'Waxaan doorbidi lahaa inaan ku dhex dhuunto Mareykanka intii aan ku laaban lahaa Soomaaliya'

    • Author, Bushra Mohamed
    • Role, BBC Africa
    • Reporting from, Minneapolis
  • Waqtiga akhriska: 9 daqiiqo

Bilo kadib markii lagu dhawaaqay in howlgalka ballaaran ee wakiillada socdaalka ee Minnesota uu soo dhammaanayo, weli cabsi ayaa ka jirta qaybo ka mid ah gobolkaas Minnesota.

Howlgalka socda ee sharci fulinta, kaas oo sababay mudaaharaadyo dalka oo dhan ka dhacay kadib markii laba muwaadin oo Mareykan ah la dilay, ayaa gilgilay qaar ka mid ah dadka deegaanka—gaar ahaan bulshada Soomaalida ee ugu weyn dibadda Afrika ee ku nool magaalada Minneapolis.

Cabdi, oo ah 23 jir Soomaali ah (magaciisa waa la beddelay si loo ilaaliyo aqoonsigiisa), ayaa ka mid ah dadka ku nool cabsi joogto ah, isagoo ka baqaya wakiillada socdaalka ee weli magaalada ku dhex wareegaya.

"Ma dhammaan," ayuu Cabdi u sheegay BBC. Wuxuu sheegay in xubno kale oo bulshada ka tirsan ay u sheegeen in Hay'adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) ay weli sameyneyso howlgallo lagu tagayo guryaha dadka. "Ma garanayo goorta ay gurigeyga iman doonaan."

Wuxuu sharxay in uu si dhif ah hal meel u joogo in ka badan shan habeen—si qarsoodi ah ayuuna u baxaa si uu shaqo u aado. Wuxuu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah saaxiibbadiis la xiray, inkastoo iyaga iyo isaguba ay haystaan dukumentiyo caddeynaya in ay ku jiraan xaaladda Ilaalinta Ku-meelgaarka ah ee Sharciga Socdaalka (TPS).

TPS waa nidaam u oggolaanaya dadka ka yimid dalal ay saameeyeen dagaal, masiibo ama xaalado gaar ah inay si sharci ah ugu noolaadaan ugana shaqeeyaan Mareykanka muddo xaddidan.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa isku dayay inuu TPS-ka ka joojiyo dadka muhaajiriinta Soomaalida ah ilaa 17-ka Maarso, tallaabadaas oo lagu qiyaasay inay saameyn karto qiyaastii 2,500 qof, isagoo ku dooday in amniga dalkooda hooyo uu soo hagaagay.

Si kastaba ha ahaatee, garsoore federaal ah ayaa si ku-meelgaar ah u hakiyay go'aankaas, taasoo ka hor istaagtay in dadkaas la saaro dalka.

Dadaalka Trump ee lagu doonayay in la soo afjaro TPS-ka Soomaalida, howlgalka sharci fulinta socdaalka ee horraantii sannadkan, iyo hadallo qaar oo uu madaxweynuhu ka sheegay bulshada Soomaaliyeed, ayaa sababay in qaar ka mid ah ay dareemaan in si gaar ah loo beegsanayo.

Heerkii ugu sarreeyay, tirada wakiillada socdaalka ee gobolka Minnesota ayaa gaartay kumannaan, ka hor inta uusan Tom Homan—oo ah mas'uulka xuduudaha ee Trump—ku dhawaaqin in la dhimayo. Bartamihii Febraayo, wuxuu sheegay in kaliya "koox yar" ay sii joogi doonto.

Waxaa Mareykanka ku nool qiyaastii 260,000 qof oo asal ahaan Soomaali ah, in ka badan kala bar ka mid ahna waxay ku dhasheen dalkaas, halka kuwo kale si rasmi ah loo qaatay jinsiyadda, sida ay sheegtay Hay'adda Tirakoobka Mareykanka. Tirooyinkan ayaa aad uga badan kuwa si sharci darro ah ku jooga, sida ay sheegeen hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed.

Dad badan ayaa yimid kadib burburkii dowladdii ugu dambeysay ee si buuxda u maamuli jirtay Soomaaliya sanadkii 1991. Tan iyo markaas, Soomaaliya waxay la daalaa dhacaysay abaaro soo noqnoqda, nabad la'aan joogto ah, iyo dagaal ay kula jirto kooxaha Islaamiyiinta ah, gaar ahaan Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Cabdi wuxuu Soomaaliya ka tagay 2022, isagoo sheegay inuu ka cararay kadib markii dagaalyahanno Al-Shabaab ah ay isku dayeen inay qortaan oo kooxda ku daraan.

"Waxaan ku bixiyay qiyaastii $15,000 (£11,000) si aan halkan u imaado. Qoyskayga ayaa wax walba bixiyay," ayuu ii sheegay markii aan la kulmay bishii Maarso, isagoo si hoose uga hadlaya waddada guri mugdi ah.

Wuxuu iibsaday baasaboor Kenyaan ah oo uu ka helay dad dadka tahriibiya, kadibna wuxuu u duulay Brazil, halkaas oo uu ka bilaabay safar dheer oo uu ku maray Mareykanka isagoo sii maraya Darién Gap—oo ah kayn u dhexeysa Colombia iyo Panama, laguna tiriyo meelaha ugu halista badan ee tahriibka caalamka.

"Mar aan socday ayaan ku dul istaagay qof mayd ah," ayuu yiri.

Markii uu gaaray xadka Mareykanka iyo Mexico, ayuu galay gudaha Mareykanka, halkaas oo uu ka codsaday magangelyo. Talo sharci kadib, wuxuu sidoo kale dalbaday TPS, taas oo u oggolaatay inuu si sharci ah ugu noolaado ugana shaqeeyo dalkaas ilaa 2029.

Kuwa lagu xiray howlgalka ICE waxaa ka mid ahaa qaar haysta jinsiyadda Mareykanka–Soomaali wada ah, inkastoo qoysaskooda ay ka baqeen inay ila hadlaan. Qoysas kale oo ku kala fogaaday masaafurinta loogu diray Soomaaliya ayaa sidoo kale ka baqay inay si rasmi ah uga hadlaan arrintooda—badanaa waxay ku jireen xaalad dhaawac nafsi ah oo qoto dheer.

Haddii qof la masaafuriyo, wuxuu wajahayaa mamnuucid 10 sano ah oo uu ku soo laaban karo Mareykanka, mararka qaarna xitaa ka dheer, xitaa haddii uu carruur ku leeyahay dalkaas.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) ayaa sheegtay in howlgalkeeda "Operation Metro Surge" ee gobolka Minnesota uu ahaa guul dhanka amniga dadweynaha ah.

"Waxaan xirnay in ka badan 11,000 oo ajaanib dambiilayaal ah oo si sharci darro ah ku joogay, kuwaas oo dilay dad Mareykan ah, dhaawacay carruur, kana abuuray cabsi magaalada Minneapolis, sababtoo ah siyaasiyiinta kasoo jeeda meelaha aan sida tooska ah ula shaqeyn hay'adda socdaalka ayaa diiday inay ilaaliyaan dadkooda, halkii ay ka ilaalin lahaayeen dambiilayaasha," ayay DHS u sheegtay BBC.

Tallaabada adag ee dhanka socdaalka ayaa ahayd tiir muhiim ah oo ka mid ahaa ololihii dib-u-doorashada Madaxweyne Donald Trump, welina waa siyaasaddiisa ugu taageerada badan marka la eego ra'yi uruurinta, inkastoo weli dad badan ay ka badan yihiin kuwa diiddan marka loo eego kuwa taageersan, sida ay sheegayaan xogaha Ipsos.

Maskaxda Cabdi, xaaladdu weli waa mid noloshiisa khatar gelinaysa:

"Waxaan ka doorbidayaa inaan noloshayda oo dhan ku noolaado dhuumasho halkan ah intii aan ku laaban lahaa Soomaaliya, sababtoo ah noloshayda halis ayay ku jirtaa."

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey wuxuu aaminsan yahay in cabsidaas ay muujinayso laba arrimood oo iska hor imanaya oo ka jira siyaasadda Maraykanka.

"Dowladda federaalku waxay leedahay looma baahna Temporary Protected Status gudaha Maraykanka, isla markaasna waxay dadka uga digaysaa inay u safraan Soomaaliya sababtoo ah waa meel khatar ah," ayuu u sheegay BBC.

"Haddaba kee baa sax ah?"

Markii aan dhex marayay qaybo ka mid ah Minneapolis, oo hoy u ah bulshooyin badan oo muhaajiriin ah, saamaynta weerarrada iyo qabqabashadu wali way muuqataa, inkastoo nolol maalmeedku si tartiib ah ugu soo noqonayo caadi, iskuulladana dib loo furay.

Dukaamo iyo maqaayado yar ayaa wali xiran, albaabbadooduna way u laaban yihiin xilli caadi ahaan mashquul badan ahaan lahaa.

Waxaan ku kulmay darawal gaari jiidaya meel baabuurta la dhigto oo ku taalla bannaanka maqaaxi Chinese ah, isaga oo gawaari qaadaya.

Wuxuuna yiri:

"Waxaan maqlay in milkiilihii iyo shaqaalihii maqaayaddan ay qabteen ICE, sidaas darteedna maqaayaddii loo xiray."

Wuxuu kaloo sheegay in qaar ka mid ah baabuurta ay halkaasi yaalleen maalmo badan oo aan la qaadin, sababtoo ah dadkii lahaa waxay ka baqayeen inay soo noqdaan.

"Waxaan ku nool nahay waqti aad u adag," ayay dhowaan tiri xildhibaanadda Minnesota ee Ilhaan Cumar, iyada oo hadalkan ka jeedisay shirkii Xisbiga Dimuqraadiga ee Minneapolis.

Ilhaan oo ah qofkii ugu horreysay ee Soomaali ah oo Congress-ka Maraykanka ka mid noqda waxey BBC -du u sheegtay in bilihii ugu dambeeyay ay wajaheen xaalad adag isla markaana xitaa carruurta ay saameysay.

"Weli waxaa jira cabsi ah in lagu joojin karo waddada, ama in waalidkaa la xiro. Xitaa xarumahayaga caafimaadka ayay saameyn ku yeelatay," ayay tiri.

Iyadoo si adag u dhaleeceyneysa Trump, oo marar badan hadalladiisa ku bartilmaameedsaday Soomaalida Maraykanka, waxay su'aal gelisay baaxadda howlgalka iyo habka uu u adeegsado hay'adda ICE.

"Farqiga u dhexeeya waxa aan horay u aragnay ee maamuladii hore, oo uu ku jiro maamulkii Obama oo sameyay heerka ugu sarreeya ee dadka la masaafuriyo, waa in nidaamkaas aan loo fulin jirin si loo abuuro fowdo iyo cabsi.

"Laakiin sida loo fuliyay 'Operation Metro Surge' waxay ahayd in waddooyinkeena lagu arko rag wejiyada qarsan, aan la aqoonsan karin, tiro badan, oo hub culus sita, dadka hortoodana socda. Waxa aan halkan ku aragnay waxay u ekayd goob dagaal."

Waaxda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in dadka si sharciga ah dalka ku jooga aysan wax cabsi ah qabin, isla markaana saraakiisha ICE ay wajiyada u qarsadeen si ay uga badbaadaan in xogtooda si sharci-darro ah loo faafiyo, taas oo ay sheegeen in ay sameeyaan taageerayaasha argagixisada.

Doxxing waa marka si ula kac ah internet-ka loogu faafiyo xogta gaarka ah ee qof. DHS waxay sidoo kale sheegtay in weerarrada lagu qaado saraakiisha ICE ay kordheen.

Xiisadda ayaa sii korortay kadib hadallada Trump ee ku saabsan Soomaalida, isagoo ku tilmaamay "qashin."

"Ma doonayo inay dalkayga joogaan, si daacad ah ayaan u leeyahay… dalkooda waa mid xun," ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa marar badan ka hadlay fadeexad muddo dheer socotay oo la sheegay in ay ku lug lahaayen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota iyo dad kale.

Tobanaan qof ayaa lagu helay dambiyo kadib kiis la sheegay in hay'ad samafal ay si khiyaano ah lacag uga qaadatay dowladda Minnesota.

Lacagtaas waxaa loogu talagalay in lagu quudiyo carruurta xilligii Covid-19, laakiin waxaa la sheegay in si khaldan loo isticmaalay ama si been ah loo dalbaday.

Guddoomiyaha gobolka Tim Walz ayaa ku dhawaaqay inuu ka harayo tartanka dib-u-doorashada kadib dhaleeceyn ku saabsan sida uu u maareeyay arrintan.

Baaritaanka lagu sameynayo eedeymaha khiyaanada ayaa si weyn u ballaartay toddobaadkii hore, iyadoo lagu qaaday weerarro lagu beegsaday in ka badan toban xarumood oo xanaano carruur ah.

Laakiin Ilhaan Cumar waxay sheegtay in fulinta sharciga socdaalka aan lagu xirin kiisaska dambiyada kale.

"Inta badan dadka la dacweeyay waa muwaadiniin Maraykan ah," ayay ku dartay.

Jim Abeler, oo ah xubin ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Golaha Senate-ka Minnesota, ayaa sidoo kale dhaleeceeya hababka ay ICE u wajahdo dadka la qabto, balse wuxuu aaminsan yahay in tani ay muujinayso dhibaatooyin siyaasadeed oo qoto dheer oo u baahan in la saxo.

"Ma u malaynayo in tani ay tahay arrin xisbiyo ku kooban. Siyaasaddeenna qaxootiga iyo socdaalka qaranka waa mid jahawareersan, muddo toban sano ahna waxay ahayd fashil ay labada xisbi wada galeen," ayuu u sheegay BBC-da.

Hadallada Donald Trump ee ku saabsan Soomaalida ayaa hoos u dhigay taageeradii Jamhuuriga ee bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, halkaas oo uu horey taageerayaal ugu lahaa ka hor muddo xileedkiisa labaad.

"Waxaan u codeeyay Trump, waan ka qoomamaynayaa taas," ayay tiri Foos Abe oo reer Minneapolis ah. "Haddii aanan u codayn lahayn, ma uusan nagu tilmaamen 'qashin'," ayay raacisay.

Mid ka mid ah waxyaabihii hawlgalka la magac baxay Operation Metro Surge ka dhashay waa in uu dadka isu soo dhaweeyay si aan la filayn.

Taas waxaa muujinaya Imaam Shariif Muxumed oo Soomaali-Mareykan ah iyo Jane Buckley Farley oo ah haweeney wadaadad ah kana tirsan Kaniisadda Evangelical Lutheran ee Mareykanka.

Waxaan kula kulmay masaajid ku yaal Minneapolis, halkaas oo imaamku uu sharaxay sida xiisaddan ay u xoojisay xiriirka kooxaha diimaha kala duwan: "Weerarrada ICE waxay keeneen isu soo dhowaansho iyo walaaltinimo dheeraad ah."

Haweenayda ayaa ku raacday: "Markii hawlgalku bilowday, dadku way isku yimaadeen, iyagoo is weydiinaya halka caawimaadda looga baahan yahay iyo sida aan uga jawaabi karno."

Si wadajir ah ayay u sameeyeen nidaamyo digniin aan rasmi ahayn oo dadka loogu sheego marka ay saraakiisha socdaalku agagaarka joogaan.

Laba muwaadin oo Mareykan ahaa, Renee Good iyo Alex Pretti, oo ka tirsanaa kooxo iskaa wax u qabso ah oo isku mid ahaa, ayaa waxaa dilay wakiillada socdaalka federaalka intii lagu jiray howlgalka bishii Janaayo.

Dibadda masaajidka waxaan kula kulmay Lisa iyo ninkeeda, oo ah lamaane caddaan ah oo hawlgab ah oo labaduba ah kormeerayaal iskaa wax u qabso ah.

Iyada oo iga codsanaysa inaan shaacin magaceeda oo buuxa, Lisa waxay sharraxday sida dadka deegaanka ay u feejignaayeen oo ay u isticmaaleen foori si ay ugu digaan dadka kale haddii wakiillada socdaalka lagu arko meel u dhow.

"Waa aamusnaan, laakiin way ka qarsoon yihiin. Way isku dhex milmayaan, marka way adag tahay in la sheego," ayay tiri.

Cabdi, kooxahaan iskaa wax u qabso waxay bixiyaan kalsooni - inkastoo uu qirtay inuu niyad jabsan yahay.

"Waxaan rajeynaynay mustaqbal. Riyadeennu way burburtay," ayuu yiri.