Ilaalada Kacaanka Iran oo soo bandhigay "magaalo dhulka hoostiisa ku taalla oo ay Gantaallo ku keydsan yihiin"

    • Author, فرزاد صیفی‌کاران
    • Role, راستی‌آزمایی بی‌بی‌سی
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Talaadadii, 9-kii Nofeembar, baahisay sawirro ay ku sheegtay inay muujinayaan "magaalo cusub oo dhulka hoostiisa ah oo gantaallada lagu keydiyo" oo ay leeyihiin ciidamada cirka iyo hawada sare ee Ilaalada Kacaanka.

Sawirrada ayaa sidoo kale muujinaya taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Iran, Ali Abdollahi, oo ah taliyaha saldhigga Khatam al-Anbiya, isaga oo booqanaya xaruntaas, waxaana la socday Majid Mousavi oo ah taliyaha ciidamada cirka iyo hawada sare ee Ilaalada Kacaanka.

Sida sawirradii hore ee xarumaha gantaallada dhulka hoostiisa ku yaalla, xaruntan ayaa lagu soo bandhigay dhowr nooc oo gantaallada ballistic-ga iyo kuwa cruise-ka ah, iyo qalabka lagu rido.

Sawirrada ayaa la baahiyay xilli xarumo badan oo kaabayaasha gantaallada Iran ah, oo ay ku jiraan saldhigyada gantaallada iyo goobaha lagu farsameeyo laguna soo saaro, ay bartilmaameed u noqdeen weerarro ballaaran oo Maraykanka iyo Israa'iil ay qaadeen intii lagu jiray dagaalkii 40-ka maalmood socday.

Inkasta oo weerarradaas ay dhaceen, Iran waxay ku guuleysatay inay sii haysato qayb ka mid ah awooddeeda gantaallada, isla markaana ay dib u dhisto kaabayaasheeda. Hase yeeshee, weli si cad looma oga heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray awoodda gantaallada Iran marka loo eego sidii ay ahayd dagaalka ka hor.

Qaybta xaqiijinta wararka ee BBC-da ayaa horay, iyadoo adeegsanaysa sawirro dayax-gacmeed, u muujisay in Iran ay dib u dhis iyo dhisme cusub ka waddo qaar ka mid ah saldhigyadeeda gantaallada, sida saldhigga Garmdareh ee Karaj iyo saldhigga Imam Ali ee Kermanshah.

Barnaamijka Iran ee dhismaha magaalooyinka gantaallada dhulka hoostiisa ku yaalla ma aha mid cusub. Iran ayaa dhowr jeer sannadihii u dambeeyay soo bandhigtay xarumo noocan oo kale ah.

Hase yeeshee, isbeddellada milatari ee dhowaan dhacay iyo burburka soo gaaray qaybo ka mid ah xarumaha lagu soo saaro, lagu kaydiyo, laguna rido gantaallada ayaa xarumahan ka dhigay kuwo ka muhiimsan sidii hore.

Tani ma tahay "magaalada cusub ee gantaallada" Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC)?

Tani waa markii ugu horreysay muddo ku dhow laba sano oo la soo bandhigo xarun noocan ah oo loogu magac daray "magaalada gantaallada". Hase yeeshee, waxaa weli jira su'aalo badan oo aan jawaab loo helin.

Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ma aysan shaacin goobta juqraafiyeed ee xaruntan, waqtiga saxda ah ee la dhisay, baaxadda dhismaha, tirada gantaallada halkaas la geeyay ama awoodda ay u leedahay hawlgallada milatari.

Sidaas darteed, waxa ilaa hadda si madax-bannaan loo xaqiijin karo waa in la baahiyay muuqaallo muujinaya xarun dhulka hoostiisa ku taalla iyo qalab gantaallo ah. Hase yeeshee, lama xaqiijin sheegashooyinka ku saabsan baaxaddeeda, awooddeeda, inay si buuxda hawlgallo u fulin karto, ama xitaa inay tahay xarun cusub oo gantaallo.

Muuqaal ay Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) soo saareen oo muujinaya xarunta cusub ee gantaallada, ayaa dhowr jeer laga soo bandhigay mid ka mid ah marinnada dhulka hoostiisa mara, iyadoo laga duubay dhinacyo kala duwan.

Horey ayaa loo tuhmayay in qaar ka mid ah waxa IRGC ugu yeerto "magaalooyinka gantaallada" ay yihiin shabakado godad ah. Waxa kale oo jiray tuhun ah in qaybo ka mid ah xarumihii hore ee gantaallada, oo aan horay loo soo bandhigin, hadda loo soo bandhigayo sidii xarumo cusub, si loo muujiyo tirada badan ee ay leeyihiin iyo awooddooda milatari.

Si kastaba ha ahaatee, waqtiga la soo bandhigay muuqaallada xaruntan gantaallada, iyadoon loo eegin inay cusub tahay iyo in kale, ayaa ah mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee arrintan.

Kaabayaasha gantaallada Iran ayaa bartilmaameed u ahaa dagaalladii milatari ee dhowaan dhacay, gaar ahaan weerarrada Maraykanka iyo Israa'iil.

Weerarradaasi ma aysan beegsan oo keliya xarumaha lagu kaydiyo lagana rido gantaallada, balse sidoo kale waxay bartilmaameedsadeen qaybo ka mid ah warshadaha soo saara gantaallada iyo kaabayaasha la xiriira shidaalka loo isticmaalo gantaallada.

Xaaladahan oo kale, soo bandhigidda xarun cusub oo dhulka hoostiisa ku taalla waxay xambaarsanaan kartaa farriimo dhowr ah oo loo dirayo dadka ku sugan gudaha Iran iyo kuwa dibadda jooga.

Farriinta koowaad waa in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay doonayso inay muujiso in weerarradii milatari aysan burburin dhammaan kaabayaasha gantaalladeeda, isla markaana ay weli haysato qalabkii iyo awooddii ay ku sii wadi lahayd hawlgallada.

Farriinta labaad waxay la xiriirtaa ilaalinta kaydka hubka. Soo bandhigidda xaruntan waxay muujinaysaa in gantaallada lagu raro ama lagu kaydiyo xarumo dhulka hoostiisa ku yaalla ay qayb ka tahay istaraatiijiyad lagu yareynayo halista weerarrada cirka.

Arrintani waxay si gaar ah muhiim u tahay, maadaama Maraykanka iyo Israa'iil ay dagaalka ku lahaayeen awoodda sare ee dhinaca cirka, isla markaana ay awood u lahaayeen inay beegsadaan xarumaha milatari ee Iran. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah xarumaha gantaallada Iran ee dhulka hoostiisa ku yaalla ayaan waxyeello soo gaarin intii uu dagaalku socday.

Farriinta ugu dambaysa, uguna muhiimsan, ee muuqaalladani xambaarsan yihiin waa ka-hortagga weerarrada cadowga.

Soo bandhigidda gantaallada iyo joogitaanka saraakiil sare oo milatari, sida taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida iyo taliyaha ciidamada cirka iyo hawada sare, ayaa ujeeddadeedu tahay in la muujiyo in Iran ay weli awood u leedahay inay ka jawaabto weerarro milatari.

Waxaa sidoo kale muhiim ah in la xusuusto in farriimahan iyo muuqaallada la baahiyay aysan khasab ahaan ka dhignayn in xarunta cusub ee la soo bandhigay la dhisay kaddib weerarradii ugu dambeeyay, ama in dhammaan awoodaha lagu muujiyay ay hadda si buuxda u shaqaynayaan.

Intee in le'eg ayay kaabayaasha gantaallada Iran ka badbaadeen weerarradii?

Si loo qiimeeyo muhiimadda ay leedahay soo bandhigidda xaruntan cusub, waxaa muhiim ah in marka hore la eego xaaladda kaabayaasha gantaallada Iran kaddib dagaalkii socday 40-ka maalmood.

Warbixin baaritaan ah oo uu wargeyska The Washington Post daabacay bishii Maarso ee sannadkan, kuna salaysnayd sawirro dayax-gacmeed iyo wareysiyo lala yeeshay khubaro ku takhasusay hubka, ayaa lagu sheegay in afartii toddobaad ee ugu horreeyay weerarrada Maraykanka iyo Israa'iil lagu waxyeelleeyay afar xarumood oo waaweyn oo lagu soo saaro gantaallada ballistic-ga iyo ugu yaraan 29 goobood oo laga rido gantaallada.

Warbixinta ayaa xarumaha milatari ee Khojir, Parchin, Hakimiyeh iyo Shahroud ku tilmaantay goobo muhiim ah oo lagu bartilmaameedsaday qaybo ka mid ah kaabayaasha soo saarista shidaalka gantaallada iyo isku-ururintooda.

Sidoo kale, waxaa waxyeello soo gaartay ama la xiray irridaha laga galo qaar ka mid ah tunnel-lada dhulka hoostiisa mara ee lagu kaydiyo gantaallada.

Si kastaba ha ahaatee, khubaradii uu wargeyska The Washington Post wareystay ayaa carrabka ku adkeeyay in waxyeellada soo gaartay xarumahani aysan ka dhignayn in gebi ahaanba la burburiyay barnaamijka gantaallada Iran.

BBC Verify ayaa horay u falanqeysay sawirro dayax-gacmeed oo muujinaya in Iran ay u muuqato inay hawlo dhisme oo ballaaran ka waddo agagaarka ugu yaraan laba saldhig oo waaweyn oo gantaallo ah, kuwaas oo waxyeello soo gaartay intii uu socday dagaalkii 40-ka maalmood. Isla markaana, sawirrada dayax-gacmeedka ee ugu yaraan 12 xarumood oo kale oo milatari, oo ay ku jiraan xarumaha gantaallada iyo saldhigyada diyaaradaha, ayaa muujinaya calaamado muujinaya dayactir iyo dib-u-dhis.

Saldhigga gantaallada ee Kermanshah, oo ku yaalla galbeedka Iran, una dhow xadka Ciraaq, ayaa saqafyo cusub laga dul dhisay dhismayaal hore loo burburiyay.

Xarunta milatari ee Parchin, oo ku taalla bariga Tehran, ayaa sidoo kale laga nadiifiyay dhismayaal burburay iyo haraaga weerarrada. Xaruntan ayaa marar badan dib loo dhisay, inkastoo ay soo noqnoqdeen weerarrada cirka ee lagu qaaday.