Israa'iil oo sii wada duqaymaha ay ku wado Lubnaan
Weerarada Israa'iil ay ku beegsanayso bartilmaameedyada Lubnaan ayaa sii socday maanta inkastoo xabbad-joojin ay dhacday.
Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in Israa’iil ay duqaymo xagga cirka ah la beegsatay ilaa 12 goobood oo koonfurta Lubnaan ku yaalla, oo ay ku jirto dhul beereed “ay ku dhaawacmeen dhawr shaqaale oo Suuriyaan ah”.
Intaa waxaa dheer, ciidanka Lubnaan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in askari uu ku dhaawacmay weerar ay Israa'iil ku qaaday xero ciidan oo ku taal koonfurta:
"Askari ayaa ku dhaawacmay natiijada cadawtinimada ah ee ay Israa'iil la beegsatay xero ciidan oo ku taal magaalada Nabatiyeh."
Wakaalladda Wararka ayaa sidoo kale sheegtay in weerarkii xalay lagu qaaday magaalada Tire ee koonfurta Lubnaan, meel ku dhow isbitaal lala beegsaday, kaasi oo “burbur xooggan” soo gaarsiiyay xarunta caafimaadka.
Weriyaha AFP oo goobta ku sugnaa ayaa soo sheegay in daaqadahu ay jabeen, saqafkuna soo dumay, sidoo kalena ay burbureen qalabkii caafimaadka ee isbitaalka.
Fiidnimadii Jimcaha, ciidamada Israa’iil ayaa digniin soo saaray ka hor intaysan weerarin laba goobood oo ku yaalla magaalada Tire, iyagoo ku dhawaaqay inay beegsan doonaan “xarumaha Xisbullah”.