You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dal ay Soomaaliya cadow ahaayeen oo cadaadis kala kulmaya Maraykanka
Xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Cuba oo muddo tobannaan sano ah ahaa mid horey u xumaa oo jilicsan ayaa si degdeg ah uga sii darayay toddobaadyadii u dambeeyay.
Maraykanka oo Cuba ku eedeynayo inay khatar ku tahay amnigooda Qaranka, wuxuu ku soo rogay xannibaad dhinaca shidaalka ah, cunaqabateyn, iyo hadda oo uu madaxweynihii hore ee dalkaas , Raúl Castro. ku soo oogay dacawal dil aan horrey loo arag.
Washington ayaa sidoo kale ka digaysa in heshiis nabadeed oo lala galo qaranka ku yaalla Kariibiyaanka uusan u muuqan mid suurtagal ah, halka Cuba ay sheegayso in Mareykanku uu isticmaalayo "kiis been abuur ah" si uu ugu marmarsiyoodo faragelin ciidan.
Laakiin maxaa ka dambeeya cadaadiska uu Maraykanku saarayo Cuba, sideese Cuba uga jawaabaysaa?
Ma laga yaabaa inay Maraykanku tallaabo milatari ka qaadaan Cuba?
Tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad, Donald Trump wuxuu si cad u muujiyay doonistiisa ah inuu beddelo hoggaanka Havana, wuxuuna si furan u sheegay in Cuba ay "diyaar u tahay inay dunto".
Bishii Maarso, wuxuu sheegay in dalku uu ku jiro " dhibaato weyn" isagoo ugu hanjabay "la wareegid saaxiibtinimo".
Ilaa hadda lama shaacin wax qorshe ah oo ku saabsan faragelin militari, balse Cuba waxay ku jirtaa feejignaan sare, gaar ahaan iyadoo dhaqdhaqaaqyada kormeerka ee gobolka Kariibiyaanka ay sii kordhayaan.
Toddobaadkii la soo dhaafay, militariga Maraykanka ayaa si fagaare ah u baahinayay goobaha ay marayeen diyaaradahooda ku dhow Cuba iyagoo adeegsanaya bogagga lagu raadraaco duulimaadyada.
In aaladaha gudbiya xogta duulimaadka loo daayo iyagoo shidan "waxay u dhacdaa si ula kac ah", waxaa sidaas yiri khabiirka dalka Ingiriiska u dhashay ee ku xeeldheer diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, Dr. Steve Wright, iyadoo Maraykanku doonayo inuu diro "fariin cad oo muujinaysa inuu cirka ka ilaalinayo si uu cadaadiska u sii wado".
Xogta raadraaca duulimaadyadu ma bixiso sawirka oo dhan, maadaama diyaaradaha militarigu badanaa ay wadaagaan goobtooda oo keliya qaybo ka mid ah safarka duulimaadka.
Dhanka kale, warbaahinta Maraykanka ee Axios, oo soo xiganaysa xog sirdoon oo qarsoodi ah, ayaa sheegtay in Cuba ay haysato 300 diyaaradood oo aan duuliye lahayn isla markaana ay ka xaajoonaysay weerarro lagu qaado bartilmaameedyo Maraykan ah ee u dhow oo ay ku jiraan Guantanamo Bay, Key West ee gobolka Florida, iyo maraakiibta ciidamada badda.
Warbixintu sidoo kale waxay soo xigatay sarkaal Maraykan ah oo sheegay in xogta sirdoonku oo lagu tilmaamay cudurdaar suuragal ah oo loogu gogol xaarayo faragelin militari oo Maraykan ah ay muujinaysay in lataliyeyaal militari oo Iiraan ah ay joogaan Havana.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba, Bruno Rodríguez, ayaa ka jawaabay isagoo sheegay in dalkiisu "uusan ku hanjabin dagaal isla markaana uusan rabin dagaal", wuxuuna ku eedeeyay Washington inay dhiseyso "dacwad been abuur ah" si loogu marmarsiyoodo faragelin militari.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa Khamiistii sheegay in Aqalka Cad uu doorbidayo "xal diblomaasiyadeed", balse wuxuu intaas ku daray in Donald Trump uu leeyahay xaq iyo waajibaad ah inuu dalkiisa ka ilaaliyo khatar kasta.
Wuxuu sidoo kale Cuba ku tilmaamay mid "khatar ku ah amniga qaranka" wuxuuna sheegay in suurtagalnimada heshiis nabadeed ay "aad u hooseyso".
Rodríguez ayaa taas kaga jawaabay isagoo ku eedeeyay Rubio inuu isku dayayo "inuu huriyo gardarro militari", isla markaana ku eedeeyay dowladda Maraykanka inay dalkiisa "si arxan darro ah oo nidaamsan" u weerarayso.
Kala-sarreynta Awoodda ee Cuba
Sida waddamo badan, Cuba waxay leedahay madaxweyne iyo raysal wasaare, laakiin waxaa lagu maamulaa nidaam kala-sarreyneed oo gaar ah.
Kala-sarreyntaas awoodeed waxay weli xiriir la leedahay mid ka mid ah magacyada ugu caansan ee ka soo baxay gobolka Karibiyaanka: Castro.
Hoggaamiyeyaasha Xisbiga Shuuciga ee Cuba waxay isu arkaan dhaxal-sugayaal iyo sii-wadayaashii Kacaankii Cuba ee 1959 ee uu hoggaaminayay Fidel Castro, kaas oo xukunka ka tuuray hoggaamiyihii taageerada Maraykanka haystay ee Fulgencio Batista, isla markaana "la-dagaallanka gumeeysiga" ka dhigay astaanta dowladda jasiiradda muddo tobannaan sano ah.
Sababtaas awgeed, waxay u arkaan dacwadda Maraykanku ku soo oogay madaxweynihii hore Raúl Castro inay tahay weerar ula kac ah oo lagu bartilmaameedsanayo shakhsiga ugu sarreeya ee nidaamka shuuciga ee halka xisbi ee Cuba.
Raúl, oo ku dhowaad 95 jir ah isla markaana sita magaca rasmiga ah ee "Hoggaamiyaha Kacaanka Cuba" wuxuu ahaa madaxweynaha Cuba intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2018.
Miguel Díaz-Canel, oo ah siyaasi sare oo ka tirsan xisbiga isla markaana 66 jir ah, ayaa hadda haya xilalka madaxweynaha Cuba iyo hoggaamiyaha Xisbiga Shuuciga. Si kastaba ha ahaatee, magaca qoyska Castro ayaa wali matala awoodda dhabta ah ee jasiiradda wuxuuna ixtiraam weyn ku leeyahay ciidamada militariga iyo hay'adaha amniga.
Ciidamadan ayaa si wax ku ool ah u maamula qayb weyn oo dhaqaalaha dalka ah waxayna ilaaliyaan nidaamka gudaha, iyagoo cabburiya mucaaradka iyo fikir kasta oo ka hor imanaya dowladda.
Manuel Marrero, oo ah taageere daacad u ah Castro isla markaana khabiir militari oo farsamo yaqaan ah koo 62 jir ah, ayaa ah ra'iisul wasaaraha Cuba. Wasiirka Arrimaha Dibadda Rodríguez, oo 68 jir ah, ayaa inta badan noqda "codka" ugu badan ee dowladda marka ay u jawaabayso Maraykanka.
Maxay tahay sababta uu Maraykanku Raúl Castro ugu soo oogay dacwad dil ah?
Dacwadaha dhawaan lagu soo oogay Castro waxay la xiriiraan dhacdo dhacday 30 sano ka hor.
Bishii Febraayo 1996, diyaaradaha dagaalka ee Cuba ayaa soo riday laba diyaaradood oo yaryar oo rayid ah kuwaas oo ay lahaayeen koox Cuban ah oo dibad-joog ku ahayd magaalada Miami. Afar qof oo saarnaa diyaaradaha ayaa ku dhintay, oo ay ku jireen saddex muwaadin oo Maraykan ah.
Waqtigaas, Raúl wuxuu ahaa wasiirka ciidamada qalabka sida ee Cuba isla markaana ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu awoodda badan dowladdii walaalkiis.
Washington waxay Cuba ku eedeysay inay si sharci darro ah u bartilmaameedsatay diyaarado rayid ah oo ku sugnaa biyaha caalamiga ah, waxaana tallaabadaas cambaareeyay dalal kale.
Sharaxaadda Havana ayaa ku adkaysanaysay in dhacdadu ka dhacday hawadeeda waxay ahayd in kooxda Brothers to the Rescue ay khatar ku ahayd amniga qaranka sababtoo ah duullimaadyo soo noqnoqday oo ay ku galeen hawada Cuba.
Horaantii toddobaadkan, Raúl iyo shan qof oo kale ayaa waxaa dacwad ku soo oogay Maraykanka, dacwadahaas oo iskugu jira kuwa kala duwan, oo ay ka mid yihiin: shirqool lagu dilay muwaadiniin Maraykan ah, dil, iyo burburinta diyaarado Maraykan ah.
Haddii lagu helo dambiga, wuxuu wajihi karaa xabsi daaim ama xukun dil ah.
Markii lagu dhawaaqayay dacwadaha, Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud Todd Blanche ayaa sheegay in Maraykanku "uusan illoobi doonin, mana hilmaami doono muwaadiniintiisa".
Si kastaba ha ahaatee, Maraykanku wuxuu si gaar ah u bartilmaameedsanayaa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu muhiimsan Cuba.
Díaz-Canel ayaa sheegay in dacwadaha loo adeegsanayo "in lagu marmarsiyoodeeyo waalli faragelin militari oo ka dhan ah Cuba".
Isagoo ku tilmaamay dacwadda "tallaabo siyaasadeed oo aan sal sharci lahayn", wuxuu sheegay in Cuba ay ku dhaqantay "is-difaac sharci ah oo ka dhacay biyaha ay awooddeeda leedahay" markii ay soo rideen diyaaradaha.
Cuba waxay cadaadiska kaga jawaabaysaa hadallo kulul iyo taageero ay ka helayso saaxiibbadeeda
Inkasta oo labada dal ay yeesheen nooc ka mid ah wadahadallo qarsoon oo la xaqiijiyay in la qabtay bishii Maarso, jawaabta Cuba inta badan waxay ku koobnayd hadallo adag oo ka imanaya hoggaamiyeyaasha.
Díaz-Canel wuxuu Maraykanka ku eedeeyay inuu ku soo rogay shacabka Cuba "ciqaab wadareed", wuxuuna si joogto ah u dalbaday in la joojiyo xannibaadda, taas oo uu ku tilmaamay "dhaqanka cabsi gelinta iyo kibirka leh ee quwadda militariga ugu weyn dunida".
Isagoo ka jawaabaya wararka ku saabsan sahayda drones-ka, Rodríguez wuxuu sheegay in Maraykanku dhisayo marmarsiinyo loogu gogol xaarayo "dagaal dhaqaale oo naxariis darro ah oo ka dhan ah shacabka Cuba iyo ugu dambayn faragelin militari".
Inkasta oo uu ku adkaystay in Cuba aysan doonayn dagaal, wuxuu sheegay inay isu diyaarinayso "gardarro dibadda ah".
Dhanka kale, Shiinaha iyo Ruushka — oo ah xulafada Cuba — ayaa cambaareeyay cadaadiska Maraykanka, gaar ahaan dacwadda la xiriirta Raúl Castro.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa ku baaqday in Maraykanku joojiyo isticmaalka "cadaadis" iyo "hanjabaad" ka dhan ah saaxiibkiisa, halka Kremlin-ku uu sheegay in cadaadiska lagu hayo Havana uu "ku dhow yahay rabshad".
Cuba oo hadda la kulmaysa cadaadis uga imaanaya maamulka Trump ayaa mar saaxiib dhow la ahayd Soomaaliya xilligii labada dalba ay ka mid ahaayeen Midowgi Sofiyeeti balse mar dambe u muqdo kuwo cadaawe ah ka dib gacan siiintii Cuba ee Itoobiya dagaalkii 1977-dii sida ay taariikhyannadu muujiyaan.