Benjamin Sesco iyo Cazemiro maanta ma ciyaari doonaan
Kooxda
kubadda cagta ee Manchester United oo xaqiijistay u soo bixitaanka tartanka
Champions League-gga ayaa maanta waxaa ka
maqnaan doona ciyaartoy muhiim ah sida Casemiro iyo Cesc Fàbregas kulanka ay la
ciyaarayaan Sunderland.
Carrick
horey uma shaacin dhaawaca Casemiro. Sidoo kale, Sesco laguma darin safka
ciyaartoyda ee maanta.Joshua
Zirkzee ayaa helay fursaddiisii ugu horreysay ee uu ku bilaabo ciyaarta xilli
ciyaareedkan isagoo hoos imanaya Carrick.
Amad
Diallo, Zirkzee iyo Kuna ayaa ku jira safka bilowga ah. Dhinaca daafaca,
Lisandro Martínez ayaa dib ugu soo laabtay kooxda.
Dhanka
kale, Sunderland ayaa u tartamaysa inay u soo baxdo tartanka Europa League-ga.
War deg deg ah, Degdeg: Dowladda UK oo tallaabo ka qaadaysa tahriibayaasha
Xigashada Sawirka, Getty Images
Tirokoob
cusub oo ay soo saartay dowladda Britain ayaa muujinaya in laba boqol oo kun oo
muhaajiriin ah ay doonno yaryar kaga soo tallaabeen badda dhinaca Faransiiska
tan iyo markii diiwaangelinta la bilaabay sannadkii 2018-ka.
Dowladda UK ayaa
sheegtay inay qaadayso tallaabooyin lagu joojinayo socdaalladan, isla markaana
sanadkan ay hoos u dhacday tirada dadka sameynaya safarkan khatarta badan.
Arrintan
ayaa noqotay walaac weyn oo haysta codbixiyayaal badan, iyadoo xisbiga garabka
midig ee Reform uu guulo waaweyn ka gaaray doorashooyinkii deegaanka ee dhacay
Khamiistii. Ra’iisul Wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa iska caabinaya
baaqyada loogu yeerayo inuu is casilo kadib markii xisbigiisa shaqaalaha uu
natiijooyin liita ka soo hooyay doorashooyinka.
War deg deg ah, Dowladda Igiriiska oo Marinka Hormuz u diri doonta ciidan
Dowladda
Ingiriiska ayaa ciidan u diri doonta Bariga Dhexe, taas oo qayb ka ah hawlgal
laga fulinayo marin-biyoodka Hormuz, sida ay sheegtay dowladdu.
War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo war ka soo saartay ka qaybgalka Koobka Adduunka ee 2026-ka
Xigashada Sawirka, EPA
Xiriirka
Kubadda Cagta ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay in xulka qaranka Iiraan uu “si dhab
ah oo aan shaki ku jirin” uga qayb geli doono Koobka Adduunka ee 2026-ka, kaas
oo lagu qaban doono dalalka Maraykanka, Mexico iyo Kanada. Si kastaba ha
ahaatee, xiriirku wuxuu sheegay in “dalka martigelinaya ay tahay inuu tixgeliyo
walaacyada iyo arrimaha ay Iiraan qabto,” sida ay werisay wakaaladda wararka ee
IRNA ee Iiraan.
Xiriirku
wuxuu carrabka ku adkeeyay in “ka qaybgalka Iiraan uu yahay arrin la hubo, isla
markaana aysan jirin wax cadaadis dibadeed ah oo ka hor istaagi kara,” isagoo
xusay muhiimadda ay leedahay in dalka martigelinaya uu ixtiraamo oo uu
tixgeliyo walaacyada Iiraan.
Waxa
kale oo uu sheegay in “Iiraan ay tartanka uga qayb geli doonto iyadoo
ilaalinaysa diinteeda, dhaqankeeda iyo qiyamkeeda,” wuxuuna adkeeyay in
“dagaalka dhabta ahi uu ka dhaco gudaha garoonka kubadda cagta.” Sidoo kale,
wuxuu uga digay dalka martigelinaya inuu isku dayo in khilaafaadka loo raro
meelo kale oo ka baxsan ciyaaraha, isagoo xusuusiyay dadka waayo-aragnimada
shacabka Iiraan u leeyihiin la tacaalidda caqabadaha iyo duruufaha adag.
War deg deg ah, Israa'iil oo sii deynaysa manata xubno la socda doomaha Qasa gargaarka u waday
Xarunta
Sharciga ee Xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Carabta ee Israa’iil ayaa
sheegtay in Israa’iil ay maanta oo Sabti ah sii deyn doonto dhaqdhaqaaqayaasha la
socda “Doonyaha Caalamiga ah” ee taageeraya Qasa, kuwaas oo kala ah Thiago
Avila oo u dhashay Brazil iyo Saif Abuu Koshk oo u dhashay Spain.
Waxaa
shardi laga dhigay inay ku sii jiraan gacanta maamulka socdaalka si loogu
diyaariyo masaafurintooda dalka.
Madaxweynaha
Ruushka Vladimir Putin ayaa ku tilmaamay duullaanka Ruushka ee Ukraine inuu
yahay “mid xaq ah” khudbad uu ka jeediyay bandhigga sannadlaha ah ee milatariga
ee ka dhacay Moscow.
Wuxuu
ammaanay askarta Ruushka, isagoo sheegay in ay “ka hortagayaan awood gardarro
ah oo ay hubeysan oo ay taageerayaan dhammaan isbahaysiga NATO”.
Bandhigga
Victory Day ee sannadlaha ah ee Moscow ayaa ku soo beegmay xilli xabbad-joojin
saddex maalmood ah laga dhawaaqay Ruushka iyo Ukraine, taas oo uu ku dhawaaqay
Madaxweyne Trump.
Madaxweyne
Zelensky ayaa amray ciidamadiisa inaysan beegsan xafladdaas, taas oo lagu xuso
guuldarradii Nazigii Jarmalka.
Sannadkan,
xafladda ayaa si weyn loo yareeyay sabab la xiriirta dagaalka socda.
Mucaaradka oo ku adkeysanaya qabashada bannaanbax ay dowladda uga soo horjeedaan
Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Siyaasiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in berri oo Axad ah ay qabanayaan bannaanbaxyadii ay horey ugu baaqeen, iyagoo shacabka ku adkeyay in ay soo baxaan toddobada subaxnimo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa bartiisa Facebook ku daabacay qoraal kooban oo uu ku sheegayo in dibadbuxu socon doona ilaa ujeedkiisa laga gaaro: "Muwaadin usoo bax Hiil Shacab oo bilaabanaya Axadda 7:00am 10-ka Maajo, 2026, wuxuuna soconayaa illaa qoys kasta uu helo dhulkii laga dhacay" ayu ku yiri qoraalka.
Dhanka kale dowladda ayaa shacabka uga digtay bannaabaxa ay ku baaqeen mucaaradka, iyadoo dowladdu ku boorisay dadweynaha in aysan dhag jalaq u siinin wax ay ku tilmaantay siyaasiinta doonaya in ay iska hor-keenaan dadweynaha iyo dowladda.
War deg deg ah, Shiinaha oo si weyn ay u taabatay saameynta xirnaashaha Hormuz
Soo
dejinta shidaalka ee Shiinaha ayaa hoos u dhacday bishii Abriil, iyadoo gaartay
heerkeedii ugu hooseeyay ku dhowaad afar sano, kadib markii xiritaanka Marinka
Hormuz uu saameeyay waxyaabaha u socoda dalka ugu weyn ee soo dejinta saliidda
ee adduunka.
Xog
ay Sabtidan maanta ah soo saareen kastamada Shiinaha ayaa muujisay in soo
dejinta saliidda cayriin ay hoos u dhacday 20% bishii Abriil, iyadoo noqotay
38.5 milyan oo tan marka loo eego isla muddada sannadkii hore. Tani waa heerkii
ugu hooseeyay tan iyo bishii Luulyo 2022-kii.
Shiinuhu
wuxuu ku tiirsan yahay Bariga Dhexe inuu ka helo ku dhowaad kala bar baahidiisa
saliidda cayriin, waxaana xiritaanka marinkaas uu sababay hoos u dhac ku yimid
tirada maraakiibta siday saliid iyo waxyaabaha la sifeeyay ee u gudbaya dunida
inteeda kale.
War deg deg ah, Baxrayn oo xabsiga dhigtay xubno xirir la leh Ilaalada Kacanaka Iiraan
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ayaa ku dhawaaqday
in hay’adaha ammaanku “ay ku guuleysteen in ay soo bandhigaan urur ku xiran
Ilaalada Kacaanka Iran” kaas oo wata fikirka loo yaqaan “ilaalinta Fiqiqa
Islaamka”, iyadoo la sheegay in 41 xubnood oo ka tirsan ururkaas la xiray, sida
ku cad war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in “habraacyada sharciga ah
lagu wado in lagu dhameystiro dadka ku lugta leh arrimahaan, halka hawlgallada
baarista iyo dabagalka ay sii socdaan si loo qaado tallaabooyinka lagama
maarmaanka ah ee ka dhanka ah qof kasta oo lagu caddeeyo inuu ku lug leeyahay
hawlaha ururkan, ama uu sameeyay falal ka soo horjeeda sharciga.”
War deg deg ah, Baarlamaanka Iiraan oo la isugu yeeray
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Baarlamaanka
Iran ayaa la isugu yeeray markii ugu horreysay tan iyo weerarkii 28-ka Febraayo
ee Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran.Sida
ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA.
Afhayeenka
baarlamaanka Iran Cabbaas Kodarzi ayaa sheegay in markii ugu horreysay tan iyo
dagaalka, goluhu uu kulankiisa ugu horreeya ku qaban doono qaab muuqaal ah.
Kodarzi
wuxuu sheegay in kulanka la qaban doono berri oo Axad ah, “iyadoo la raacayo
tallaabooyinka la shaaciyay iyo xaaladda jirta, lana adeegsanayo hab muuqaal ah.”
Wuxuu
sheegay in kulankaas ay xildhibaannadu kaga hadli doonaan arrimo dhaqaale iyo
welwelka dadka ee nolosha, oo uu sababay dagaalku.
Kulankii
ugu dambeeyay ee furan ee baarlamaanka Iran wuxuu dhacay 16-ka Febraayo,
waxaana lagu soo gabagabeeyay dood ku saabsaneed wax ka beddelka miisaaniyadda
sanadka cusub ee Iran.
War deg deg ah, Israa'iil oo ku dhawaaqday sida ay uga soo horjeeddo dhexdhexaadinta Pakistan ee Iran iyo Mareykanka
Xigashada Sawirka, Ilia YEFIMOVICH/AFP via Getty Images
Pakistan waxay door dhexdhexaadin ah ka qaadanaysaa sidii
loo joojin lahaa khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran. Si kastaba ha
ahaatee, Israa’iil uma muuqato inay ku qanacsan tahay doorkan.
Qunsulka Israa’iil ee Mumbai, Yaniv Revach, ayaa yiri:
“Uma maleynayo in dowladaydu ay ku faraxsan tahay in Pakistan ay dhexdhexaadiye
ka noqoto wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.”
Wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ANI: “Israa’iil lama
yeelanayso wax wada-hadal ah Pakistan. Waa Maraykanka iyo Madaxweyne Trump kuwa
hogaaminaya wada-hadalladan. Waxaan ku kalsoonahay dowladda Maraykanka inay
ilaaliso danaha amniga Israa’iil ee arrintan.”
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo madaxda Iran ayaa
labaduba uga mahadceliyay Pakistan doorkeeda dhexdhexaadinta.
Labada dal waxay sidoo kale wakiillo u direen caasimadda
Pakistan ee Islamabad si ay uga qaybgalaan wada-hadallada. Israa’iil ma aysan
dirin wax wakiil ah kulankaas.
Diyaarad dab qabsaday oo dadkii saarnaa laga badbaadiyay
Xigashada Sawirka, Getty Images
In
ka badan 200 rakaab ah ayaa laga badbaadiyay diyaarad gudaha Maraykanka kadib
markii ay diyaaraddu ku dhacday nin ku socday dhabaha ay diyaaraduhu ka kacaan,
ka hor inta aysan duulin.
Duuliyuhu
wuxuu joojiyay kacitaanka diyaaradda kadib dhacdadaas, sababtoo ah dab ka kacay
mid ka mid ah matoorada diyaaradda.
Farriin
cod ah oo laga duubay qolka kantaroolka duulimaadka, ayaa la maqlay, duuliyaha
oo sheegaya in matoorka diyaaradda uu dab qabsaday.
Shirkadda
diyaaradda leh ee Frontier ayaa sheegtay inay ka naxday dhacdada, isla markaana
ay bilowday baaritaan rasmi ah.
War deg deg ah, Degdeg: Aagga Iiraan ka soo saarto shidaalka oo lagu arkay shidaal sidii daadka u socda
Xigashada Sawirka, Reuters
Sawirro
dayax-gacmeed lagu qaaday ayaa muujinaya daad saliid ah oo gaaraya 50
kiiloomitir oo laba jibbaaran meel u dhow Jasiiradda Kharg, oo ah xarunta ugu
weyn ee soo saarta saliidda Iran.
Weli
si rasmi ah looma oga waxa sababay daadkan, kaas oo lagu arkay xeebta galbeed
ee jasiiradda.
Hay’adda
aan dowliga ahayn oo la socota colaadaha iyo arrimaha deegaanka, The Conflict
and Environment Observatory, ayaa sheegtay in calaamadaha muuqda ay muujinayaan
in daadku u egyahay daad saliid ah, isla markaana uu u socdo dhinaca
koonfureed.
Jasiiradda
Kharg waa meesha ay Iran ku leedahay inta badan ceelasha saliidda, dhuumaha
shidaalka, haamaha kaydinta, iyo xarumaha kale ee warshadaha saliidda.
War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska oo wajahaya cadaadis ah inuu is casilo
Natiijooyinka
doorashooyinka ka dhacay England, Scotland iyo Wales ayaa kordhiyey cadaadiska la
saarayo Sir Keir, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaannada shaqaaluhu ay ugu
baaqeen inuu dejiyo jadwalka uu xilka uga degayo, inkastoo hadda xubnaha
golihiisa wasiirradu ay weli taageerayaan.
Xisbiga
Labour-ka ayaa lumiyey awooddii uu ku lahaa Wales, taasoo soo afjartay xukun
socday 27 sano, halka Scottish National Party uu weli yahay xisbiga ugu weyn
Scotland.
Reform
UK ayaa noqday xisbiga ugu faa’iidada badan England, isagoo ku guuleystay in ka
badan 1,400 kursi isla markaana la wareegay deegaanno taariikh ahaan ay maamuli
jireen Labour-ka iyo Conservative-ka.
Xisbiga
Labour-ka ayaa lumiyey in ka badan 1,100 kursi oo goleyaal deegaan ah gudaha
England, oo ay ku jiraan goobihii uu siyaasiyan ku xooganaa ee waqooyiga
England iyo Midlands, waxaana la filayaa inuu wajaho natiijooyin kale oo adag.
War deg deg ah, Mareykanka oo sii wada tallaabooyinka sii adkeyn kara wadahadallada xilli arrintu gaartay Shiinaha
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda
Maaliyadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabatayn lagu soo rogay 10 qof
iyo shirkado, oo ay ku jiraan hay’ado fadhigoodu yahay Shiinaha iyo Hong Kong,
kuwaas oo ka caawiyey Iran dadaalladeeda milatari ee lagu soo iibsanayo hub iyo
agab ceeriin ah oo loo isticmaalo samaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee
Shahed.
Sida
ay sheegtay Reuters, tallaabadan ay qaaday Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka
ayaa timid maalmo yar ka hor safarka uu qorsheynayo Madaxweynaha Maraykanka
Donald Trump ee uu ku tagayo Shiinaha si uu ula kulmo Madaxweynaha Shiinaha Xi
Jinping, xilli dadaalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka Iran ay
hakad galeen.
Wasaaradda
Maaliyadda Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay weli diyaar u
tahay inay qaaddo tallaabooyin dhaqaale oo ka dhan ah kaabayaasha warshadaha
milatariga ee Iran si Tehran aysan dib ugu dhisin awooddeeda wax-soo-saar ama
aysan u ballaarin saameynteeda meel ka baxsan xuduudaheeda.
Wasaaraddu
waxay intaas ku dartay inay tallaabo ka qaadi karto shirkad kasta oo ajnabi ah
oo ku lug leh ganacsi sharci-darro ah oo lala yeesho Iran, oo ay ku jiraan
shirkadaha diyaaradaha, isla markaana ay saari karto cunaqabateyn labaad
hay’adaha maaliyadeed ee shisheeye ee taageera hawlaha Iran, gaar ahaan kuwa
xiriirka la leh warshadaha sifeynta madaxa-bannaan ee Shiinaha loona yaqaan
“teapots.”
“Anagoo
raacayna hoggaanka adag ee Madaxweyne Donald Trump, waxaan sii wadi doonnaa
ilaalinta amniga Maraykanka, waxaana bartilmaameedsan doonnaa dadka iyo
shirkadaha shisheeye ee hub siiya milatariga Iran si loogu isticmaalo ciidamada
Maraykanka,” ayuu yiri Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Scott Besant.
War deg deg ah, Weerarkii Mareykanka oo dad lagu la'yahay
Fawad
Moradzadeh, guddoomiyaha Bandar Lengeh, ayaa sheegay in lix qof la la’yahay
intii uu socday weerarka Maraykanku ku qaaday maraakiibta Iran meel u dhow
dekedda Khasab ee Cumaan.
Weerarku
wuxuu dhacay Khamiistii, waxaana sida uu sheegay guddoomiyaha Bandar Lengeh,
“maraakiib xamuul ah iyo kuwa kalluumeysi oo Iran leedahay” lagu weeraray meel
u dhow dekedda Khasab ee dalka Cumaan.
Wuxuu
yiri: “Dhacdadan waxaa lagu bartilmaameedsaday lix doomood oo ay leeyihiin
dadka deggan Bandar-e-Moalem, oo ah degmo ku taalla bartamaha Bandar-e-Lengeh,
waxaana saarnaa guud ahaan 20 qof.”
Waxa
uu sidoo kale shaaciyey in tirada dadka dhaawacmay ay tahay lix qof.
War deg deg ah, Trump oo Iran jawaab ka sugaya iyo waxa laga filayo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha
Maraykanka Donald Trump ayaa wariyeyaasha u sheegay inuu filayo inuu dhowaan
helo jawaabta Iran ee ku saabsan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.
Maalmihii
la soo dhaafay waxaa dhacay iska horimaadyadii ugu rabshadaha badnaa gudaha iyo
agagaarka marin-biyoodka Hormuz tan iyo markii xabbad-joojintu bilaabatay bil
ka hor, waxaana mar kale weerar lagu qaaday Isutagga Imaaraadka Carabta
maalintii Jimcaha.
Washington
waxay sugaysaa jawaabta Tehran ee ku aaddan soo jeedinta Maraykanka, taas oo
ujeeddadeedu tahay in si rasmi ah loo soo afjaro dagaalka ka hor inta aan la
bilaabin wadahadallada arrimaha aadka xasaasiga u ah, oo uu ku jiraan
barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
Iran
ayaa ku eedaysay Maraykanka inuu jebiyey xabbad-joojinta, taas oo inta badan
sii shaqaynaysay tan iyo markii lagu dhawaaqay 7-dii Abriil, hase yeeshee
toddobaadkan waxaa sii kordhayay cadaadiska iyo xiisadda.