Xisbulaah oo qorshe cusub oo la yaableh kusoo kordhisay dagaalka ay kula jirto Israel

Xigashada Sawirka, Reuters
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ku shaqeeya fiilooyinka loo yaqaano fibre-optic ayaa noqday hubka ugu weyn ee Xisbullah u adeegsato askarta iyo shacabka Israa'iil ee ku nool labada dhinac ee xadka Lubnaan, waxaana hadda loo arkaa khatarta ugu weyn halkaas, iyadoo dagaalku uu sii socdo lix toddobaad kadib xabbad-joojin la sheegay inay jirto.
Hal askari oo Israa'iili ah ayaa la dilay laba kalena waa la dhaawacay kadib weerar diyaarad noocan ah oo lagu qaaday meel u dhow deegaanka Shomera ee xadka Israa'iil maalintii Arbacada.
11 askari oo Israa'iiliyiin ah iyo hal qandaraasle rayid ah oo dhinaca difaaca ka shaqeynayay oo la dilay tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay, siddeed ka mid ah waxaa dilay diyaaradaha fibre-optic-ka ah.
Inta badan weerarradu waxay bartilmaameedsadeen ciidamada Israa'iil ee hadda gacanta ku haya dhul ballaadhan oo koonfurta Lubnaan ah, balse Xisbullah waxay sidoo kale sii kordhisay weerarrada ay ku qaadayso deegaannada Israa'iil ee xadka ka gudba, sida ay sheegtay Xarunta Cilmi-baarista Alma oo ah hay'ad Israa'iili ah oo dabagasha colaadda.
Hay'addu waxay diiwaangelisay in ka badan 100 weerar oo diyaarado ah oo lagu qaaday gudaha Israa'iil tan iyo markii xabbad-joojintu bilaabatay bishii Abriil.
Shomera, oo ah magaalo cagaaran oo ku taalla galbeedka xadka, weerarrada diyaaradaha ayaa ka tagay fiilooyin fibre-optic ah oo waddooyinka ku daadsan iyo cabsi cusub oo soo wajahday bulshadan dagaallada la qabsatay.
"Dhibaatadu waa in aadan dareemayn marka ay soo socdaan. Waad fadhidaa, markaas si kedis ah ayay kuugu soo dhacaysaa," ayuu yidhi madaxa golaha deegaanka Shomera, Sami Zanetti. "Haddii aad carartana way ku daba socotaa."
Wuxuu i tusay goob basaska lagu sugo oo ay dhaawacday weerar diyaaradeed oo dhacay toddobaadkan, daqiiqado kadib markii baskii ardaydu halkaas ka dhaqaaqay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Diyaaradaha fibre-optic-ka ah ee ay isticmaasho Xisbullah oo sidoo kale loo yaqaan FPV-yada ama "First-Person View" aad bay uga adag yihiin in la ogaado marka loo eego gantaallada iyo madaafiicda ay magaaladani caadaysatay.
Diyaaradahan waxaa lagu rakibaa walxaha qarxa waxayna ku duulaan joog hoose, iyagoo aan adeegsanayn calaamad raadiye oo ciidamada Israa'iil ay carqaladayn karaan. Waxay ku xiran yihiin dadka maamula iyagoo adeegsanaya fiilo dhuuban, taas oo u suuragelisa inay arkaan oo daba galaan bartilmaameedyada dhulka yaalla. Xeeladdan waxaa laga bartay dagaalka Ukraine.
Dhowr jeer maalintii ayaa siidhiyada digniinta ahi ka dhawaaqaan deegaannadan xadka ku yaalla, iyagoo ka digaya diyaarad kasoo gudubtay xadka Lubnaan. Halkan digniinta iyo hubku waxay isku jiraan ilbiriqsiyo kooban; mararka
"Gantaallada marka ay yimaadaan waxaan haystaa 15 ilbiriqsi oo aan ku galo hoyga bamamka. Laakiin diyaaradaha noocan ah ma jirto waddo aad ku ogaan karto goorta ay kugu soo dhacayso," ayuu yidhi Sami Zanetti.
Intii aanu hadlaynay ayaa siidhiga si lama filaan ah u u yeedhay.
Digniinta taleefannadayada ku soo dhacday waxay sheegaysay in diyaarad la arkay iyadoo si toos ah ugu soo socota Shomera.
Gudaha hoyga bamamka ee dadweynaha ayaan cirka ka eegaynay.
Mararka qaarkood ciidamada Israa'iil way soo ridaan diyaaradaha ka soo tallaaba xadka, balse badanaa xiriirka ayay lumiyaan maadaama ay yihiin diyaarado yaryar oo si hoose u duula.
Markan Shomera weerarkii ma uusan dhicin.
Laakiin waddada aan taagnayn waxaa ku daadsan fiilooyinka dhuuban ee ka haray weerarro hore.
Maalin ka hor, xubno ka tirsan kooxda ammaanka bulshada ayaa muuqaal laga duubay iyagoo eryanaya oo rasaas ku furaya diyaarad ku duuleysay waddadan, meel u dhow guriga Amichai Ben David oo ah beeraley leh isla markaana leh toddobo carruur ah.
"[Diyaaraddii] way timid annaguna guriga ayaan ku cararnay," ayuu ii sheegay. "Askartii bannaanka joogtay ayaa rasaas ku furtay waxayna ku guuleysteen inay hawada ka soo ridaan. Way na badbaadiyeen, Ilaahay mahaddii."
Amichai noloshiisa oo dhan ayuu halkan ku noolaa. Gurigiisa waxaa saaran dalool weyn oo saqafka ah halkaas oo gantaal ku dhacay sanadkii hore. Laakiin wuxuu sheegay in diyaaradahaasi ay yihiin khatar cusub oo ka duwan kuwii hore.
"Gantaalladii way joogsadeen sababtoo ah xabbad-joojinta balse diyaaradaha ayaa billaabay inay yimaadaan. Waxay leeyihiin kamarado; haddii ay arkaan askari dhar ciidan wata ama qof aysan jeclaysan muuqaalkiisa, si fudud ayay ugu dhacayaan oo ugu qarxayaan."
Xarunta Cilmi-baarista Alma waxay sheegtay in qiimeynta ciidamada Israa'iil ay tahay in Xisbullah ay leedahay tobannaan hawl-wadeen oo si gaar ah loogu tababaray diyaaradaha, isla markaana ay urursatay kayd weyn oo diyaarado yaryar oo jaban ah kuwaas oo midkiiba ku kacayo qiyaastii 300 ilaa 400 doolar.

Xigashada Sawirka, Moose Campbell/BBC
"Weerarrada gudaha Israa'iil ayay sii xoojiyeen," ayay tidhi Sarit Zehavi oo madax ka ah xarunta. "Waxaan u maleynayaa in tani ay si toos ah uga timid Iran, iyadoo la eegayo waxa ka socda heshiiska [Mareykanka]. Iran waxay rabtaa inay aragto xaalad Israa'iil ay Xisbullah weerarayso, wax walbana ay qarxaan oo dib loogu noqdo halkii hore."
"Ujeeddada [Xisbullah] waa inay waxyeelleeyaan inta ugu badan ee naf wax yeelayn karaan, marka ay arkaan in askarta Israa'iil ay heleen siyaabo dheeraad ah oo ay isku difaacaan, waxay markaas bartilmaameedsadaan shacabka," ayuu yidhi Kabtan Adi Stoler oo ah afhayeenka ciidamada Israa'iil.
"Dadku waxay dibadda u baxaan, noloshooda ayay wataan, carruurtooda ayay iskuul geeyaan, haddii [Xisbullah] ay waxyeelleyn karto intaas marka ay sameynayaan, taas ayay sameyn doonaan."
Taliyaha guud ee ciidamada Israa'iil ayaa la sheegay inuu ku baaqay weerarro lagu qaado "dhismayaasha Beirut" si looga jawaabo isticmaalka sii kordhaya ee diyaaradaha qarxa ee Xisbullah.
"Diyaarad kasta oo dhaawacda askari naga tirsan," ayuu yidhi wasiirka maaliyadda ee midigta fog Bezalel Smotrich, ciidamada Israa'iil waa inay "dumaan 100 dhisme" oo ku yaalla saldhigga Xisbullah ee koonfurta Beirut.
Horaantii toddobaadkan, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu wuxuu ballanqaaday inuu Xisbullah gaarsiin doono "jug burburin ah".
"Waa run inay nagu soo dirayaan diyaarado," ayuu yidhi. "Waxaan leenahay koox gaar ah oo arrintan ka shaqeyneysa, waana xallin doonaa."
Ciidamada Israa'iil waxaa lagu dhaliilay inay si gaabis ah uga faa'iideysteen khibradda ciidamada Ukraine, kuwaas oo laba sano la tacaalayay khatarta diyaaradaha fibre-optic-ka ee Ruushku adeegsado.
Sarit Zehavi waxay sheegtay in cilmi-baarayaasha Alma ay sanadkii 2024 digniin ka bixiyeen in diyaaradaha fibre-optic-ka ay noqon doonaan khatarta xigta ee Xisbullah.
"Waan ogeyn inay tani imanayso sababtoo ah way caddayd in Xisbullah ay qaadan doonto xeeladaha Ukraine, maadaama aan ku guuleysanay inaan soo ridno gantaallada oo aan ku fiicnaanay joojinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, FPV-yaduna waxay noqdeen tallaabada xigta."
"Tani waa dhibaato xeeladeed oo Israa'iil la tacaaleyso, mana u aragno khatar jiritaan," ayuu yiri Adi Stoler. "Laakiin haa, diyaaradaha noocan ahi waa caqabad taagan. Waxaan isku dayeynaa inaan sida ugu dhaqsaha badan u xallino."
Sarkaal ka tirsan ciidamada Israa'iil ayaa qirtay in caqabadda ugu weyn ee ka hortagga khatartan ay tahay "farqiyada ku jira horumarinta hubka".
"Jawaabtu weli ma aha mid dhameystiran, awoodaha ogaanshaha iyo soo rididduna waa inay sii horumaraan," ayuu yidhi sarkaalku, isagoo intaa ku daray in la dagaallanka diyaaradaha hadda uu noqday "hawl dhexe" oo ay leeyihiin ciidamada waqooyiga Israa'iil, iyadoo khayraad badan lagu maalgelinayo.
Iyagoo wax ka bartay ciidamada Ukraine, ciidamada Israa'iil waxay bilaabeen inay shabaag ku daboolaan goobahooda si ay ugu qabtaan oo ugu dhex qasmaan diyaaradaha yaryar.
Shirkado badan oo difaaca Israa'iil ah ayaa sidoo kale ka shaqeynaya habab cusub oo lagaga hortago dagaalka diyaaradaha ee Xisbullah.
Sida ay sheegtay Xarunta Alma, waxaa ka mid ah diyaarad casri ah oo soo ridda diyaaradaha kale, rasaas gaar ah oo burburisa diyaaradaha, iyo nidaamyo toogasho oo otomaatig ah oo leh dareemayaal elektaroonik iyo muuqaal.
Mid ka mid ah mashruucyada ay sameyneyso shirkadda Israa'iili ah ee Smart Shooter, dareeme ayaa si joogto ah u baaraya deegaanka, xogtana wuxuu u dirayaa kombiyuutar lagu rakibay hubka askariga, kaas oo markaas falanqeyn kara khatarta, bartilmaameedka qaban kara, islamarkaana askariga siin kara fursad uu ku toogto.
Laakiin wargeyska si weyn loo akhriyo ee Israel Hayom ayaa sheegay in nidaamyada difaaca ee ilaa hadda la sameeyay aysan ku filnayn, isla markaana ikhtiyaarka ugu wanaagsan ee ciidamada Israa'iil hadda uu yahay in diyaaradaha lagu burburiyo bakhaarrada ama la dilo dadka maamula ka hor inta aan la dirin.
Toddobaadkan horaantiisii, ciidamada Israa'iil waxay soo saareen muuqaal muujinaya weerar ay sheegeen in lagu qaaday qof diyaarad kasoo qaadanayay koonfurta Lubnaan.
Tartanka lagu qabsanayo xeeladaha cusub ee goobta dagaalka waxaa sii adkeeyay dagaal warbaahineed oo barbar socda.
Xisbullah waxay si joogto ah u sii daysaa muuqaallo la tafatiray oo ay sheegtay inay yihiin weerarro diyaaradeed oo lagu qaaday bartilmaameedyo Israa'iili ah, iyadoo lagu lifaaqay muusig cabsi leh.
Mid ka mid ah muuqaalada toddobaadkan la sii daayay ayaa la sheegay in laga duubay diyaarad Xisbullah leedahay iyadoo ku wajahan gaari ciidan oo ay saarnaayeen askar Israa'iili ah gudaha tuulada Bint Jbeil ee Lubnaan. Muuqaalku wuxuu ku dhammaanayaa laba askari oo ka boodaya gaariga iyadoo diyaaraddu si toos ah ugu dhacday.
Arbacadii, ciidamada Israa'iil waxay soo saareen digniino cusub oo daadgureyn ah oo loogu talagalay tuulooyin, magaalooyin iyo deegaanno ku yaalla koonfurta Lubnaan, ugu dambeyntiina waxay ku dhawaaqeen amar guud oo daadgureyn ah oo khuseeya dhammaan dhulka ka hooseeya webiga Zahrani oo qiyaastii 40km u jira xadka.
Shomera gudaheeda waxaa ka jira baaqyo lagu dalbanayo tallaabooyin ka sii adag, inkastoo ay jiraan xaddidaadaha siyaasadeed ee la sheegay inay ka yimaadeen heshiiska xabbad-joojinta ee Israa'iil la gashay dowladda Lubnaan iyo dadaallada Madaxweyne Donald Trump ee lagu doonayo heshiis xabbad-joojin ah oo lala gaaro Iran oo taageerta Xisbullah.
"Sidee tan loo joojin karaa? Waa in si qoto dheer loo galaa gudaha Lubnaan iyadoo weerar xoog leh la qaaday," ayuu yidhi Amichai Ben David oo beeroleey ah.
Sami Zanetti, madaxa golaha deegaanka, wuxuu sheegay inuu doonayo "nabad dhab ah" oo lala gaaro Xisbullah ama dagaal buuxa.
"Waxaan jeclaan lahaa in dalku qaato go'aan geesinimo leh oo uu mar keliya gebi ahaanba uga takhaluso argagixisada. Xisbullah ha la soo afjaro," ayuu yiri. "Maanta gacmaheennu waxay ku xiran yihiin Madaxweyne Trump."













