Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Maxaan u doortay in aan burcad noqdo?
Hoggaamiye ka tirsan kooxaha hubeysan ee waqooyiga Nigeria ayaa wakaaladda AFP u sheegay in takoorka muddo dheer lagu hayay xoolo-dhaqatada Fulani iyo lacagaha sharci-darrada ah ee laga qaado ay sii xoojiyeen colaadda gobolka.
Ninkan oo lagu magacaabo Babangida ayaa sheegay in dhibaatadu sii socon doonto haddii aan wax laga qaban musuqmaasuqa baahsan iyo cadaalad-darrada ka jirta deegaanka.
Muddo sanado ah, kooxaha loo yaqaan "Burcad" ayaa weerarro ka geysanayay waqooyi-galbeed iyo bartamaha Nigeria, iyagoo tuulooyin dhacaya, xoolo xadaya, dad afduubaya, lacagna ka qaadaya beeraleyda iyo macdan qodayaasha.
Babangida ayaa sheegay in cadaadiska lagu hayay xoolo-dhaqatada Fulani uu ku riixay inay hubka qaataan. Wuxuu intaas ku daray in cadaaladdu tahay xalka keliya ee nabad lagu heli karo.
Colaadda ayaa salka ku haysa muranka u dhexeeya xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda ee ku saabsan dhulka daaqa iyo biyaha leh. Isbeddelka cimilada iyo kororka dadka ayaa sii huriyay xiisadda.
Kooxaha hubeysan ayaa markii dambe ku lug yeeshay afduubyo madax-furasho lagu dalbado iyo dambiyo abaabulan, qaarkoodna xiriir la yeeshay kooxaha jihaad doonka ah.
Dhanka kale, rabshaduhu way sii socdaan. Toddobaadkii hore, koox hubeysan ayaa gobolka Zamfara ku dishay 12 qof oo isku qoys ahaa, kadib markii ay gubeen gurigooda. Horaantii bishan waxaa la dilay siddeed askari oo boolis ah, halka bishii Sebtembar in ka badan 80 qof lagu afduubtay gobollada Zamfara iyo Niger.
Amniga ayaa ka mid ah arrimaha waaweyn ee doodda ka taagantahay ololaha doorashada madaxtinimada Nigeria.
Musuqmaasuq
Ninkan oo 38 jir ah, kuna labisan shaati buluug ah, wuxuu u ekaa qof tuulo deggan sida dadka kale, balse waxa keliya ee ka soocayay waxay ahayd qoriga Kalashnikov ee uu sitay.
"Qof hubaysan ma aha mid iska qaatay qori oo bilaabay dambiyo. Waxaa jira wax ku kallifay," ayuu yiri Babangida oo geed hoostiis fadhiya.
Babangida ayaa sheegay inuu ku biiray kooxaha hubaysan 10 sano ka hor, kadib markii howlgal ay booliska iyo kooxaha iskaa wax u qabso ah sameeyeen lagaga qabsaday qoyskiisa 97 neef oo lo' ah.
Wuxuu sheegay in howlgalka lagu saleeyay tuhun ah in dhammaan dadka Fulani ay burcad yihiin. Waxaana lagu khasbay inuu bixiyo malaayiin naira si hooyadii iyo walaalkii damiin loogu sii daayo.
Wuxuu sheegay inuu soo badbaadiyay 10 neef oo keliya, lacagtii ka soo baxdayna ku iibsaday hub, kadibna qoyskiisa u raray xero ku taalla duurka.
Xoolo-dhaqatada Fulani ayaa qarniyo badan xoolaha dhaqanayay, iyagoo xilliga xagaaga uga soo hayaama waqooyiga una guura bartamaha iyo koonfurta Nayjeeriya, iyagoo raaca waddooyin dhaqameed.
Saraakiisha dowladda hoose, booliska iyo militariga ayaa lagu dhaliilay inay ku guuldarraysteen ka hortagga beeraleyda ku fidaya dhulalka daaqa. Qaar ka mid ah saraakiisha ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay beeraleyda kala shaqeeyaan qabsashada dhulkaas.
Takoor iyo eex
Labada dhinac ee beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ayaa khasaaro ka soo gaaray colaadda, iyadoo weerarro lagu qaaday tuulooyinka beeraleyda ay sababeen dhimasho badan.
Dadka Fulani ayaa ka cabanaya in dowladda iyo ciidamada ammaanku ay go'doomiyeen.
Babangida ayaa sheegay in haddii lo'du beeraha waxyeello u geysato, odayga deegaanka uu xoolo-dhaqatada ku soo rogo ganaax ka badan qiimaha dalagga burburay.
Hase yeeshee, haddii beeraleydu disho lo'da xoolo-dhaqatada, ayuu yiri, eedda waxaa dusha laga saaraa xoolo-dhaqatada, iyadoo aan wax magdhow ah la siin.
Wuxuu intaas ku daray in haddii odaygu booliska u yeero, ay garsooraha kala shaqeeyaan kordhinta ganaaxa lagu soo rogayo xoolo-dhaqatada.
Ma runbaa waxa uu sheegay?
Militariga Nigeria ayaa kooxaha hubaysan ee burcadda ah ku tilmaama argagixiso, wuxuuna hawlgal gaar ah ka wadaa waqooyi-galbeed si uu ula dagaallamo.
Hase yeeshee, markii AFP ay guddoomiyaha amniga gudaha ee gobolka Katsina wax ka weydiisay eedeymaha Babangida ee ku saabsan cadaalad-darrada, wuxuu yiri: "Waxa uu sheegayo waa run, arrintaasna waa mid ka mid ah sababaha dambiyadan horseeday."
Nasiru Mu'azu ayaa sheegay in maamulkiisu isku dayay inuu wadahadallo nabadeed bilaabo, isla markaana wax ka qabto sababaha asaasiga ah ee dambiyada.
Wuxuu sheegay in colaadda waqooyi-galbeed ay ka dhex bilaabatay bulshada deegaanka, taasoo kaga duwan dagaalka kooxaha jihaad doonka ah ee ka socda waqooyi-bari dalka.
Wuxuu intaas ku daray in caqabadda ugu weyn ay tahay sidii la isugu dheellitiri lahaa tallaabooyinka adag ee ciidamada ammaanka iyo diblomaasiyadda lagu xallinayo khilaafaadka.
'Lacag iyo aargoosi'
Waxaa jira maleeshiyaad canshuur sharci-darro ah ka qaada beeraleyda ku nool tuulooyinka.
Militariga ayaa inta badan duqeymo cirka ah ka fuliya goobaha ay kooxaha hubeysan qabsadeen.
Dilalka ay kooxaha is-difaaca deegaanka u geystaan xoolo-dhaqatada ayaa ka mid ah arrimaha caqabad ku noqday heshiis nabadeed, taasoo sii hurisay colaadda.