka ah, diiraddeedu, xirfadeeda iyo nolosheeda gaarka ahba, waa inay ka caawiso dadka inay xalliyaan dhibaatooyinka ay kala kulmaan xiriirka hooyada iyo ilmaha iyo inay burburiyaan caqabadaha iyo kala duwanaanshaha u dhexeeya dadka.
SAWIR - Qoysaska Lacy ee abtirsiin kala duwan leh
Ayeeyadeed oo Lacy ku korsatay aag ay caddaanka oo kaliya ku nool yihiin, ka dib markii duufaan ay gurigooda burburisay, waxay u yimaadeen inay la noolaadaan qoyska madow ee Lacy ee ku nool Houston.
Sida Lacy ay sheegtay, markii ugu horeysay waxaa jiray dooddo; sababtoo ah waqtigaas Mareykanka waxaa ka dhacayay "waxyaabo badan" oo ku saabsan arrimaha jinsiyadda.
Inkastoo Lacy ay isku daydo inay si dulqaad leh u aqbasho qaar ka mid ah aragtida ayeeyadeed iyada oo u tixgelinaysa ayeeyadeed, isla markaana waxay tiri waxay rabtaa inay carruurteeda tusto "waan ku faanaynaa; nafteena ayaan difaacnaa."
Laakiin ka dib qaar ka mid ah "wadahadallo waxtar leh oo qurux badan", ayeeyadeed markii ay 86 sano jirtay waxay noqotay xubin dhexe oo qoyska ka mid ah.
"Gabadhaydu waa lix sano jir; saaxiibkeeda ugu dhow waa ayeeyaday."
"Labadooduba waxay ku fadhiyaan fadhiga iyagoo cunaya jalaato; waxayna daryeelaan dhirta guriga gadaashiisa ku taal."
"Tani runtii waa wax aad u qurux badan."