Dal Muslim ah iyo Israa'iil oo safaarado is dhaafsanaya, kadib heshiis ay gaareen

Morocco iyo Israa'iil oo heshiis gaaray

Xigashada Sawirka, Getty Images / EPA

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Israel ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay Morocco oo ku saabsan kor u qaadista heerka xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo in labada dal ay safaarado is-weydaarsadaan.

Arrintan ayaa lagu dhawaaqay kadib kulan saddex geesood ah oo magaalada New York ku dhexmaray wasiirrada arrimaha dibadda Israel iyo Morocco iyo safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Mike Waltz.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegtay in labada dal ay magacaabi doonaan safiiro, isla markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin lagu xoojinayo xiriirkooda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu sii horumarinayo heshiisyada Abraham Accords, oo ah heshiisyo uu Mareykanku fududeeyay oo lagu soo celiyay xiriirka Israel iyo dalal Carbeed.

Israel, Morocco iyo Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay inay ka go'an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Israel iyo Morocco.

Labada dal ayaa isku raacay in heerka wakiilladooda diblomaasiyadeed loo qaado safaarado, isla markaana ay magacaabaan safiiro.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa sidoo kale Arbacadii kulan fool ka fool ah la yeelanayay dhiggiisa Morocco, Nasser Bourita.

Israel iyo Morocco ayaa sidoo kale isku raacay inay dhammaadka 2026 soo gabagabeeyaan heshiisyo ku saabsan ilaalinta maalgashiga iyo ka fogaanshaha canshuur laba jeer laga qaado, taasoo la sheegay inay fududeyn doonto maalgashiga labada dhinac iyo xoojinta xiriirka ganacsi iyo dhaqaale.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay inay bilaha soo socda is-weydaarsadaan booqashooyin ay sameeyaan mas'uuliyiin heer sare ah.

Morocco waxay ka mid tahay afar dal oo Carbeed — Imaaraadka, Baxrayn iyo Suudaan, oo sanadkii 2020 qaaday tallaabooyin lagu soo celinayo xiriirkooda Israel, heshiisyadaas oo uu Mareykanku dhexdhexaadiyay.

Qodobbada muhiimka ah e heshiiska

Calamada labada dal

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Heshiiska ay Israel iyo Morocco ku gaareen xoojinta xiriirkooda ayaa ka kooban dhowr qodob:

Xiriirka diblomaasiyadeed: Labada xafiis ee xiriirka ee hadda jira ayaa loo beddelayaa laba safaaradood oo rasmi ah, waxaana sida ugu dhaqsaha badan loo magacaabi doonaa safiiro.

Iskaashiga dhaqaale: Labada dal waxay doonayaan inay dhammaadka 2026 soo gabagabeeyaan laba heshiis oo lagu ilaalinayo maalgashiga, lagana hortagayo canshuur laba jeer laga qaado, si loo fududeeyo ganacsiga.

Duulimaadyada: Waxaa la qorsheynayaa in la kordhiyo duulimaadyada tooska ah, iyadoo shirkadaha diyaaradaha Morocco ay dhawaan bilaabi doonaan duulimaadyo.

Saxaraha Galbeed: Mareykanka iyo Israel ayaa mar kale xaqiijiyay aqoonsigooda ku aaddan sheegashada Morocco ee madaxbannaanida dhulka Saxaraha Galbeed.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Morocco oo ku saabsan heshiiskan.

Go'aankan ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Israel iyo Morocco uu sii xoogeysanayay tan iyo December 2020, markii labada dal ay xiriirkooda caadiyeeyeen iyadoo loo marayo heshiisyada Abraham Accords.

Taariikhda heshiiskii 2020

Israel iyo Morocco ayaa bishii December 2020 dib u soo celiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed, iyadoo Mareykanku dhexdhexaadinayay, taasoo qayb ka ahayd heshiisyadii soo celinta xiriirka Israel iyo dalal Carbeed oo dhowr ah xilligii hore ee madaxweyne Donald Trump.

Morocco waxay noqotay dalkii afraad ee Carbeed ee sannadkaas xiriirka soo celiya Israel, kadib Imaaraadka, Baxrayn iyo Suudaan.

Heshiiska ayaa yimid kadib markii Trump uu ku dhawaaqay in Mareykanku aqoonsaday madaxbannaanida Morocco ee dhulka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed, arrintaas oo lala xiriiriyay dib u soo celinta xiriirka Israel iyo Morocco.

Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee 22-kii December 2020 lagu saxiixay Rabat ayaa dhigay in dib loo bilaabo xiriirka rasmiga ah, lana furo xafiisyo xiriir oo labada dal ah. Waxa kale oo lagu heshiiyay iskaashi dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, duulista, dalxiiska, beeraha, biyaha, tamarta iyo isgaarsiinta.

Xiriirka cusub ayaa sii xoogeysanayay sannadihii xigay, iyadoo labada dal ay yeesheen booqashooyin rasmi ah iyo iskaashi siyaasadeed, dhaqaale iyo amni.

Heshiiska cusub ee September 2026 ayaa hadda sare u qaadaya xiriirkaas, iyadoo xafiisyadii xiriirka loo beddelayo safaarado rasmi ah, isla markaana labada dal ay magacaabanayaan safiiro.