Muxuu dhab ahaantii Maraykanku ka rabaa Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mareykanka ayaa doonaya in Iiraan ay si cad u sheegto in Marinka Hormuz uu furnaan doono isla markaana ay ballan qaadayso inay joojin doonto weerarrada maraakiibta ganacsiga.
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa saraakiil aan la magacaabin, in Iiraan ay si qarsoodi ah ula heshiisay la-taliyayaasha Madaxweyne Donald Trump in weerarrada maraakiibta ay ahaayeen khalad.
Si kastaba ha ahaatee, warar ayaa soo jeedinaya in Iiraan ay weerarka la xiriirisay mid ka mid ah kooxaha fallaagada ah oo aysan wax xakameyn ah ku lahayn.
Trump ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wadahadallada, inkastoo Washington ay sheegtay in dagaalka ka socda Marinka Hormuz toddobaadkan uu ahaa mid jebinaya heshiiska xabbad joojinta.
"Iiraan waa inay qirataa khaladkeeda, haddi kale cawaaqib ayey la kulmi doontaa"
Bishii Juun, Mareykanka iyo Iiraan waxay gaareen heshiis xabbad-joojin ah. Heshiiskaas ayaa Iiraan waxay sidoo kale ku ballanqaadday inay xaqiijiso bedqabka maraakiibta ganacsiga ee maraya marinka Hormuz.
Saraakiil sare oo Mareykan ah ayaa u sheegay CBS News — oo ah shabakad la shaqeysa BBC-da dhanka Mareykanka — in Iiraan ay sheegtay in "koox qalloocan" ay isku dayayso inay carqaladeyso wadahadallada iyadoo weeraraysa maraakiibta ganacsiga.
"Kadibna Iiraaniyiintii waxay ku soo laabteen miiska wadahadalka, waxayna yiraahdeen, 'Khalad ayaan galnay. Aan wadahadallada sii wadno,'" ayuu yiri sarkaal u warramay CBS News.
Shir jaraa'id oo la qabtay maalintii Jimcaha ayaa saraakiil Mareykan ah waxay sheegay inay farriin u direen hoggaamiyeyaasha Iiraan iyagoo adeegsanaya dhexdhexaadiyeyaal gobolka ah, iyagoo ugu baaqaya Iiraan inay soo saarto bayaan xaqiijinaya in marinka Hormuz uu weli furan yahay iyo inay joojisay weerarrada lagu hayo maraakiibta ganacsiga.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xogtan waxaa lagu sheegay warbaahin badan.
"Iiraan waa inay ku dhawaaqdo arrintan, haddii kale waxay la kulmi doontaa cawaaqib xumo," ayay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay saraakiil Maraykan ah.
Sida lagu sheegay warbixin ay qortay CBS News, Aqalka Cad ayaa sidoo kale ugu baaqaya Iiraan inay si cad u qirato inay khalad ahayd in la weeraro maraakiibta ganacsiga.
Wadahadallada ka dhacaya Cumaan waxaa hoggaamin doona Madaxweyne-ku-xigeenka Mareykanka JD Vance iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, iyadoo ay wehlinayaan laba sarkaal oo muhiim ah oo qaabilsan wadahadallada Bariga Dhexe, kuwaas oo kala ah ergayga gaarka ah Steve Whitkoff iyo wiilka uu soddogga u yahay Madaxweyne Trump, Jared Kushner.
Dhanka kale, wafdi ka socda Qatar ayaa Jimcihii gaaray Iiraan si ay uga wada hadlaan sidii loo yareyn lahaa xiisadda loona suurtagelin lahaa in maraakiibtu ay si nabad ah uga gudbaan marinka Hormuz.
"Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa naga codsatay inaan sii wadno wadahadalladeenna," ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ee Truth Social maalintii Jimcaha.
"Waan aqbalnay codsigaas, balse Mareykanka ayaa si cad ugu sheegay in heshiiskii xabbad-joojinta uu hadda burburay" ayuu yiri.
Ma jirin wax weerarro cusub ah oo dhacay maalintii Jimcaha tan iyo markii uu dagaalku ka billowday gobolka Gacanka horraantii toddobaadkii hore.
Dagaalkii dhacay horraantii toddobaadkii hore ayaa ahaa iska horimaadkii milateri ee ugu ballaarnaa ee dhexmara Mareykanka iyo Iiraan tan iyo markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis ku-meel-gaar ah bishii Juun.
Saddex markab oo ku sii jeeday Cumaan, kuwaas oo marayay waddo badeed uu soo jeediyay Mareykanka ayaa la beegsaday weerarradaas.
Iiraan ayaa marar badan ku celcelisay in marinka kaliya ee badbaadada u ah maraakiibta uu yahay biyaha dhul-badeedkeeda.

Xigashada Sawirka, Reuters
Mustaqbalka Marinka Hormuz oo lagu daro heshiiska
Horumar ayaa laga sameeyay wadahadalladan markii Mareykanka iyo Iiraan ay bishii hore kala saxiixdeen heshiis-faham (Memorandum of Understanding) kaasoo ka kooban 14 qodob oo looga golleeyahay ilaalinta xabbad-joojinta iyo soo afjaridda colaadda meel kasta.
Heshiiskan ayaa dhigaya in Iiraan iyo Cumaan ay wadahadallo la yeeshaan dalalka kale ee Khaliijka si loo go'aamiyo mustaqbalka Marinka Hormuz, loona sameeyo nidaam lagu maamulo adeegyada gaadiidka badda.
Intii ay socotay colaaddu, Iiraan waxay isku dayday inay muujiso awooddeeda iyo gacanta ay ku hayso Marinka Hormuz.
Tallaabadaas, waxay ku shaacisay inay sameynayso Hay'adda Maamulka Marinka Khaliijka (Persian Gulf Strait Authority) ayna bixinayso "ruqsadaha marinka nabdoon" ee maraakiibta ka gudbaya aaggaas.
Wakaaladda wararka ee Iiraan ee Fars ayaa sheegtay in, iyadoo la raacayo heshiis cusub oo lala galay Mareykanka, Marinka Hormuz ay ugu dambeyn si wadajir ah u maamuli doonaan Iiraan iyo Cumaan.
Tallaabadan ayaa sidoo kale la filayaa inay ku jirto lacag adeeg oo laga qaadi doono maraakiibta maraya marinkan biyaha ee muhiimka ah.













