Maxaa ka jira in Benjamin Netanyahu laga daweeyay qanjir sababa xanuunka kansarka?

Netanyahu

Xigashada Sawirka, EPA

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu "xaalad jireed aad u wanaagsan uu ku jiro" ka dib markii la daabacay warbixintiisa caafimaad ee sannadlaha ah oo shaaca ka qaaday in laga saaray buro halis ah.

Qoraal uu soo dhigay X Jimcihii, Netanyahu wuxuu sheegay in inta lagu guda jiro la socodka joogtada ah ee caafimaadkiisa ka dib lagu sameeyay qalliin lagu guuleystay oo loogu talagalay qanjirka 'prostate' oo weyn, dhakhaatiirtu waxay heleen buro halis ah oo xaalad bilwo ah ku jirta.

Daaweyntu "waxay meesha ka saartay dhibaatadii oo kama tagin wax raad ah", ayuu raaciyay.

Netanyahu wuxuu sheegay inuu codsaday in dib loo dhigo daabacaadda rikoorkiisa caafimaad si aan loo sii dayn xilli lagu jiray meeshii ugu sarreysay ee dagaalka Mareykanka iyo Israa'iil ay kula jiraan Iran, si looga hortago Tehran inay faafiso "xitaa dacaayado been abuur ah oo ka dhan ah Israa'iil".

Hogaamiyaha Israel oo 76 jir ah ayaa sheegay in uu maray qaliinkii ugu horeeyay ee qanjirka 'prostate' oo wayn sanadkii 2024 uuna ku jiray kormeer caafimaad oo caadi ah. "Bar yar oo ka yar sentimitir" ayaa la helay intii lagu jiray hubintii ugu dambaysay.

"Waxay igu dhacday arrin caafimaad oo yar oo qanjirka 'prostate' ah oo gebi ahaanba la daweeyay. Allaa mahad leh, way iga hartay hadda," ayuu yiri.

Qoraalka dheer, Netanyahu wuxuu sidoo kale sheegay inuu doortay inuu maro daweyn sababtoo ah "marka la i siiyo macluumaadka ku saabsan khatarta iman karta, waxaan rabaa inaan si degdeg ah wax uga qabto".

Waxa uu intaa ku daray: "Tani waa run marka la eego heer qaran iyo sidoo kale heer shakhsi".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Arrintan ayaa soo shaac baxday iyadoo Netanyahu lagu wado in toddobaadyada soo socda uu booqdo Aqalka Cad, xilli Mareykanku uu doonayo in heshiis nabadeed oo waara laga gaaro dagaalka Iran.

Heshiiska xabbad joojinta ee Israa'iil ay la gashay Lubnaan, ka dib dagaal u dhexeeya Israa'iil iyo Xisbullah oo ay Iran taageerto, ayaa sidoo kale lagu kordhiyay saddex toddobaad.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa la filayey inuu u duulo Islamabad talaadada si uu halkaas uga furmo wadahadal nabadeed oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iran, laakiin Air Force Two ayaan la kicin una dhaqaaqin Pakistan ilaa iyo haatan, wada xaajoodkuna dib uma bilaaban.

Donald Trump ayaa intaa kadib ku dhawaaqay inuu kordhin doono xabad joojinta Iran, taasoo lagu waday in waqtigeedu dhamaado fiidnimada Arbacada.

Iran ayaa hadda xaqiijisay in wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Araghchi uu caawa u safri doono Islamabad. Wali ma naqaano baaxadda wadahadalada iyo in Maraykanku ka qayb gali doono.

Pakistan waxay u dhaqmaysay sidii dhexdhexaadiye u dhexeeya Washington iyo Tehran. Wariyaheena ayaa mar sii horeysay soo sheegay in Islamabad ay isku diyaarineysay marti gelinta wareeg labaad oo wadahadal ah muddo ku dhow todobaad, taasoo keentay in dadka deegaanka ay carqaladeeyaan.

Dhanka kale, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in Iran ay fursad u heysato inay "heshis wanaagsan oo xikmad leh la gasho Maraykanka", isagoo intaa ku daray in go'doominta ciidamada badda ee Mareykanka ay ku hayaan dekedaha Iran ay tahay mid sii kordheysa oo caalami ah " .