Dagaalka Iiraan iyo sida uu saamaynta ugu yeeshay kororka weerarada burcad badeeda

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Tan iyo dhammaadkii sannadkii 2023-kii waxaa sii kordhayay weerarada burcadbadeeda Soomaalida, iyada oo si gaar ah sannadkii2016-kii ay usii laba jibaarmeen weeraradaasi. Dhamaadkii bishii April ee sannadkan ugu yaraan saddex markab ayaa laga afduubtay xeebaha ku dhow Soomaaliya. Waxaana kamid ahaa markabka shidaalka qaada ee Honour 25 iyo markabka kale ee xamuulka ee Sward.

Sida laga soo xigtay Bangiga Caalamiga ah, weerarada burcad badeeda ee sannadlaha ah ayaa saameeyay dhaqaalaha caalamiga ilaa 18 bilyan oo doolar inta lagu guda jiray xaaladaha kacsan ee caalamiga ah.

Howlgalka ganacsiga badda ee boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) oo bixisa warbixinada ammaanka ee marinada ganacsiga iyada oo la wadaagaysa Maraakiibta ayaa kordhisay heerka khatarta ee ku gaddaaman xeebaha Soomaaliya iyaga oo u sheegay maraakiibta in feejignaan ay ku gooshaan badda.

Waxaa kamid ah maraakiibtii ugu dambeeyay ee ay afduubteen markabka shidaalka qaada ee MT Eureka oo ay kasoo qabsadeen gacanka cadmeed gaar ahaan xeebaha ku dhow Yemen. Ilaalada xeebaha Yemen ayaa horay u sheegay in markabkaasi oo ay afduubteen burcadbadeedu loo kaxaystay dhanka Soomaaliya.

Burcadbadeeda weerarka qaaday ayaa la sheegay inay ka baxeen xeebaha fog ee ku dhow magaalada Qandala, taas oo dhacda gacanka cadmeed. sida ay BBC u sheegeen saddex sarkaal oo amni oo ka tirsan maamulka Puntland. Afduubkaasi ayaa ahaa kii labaad ee dhaca muddo 10 maalin ah gudahood ah.

Xilligii ay burcad-badeedu aadka u xoogganaayeen ee 2011-kii iyo wixii ka horeeyay, waxaa jiray hoos u dhac, iyaga oo mar kale soo laba kacleeyay dabayaaqadii 2023-kii markaasi oo fallaagada Xuutiyiinta ay bilaabeen weerarada maraakiibta maraysa Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Weeraradaasi waxay ku khasbeen ciidamada badda ee caalamiga inay xoogga saaraan la tacaalida khatarta Xuutiyiinta, taas oo siisay kooxaha burcadbadeeda ee xeebaha Soomaaliya fursad ay uga faa'iideystaan firaaqa amni ee halkaasi ka dhacay

Dagaalka Iiraan iyo Weerarada Burcad Badeeda

Wasiir ku-xigeenka wasaarada warfaafinta ee Puntland Bile Maxamuud Qabowsade oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay weerarada burcadbadeedu ay hadda ka dhacaan badda caalamiga iyo gacanka cadmeed ayna dhankooda ay leeyihiin ciidamo ka howlgala xeebta ay maamulaan.

''Howlgalo dhinaca Puntland laga qaaday oo burcad-badeed ah oo xeebaheena ka dhacay ma jiraan, maraakiibta waxaa laga afduubtay xeebaha caalamiga ah, Puntland si aad ah ayay ula dirirtay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, dambi weyn o oculus weeye burcad-badeednimada, xeebaha oo dhanna waxaa jira ciidan ilaaliya ilaa laga soo bilaabo Garacad ilaa Laasqoray. Shilal yaryarna waa iska dhacaan xeebaha dad lagu tuhmo oo ciidamaduna ay talaabo ka qaadaan, asbuuc kahor afar nin ayaa lagu qabtay xeebaha garacad shishadeeda oo lagu tuhmay inay yihiin burcad-badeed, haddana xabsiga ayay ku jiraan''

Waxaa uu intaasi ku daray ''Adduunka hadda waxaa ka socda dagaalo Istaraatiiji ah oo marinada ah, Hormuz waad aragtay dagaalada ka socda, marka waa ay dhici kartaa dagaaladaas dartood ciidamadii caalamiga ahaa ee ilaalinayay badda caalamiga ah ay ka heleen fursad. Burcad-badeedana waxa fursada siinaya waa gaabka (firaaqa) yimid ee badda caalamiga ah, anaguna horay uma ilaalin jirin baddaas. Maraakiibta caalamiga ayaa ilaalin jirtay, maraakiibtiina haddii ay is-dhimeena wax war ah iyo wax xog ah nama siin.

''Waxa hadda soo kordhay oo burcad-badeeda fursada siiyay ciidamadii caalamka ee ka howlgalayay badweynta Hindiya ayaa waxa ay u wareegeen masiibada hadda soo korortay ee dagaaladan ay keeneen ee Xuutiyiinta iyo dagaalkan u dhaxeeyay Iiraan iyo Israa'iil-Maraykanka oo isku dhinac ah. Ciidamadii badda ka howlgalayay waxa ay agabkoodii iyo kaydkoodii u wareejiyeen Badda Cas. Furasadaasi ayay heleen burcadbadeedu Badweynta Hindiya oo haawanaysa oo ciidamadii dhanka kale u wareegeen''

Bashiir Maxamuud oo ku magac dheer Caaqilka waxaa uu kamid yahay dhalinyardii falalka burcad-badeednimada u galay xabsiga ee hadda ka waantoobay, haddana ka wacyi galiyay falalkaasi dhalinyarada, waxaa uu isagana qabaa in ciidamada caalamiga ah ee badda ku sugnaa ay yihiin kuwii soo afjaray burcad-badeeda.

''Marka hore waxa burcad-badeeda soo afjaray waxa ay ahaayeen ciidankii caalamiga ahaa ee badda soo galay oo waardiyaynayay xeebaha Soomaaliya gabi ahaanba, ciidamadii maadaama ay badda ka baxeen, burcadii waxa ay heleen fursad ah ay ku bixi karaan oo badda ay ku aadi karaan oo ay wax ku qabsan karaan, Burcad-badeeda waxa soo afjaray waxa ay ahaayeen ciidanka caalamiga ah ee badda ku jiray ee hadda ka baxay''

Ciidamadii ilaalada Badda ee caalamka ka socday ee la dagaalami jiray Burcad-badeeda ayaa u muuqda kuwo xoogga saaraya Bariga Dhexe gaar ahaana marinka Hormuz oo uu haatan dagaalka Iiraan uu galay maalinkiisii 70 aad, iyada oo aan weli xal laga gaarin soo afjarida colaada, ayna weli jirto xabbad-joojin aan cago badan ku taagnayn.