Warrarkii ugu dembeeyey ee Bariga Dhexe, welwel dagaal, diblomaasiyad iyo baaqyo la dirayo

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Telefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in madaxa wada-xaajoodka dalka iyo afhayeenka Golaha Wakiillada Islaamiga ah (baarlamaanka), Mohammad Baqer Qalibaf, uu u sheegay taliyaha ciidamada Pakistan Asim Munir kulan ka dhacay Tehran Sabtidii in Iran "aysan ka tanaasuli doonin xuquuqda dadkeeda iyo dalka."

Qalibaf wuxuu intaas ku daray in ciidamada qalabka sida ee Iran ay dib u dhiseen awooddooda intii lagu jiray xabbad-joojinta, isla markaana haddii Mareykanka uu "si nacasnimo ah u dib u bilaabo dagaalka," cawaaqibku uu noqon doono mid "ka sii burbursan," sida uu sheegay.

Tani waxay imaaneysaa kadib markii warbaahinta dowladda Iran ay sabtida manata sheegtay in taliyaha ciidamada Pakistan Asim Munir uu Tehran kula kulmay Mohammad Baqer Qalibaf, Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araqchi, taasoo qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee socda ee la xiriira xiisadaha gobolka.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Araqchi uu maanta wadahadallo la yeeshay dhiggiisa Cumaan Badr al-Busaidi, isla markaana ay is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, hannaanka diblomaasiyadeed ee socda, iyo dadaallada lagu doonayo in laga hortago sii xumeynta xiisadaha laguna soo afjaro dagaalka.

Tani waxay imaaneysaa iyadoo warbaahinnada Mareykanka ee Axios iyo CBS ay sheegeen in Mareykanka uu ka fiirsanayo inuu bilaabo weerarro cusub oo ka dhan ah Iran, isla markaana Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu beddelay jadwalkiisa si uu ugu sii nagaado Washington dhammaadka usbuucan, taasoo sii xoojisay hubanti la'anta ku saabsan suuragalnimada dib u bilaabashada dagaalka ka dhanka ah Tehran.

Warbaahinta CBS, oo ah wadashaqayn la lahe BBC, ayaa sheegtay in militariga Maraykanka uu isku diyaarinayo suurtagalnimada weerarro cusub oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah dhammaadka usbuuca.

Shabakadda ayaa soo xigatay ilo kala duwan oo sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha militariga iyo sirdoonka Maraykanka ay joojiyeen qorshayaashoodii fasaxa Memorial Day, si ay ugu diyaar garoobaan suurtagalnimada weerarro.

Waxay intaas ku dartay in saraakiisha difaaca iyo sirdoonka ay bilaabeen inay cusboonaysiiyaan liisaska ciidamada Maraykanka ee ku sugan xarumaha dibadda, isla markaana ciidammo ku sugnaa Bariga Dhexe ay ka baxayaan gobolka, taasoo qayb ka ah dadaallo lagu dhimayo joogitaanka militariga Maraykanka ee halkaas, iyadoo laga cabsi qabo jawaab ka iman karta Iran.

Subaxnimadii Jimcaha, Madaxweynaha Donald Trump ayaa isugu yeeray la-taliyayaashiisa ugu dhow si ay uga wadahadlaan dagaalka Iran, sida ay sheegtay Axios, halka CBS ay tilmaantay in aan wali go'aan rasmi ah la gaarin.

Bartamaha maalitaas, Trump wuxuu ku dhawaaqay inuusan awoodi doonin inuu ka qeyb galo arooska wiilkiisa ugu weyn Donald Trump Jr. ee ka dhacaya New Jersey, isagoo sheegay inuu ku khasban yahay inuu Washington sii joogo "arrimo dowladeed dartood."

Jawaab ahaan, dowladda Iran waxay mar kale adkaysay in aysan "waligeed u hoggaansami doonin cabsi gelin," halka Ilaalada Kacaanka ee Iran ay ku hanjabeen inay dagaalka "ka sii ballaarin doonaan gobolka oo dhan" haddii Maraykanku weerar cusub qaado.

Warbaahinta Iran ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araqchi oo sheegay in inkastoo ay jirto "khiyaanooyin soo noqnoqday" oo ka yimid Maraykanka, haddana Iran ay "si masuuliyad leh uga qayb gashay habka diblomaasiyadda, isla markaana ay doonayso natiijo macquul ah oo caddaalad ah."

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran Ismail Baghaei ayaa Jimcihii xaqiijiyay in wafdi ka socda Qatar, oo dhowaan kordhiyay doorkiisa dhexdhexaadinta, uu booqday Iran, halkaas oo ay kula kulmeen Abbas Araqchi.

Militariga Pakistan ayaa sidoo kale Jimcihii ku dhawaaqay in Field Marshal Asim Munir uu "Tehran ku yimid isagoo qayb ka ah dadaallada dhexdhexaadinta ee socda," isagoo door muhiim ah ka qaadanaya siyaasadda dibadda ee Pakistan ee gobolka.

Cairo iyo Doha "gobolku wuxuu marayaa marxalad khatar ah oo isbeddel ah."

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdel-Aty iyo dhiggiisa Qadar Mohammed Abdulrahman Al Thani ayaa xaqiijiyay in sii wadista wadahadallo dhab ah oo u dhexeeya Iran iyo Maraykanka ay tahay "ikhtiyaarka keliya" ee lagu xallin karo arrimaha taagan, isla markaana lagu badbaadin karo gobolka waxa wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ay ku tilmaantay "cawaaqibka ka dhalan kara xiisad aan si wanaagsan loo xisaabin oo halis gelinaysa nabadda iyo amniga gobolka."

War-saxaafadeedka, oo la soo saaray maanta oo Sabti ah kadib wicitaan taleefan oo dhex maray labada wasiir, ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay carrabka ku adkeeyeen in gobolka uu marayo waxa ay ku tilmaameen "meel khatar ah oo isbeddel ah," taas oo u baahan in dhammaan dhinacyada ay muujiyaan "dabacsanaan iyo masuuliyad aad u sareysa." Waxay sidoo kale xuseen baahida loo qabo in la tixgeliyo "walaacyada dhammaan dhinacyada" si loo xaqiijiyo xasillooni waarta loogana hortago in gobolka uu galo wareeg cusub oo colaad iyo xasillooni darro ah.

Sidaas oo kale, wasiirka arrimaha dibadda Qadar ayaa wicitaan kale la yeeshay dhiggiisa Iran Abbas Araqchi, isagoo ku adkeeyay in dhammaan dhinacyadu ay ka jawaabaan dadaallada lagu raadinayo nabad waarta. Wuxuu sidoo kale ku adkeeyay in xorriyadda maraakiibta ay tahay mabda' adag oo aan laga tanaasuli karin, isla markaana xiritaanka marin-biyoodka Hormuz ama loo adeegsado cadaadis siyaasadeed ay kaliya sii kordhin doonto xiisadda, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar.

Senator Maraykanka oo ugu baaqay Trump inuu qaado tallaabo ka dhan ah Iiraan

Guddoomiyaha Guddiga Adeegyada Ciidamada ee Senate-ka, Senator Roger Wicker, ayaa ugu baaqay Madaxweyne Trump inuu tallaabo ka qaado Iran.

Waxa uu ku yiri qoraal uu ku daabacay barta X: "Waxaan joognaa xilli go'aamin doona dhaxalka Madaxweyne Trump. Rabitaankiisu wuxuu ahaa inuu dhammeeyo shaqadii uu ka bilaabay Iran, balse ma talinayo in la raaco heshiis aan qiimo lahayn oo aan waxba ka tarjumayn waxa lagu qoray."

Waxa uu intaas ku daray: "Taliyaha guud ee ciidamadeenna waa inuu u oggolaadaa ciidamada Mareykanka ee xirfadda leh inay dhammaystiraan burburinta awoodaha milatari ee caadiga ah ee Iran, isla markaana dib loo furo Marin-biyoodka Strait. Raadinta heshiis lala galo nidaamka Islaamiga ee Iran waxay halis u tahay in naloo arko kuwo daciif ah. Waa inaan dhammaystirnaa wixii aan bilownay. Waa waqtigii tallaabo la qaadi lahaa."

Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu "ka niyad jabsan yahay" NATO sababo la xiriira mowqifkeeda ku aaddan arrinta Iran, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrintan "loo baahan yahay in wax laga qabto" inta lagu jiro wadahadallada socda.

Rubio ayaa xusay in ay jirto "horumar yar" oo laga sameeyay arrinta Iran, iyadoo xiriirro diblomaasiyadeed ay sii socdaan si loo gaaro heshiis.

Xabbad-joojin dhacday 8-dii Abriil ayaa soo afjartay dagaal ay Mareykanka iyo Israa'iil ka bilaabeen Iran 28-kii Febraayo.

Si kastaba ha ahaatee, dadaallada wada-xaajoodka weli ma aysan keenin heshiis nabadeed oo waara.