Trump oo ku dhawaaqay tallaabada la qaadayo haddii Iran isku daydo in ay disho isaga

Madaxweyne Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay Iran in Mareykanku si degdeg ah ugu weerari doono kumannaan gantaal haddii ay isku daydo inay disho isaga.

Trump ayaa saaka ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social: "Haddii dowladda Iran ay fuliso hanjabaadaha ay marar badan ka jeedisay meelo kala duwan oo dunida ah ee ku aaddan inay disho ama isku daydo inay khaarijiso madaxweynaha hadda ee Mareykanka, markaas Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxaa isla markiiba lagu garaaci doonaa in ka badan 1,000 gantaal, waxaana xigi doona kumannaan kale."

Madaxweyne Trump wuxuu intaas ku daray in amarada arrintaas hore loo bixiyay, isla markaana "ciidamada Mareykanku ay diyaar yihiin, go'aan adagnaay leeyihiin, ayna si buuxda u awoodaan inay gebi ahaanba burburiyaan dhammaan goobaha la bartilmaameedsado ee Iran muddo hal sano ah, muddadaasna la kordhin karo haddii loo baahdo."

Hadalka Madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid kadib markii wargeyska Wall Street Journal uu Khamiistii qoray in Israa'iil ay Mareykanka la wadaagtay xog sirdoon oo cusub, taas oo ay sheegtay inay muujinayso qorshe ay Iran ku doonayso inay ku khaarijiso Madaxweyne Trump.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintu ma caddeynayso goorta xogta sirdoonka la gudbiyay iyo halka ay ka timid.

Sida ay BBC Monitoring sheegtay, arrintan ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay si weyn loogu hadal hayay warbaahinta Israa'iil.

10-kii Luulyo, warbaahinta Israa'iil ayaa baahisay in Israa'iil ay Mareykanka la wadaagtay xog sirdoon oo muujinaysa in Iran ay qorsheynaysay in la khaarijiyo Madaxweyne Donald Trump.

Hase yeeshee, telefishinka Israa'iil ee Channel 12 ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka aysan xogtaasi u arkin mid muujinaysa khatar degdeg ah ama u baahan tallaabooyin degdeg ah.

"Waxaan muddo dheer ku jiray liiska bartilmaameedyadooda."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jimcihii hore, wareysi uu siiyay wargeyska New York Post, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu hore u bixiyay amarro la fulinayo haddii la guuleysto qorshe la sheegay inay Iran ku doonayso inay ku disho isaga, kuwaas oo ay ku jiraan in Iran la duqeeyo lana burburiyo.

Markii wax laga weydiiyay warbixinta sirdoonka ee la sheegay inay Israa'iil la wadaagtay Mareykanka, Trump wuxuu yiri: "Israa'iil wax cusub ma helin. Waxaan muddo dheer ku jiray liiska bartilmaameedyada Iran, mana aha arrin cusub."

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan bixiyay amarro ah in haddii wax igu dhacaan, Iran lagu qaado duqeyn xoog leh oo aan hore loo arag."

Aaska Hoggaamiyihii Sare ee hore ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa waxaa hareeyay hal-ku-dhigyo looga soo horjeeday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.

Waxaa la soo bandhigay boorar iyo sawirro lagu dalbanayay in looga aar-gudo geerida Khamenei, halka qaar kalena ay ku baaqayeen in la khaarijiyo Trump iyo Netanyahu.

Marar badan oo hore ayaa gudaha Iran laga soo jeediyay baaqyo lagu dalbanayo in looga aar-gudo Madaxweyne Trump.

Sannadkii 2020, Hoggaamiyaha Sare ee Iran ayaa ku dhawaaqay in "aargoosi" la qaadi doono kaddib dilkii Jeneraal Qassem Soleimani, oo ahaa taliyihii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran.

Qaar ka mid ah taliyeyaasha Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale hore u adeegsaday hadallo adag oo ay ku sheegeen inay ka aar-gudan doonaan Madaxweyne Trump, iyagoo magaciisa si toos ah u xusay.

Tan iyo markii uu dagaalku billowday 28-kii Febraayo, mas'uuliyiinta Iran iyo Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa soo saaray hadallo kulul oo ka dhan ah Mareykanka iyo Madaxweyne Trump, hase yeeshee ma aysan jeedin hanjabaado toos ah oo ku saabsan in la dilo.

Si kastaba ha ahaatee, bishii Maarso, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa hanjabaad u jeediyay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.

Wakaaladda wararka ee Mehr, oo xiriir dhow la leh dowladda Iran, ayaa sheegtay in Ciidanka Ilaalada Kacaanka ay sii wadi doonaan dadaallada ay ku "raadinayaan kuna dilayaan" Netanyahu.

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Eedeymo la xiriira jebinta Is-afgaradka

Hanjabaadda Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ee ku saabsan Marin-biyoodka Hormuz ay mar kale cirka isku shareertay, iyadoo labada dhinac midba midka kale ku eedaynayo in isagu jabiyay Is-afgaradkii Islamabad.

Kadib markii Iran ay bartilmaameedsatay maraakiib marayay Marin-biyoodka Hormuz, Mareykanka ayaa sheegay inuu weeraray dhowr bartilmaameed oo ku yaalla gudaha Iran.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Iran ku eedeeyay inay gashay "xadgudubyo nacasnimo ah" oo ka dhan ah heshiiska xabbad-joojinta, isagoo sheegay in ciidamada Mareykanka ay weerareen bartilmaameedyo ku yaalla Iran.

Dhankeeda, Iran ayaa Mareykanka ku eedeysay inuu jebiyay heshiiska ku-meel-gaarka ah, waxayna sheegtay inay beegsatay bartilmaameedyo la xiriira ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka.

Tirada maraakiibta mara biyaha Cumaan ayaa si weyn hoos ugu dhacday marka loo eego inii heshiisku socday kadib weerarrada dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, ayaa Mareykanka ku eedeeyay inuu jebiyay Is-afgaradka, isagoo sheegay in Iran ay weli u hoggaansan tahay heshiiskaas.

Mareykanka ayaa Iran u qabtay u qabtay Sabtida maanta ah in si rasmi ah ay ugu dhawaaqdo in Marin-biyoodka Hormuz uu u furan yahay isu socodka maraakiibta, isla markaana ay joojiso weerarrada lagu hayo maraakiibta ganacsiga. Arrintan waxaa warisay mareegta wararka ee Axios, iyadoo soo xiganaysa saddex sarkaal oo Mareykan ah.

Mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay in haddii Iran ay diido codsigaas, ay la kulmi doonto cawaaqib culus.

Dhexdhexaadiyeyaasha Is-afgaradka ayaa ku boorrinaya Mareykanka iyo Iran inay yareeyaan xiisadda, isla markaana ilaaliyaan xabbad-joojinta.