Sheekada cajiibka ah ee haweeneydan: 'Waxaan leeyahay labo xubin taran'

    • Author, Asha Juma
    • Role, BBC Nairobi
    • Reporting from, Nairobi
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Bal qiyaas inaad ogaato in jirkaaga uu leeyahay xaalad aad u naadir ah oo xitaa dhakhaatiirtu ay ku adkaanayso inay sharxaan — isla markaana keliya aad leedahay hal killi, taas oo go'aamin karta mustaqbalka noloshaada.

Sidaas ayay tahay xaaladda gabadha lagu magacaabo Abigael Kendi, oo 19 jir ah waxay leedahay ilmo-mareen laba ah, xubinta taranka oo laba ah iyo hal killi oo keliya.

Weriyaha Laanta Sawaaxiliga ee BBC Asha Juma ayaa heshay fursad ay kula hadasho, isla markaana iftiimisay caqabadaha ay la tacaalayso.

Abigael waxay la kulmeysay dhibaatooyin caafimaad oo la xiriira xaaladda ay ku dhalatay tan iyo sanadkii 2020 ilaa hadda.

Socdaalka xanuunka ee Abigael

Abigael waxay u kortay sidii gabdhaha kale ee caadiga ah, balse xaaladdeeda caafimaad waxay billowday inay is beddesho markii ay gashay da'da qaangaarka.

"Waxaan bilaabay inaan yeesho xanuun aad u daran marka caadada ii timaaddo, mar kasta oo aan hooyaday u sheego waxay oran jirtay waa caadi gabdhaha way la kulmaan. Sidaas ayaan u dulqaadanayay. Kadib waxaan bilaabay inaanan si caadi ah u gudan xaajada suuliga, kaadidana si fiican uma sii daynayn, sidoo kalena waan matagayay. Waxaan hooyaday u sheegay arrintaas, balse iyadu waxay u aragtay wax yar," ayay tiri Abigael.

Xaaladdan ayaa ka dhigtay gabadha mid aan farxad lahayn, maalintii xigtayna jirkeedu wuxuu bilaabay inuu is beddelo, waxaana loo qaaday isbitaal.

"Waxay ii bilaabeen tijaabooyin uur ah sababtoo ah calooshaydu way barartay, qaar kalena waxay igu sheegeen inaan uur leeyahay," ayay tiri Abigael.

Laakiin markii tijaabooyinku muujiyeen inaysan uur lahayn, dhakhaatiirtu waxay go'aansadeen in baaritaanno kale lagu sameeyo si xaaladda si qoto dheer loogu fahmo.

Goorma ayay waalidiinta Abigael ogaadeen dhibaatadan?

"Markii la i seexiyay isbitaalka si la ii siiyo dawo iga caawisa saxarada maaddaama calooshaydu ay barartay. Waxaa la iga qaaday raajo, markaas ayay arkeen in marka laga reebo hal killi, aan leeyahay laba marinka dhalmada, laba ilmo galeen iyo laba xubin taran," ayay tiri Abigael.

"Anigu waxaan u arkayay in hal killi oo keliya aysan dhib ahayn maaddaama dadka qaarkood ay xubin iska bixiyaan si ay u badbaadiyaan dadka kale, balse tan aniga mar walba waxay lahayd biyo, waxaana la ii sheegay inaan qaato daawo ka hortagta dhagaxaanta kelyaha. Aad ayaan u cabsaday, waxaan dareemay in nolosheydu halis ku jirto, xilligaasna waxaan moodayay inay ka roon tahay inaan iska daayo," ayay xasuusatay Abigael.

Taasi waxay ahayd markii ugu horreysay ee waalidiinteedu ogaadaan in gabadhoodu ay leedahay xaalad caafimaad oo gaar ah.

Abigael waxay xusuusataa inay aragtay hooyadeed oo ilmeynaysa kadib markii loo sheegay wararkaas.

"Weligey dhiigga caadada iguma dhicin"

Abigael waxay sheegtay in xaaladdan ay ku keentay caqabado badan.

"Aniga xanuun waan dareemaa, laakiin ma helo caado sida dumarka kale. Waligay ma aanan helin caado xitaa hal maalin. Mar keliya, markii aan kasoo baxay raajada, ayaan arkay wax u ek dhiig yar, markaas ayaan is iri laga yaabee inaan igu bilaabatay caadadaydii.

"Xanuun xooggan ayaan dareemaa, tusaale ahaan bishan laga bilaabo 10 ilaa 15 iyo 20 ilaa 25, laakiin caado ma helo. Waligay ma aanan helin caado mana aanan xiran suufka dhiigga sida gabdhaha caadiga ah marka ay ku jiraan maalmahooda," ayay tiri Abigael.

Xaaladdan ayaa ka dhigtay Abigael inay dareento inaysan caadi ahayn. "Waxaan bilaabay inaan naftayda eedeeyo, waxaan canaantay jirkeyga, xitaa waxaan qortay buug aan kaga hadlayo arrintan," ayay tiri.

"Ma fududa in la aado suuliga"

"Mararka qaar waxaan dareemi jiray in jirkeygu uu soo saarayo ur aan caadi ahayn, xitaa aniga qudhaydu aanan fahmi karin," ayay tiri Abigael.

Gabadhu waxay sidoo kale sheegtay in marka ay la kulanto xanuunka daran ee muujinaya inay ku jirto xilli caado ah, marka ay socoto, dadka ay ku yiraahdaan waxay u muuqataa iyadoo hal dhinac u janjeedha. Tani waxay ka dhalataa culayska ay dareemayso wakhtigaas ee saaran mindhicirka.

Sidoo kale, marka ay xaaladdan ku jirto, waxaa jira waxyaabo ay doonayso inay si caadi ah u samayso balse aysan awoodin.

"Ma awoodi karo inaan si caadi ah u saxaroodo. Marar badan waxaan isticmaalaa dawooyin. Sidoo kale waxaan isticmaalaa tuubo lagu sii daayo kaadida. Waxaa la ii dhigaa oo aan la joogaa ilaa laba toddobaad. Markii ay arkeen inaan si joogto ah u qaadayo caabuqyo, waxay bilaabeen inay i baraan sida aan qudheydu u isticmaali karo. Markaan doonayo inaan kaadiyo, waan gelinayaa, ka dibna waan ka saarayaa," ayay tiri Abigael.

Xaaladda caafimaad ee Abigael waxay sababtay inay dhibaato kala kulanto labadaba saxarada iyo kaadida.

"Ma aha wax sahlan. Mararka qaar kaliya waxa shaqeeya marka la ii sameeyo hab lagu nadiifiyo mindhicirka weyn si loo saaro wasakhda caloosha. Xitaa markaas kadib, ma dareemo rabitaan ah inaan musqusha aado. Waxaan u aadaa oo keliya sababtoo ah waan cunay oo waxaan isku dayaa inaan iscaawiyo. Sidaas ayaan mararka qaar ku heli karaa saxaro, haddii kale waxaan isticmaalaa oo keliya tuubooyin," ayay tiri Abigael.

Marka dhiigga badan uu ku uruuro gudaha xubnaha taranka, markaas ayaa loo baahan yahay in mindhicirka la nadiifiyo.

"Dhibaatooyinkii aan kala kulmay dugsiga"

Tuubada lagu sii daayo kaadida waa qalab ay Abigael isticmaalaysay xitaa markii ay iskuulka joogtay.

"Xitaa hadda weli waan isticmaalaa marka aan doonayo inaan kaadiyo, sababtoo ah dhakhaatiirtu waxay arkeen in kaadi haystaydu ay aad u ballaaratay," ayay tiri Abigael.

Intaas kuma eka—Abigael waxaa loo oggolaaday inay isticmaasho musqul gaar u ah marka ay iskuulka joogto, balse arrintaasi waxay keentay su'aalo badan oo uga imanayay ardayda kale.

"Arday badan ayaa i weydiin jiray sababta aniga keliya musqul ii gaar ah la ii siiyay. Sidoo kale waxaa jiray macallimiin aan i fahmin—haddii uu noqdo toddobaad uu isagu mas'uul ka yahay, hadallo xun ayuu igu odhan jiray, isagoo leh anigu ma ahi qofkii ugu horreeyay ee qalliin lagu sameeyo. Laakiin waan dulqaadan jiray ilaa toddobaadkiisa uu dhammaado," ayay tiri Abigael.

Waxa aan la ogayn ayaa ah in Abigael ay muddo dheer ku jirtay xanuun joogto ah.

"Mar kasta madax xanuun baa i haya. Waxaa mar kale la iga qaaday raajo, waxayna ogaadeen in biyo ku jiraan madaxa. Laakiin waxay sheegeen inaan la ii gelin karin tuubooyin, sababtoo ah kaadi haystaydu weli dhibaato ayay qabtaa. Intaa waxaa dheer, waxaan leeyahay hal killi oo keliya, taas oo dhibaato ay ku imaan karto shaqadeeda haddii qalliinkaas la igu sameeyo," ayay tiri Abigael.

"Waxaa la igu sameeyay qalliin toddoba jeer"

Abigael waxay sheegtay in safarkeeda raadinta daaweyntu uusan ahayn mid sahlan.

"Waxaa la igu sameeyay qalliin toddoba jeer si loo hagaajiyo xubnaha taranka si aan u arko caado sidda dumarka kale, balse wali ma aanan guulaysan," ayay tiri Abigael.

Sida qof kasta oo kale, gabadhu mararka qaar waxay gaartay heer ay ka daashay daaweynta.

"Qalliino badan ayaa la igu sameeyay. Mararka qaar waxaan dareemaa inaan culays ku noqday waalidkayga sababtoo ah waxay igu bixiyeen lacag badan, waxayna iigu iibiyeen waxyaabo badan, haddana natiijo ma jirto. Mararka qaar waan niyad jabaa. Xitaa waxaan gaaray heer aan ugu sheegay inay ka roon tahay inaan dhinto," ayay xasuusatay Abigael.

"Laakiin erayada dhiirrigelinta ee ay i siiyaan awgeed, waxaan arkaa inay i jecel yihiin oo ay ii baahan yihiin, markaas ayaan naftayda ku dhiirrigeliyaa anigoo leh berrito waxay noqon doontaa maalin ka wanaagsan."

"Faham khaldan"

Bulshada dhexdeeda waa arrin caadi ah in dadka qaarkood ay ku fahmi waayaan, gaar ahaan marka aad la tacaaleyso caqabadaha nolosha. Abigael waxay sheegtay in qof kasta uu lahaa aragti u gaar ah oo ku saabsan xaaladda ay ku jirto.

"Si furan ugu aanan sharxin dadka in aan leeyahay xubnaha taranka oo laba-laba ah. Ma ay fahmin. Waxay u maleynayeen in aan kaliya sheeganayo in aan jirranahay, balse ma ay garanayn waxa dhab ahaantii i haya.

"Qaar baa leh waa sixir, qaar kale waxay sheegaan waxaa laga yaabaa in ay jirto wax ay ayeeydood ka tagtay oo aan la sheegin, qaarna waxay leeyihiin waa in aan u tagnaa wadaad si la ii daaweeyo. Qaar kalena waxay yiraahdaan waxaa la ii sameeyay wax xun," ayay xasuusatay Abigael.

Gabadhu waxay sheegtay in hadda ay go'aansatay inay si furan uga hadasho xaaladdeeda, maaddaama waalidkeed ay sameeyeen wax kasta oo ay awoodaan si ay u hesho daaweyn, balse weli aysan helin xal buuxa oo dhibaatadeeda ka saara.

"Waxaan qalbigayga u furay rajada ah in laga yaabo inaan la kulmo qof samafale ah oo maqla dhibaatadayda oo iga caawiya si uun. Waxaa kale oo laga yaabaa in dadka kale ee la midka ah oo is qarinaya ay iyaguna furfuraan oo ay hadlaan.

Abigael waxay ugu baaqday dadka si qarsoodi ah ula tacaalaya dhibaatooyin caafimaad inay ka gudbaan cabsida oo ay soo baxaan si ay u helaan caawimo.

Ilaa hadda, Abigael waxay heshay fursad ay daaweyn uga hesho Isbitaalka Qaranka Kenyatta ee Kenya, taas oo sii kordhisay rajadeeda ah in maalin un ay rumoobi doonto riyadeeda ah inay noqoto dhakhtar.