Maxay mowjadaha kulaylku ugu daran yihiin dumarka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waxaan dareemayaa culays badan, xanaaq badan, wareer, barar, iyo daal."
Kuwani waa ereyada si joogto ah ugasoo baxa faallooyinka ay BBC-da u diraan haweenka, kuwaas oo si dhib yar uga soo kabtay kulaylkii ugu dambeeyay ee bishii Juun, haddana u diyaar garoobaya cimilo kulul oo dheeraad ah.
Kulaylka xad dhaafka ah wuxuu saameyn karaa qof kasta. Laakiin mowjadaha kulaylku waa "tijaabo walaac" oo loogu talagalay habdhiska wadnaha iyo xididdada dhiigga ee haweenka, waxayna si ka duwuan ragga ay si adag u saameeyaan dumarka, sida ay BBC u sheegtay Dr Nighat Arif, oo ah dhakhtar Adeegga Caafimaadka Qaran ee UK (NHS) oo ku takhasustay caafimaadka haweenka.
Haweenku waxay sidoo kale u nugul yihiin dhimashada la xiriirta kulaylka marka loo eego ragga, inkastoo loo baahan yahay caddayn dheeraad ah, ayay tiri Dr Cat Pinho-Gomes, oo ah lataliye caafimaad dadweyne oo ka tirsan Machadka Caafimaadka Adduunka ee UCL.
Haddaba iyadoo isbeddelka cimiladu uu sii kordhinayo kulaylka daran iyo kulaylka soo noqnoqda ee ka jira UK, khubaradu waxay ku baaqayaan in si wanaagsan looga warqabo khataraha haweenka iyo dadaallo bartilmaameedsan oo lagu ilaalinayo.
Heerarka hoormoonka iyo jawaabta jirkau ka bixiyo kulaylka
Bayo'oloji ahaan, khatarta ugu badan ee dumarku waxay ku xiran tahay laba shay: kor u kaca dabiiciga ah iyo hoos u dhaca heerarka hoormoonkeena iyo jawaabta jirkeenu ka bixiyo kulaylka, taas oo ka duwan tan ragga, ayuu yiri Dr. Arif.
Dumarku waxay soo saaraan dhidid yar waxayna bilaabaan dhidid heerkul sare ah, sida cilmi-baaris - oo ay ku jirto daraasaddan 2025, oo dibadda ah - ay muujinayso.
Tani waxay ku dhigtaa awooddeenna aan si dhakhso ah ugusoo saarno dhididka kulaylka xad-dhaafka ah waxayna ka dhigaysaa mid adag in la xukumo marka jirkeenu culays saaran yahay, sababtoo ah ma arki karno dhidid badan oo ku yaal maqaarkeenna ama dharkayaga.
Cilmi-baaris la mid ah ayaa lagu ogaaday, in dumarku ay sidoo kale leeyihiin heerkul jireed oo jirka ah iyo dufan badan oo jirka ah oo ka sarreeya kan ragga, taas oo u sameysan sida lakab dahaar dheeraad ah.
Hadda, marka lagu daro arimahan isbeddellada dabiiciga ah ee hoormoonnada haweenka, kuwaas oo durbaba nidaamka xakamaynta heerkulka maskaxdeenna ah " ayaan ku ku ahbooneeyn", sida ay sheegtay Dr. Arif.
Heerarkeena hoormoonanada estrogen iyo progesterone ayaa si weyn isu beddela inta lagu jiro wareegga caadada, xilliga dhalma dayska, uurka iyo inta lagu jiro naas-nuujinta - taas oo kaa dhigi karta inaadan aan awoodin inaad xakameyso heerkulkaaga.
Dhammaan waxaas waa shaqo adag oo loogu talagalay habdhiska wadnaha iyo xididdada dhiigga, gaar ahaan cimilada kulul.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laakiin ma aha oo kaliya bayo'olajiga waxa na gelinaya khatar badan, ayay tiri Dr Pinho-Gomes, oo ah qoraa ku takhasustay dib u eegis ku saabsan kala duwanaanshaha jinsiga ee dhimashada la xiriirta kulaylka.
Dhibaatooyinkeenna bulsho dhaqaale- sida inaan helno mushaar yar ama daryeelka ugu badan ee ay helaan kuwa aan jecelnahay - waxay yeelan karaan saameyn weyn oo ku saabsan sida aan u daryeeli karno nafteena xilliga cimilada kulul, ayay tiri.
Da'du waa arrin kale, marka aad da'a tahay ayaad ugu nugushahay kulaylka - maadaama dumarku ay celcelis ahaan ka cimri dheer yihiin ragga, waxaan halis ugu jirnaa saameyn caafimaad, ayay sharraxday Dr Pinho-Gomes.
Dadka waayeelka ah ayaa sidoo kale u nugul waallida, taas oo xaddidi karta awoodda ay u leeyihiin inay aqoonsadaan harraadka, dibadda, ama xaaladaha u baahan daawooyinka kaadida lagu nadiifiyo, ee loo isticmaalo in lagu yareeyo cadaadiska dhiigga - labaduba waxay kusii badan karaan walbahaarka kulaylka, ayay tiri.
Xilliga Caadada waxay dareemi karaan deganaan la'aan daran
Marka heerarka hoormoonku ay hoos u dhacaan ama ay kor u kacaan inta lagu jiro xilliga caadadaada, ayaa sidoo kale uu daranyahay kulaylka, sida ay sharraxday Dr. Arif.
Hoormoonka Progesterone-ku wuxuu kordhaa wareegga labaad ka hor inta aysan bilaaban caadadaadu. Tani waxay kor u qaadi kartaa heerkulka jirka ee asaasiga ah, iyadoo kaliya ku kordhin karta wajac marka aad hore u kululaatay, ayay tiri.
Ka dib caadada ayaa ku dhacda hoormoonka estrogen - hoormoonka kiciya nidaamkaaga heerkulka - ayaa hoos u dhaca heerkiisii ugu hooseeyay, taasoo cadaadis badan saaraysa wadnahaaga si uu u qaboojiyo.
"Waxa aaan dhiig baxay xaddi caadi ah laakiin waxaan arkay koror weyn oo ku yimid daalka, wareerka, walwalka iyo hurda la'aan habeenkii ah," ayay tiri Michaela Finn, oo ka timid waqooyiga London, oo ku jirtay waqtiga caadada xilligii kulaylka dabayaaqadii Juun.
"Saacadahyga shaqada ayaa isla maalmahaas kusoo aaday. Intii aan ku jiray qubayska subaxdii, waxaan dareemay miyir beel; waa inaan noqdaa qof macquul ah oo aan u sheegaa in aan xanuunsanahay. Jirkeygu aad buu u daalay, xanuun jirka iyo murqaha iga hayay aawgeed."

Xigashada Sawirka, Charlie Paddock
Charlie Paddock, oo 27 jir ah, kana soo jeeda koonfurta London, ayaa sidoo kale sheegtay inay "ku dhawaad laba jeer suuxday, dareenka kuleylkuna uusan ahayn mid macquul ah", halka Jess Allingham, oo 26 jir ah, ay sheegtay inay "aad u daallan tahay, in ka badan sidii caadiga ahayd", ayna qabto "ceeryaamo guud oo maskaxda ah ".
Marka uu dhiig caadada kaa yimaado, waxaad sidoo kale lumisaa birta, taas oo saameyn karta hurdadaada, ayay tiri Dr. Arif.
Birta oo yar ( Iron) oo daraasaduhu muujinayaan, in si gaar ah ugu badan tahay dumarka caadada culus qaba - ayaa sidoo kale saameeysa bixinta oksijiinta, taasoo siisa habdhiska wadnaha iyo xididdada dhiigga shaqo dheeraad ah, ayay tiri.
Dareeraha kulul iyo dhididka habeenkii ayaa laga yaabaa inay kasii daraan dumarka caadada ka istaagtay
Sida ay sheegtay Dr Arif, dhididka kulul iyo dhididka habeenkii ayaa ku badan dumarka ka hor xilliga caadadadu go'i rabto yo d'ada caado la'aanta, taasoo ay ugu wacan tahay hoos u dhaca hoormoonka estrogen-ka.
Sidaas oo kale ayaa ku dhici karta dumarka lagu sameeyo da'da caadadu ka go'i rabtoa kiimiko ah ama qalliin , taas oo loo isticmaalo daaweynta kansarka xasaasiga ah ee hoormoonka iyo xaaladaha waaweyn ee haweenka, sida quburadu ay qabaan.
Inta lagu jira kulaylka daran , waxaa laga yaabaa inaad yeelato kulayl soo noqnoqda oo daran iyo dhidid habeenkii ah, ayey tiri Dr Arif - taas oo, sida laga soo xigtay daraasad, isbeddelka cimiladu ku leedahay in caadada oo kaa joogsata, ay sii xumayn karto kulaylka caalamiga ah.
Uurka ayaa kaa dhigi kara haweenka kuwa u nugul walbahaarka kulaylka
Haweenka uurka leh way ku adag tahay inay xakameeyaan heerkulka jirka sababtoo ah kulaylka dheef-shiid kjirka oo kordha iyo baahiyaha biyaha, taas oo kaa dhigi karta inaad u nugushahay walbahaarka kulaylka, sida laga soo xigtay cilmi-baaris lagu daabacay Lancet, warbixin dibadda ah horraantii sanadkan.
Tilmaamaha hoormoonada.
Isbeddellada heerarka progesterone inta lagu jiro xilliga hore ee uurka ilaa bartamaha ayaa kaa dhigi kara mid aad u kulul, sida lagu muujiyay daraasad la mid ah. Ka dib waxay kor u kacdaa, oo ay weheliso hormoonka estrogen, inta lagu jiro marxaladaha dambe, taasoo dib u dhigaysa heerkulka jirkaaga.
Jess Bloom, oo 35 jir ah, ayaa canugeeda fileysa in ay dhasho bisha July "Iyada oo xaamila ah xilliga xagaaga oo dhan, waa cadaab - dhab ahaantii waa cadaab," ayay tiri.
Waxay sahmisay inay seexato qeybta jikada oo ay ku qubeysato biyo habeen kasta. "Mararka qaar jalaatada Mars ayaa ayaan soo qaadn jiray," ayay raacisay.

Xigashada Sawirka, Hilary Serif/ Rosaline West
Wax ka ogow calaamadaha daalka kulaylka iyo istaroogga kulaylka
Kuleylka ayaa lala xiriiriyay khatarta sare ee cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga, gaar ahaan dumarka, dib-u-eegis weyn, oo ka baxsan daraasadaha ku saabsan saameynta soo-gaarista kulaylka ayaa la ogaaday.
Inta lagu jiro mowjadaha kulaylka, cadaadiska dheeraadka ah ee ku yimaada wadnaheena ayaa sababi kara in dhiiggeenna uu hoos u dhaco, kaas oo ay weheliso luminta dareeraha iyo milixda dhididka, waxayna horseedi kartaa daal dhanka kulaylka ah.
Haddii cadaadiska dhiiggu aad hoos ugu dhaco, khatarta wadne xanuunka ayaa sidoo kale kordheysa.
Dr Arif ayaa ku taliisay : "Ogow calaamadaha daalka kulaylka iyo istaroogga kulaylka... cab biyo badan, isticmaal marawaxadahaaga, waxyaabahaaga qaboojinta. Hubi inaad jimicsiga sameyso ka hor qorrax soo baxa ama ka dib qorrax dhaca. Isticmaal kareemka qorraxda, la soco caadadaada.
"Kuleylka ula dhaqan sida baaritaanka cadaadiska wadnaha," ayay tiri, is deji kana taxadair daryeelka jirkaaga.












