Maxaan ka ognahay ilaa iyo hadda safarka uu madaxweyne Cirro ku tagay Israa'iil?

Xigashada Sawirka, X
Madaxweynaha Somaliland Cabadiraxmaan Cirro ayaa booqashadii ugu horeysay ee rasmi ah ku tagay Israa'iil sida uu ku daabacay barahiisa bulshada.
Dhawaan ayay ahayd markii uu soo shaac baxay warkaan ku saabsan booqashada Cirro ee Isra'iil, taa oo hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada.
Madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog, oo qaabilay Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku tilmaamay boqashadiisa "mid taariikhi ah".
Muqaal soconaya 5 ilbiriqsi oo uu soo dhigay bartiisa X, ayaa waxaa i dhinac taagan labada masuul, isaga oo Isaac uu luuqada Soomaaliga ku leeyahay "Ku soo dhawow Isra'iil". Cirro ayaa isna luqada Hinruuga ku leh "Dadka Israa'iil ha noolaadaan".
Cabdiraxmaan Cirro, madaxweynaha Somaliland ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook, waxa uu ugu mahadceliyay madaxweyne Isaac Herzog iyo shacabka Israa'iil soo dhawayntooda.
"Waxa aan si weyn ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha Israa'iil, Mudane Isaac Herzog, iyo shacabka Israa'iil soo-dhaweynta diirran, marti-soorka wanaagsan iyo maamuuska sare ee ay noo muujiyeen," ayuu ku yiri hadalkiisa madaxweyne Cirro.
Muxuu Cirro ka doonay Israa'iil?
SIda uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta Facebook, ayuu ku sheegay Cirro in safar uu ku tagay Israa'iil uu yahay "tallaabo taariikhi ah oo furaysa bog cusub oo ku dhisan saaxiibtinimo, iskaashi iyo is-ixtiraam ka dhexeeya Somaliland iyo Israa'iil".
"Muddo 35 sano ah, shacabka Somaliland waxay dhiseen qaran nabdoon, dimuqraadi ah, isla markaana adkaysi leh," ayuu raaciyay qoraalka uu ku daabacay boggiisa Facebook.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale, madaxweynaha Isrraa'iil Isaac Herzog, ayaa qoraalkiisa X ku sheegay in safarka madaxweyne CIrro ku yimid Israa'iil uu yahay mid astaan u ah "kartida wayn" ee iskaashiga cusub ee u dhaxeeya "labada dal", sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweyne Cirro, ayaa sheegay in tani u tahay tallaabo wayn oo ku timid halgan dheer oo ay galeen dadka reer Somaliland, kaa oo ku aadanaa raadinta aqoonsiga.
Isaga oo farriin u diryay shacabka Somaliland ayuu yiri: "Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaan leeyahay: waxaan sidaa rejadiinna, himilooyinkiinna iyo hammigiinna qaran. Jiilal badan ayaa halgamay, naf iyo maalna u huray sidii aynu u gaadhi lahayn maalintan taariikhiga ah".
Booqashadaan ayaa hadalhayn badan ka dhalisay baraha bulshada tan iyo markii ay soo shaac baxday.
Waxaa la xasuustaa in ra'iisul wasaaraha Isra'iil Benjamin Netanyahu isaga oo qadka taleefanka kula hadlaya madaxweyne Cirro xilligii uu ku dhaawaqay in dowladiisu aqoonsatay Somaliland, in uu casuumaad u fidiyay madaxweyne Cirro taa oo uu ku imaanayo Isra'iil.
Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaas aad ugu carootay tallaabada Israa'iil iyada oo kulan degdeg ah ka codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taa oo xubnaha ugu badan ee goluhu isku raacay in la ilaaliyo madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, wadamo Afrikaan ah, kuwa Eeshiyaan ah, qaar ka mid ah wadamda Islaamka, Midowga Afrika, Yurub iyo ururo kale oo caalami ah ayaa taageeray in la ixtiraamo midnimada Soomaliya.

Xigashada Sawirka, X
Tan iyo markii Israa'iil ay aqoonsatay Somaliland ayaa waxaa xigay tallaabooyin dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in Israa'iil ay danjire u soo magacowday Somaliland.
Bishii April, Israa'iil ayaa u magacawday safiirkeedi ugu horreeyay ee Somaliland, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Michael Lotem ayaa loo magacaabay safiir ma-degane ah oo qaabilsan Somaliland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa'iil.
Dhanka kale, Somaliland ayaa sheegtay in ay safaarad ka furanayso magaalada Qudus, iyada oo u magacowday danjire israa'iil.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu danjiraha Somaliland u qaabilsan Israa'iil Maxamed Xaaji ku yiri "Waxa aan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in safaarada jamhuuriyada Somaliland ay oolli doonto Quddus – safaarada dhawaan ayaa la furi doonaa, halka Israa'iil ay sidoo kale ka samaysan doonto Hargeysa safaaradeeda, taas oo ka turjumaysa saaxiibtinimada, ixtiraamka iyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya labadayada shacab".
Dawladda Soomaaliya ayaa cambaareysay wax ay ku tilmaantay "tallaabada maamulka Woqooyi Galbeed ugu xadgubay qadiyadda magaalada Quddus".














