Is-af-garanwaaga u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan oo weli sii socda iyo arrimaha ay isku mari la' yihiin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maraykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii ku adkaystay mowqifkooda iska soo horjeeda ee ku saabsan kaydka Yuraaniyaamka Tehran iyo koontaroolka marin biyoodka Hormuz, laakiin xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa ka hadlay "astaamo wanaagsan" oo ku saabsan wadahadallada.
Ilo-wareed sare oo Iiraan ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Khamiistii in aan weli wax heshiis ah lala gaarin Maraykanka, balse waxa ay tilmaameen in farqiga u dhexeeya uu sii yaraanayo.
Waxa uu intaa ku daray in uranium-ka Iiraan ee la tayeeyey iyo gacan ku haynta Tehraan ee marin biyoodka Hormuz ay weli ka mid yihiin qodobbada lagu dheggan yahay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu ugu dambayn heli doono kaydka Iiraan ee uranium-ka aadka loo tayeeyey, taas oo ay Washington aaminsan tahay in loogu talagalay in lagu sameeyo hubka Nukliyeerka, halka Tehran ay sheegtay in ujeeddooyin nabadeed oo keliya laga leeyahay.
"Waan heli doonnaa," ayuu Trump u sheegay saxafiyiinta Aqalka Cad. "Uma baahnin, dooni mayno, waxaa laga yaabaa inaan burburino ka dib markaan helno, laakiin u ogolaan mayno inay haystaan".
Rubio ayaa u sheegay warfidiyeenka in xal diblumaasiyadeed aysan suurta gal ahayn haddii Tehran ay dhaqan galiso nidaamka khidmada gaadiidka marin biyoodka Hormuz. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu intaa ku daray in waxooga horumar ah laga gaaray wada hadalada.
Waxa uu intaa ku daray, "Waxaa jira calaamado wanaagsan...ma rabo in aan ku dhawaaqo rajo badan, markaa aan sugno oo aragno waxa dhacaya maalmaha soo socda".
Hogaamiyaha Sare ee Iiraan ayaa soo saaray amar ah in aan diabadda loo dirin kaydka uranium-ka aadka loo tanaadiyey ee ku dhow heerarka militariga, sida ay wakaaladda Reuters u sheegeen laba ilo oo sare oo Iiraan ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Amarka Mojtaba Khamenei ayaa laga yaabaa inuu sii niyad jabiyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu sii adkeeyo wadahadalada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ee ka socda Iiraan.
Saraakiisha Israa'iil ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Trump uu u xaqiijiyey Israa'iil in kaydka Yuraaniyaamka Iiraan ee aadka loo tayeeyey, ee la doonayo in laga sameeyo hubka Nukliyeerka, laga saro doono Iiraan, heshiis kasta oo nabadeedna uu ku jiro qodob arrintaas khuseeya.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uusan ka fiirsan doonin dagaalka ilaa laga saaro Yuraaniyaamka la tanaadiyey ah ee Iiraan, Tehran ay joojiso taageeradii ay siin jirtay kooxaha xulafada ah, awoodeeda gantaallada ballistic-ga ahna meesha laga saaro.
Mid ka mid ah ilo-wareedyo Iiraan ah oo codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira xasaasiyadda arrintan, ayaa yiri: "Awaamiirta hoggaamiyaha ugu sarreeya, iyo is-afgaradka ka dhex jira aasaaska, ayaa xaqiijinaya in kaydka uranium-ka la tayeeyey uusan ka bixin dalka".
Labada ilo ayaa intaa ku daray in saraakiisha sarsare ee Iiraan ay aaminsan yihiin in u dirida agabka dibadda ay ka dhigayso dalka mid aad ugu nugul weerarada mustaqbalka ee uga imaanaya Mareykanka iyo Israa'iil.
Khamenei ayaa leh go'aanka kama dambaysta ah ee arrimaha dalka.
Iyada oo ka jawaabeysa codsi faallo ah, afhayeenka Aqalka Cad, Olivia Wells, waxay tiri, "Madaxweyne Trump wuxuu si cad u sheegay khadadka cas ee Mareykanka, wuxuuna sameyn doonaa oo keliya heshiis dadka Mareykanka hormarinaya".
Wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan kama aysan jawaabin codsi faallo ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Trump ayaa Khamiistii sheegay in uu isku dayi doono in uu ka qeyb galo arooska wiilkiisa curadka, isaga oo waqtiga ku tilmaamay mid "xun" dagaalka uu kula jiro Iiraan awgii.
Donald Trump Jr., oo 48 jir ah, ayaa wuxuu yeelan doonaa arooskiisii labaad dhamaadka todobaadkan, wuxuuna kula aqal galay Bettina Anderson gudaha Bahamas, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka.
"Wuxuu jeclaan lahaa inaan ka qayb galo arooska wiilkeyga," ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta isagoo jooga xafiiska Oval. "Waxay noqon doontaa xaflad yar oo gaar ah, waxaana isku dayi doonaa inaan ka qayb galo".
Maamulka cusub ee Iiraan ee kormeeraya marin biyoodka Hormuz ayaa shaaca ka qaaday in baaxadda maamulka ay ku andacooneyso uu gaarayo biyaha koofurta imaaraatka ee dekedda Fujaira. Sheegashadaas waxaa dheleeceysay Abu Dhabi.
U raritaanka marin biyoodka Hormuz, oo ah marin muhiim ah oo caalami ah, ayaa ku jirtay gacanta Iiraan tan iyo markii uu qarxay dagaalka ay kula jiraan Israa'iil iyo Mareykanka 28-kii Febraayo.
Iiraan ayaa ku adkaysanaysa in maraakiibta ka gudbaysa marin biyoodka ay tahay in ay fasax ka helaan ciidamada qalabka sida ee Iiraan.
Qoraal ay weheliso khariidad dul taal barta X Arbacadii, "Maamulka Gacanka Persia" waxay ku qeexeen "xukunka sharci ee lagu maareynayo" ciriiriga.
Waxay intaa ku dareen in tani ay ku jirto inta u dhaxaysa khadka u dhexeeya "Kuh Mubarak ee Iiraan ilaa koonfurta Fujairah ee UAE (...) iyo khadka isku xira cirifka Jasiiradda Qeshm ee Iiraan iyo Umm Al Quwain ee UAE."
Anwar Gargash, oo ah la taliyaha madaxweynaha Imaaraadka Carabta, ayaa faallo ka bixiyay qoraal uu soo dhigay barta X, isagoo yiri, "Kadib gardarada arxan darada ah ee Iiraan, talisku wuxuu isku dayayaa inuu dhiso xaqiiqo cusub oo ka dhalatay guul darro cad oo militari".
Waxa uu tixgeliyey in "isku dayga lagu xakameynayo marin-biyoodka Hormuz ama lagu xad-gudbayo madax-bannaanida badda Imaaraatka aysan ahayn wax aan ahayn riyooyin".
Xiriirka u dhexeeya Iiraan iyo Imaaraadka ayaa ahaa mid aad u xumaa tan iyo markii uu dagaalku qarxay, kadib markii Tehran ay gantaalo iyo duqeymo ay la beegsatay dalalka Khaliijka, taasi oo jawaab u ahayd weerarada Maraykanka iyo Israa'iil.
Iiraan ayaa todobaadkii hore ku eedaysay Imaaraadka inay kaalin firfircoon ku leedahay dagaalka, eedaymahaas oo Abu Dhabi ay beenisay.
Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale si adag uga soo horjeestay in Iiraan ay maamusho marin biyoodka waxayna ku baaqeen in la qaado tallaabo wadajir ah oo lagu xaqiijinayo xorriyadda socdaalka ee marin biyoodka.
Imaaraatka Carabta ayaa Jimcihii la soo dhaafay ku dhawaaqay in ay dardar gelinayaan dhismaha dhuumo cusub oo shidaalka qaada oo ka gudbaya Hormuz oo sii mara dekedda Fujairah.
Xafiiska warbaahinta Abu Dhabi ayaa sheegay in dhuumaha galbeedka-bari ay laba jibaari doonaan awoodda dhoofinta shirkadda qaranka ee ADNOC iyada oo la sii marinayo Fujairah, isaga oo intaa ku daray in la filayo in ay shaqo bilowdo sanadka soo socda.
Iiraan ayaa marar badan ku eedaysay wadamada Khaliijka inay u ogolaadeen ciidamada Maraykanka inay weeraro kaga soo qaadaan deegaanadooda, balse waddamada Khaliijka ayaa eedahaas iska fogeeyay, iyagoo xitaa khilaafka ka hor sheegay inaysan ogolaan doonin in dhulkooda iyo hawadooda laga weeraro Iiraan.










