Muxuu yahay heshiiska Abraham, oo saxiixiisa Trump uu u arko inuu shuruud u yahay heshiis lala galo Iran?

.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay "dhammaan dalalka" inay "si degdeg ah u saxiixaan Heshiisyada Abraham," tallaabo loo arki karo shardi lagu gaari karo heshiis nabadeed oo lala yeesho Iran.

Heshiisyada Abraham waa heshiisyo lagu caadiyeynayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Israa'iil iyo dhowr waddan oo Carbeed, kuwaas oo la saxiixay sannadkii 2020 intii lagu jiray xilligii ugu horreeyay ee madaxweyne Trump.

Donald Trump ayaa ku qoray farriin uu soo dhigay shabakadda bulshada ee Truth Social:

"Waxaan si adag ugu baaqayaa in dhammaan dalalku isla markiiba saxiixaan Heshiisyada Abraham, haddii Iran ay ila saxiixato heshiiskeeda aniga oo ah Madaxweynaha Maraykanka, sharaf ayay ii ahaan lahayd inay qayb ka noqdaan isbahaysigan caalamiga ah ee gaarka ah."

Farriintan ayaa timid kadib markii Mr Trump uu wadahadallo telefoon kula yeeshay hoggaamiyeyaasha Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, Pakistan, Turkiga, Urdun, Baxrayn iyo Masar.

Qaar ka mid ah dalalkan ayaa horey u saxiixay heshiiskan.

Donald Trump wuxuu Aqalka Cad kaga dhawaaqay "Heshiiska Ibraahim" August 2020.

Xigashada Sawirka, Reuters

Muxuu yahay heshiiska Abraham?

Heshiisyada Abraham Accord, waa kuwa u jeeddu ay tahay in la caadiyeeyo xiriirka Israa'iil iyo wamada Carabta oo ilaa curashadii Israa'iil ahaa mid xun.

Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa saxiixay intii lagu jiray muddo xileedkii kowaad ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sanadkii 2020, iyagoo jebiyey caado-reebitaan soo jireen ah, kana dhigay dowladihii Carbeed ee ugu horreeyey ee aqoonsada Israa'iil muddo rubuc qarni ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Morooko iyo Suudaan ayaa iyaguna raacay. Sidaas oo kale dowladda Kazakhstan ayaa dhawaan ku biirtay heshiisa.

Jared Kushner, oo uu soddog u yahay Trump, ayaa kaalin weyn ka qaatay dhexdhexaadinta heshiisyadan.

Mas'uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegay inay dareemeen khiyaano kaga timid walaalahooda Carabta ah, maadaama ay heshiisyo la galeen Israa'iil iyagoo aan marka hore dalban horumar ku wajahan dhismaha dowlad Falastiini ah.

Mas'uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegay inay dareemeen khiyaano kaga timid walaalahooda Carabta ah, maadaama ay heshiisyo la galeen Israa'iil iyagoo aan marka hore dalban horumar ku wajahan dhismaha dowlad Falastiini ah.

maaraadka Carabta ayaa bishii December uga digay Israa'iil in deegaamaynta dhulka Daanta Galbeed ee la haysto ay noqon doonto xariiq cas, isla markaana ay si weyn u wiiqi doonto ruuxda heshiisyada, kaddib markii wasiir Israa'iili ah oo midigta fog ah uu ku hanjabay inuu aasi doono fikradda dowlad Falastiini ah isagoo ballaarinaya degaameynta

Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa qorshahan ku tilmaamay dhirbaaxada qarniga

Xigashada Sawirka, EPA

Waa maxay mustaqbalka heshiisyadan?

Washington ayaa muddo dheer rajaynaysay in horumarka laga sameeyo dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga uu horseedi doono in heshiisyada Abraham lagu ballaariyo dowlado Carbeed oo kale, gaar ahaan Sacuudi Carabiya, oo ah quwadda ugu weyn gobolka isla markaana ah tan ugu taajirsan dhammaantood.

Hase yeeshee, Riyaad ayaa ku adkaysanaysa in aan wax caadiyeyn xiriir ah lala yeelan karin Israa'iil haddii uusan jirin waddo cad oo ku wajahan dhismaha dowlad Falastiini ah, arrintaas oo ay diidan tahay dowladda ugu midigta fog ee taariikhda Israa'iil.

Tan iyo markii dagaalyahannada Xamaas ay weerareen Israa'iil bishii Oktoobar 2023, taas oo dhalisay dagaal ay Israa'iil ku dishay tobannaan kun oo Falastiiniyiin ah Gaza, dalalka Carabta ayaa ka sii kala fogaaday Israa'iil, halka ra'yiga dadweynaha ee dalalka Carabtuna uu noqday mid aad ay caro ku dheehan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, intii uu xilka hayay madaxweynihii hore Joe Biden iyo sidoo kale Trump tan iyo markii uu sanadkan dib ugu soo laabtay xafiiska, Washington waxay dhiirrigelisay in aqoonsiga Carabta ee Israa'iil la ballaariyo, taas oo loo arko yool muhiim ah oo mustaqbalka fog ah oo ka mid ah xal kasta oo goboleed oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Trump ayaa bishii hore sheegay in ay muhiim tahay in dalal badan oo Bariga Dhexe ah ay ku biiraan Heshiisyada Abraham, isaga oo sheegay in arrintaasi ay xaqiijin doonto nabad ka dhalata gobolka. Maraykanka ayaa sidoo kale la sheegay inuu xoojinayo ku biirista heshiiska Abraham ee dalal ay ka mid tahay Suuiriya balse wali lama xaqiijin arrintaas.

Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland oo dhawaan ay Israa'iil aqoonsatay ayaa dhankooda sheegay inay ku biirayaan heshiiskaas Abraham Accord sida uu bayaan ku sheegay madaxweynaha Soomaaliland, tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid loo qaadayo nabadda gobolka iyo tan caalamkaba.