Sirta dardaarankii Ayatollah Cali Khamenei: Maxaysan Iiraan u soo bandhigin

Xigashada Sawirka, Tabnak
Toddobo bilood ka dib dilkii hoggaamiyihii hore ee diinta ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, weli lama shaacin dardaarankiisii siyaasadeed; arrintaas oo sii kordhisay su'aalaha iyo doodaha ka taagan gudaha iyo dibaddaba.
Muddadaas gudaheeda, waxa kaliya ee la shaaciyey wuxuu ahaa dardaaran duug ah oo uu qoray sannadkii 1342-kii (sida ku xusan jadwalka taariikhda Iiraan) oo ku aaddan 1963. Isla markaasna, waxaa dib u dhac ku yimid soo saarista cajalado maqal ama muuqaal ah oo la xiriira habka beddelkiisa xilka, taas oo sii kordhisay hubanti la'aanta ku xeeran arrintan.
Sharraxaadaha ay bixiyeen qaar ka mid ah hay'adaha dowladdu ma aysan soo afjarin hubanti la'aanta, balse waxay dhaliyeen su'aalo cusub oo ku saabsan waxa ku dhacay dardaarankan muhiimka ah.
Aragtiyaha soo baxay waxaa ka mid ah in dardaarankaas uu lumay ama burburay markii la weeraray hoyga Khamenei. Wargeyska Ettelaat ayaa sheegay in dukumeentigaasi laga yaabo inuu weli ku hoos jiro burburka dhismayaasha ku dumay weerarkaas.
Sidoo kale, Duqa magaalada Tehran, Alireza Zakani, ayaa sheegay inay suurtagal tahay in dardaarankaas uu waxyeello ka soo gaaray burburkii ku dhacay maktabadda Khamenei iyo ururinta qoraalladiisa.
Hase yeeshee, sharraxaaddaas waxaa shaki ka muujiyay qaar ka mid ah falanqeeyayaasha iyo muwaadiniinta. Dad badan waxaa ku adag inay rumaystaan in dukumeenti xasaasi ah, sida dardaaranka siyaasadeed ee hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka, lagu hayn karo meel si fudud uu ugu lumi karo ama lagu burburin karo.
Shakigaas waxaa sii xoojinaya qaabkii loo ilaaliyay dardaarankii aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ruhollah Khomeini. Dardaarankiisa waxaa laga diyaariyay laba nuqul oo kala gaar ah, kuwaas oo la xiray (la shaabadeeyay) laguna kaydiyay goobo kala duwan oo ammaan ah, si loo xaqiijiyo badbaadadooda.
Marka la eego taariikhdaas, dad badan ayaa aaminsan inay tahay wax aan caadi ahayn in dukumeenti leh miisaan siyaasadeed iyo mid diimeed oo heerkaas gaarsiisan, sida dardaaranka Khamenei, uu si fudud u lumo ama u burburo; arrintaas oo sii kordhinaysa su'aalaha ku saabsan sababaha dhabta ah ee aan loo shaacin dardaarankaas.

Xigashada Sawirka, Emam.com
Maxaa ku yaallay dardaaranki Ruuxullah Khomeini?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Rabitaanka ah in la ogaado waxa ku qoran dardaaranka Ayatollah Ali Khamenei macnaheedu ma aha in daabacaaddiisu ay keeni doonto isbeddello waaweyn oo ku yimaada qaab dhismeedka hoggaamineed ee Iiraan. Xitaa haddii dardaarankaas dadweynaha loo soo bandhigo, saameyntiisu waxay ku xirnaan doontaa sida hoggaamiyeyaasha dalku u fasiraan oo ay u dhaqan geliyaan.
Taariikhda Iiraan waxay muujinaysaa in xitaa tilmaamaha cad ee ku jira dardaarannada hoggaamiyeyaasha sare aan mar walba si dhab ah loo raacin. Tani waxay si cad u soo shaac baxday ka dib geeridii aasaasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Ayatollah Ruhollah Khomeini, bishii Juun ee sannadkii 1989-kii.
Inkastoo hoggaamiyeyaasha Iiraan ay muujiyeen daacadnimadooda iyo ixtiraamka ay u hayaan, haddana qaar ka mid ah soo jeedinnadii muhiimka ahaa ee uu kaga tagay dardaarankiisa si buuxda looma dhaqan gelin, taas oo dhalisay xiisad siyaasadeed oo xooggan.
Dardaaranka Khomeini wuxuu ahaa mid dheer oo ka hadlayay mowduucyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin taariikhda Iiraan, arrimaha caalamka, arrimaha diinta, iyo mustaqbalka Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Waxa kale oo ku jiray tilmaamo gaar ah oo ku saabsan qaab dhismeedka hoggaaminta qaranka.
Mid ka mid ah tilmaamihiisii ugu muhiimsanaa wuxuu ahaa in ciidamada ammaanka laga mamnuuco inay ku lug yeeshaan hawlaha siyaasadeed. Khomeini wuxuu ku adkaystay in ciidanka, booliiska, Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), kooxda Basij, iyo hay'adaha kale ee ammaanku aysan ka qayb qaadan waxa uu ugu yeeray "ciyaaraha siyaasadeed".
Hase yeeshee, xilligii Ali Khamenei, kooxda IRGC iyo gaar ahaan kooxda Basij ayaa saameyn weyn ku yeeshay siyaasadda Iiraan. Hay'adahan ayaa door muuqda ka ciyaaray doodaha siyaasadeed, ololayaasha doorashada, iyo habka dejinta siyaasadda dalka.
Dardaaranka Khomeini waxaa sidoo kale ku jiray digniin muhiim ah oo ku saabsan hadallada loo nisbeeyo isaga ka dib geeridiisa. Wuxuu qoray inaan la aqbalin hadal kasta oo loo nisbeeyo, ilaa laga xaqiijiyo iyadoo la adeegsanayo codkiisa, dukumeenti qoran oo saxiixiisa xambaarsan, ama bayaan rasmi ah oo ka soo baxay magaca Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Si kastaba ha ahaatee, saacado yar ka dib markii dardaarankaas laga akhriyay Golaha Khabiirrada (Assembly of Experts), madaxweynihii hore ee Iiraan Akbar Hashemi Rafsanjani ayaa sheegay in Khomeini uu mar isaga iyo wiilkiisa Ahmad Khomeini, iyagoo si gaar ah u wada hadlaya, ugu sheegay in Ali Khamenei uu yahay qofka ku habboon inuu beddelo.
Sida ku xusan qoraallada laga diiwaangeliyay kulankaas, hadalkaas waxaa loo adeegsaday mid ka mid ah doodaha ugu muhiimsan ee lagu doortay Khamenei inuu noqdo Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan. Dhacdadan ayaa weli waxaa tusaale u soo qaata qaar ka mid ah falanqeeyayaasha, iyagoo ku muujinaya sida loo fasiri karo loona isticmaali karo dhaxalka hoggaamiyaha, taas oo ka duwanaan karta tilmaamaha ku qoran dardaarankiisa.
Taasi waa sababta, xitaa haddii dardaaranka Cali Khamenei la daabaco mustaqbalka, su'aasha weyni aysan ku koobnaan doonin oo kaliya waxa ku qoran dardaarankaas, balse ay sidoo kale khuseyn doonto sida ay mas'uuliyiinta Iiraan u arki doonaan una dhaqan gelin doonaan.
Ka soo billow Lenin-kii Soofiyeetiga ilaa iyo Mao-gii Shiinaha

Xigashada Sawirka, Getty Images
Rabitaanka hoggaamiyeyaasha xukunka sii haya ilaa dhammaadka noloshooda ayaa badanaa ka mid ah dukumentiyada ugu xasaasisan, uguna muhiimsan ee dawladda. Si ka duwan madaxweynayaasha la doorto muddo go'an ka dibna ka taga xafiiska, hoggaamiyeyaasha noocaas ah waxay leeyihiin awood ballaaran oo ay ku gaaraan go'aanno saameeya mustaqbalka qaranka muddo tobanaan sano ah.
Taasi waa sababta kooxaha siyaasadeed ee ku tartamaya saameynta ka dib dhimashada hoggaamiye ay u arki karaan baahida loo qabo in la daabaco, la turjumo, ama xitaa la qariyo dardaarankiisa, iyadoo ku xiran danahooda muddada soo socota.
Mid ka mid ah tusaalooyinka ugu caansan taariikhda waa dardaaranka Vladimir Lenin, hoggaamiyihii Kacaankii Ruushka ee 1917. Dhab ahaantii, dardaaranku wuxuu ahaa warqad uu u qoray Xisbiga Shuuciga ee Midowgii Soofiyeeti.
Dukumentiga, Lenin wuxuu si adag u qiimeeyay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya xisbiga wuxuuna ka digay khatarta awoodda xad dhaafka ah ee ku ururta gacanta Joseph Stalin.
Ka dib dhimashadii Lenin, dukumeentiga waxaa loo akhriyay oo keliya hoggaamiyeyaasha sare ee xisbiga kalfadhiyada gaarka ah. Markii dambe, Stalin iyo xulafadiisa siyaasadeed waxay xaqiijiyeen in aan la shaacin.
In kasta oo Wargeyska New York Times uu ku guuleystay inuu helo oo daabaco 1926, haddana dardaaranka si rasmi ah looguma daabicin Midowgii Soofiyeeti ilaa 1956, 32 sano ka dib geeridii Lenin.
Tallaabadan waxay timid intii lagu jiray ololihii Nikita Khrushchev ee lagu dhimayay saameynta Stalin iyo dhaleecaynta dhaxalkiisa siyaasadeed.
Xaalad la mid ah ayaa sidoo kale ka soo ifbaxday Shiinaha ka dib geeridii Mao Zedong 1976, markii qaranku uu galay khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan dhaxalkiisa iyo cidda la wareegi doonta hoggaanka.
Si ka duwan Lenin, Mao ma uusan ka tegin dardaaran siyaasadeed oo qoran. Si kastaba ha ahaatee, ku dhawaad 20 sano ka hor geeridiisa, isaga iyo hoggaamiyeyaasha kale ee ugu sarreeya Xisbiga Shuuciga waxay saxiixeen dukumeenti ku baaqaya in la gubo meydadka hoggaamiyeyaasha xisbiga ka dib geeridooda iyo in aan qabrigooda dhisme weyn loo samayn ama goobaha xusuusta gaarka ah ee loogu talagalay.
Tallaabadan waxay ujeeddadeedu ahayd in la yareeyo dhaqanka lagu maamuusayo hoggaamiyeyaasha ka dib geeridooda, kaas oo ku xididaysatay qaar ka mid ah dhaqamada Shiinaha xitaa ka hor xukunkii Shuuciga.
Hase yeeshee, geeridii Mao ka dib, beddelkiisii Hua Guofeng iyo xulafadiisu si cad uma sheegin mowqifkan. Iyagoo doonaya inay xoojiyaan sharcinimadooda siyaasadeed ee ka dhanka ah dadka ay iska soo horjeedaan ee xisbiga dhexdiisa, waxay go'aansadeen inay dhisaan xarun weyn oo xusuus ah oo loogu talagalay Mao, isla markaana ay meydkiisa u ilaaliyaan si gaar ah.
Tallaabadani waxay Mao ka dhigtay astaan weligeed u taagan qaranka; arrin ay falanqeeyayaasha qaar ku tilmaameen inay xitaa dhaaftay dhaqamadii hore loogu sharfi jiray hoggaamiyeyaashii Shiinaha ee waagii hore.
Afar sano ka dib, Deng Xiaoping oo noqday hoggaamiyaha ugu sarreeya Shiinaha, laguna yaqaanay hab-siyaasadeed ku dhisan wax-ku-oolnimo (pragmatism) ayaa si fagaare ah uga hadlay soo jeedintii Mao iyo sababaha aan loo dhaqan gelin geeridiisii ka dib.
Tusaalooyinka Lenin iyo Mao waxay muujinayaan in waxa uu hoggaamiyuhu qoray ama ka tagay ka hor geeridiisa aysan mar walba go'aamin jihada uu qaranku qaadayo. Inta badan, waxa ugu muhiimsani waa sida ay kuwa xilka kala wareegayaa u fasiraan, u adeegsadaan, ama iskaga indho tiraan arrimahaas, iyadoo la eegayo loolanka siyaasadeed ee xiga.


























