You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Donald Trump: “Waxaan sugaynaa jawaabta Iiaran ee ku saabsan heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka.”

Donald Trump: “Waxaan sugaynaa jawaabta Iiaran ee ku saabsan heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka.”

Kooban

Tebin toos ah

  1. Shirkadda Apple oo $250 milyan oo doolar siinaysa dadkii iibsaday taleefanadeeda ee la qalday

    Qaar ka mid ah dadka iibsaday moobaylka iPhone ayaa dacwad ka gudbiyay shirkadda tignoolajiyada ee Apple, iyagoo ku eedeeyay inay xayaysiisay waxyaabo cusub oo la xiriira garaadka macmalka ah ee taleefanadeeda, laakiin dhab ahaantii ay ahayd marin habaabin.

    Si kastaba ha ahaatee, Apple ayaa hadda la heshiiyey dadkii gudbiyay dacwadda waxayna go'aansadeen inay bixiyaan lacag dhan 250 milyan oo doolar.

    Sida laga soo xigtay dukumeenti laga gudbiyay maxkamada federaalka ee California Talaadadii, Apple ma aysan qiran wax khalad ah laakiin waxay ogolaatay heshiis xallin doona dacwad la gudbiyay sannadkii hore.

    Xaaladdan oo kale, Apple ayaa lagu eedeeyay inay si been abuur ah u xayeysiisay waxyaabo ay soo kordhisay oo ku saabsan AI taa oo uu leeyahay iPhone ku, oo shirkadu ay ugu yeertay 'Apple Intelligence'. Apple waxa ay sheegtay in sifooyinkani ay hagaajin doonaan sida codka 'Siri' oo ay u rogi doonaan 'kaaliyaha gaarka ah ee AI', taas oo aan wali la samayn.

    Sida ku cad heshiiska u dhexeeya iibsadayaasha iyo Apple, macaamiisha Maraykanka ee iibsaday iPhone 15 iyo iPhone 16 intii u dhaxaysay Juun 2024 iyo March 2025 waxa la siin doonaa lacag u dhaxaysa $25 ilaa $95.

  2. War ka soo kordhay Iiraan oo ku saabsan marinka Hormuz oo ay warbaahinta dalkaasi werinayso

    Baarlamaanka Iiraan ayaa ka fiirsanaya sharci cusub oo ku saabsan maaraynta Marinka Hormuz, kaas oo ay ku jiraan in xayiraado iyo lacago lagu soo rogo marinka maraakiibta, taas oo qayb ka ah waxa ay ku tilmaameen "xoojinta madaxbannaanida Iiraan ee marinka muhiimka u ah istiraatiijiyadda," sida ay werisay Wakaaladda Wararka ee Mehr.

    Sida ay wakaaladu sheegtay sharcigan wuxuu ka kooban yahay 11 qodob, iyadoo la xusay in Guddiga Amniga Qaranka iyo Siyaasadda Dibadda ee Baarlamaanku ay dhammaystireen dib-u-eegistii hore.

    Wakaaladda ayaa intaas ku dartay in mashruucani uusan weli noqon sharci dhaqangal ah, maadaama uu weli u baahan yahay in si rasmi ah loogu daro ajandaha baarlamaanka, ka dibna laga doodo loona codeeyo ka hor inta aan loo gudbin mas'uuliyiinta ay khuseyso si loo ansixiyo ugu dambayntii.

    Iyadoo soo xiganaysa wakaaladu Mohammad Reza Rezaei Kochi, oo ah madaxa guddiga dib-u-dhiska ee baarlamaanka Iiraan, isagoo leh mashruucan ujeeddadiisu waa "in gabi ahaanba la maareeyo marinka," oo ay ku jirto in xayiraado lagu soo rogo maraakiibta laga leeyahay "waddamada cadawga ah" ama waddamada ka qayb qaatay "falal cadawtinimo" oo ka dhan ah Iiraan.

    Sida ay wakaaladdu sheegtay, maraakiibta kale ayaa laga yaabaa in laga dalbado inay helaan oggolaanshaha marinka iyo inay bixiyaan lacago loogu talagalay "adeegyada hagidda, la socodka, iyo amniga," iyadoo lacagahaas lagu aruurin doono lacagta maxalliga ah.

    Waxa kale oo ay soo xigatay Rezaei Kouchi oo sheegay in waddamadii ka qayb qaatay "dagaalkii lagu soo rogay" Iiraan laga yaabo in laga dalbado inay bixiyaan magdhow ka hor inta aan maraakiibtooda loo oggolaan inay dhex maraan marinka.

    Wakaaladda Wararka ee Mehr ayaa intaas ku dartay in mashruucan uu sidoo kale ka mid yahay in ganaaxyo lagu soo rogo maraakiibta ku xad-gudubta sharciga.

  3. Madaxweynaha Ruushka oo war cusub ka sheegay Iiraan iyo xaaladda Bariga Dhexe

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu rajeynayo in la soo afjaro colaada Iiraan sida ugu macquulsan uguna deg degaba badan laakiin wuxuu ka digay in haddii taasi dhici weydo, dhammaan dhinacyadu ay la kulmi doonaan khasaaro.

    Hadalkan ayaa la xiriira dadaallo socda oo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadaha gobolka, iyadoo Ruushku marar badan sheegay inay taageersan tahay xal diblomaasiyadeed iyo in laga fogaado sii xumaanshaha colaadaha Bariga Dhexe.

    "Tani waa colaad aad u cakiran, waxayna na gelinaysaa xaalad adag, waayo waxaan xiriir saaxiibtinimo la leeyahay Iiraan iyo waddamada Khaliijka Carabta," ayuu Mr. Putin u sheegay weriyayaasha.

    Isagoo tixraacaya xiriirka joogtada ah ee kala dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, wuxuu raaciyay: "Aragtidayda, labada dhinac midna dan uguma jirto sii socoshada colaaddan

  4. Barxadihii magaalada Muqdisho xagee ku dambeeyeen

    Muqdisho waxay laheyd goobo taariikhi ah iyo dhismayaal qadiimi ah oo muddo dheer dhisnaa. Magaalada muddo ayey burbursaneyd balse sanadihii u dambeeyay si weyn ayey uga soo kabatay burburkaas. Daaro dhaadheer iyo xaafado si gaar ah loo dhisay ayaana ku soo batay. Inkastoo horumarkaas uu jiro haddana waxaa jira meelo kale oo lagu dhaliilo magaalada. Waxaa jira dhul danguud ahaa oo dadweynaha ka dhexeeyay balse dowladda ay ku wareejisay ganacsato oo laga dhigay kuwa gaar loo leeyahay.

    Magaalada waxay laheyd goobo danguud oo isugu jiray meelo dadku fariistaan oo beero yar yar ah iyo barxado kubadda lagu dheelo

    “Barxadda Yaasiin waxay aheyd meel ay ku kulmaan hobolada Waaberi, Isboortiga Soomaaliya iyo dadka caanka ah, basaska ayaa ka bixi jiray, hadda darbi ayaa lagu wareejiyay, waxayna noqotay meel xiran” ayuu yiri Xuseen Cilmi Cali Otta Dheere oo ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee Soomaalia isagoo intaas ku daray “Waxyaabaha kale ee aan Muqdisho ku aragnay waxaa ka mid ah meelaha la doonayo in la dhisto darbi ayaa lagu wareejiyaa”.

    Dhulka danta guud oo laga dhigo kuwa gaar loo leeyahay waxay horseedaan in goobaha bannaan ee muhiimka u ah caafimaadka guud iyo fayoobida dadka ay meesha ka baxaan. Dadweynaha waxay weynayaan goobihii dabiiciga taas oo saameyneysa nolosha dadka ku nool magaalada.

    Goobaha caanka ah ee dadweynaha ka dhexeeyay magaalada waxaa ka mid ahaa dhul loo yaqaanay Saabiya Roosa ama ciiddii guduudneyd. Waa dhulka u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ee hadda sida gaarka ah loo dhistay.

  5. War cusub oo ku saasban xanuunka Hantavirus iyo hadal uu sheegay agaasimaha WHO

    Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa u xaqiijiyay dadka deggan jasiiradda Tenerife in khatarta ay ugu jiraan qaadista fayraska Hantavirus ay hooseyso, ka hor imaanshaha markabka dalxiiska ee MV Hondus, kaas oo fayraska halista ahi ka dillaacay, iyadoo markabku uu kusoo wajahnaa jasiiradda si loogu diyaariyo daadgureyntiisa.

    Adhanom, oo Sabtidii gaaray dalka Spain, ayaa warqad furan oo uu u qoray dadka deggan jasiiradda Isbaanishka ku yiri: “Waxaan rabaa inaad si cad ii maqashaan: tani ma aha COVID kale.”

    Adhanom ayaa fariin gaar ah oo uu u diray dadka deggan Tenerife ku xaqiijiyay in hadda aysan jirin rakaab muujinaya calaamado cudurka ah oo saaran markabka MV Hondios.

    Markabka dalxiiska ayaa u jihaysan doona Canary Islands, halkaas oo inta badan qiyaastii 150-ka qof ee saaran laga daadgureyn doono kadibna diyaarad loogu qaadi doono dalalkooda hooyo, kaddib toddobaadyo ay badda ku jireen.

  6. Taariikhdii Addoonsiga iyo deegaannadii Soomaaliyeed ee laga dhoofin jiray dadka.

    Dadka Soomaaliyeed waxay ka mid ahaayeen dadyowgii ku howlanaa howlihii addoonsiga, ee ka jiri jiray Qaaradda Afrika iyo dunida Carabta, wixii ka horreeyey dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad. Is-addoonsiga ayaa isugu jiray laba nooc: ka-ganacsi addoonsi (slave trade) iyo ku-shaqeysi addoonsi (slave labour). Soomaalida ayaa labadaas-ba qeyb weyn ka ahayd.

    Tusaale, dhanka bariga iyo koonfurta waxaa ka jiray ka-ganacsi addoonsi iyo ku-shaqeysi addoonsi, oo addoomaha loo isticmaali jiray in guryaha iyo beeraha lagula shaqeysto (internal consumption) iyo in dibadda loo dhoofiyo, si loogu shaqeysto (external consumption). Balse, dhanka waqooyi iyo galbeedka Geyiga Soomaalida, kama jirin ku-shaqeysi addoonsi ee gudaha ah, ee waxaa ka jiray oo keliya ka-ganacsi addoonsi, ee dibadda loo sii dhoofiyo.

  7. Benjamin Sesco iyo Cazemiro maanta ma ciyaari doonaan

    Kooxda kubadda cagta ee Manchester United oo xaqiijistay u soo bixitaanka tartanka Champions League-gga ayaa maanta waxaa ka maqnaan doona ciyaartoy muhiim ah sida Casemiro iyo Cesc Fàbregas kulanka ay la ciyaarayaan Sunderland.

    Carrick horey uma shaacin dhaawaca Casemiro. Sidoo kale, Sesco laguma darin safka ciyaartoyda ee maanta.Joshua Zirkzee ayaa helay fursaddiisii ugu horreysay ee uu ku bilaabo ciyaarta xilli ciyaareedkan isagoo hoos imanaya Carrick.

    Amad Diallo, Zirkzee iyo Kuna ayaa ku jira safka bilowga ah. Dhinaca daafaca, Lisandro Martínez ayaa dib ugu soo laabtay kooxda.

    Dhanka kale, Sunderland ayaa u tartamaysa inay u soo baxdo tartanka Europa League-ga.

  8. War deg deg ah, Degdeg: Dowladda UK oo tallaabo ka qaadaysa tahriibayaasha

    Tirokoob cusub oo ay soo saartay dowladda Britain ayaa muujinaya in laba boqol oo kun oo muhaajiriin ah ay doonno yaryar kaga soo tallaabeen badda dhinaca Faransiiska tan iyo markii diiwaangelinta la bilaabay sannadkii 2018-ka.

    Dowladda UK ayaa sheegtay inay qaadayso tallaabooyin lagu joojinayo socdaalladan, isla markaana sanadkan ay hoos u dhacday tirada dadka sameynaya safarkan khatarta badan.

    Arrintan ayaa noqotay walaac weyn oo haysta codbixiyayaal badan, iyadoo xisbiga garabka midig ee Reform uu guulo waaweyn ka gaaray doorashooyinkii deegaanka ee dhacay Khamiistii. Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa iska caabinaya baaqyada loogu yeerayo inuu is casilo kadib markii xisbigiisa shaqaalaha uu natiijooyin liita ka soo hooyay doorashooyinka.

  9. War deg deg ah, Dowladda Igiriiska oo Marinka Hormuz u diri doonta ciidan

    Dowladda Ingiriiska ayaa ciidan u diri doonta Bariga Dhexe, taas oo qayb ka ah hawlgal laga fulinayo marin-biyoodka Hormuz, sida ay sheegtay dowladdu.

  10. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo war ka soo saartay ka qaybgalka Koobka Adduunka ee 2026-ka

    Xiriirka Kubadda Cagta ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay in xulka qaranka Iiraan uu “si dhab ah oo aan shaki ku jirin” uga qayb geli doono Koobka Adduunka ee 2026-ka, kaas oo lagu qaban doono dalalka Maraykanka, Mexico iyo Kanada. Si kastaba ha ahaatee, xiriirku wuxuu sheegay in “dalka martigelinaya ay tahay inuu tixgeliyo walaacyada iyo arrimaha ay Iiraan qabto,” sida ay werisay wakaaladda wararka ee IRNA ee Iiraan.

    Xiriirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in “ka qaybgalka Iiraan uu yahay arrin la hubo, isla markaana aysan jirin wax cadaadis dibadeed ah oo ka hor istaagi kara,” isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in dalka martigelinaya uu ixtiraamo oo uu tixgeliyo walaacyada Iiraan.

    Waxa kale oo uu sheegay in “Iiraan ay tartanka uga qayb geli doonto iyadoo ilaalinaysa diinteeda, dhaqankeeda iyo qiyamkeeda,” wuxuuna adkeeyay in “dagaalka dhabta ahi uu ka dhaco gudaha garoonka kubadda cagta.” Sidoo kale, wuxuu uga digay dalka martigelinaya inuu isku dayo in khilaafaadka loo raro meelo kale oo ka baxsan ciyaaraha, isagoo xusuusiyay dadka waayo-aragnimada shacabka Iiraan u leeyihiin la tacaalidda caqabadaha iyo duruufaha adag.

  11. War deg deg ah, Israa'iil oo sii deynaysa manata xubno la socda doomaha Qasa gargaarka u waday

    Xarunta Sharciga ee Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Carabta ee Israa’iil ayaa sheegtay in Israa’iil ay maanta oo Sabti ah sii deyn doonto dhaqdhaqaaqayaasha la socda “Doonyaha Caalamiga ah” ee taageeraya Qasa, kuwaas oo kala ah Thiago Avila oo u dhashay Brazil iyo Saif Abuu Koshk oo u dhashay Spain.

    Waxaa shardi laga dhigay inay ku sii jiraan gacanta maamulka socdaalka si loogu diyaariyo masaafurintooda dalka.

  12. Madaxweyne Putin oo dagaalka Ukraine uu kula jiro ku tilmaamay mid "xaq ah"

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku tilmaamay duullaanka Ruushka ee Ukraine inuu yahay “mid xaq ah” khudbad uu ka jeediyay bandhigga sannadlaha ah ee milatariga ee ka dhacay Moscow.

    Wuxuu ammaanay askarta Ruushka, isagoo sheegay in ay “ka hortagayaan awood gardarro ah oo ay hubeysan oo ay taageerayaan dhammaan isbahaysiga NATO”.

    Bandhigga Victory Day ee sannadlaha ah ee Moscow ayaa ku soo beegmay xilli xabbad-joojin saddex maalmood ah laga dhawaaqay Ruushka iyo Ukraine, taas oo uu ku dhawaaqay Madaxweyne Trump.

    Madaxweyne Zelensky ayaa amray ciidamadiisa inaysan beegsan xafladdaas, taas oo lagu xuso guuldarradii Nazigii Jarmalka.

    Sannadkan, xafladda ayaa si weyn loo yareeyay sabab la xiriirta dagaalka socda.

  13. Mucaaradka oo ku adkeysanaya qabashada bannaanbax ay dowladda uga soo horjeedaan

    Siyaasiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in berri oo Axad ah ay qabanayaan bannaanbaxyadii ay horey ugu baaqeen, iyagoo shacabka ku adkeyay in ay soo baxaan toddobada subaxnimo.

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa bartiisa Facebook ku daabacay qoraal kooban oo uu ku sheegayo in dibadbuxu socon doona ilaa ujeedkiisa laga gaaro: "Muwaadin usoo bax Hiil Shacab oo bilaabanaya Axadda 7:00am 10-ka Maajo, 2026, wuxuuna soconayaa illaa qoys kasta uu helo dhulkii laga dhacay" ayu ku yiri qoraalka.

    Dhanka kale dowladda ayaa shacabka uga digtay bannaabaxa ay ku baaqeen mucaaradka, iyadoo dowladdu ku boorisay dadweynaha in aysan dhag jalaq u siinin wax ay ku tilmaantay siyaasiinta doonaya in ay iska hor-keenaan dadweynaha iyo dowladda.

  14. War deg deg ah, Shiinaha oo si weyn ay u taabatay saameynta xirnaashaha Hormuz

    Soo dejinta shidaalka ee Shiinaha ayaa hoos u dhacday bishii Abriil, iyadoo gaartay heerkeedii ugu hooseeyay ku dhowaad afar sano, kadib markii xiritaanka Marinka Hormuz uu saameeyay waxyaabaha u socoda dalka ugu weyn ee soo dejinta saliidda ee adduunka.

    Xog ay Sabtidan maanta ah soo saareen kastamada Shiinaha ayaa muujisay in soo dejinta saliidda cayriin ay hoos u dhacday 20% bishii Abriil, iyadoo noqotay 38.5 milyan oo tan marka loo eego isla muddada sannadkii hore. Tani waa heerkii ugu hooseeyay tan iyo bishii Luulyo 2022-kii.

    Shiinuhu wuxuu ku tiirsan yahay Bariga Dhexe inuu ka helo ku dhowaad kala bar baahidiisa saliidda cayriin, waxaana xiritaanka marinkaas uu sababay hoos u dhac ku yimid tirada maraakiibta siday saliid iyo waxyaabaha la sifeeyay ee u gudbaya dunida inteeda kale.

  15. War deg deg ah, Baxrayn oo xabsiga dhigtay xubno xirir la leh Ilaalada Kacanaka Iiraan

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ayaa ku dhawaaqday in hay’adaha ammaanku “ay ku guuleysteen in ay soo bandhigaan urur ku xiran Ilaalada Kacaanka Iran” kaas oo wata fikirka loo yaqaan “ilaalinta Fiqiqa Islaamka”, iyadoo la sheegay in 41 xubnood oo ka tirsan ururkaas la xiray, sida ku cad war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda.

    Bayaanka ayaa intaas ku daray in “habraacyada sharciga ah lagu wado in lagu dhameystiro dadka ku lugta leh arrimahaan, halka hawlgallada baarista iyo dabagalka ay sii socdaan si loo qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee ka dhanka ah qof kasta oo lagu caddeeyo inuu ku lug leeyahay hawlaha ururkan, ama uu sameeyay falal ka soo horjeeda sharciga.”

  16. War deg deg ah, Baarlamaanka Iiraan oo la isugu yeeray

    Baarlamaanka Iran ayaa la isugu yeeray markii ugu horreysay tan iyo weerarkii 28-ka Febraayo ee Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran.Sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA.

    Afhayeenka baarlamaanka Iran Cabbaas Kodarzi ayaa sheegay in markii ugu horreysay tan iyo dagaalka, goluhu uu kulankiisa ugu horreeya ku qaban doono qaab muuqaal ah.

    Kodarzi wuxuu sheegay in kulanka la qaban doono berri oo Axad ah, “iyadoo la raacayo tallaabooyinka la shaaciyay iyo xaaladda jirta, lana adeegsanayo hab muuqaal ah.”

    Wuxuu sheegay in kulankaas ay xildhibaannadu kaga hadli doonaan arrimo dhaqaale iyo welwelka dadka ee nolosha, oo uu sababay dagaalku.

    Kulankii ugu dambeeyay ee furan ee baarlamaanka Iran wuxuu dhacay 16-ka Febraayo, waxaana lagu soo gabagabeeyay dood ku saabsaneed wax ka beddelka miisaaniyadda sanadka cusub ee Iran.

  17. War deg deg ah, Israa'iil oo ku dhawaaqday sida ay uga soo horjeeddo dhexdhexaadinta Pakistan ee Iran iyo Mareykanka

    Pakistan waxay door dhexdhexaadin ah ka qaadanaysaa sidii loo joojin lahaa khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran. Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil uma muuqato inay ku qanacsan tahay doorkan.

    Qunsulka Israa’iil ee Mumbai, Yaniv Revach, ayaa yiri: “Uma maleynayo in dowladaydu ay ku faraxsan tahay in Pakistan ay dhexdhexaadiye ka noqoto wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.”

    Wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ANI: “Israa’iil lama yeelanayso wax wada-hadal ah Pakistan. Waa Maraykanka iyo Madaxweyne Trump kuwa hogaaminaya wada-hadalladan. Waxaan ku kalsoonahay dowladda Maraykanka inay ilaaliso danaha amniga Israa’iil ee arrintan.”

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo madaxda Iran ayaa labaduba uga mahadceliyay Pakistan doorkeeda dhexdhexaadinta.

    Labada dal waxay sidoo kale wakiillo u direen caasimadda Pakistan ee Islamabad si ay uga qaybgalaan wada-hadallada. Israa’iil ma aysan dirin wax wakiil ah kulankaas.

  18. Diyaarad dab qabsaday oo dadkii saarnaa laga badbaadiyay

    In ka badan 200 rakaab ah ayaa laga badbaadiyay diyaarad gudaha Maraykanka kadib markii ay diyaaraddu ku dhacday nin ku socday dhabaha ay diyaaraduhu ka kacaan, ka hor inta aysan duulin.

    Duuliyuhu wuxuu joojiyay kacitaanka diyaaradda kadib dhacdadaas, sababtoo ah dab ka kacay mid ka mid ah matoorada diyaaradda.

    Farriin cod ah oo laga duubay qolka kantaroolka duulimaadka, ayaa la maqlay, duuliyaha oo sheegaya in matoorka diyaaradda uu dab qabsaday.

    Shirkadda diyaaradda leh ee Frontier ayaa sheegtay inay ka naxday dhacdada, isla markaana ay bilowday baaritaan rasmi ah.

  19. War deg deg ah, Degdeg: Aagga Iiraan ka soo saarto shidaalka oo lagu arkay shidaal sidii daadka u socda

    Sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday ayaa muujinaya daad saliid ah oo gaaraya 50 kiiloomitir oo laba jibbaaran meel u dhow Jasiiradda Kharg, oo ah xarunta ugu weyn ee soo saarta saliidda Iran.

    Weli si rasmi ah looma oga waxa sababay daadkan, kaas oo lagu arkay xeebta galbeed ee jasiiradda.

    Hay’adda aan dowliga ahayn oo la socota colaadaha iyo arrimaha deegaanka, The Conflict and Environment Observatory, ayaa sheegtay in calaamadaha muuqda ay muujinayaan in daadku u egyahay daad saliid ah, isla markaana uu u socdo dhinaca koonfureed.

    Jasiiradda Kharg waa meesha ay Iran ku leedahay inta badan ceelasha saliidda, dhuumaha shidaalka, haamaha kaydinta, iyo xarumaha kale ee warshadaha saliidda.

  20. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska oo wajahaya cadaadis ah inuu is casilo

    Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa ku adkaystay inuusan iscasili doonin isla markaana uusan “wadanka gelin doonin qalalaase,” xilli Xisbiga Labour-ku uu wajahayo guuldarro weyn oo doorasho.

    Natiijooyinka doorashooyinka ka dhacay England, Scotland iyo Wales ayaa kordhiyey cadaadiska la saarayo Sir Keir, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaannada shaqaaluhu ay ugu baaqeen inuu dejiyo jadwalka uu xilka uga degayo, inkastoo hadda xubnaha golihiisa wasiirradu ay weli taageerayaan.

    Xisbiga Labour-ka ayaa lumiyey awooddii uu ku lahaa Wales, taasoo soo afjartay xukun socday 27 sano, halka Scottish National Party uu weli yahay xisbiga ugu weyn Scotland.

    Reform UK ayaa noqday xisbiga ugu faa’iidada badan England, isagoo ku guuleystay in ka badan 1,400 kursi isla markaana la wareegay deegaanno taariikh ahaan ay maamuli jireen Labour-ka iyo Conservative-ka.

    Xisbiga Labour-ka ayaa lumiyey in ka badan 1,100 kursi oo goleyaal deegaan ah gudaha England, oo ay ku jiraan goobihii uu siyaasiyan ku xooganaa ee waqooyiga England iyo Midlands, waxaana la filayaa inuu wajaho natiijooyin kale oo adag.