Isbahaysiga NATO oo war ka soo saaray qorshe Maraykanku riixayo oo ka dhana dal ururka ka mid ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Isbahaysiga Miliri ee NATO ayaa sheegay inaysan jirin qodob u oggolaanaya in waddamada xubnaha ka ah laga joojiyo ama laga eryo isbaheysiga milatari, ka dib markii warbixin lagu sheegay in Mareykanku uu raadin karo inuu xubinnimada ka joojiyo dalka Spain sababo la xiriira mowqifkiisa dagaalka Iran.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay sarkaal Mareykan ah oo sheegay in Email gudaha ah oo ka soo baxay Pentagon-ka uu soo jeediyay tallaabooyin uu Mareykanku ku ciqaabayo xulafada uu aaminsan yahay inay ku fashilmeen inay taageeraan ololihiisa.
Emailkaas ayaa sidoo kale soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo mowqifka Mareykanka ee ku aaddan sheegashada UK ee jasiiradaha Falklands ee koonfurta Atlaantik, kuwaas oo ay sidoo kale sheegato Argentina.
Sarkaal ka tirsan NATO ayaa u sheegay BBC-da in heshiiskii lagu aasaasay isbaheysiga "uusan dhigayn wax qodob ah oo loogu talagalay joojinta xubinnimada NATO, ama ka saarid ah".
Raysal Wasaaraha dalka Spain ayaa isna gaashaanka ku dhuftay warbixintaas, isagoo ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.
Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka, Kingsley Wilson, ayaa u sheegtay BBC-da in kasta oo "wax kasta" oo uu Mareykanku u sameeyay xulafadiisa NATO, "aysan nala joogin xilligii aan u baahnayn."
Waxay intaas raacisay: "Waaxda Dagaalka [waaxda Difaaca] waxay hubin doontaa in madaxweynuhu haysto dookh la isku halleyn karo si loo xaqiijiyo in xulafadeenu aysan sii ahaanin 'shabeel warqad ah', balse ay halkaas ka qaataan doorkooda."
"Ma bixin wax faallo dheeraad ah oo ku saabsan wadatashiyada gudaha ee arrintaas ku saabsan."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
BBC-da ayaa la xiriirtay dowladda UK si ay faallo uga bixiso arrintan.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa marar badan ku dhaliilay xulafada NATO inay ka caga-jiidayaan inay door weyn ka qaataan dagaalka, ka dib markii Maraykanka iyo Israa'iil ay weerareen Iran 28-kii Febraayo, taas oo keentay in Iran ay xannibto isu-socodka maraakiibta adeegsanasa Marinka muhiimka ah ee Hormuz.
Spain ayaa diidday inay oggolaato in loo adeegsado saldhigyada cirka weerarada ka dhanka ah Iran. Maraykanku wuxuu Spain ku leeyahay laba saldhig oo milatari, kuwaas oo kala ah Saldhigga badda ee Rota iyo Saldhigga cirka ee Morón.
Ra'iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa u sheegay weriyayaasha: "Annagu kuma shaqayno Emaylo. Waxaan ku shaqaynaa dukumentiyo rasmi ah iyo mowqifyo rasmi ah oo ay qaadato, kiiskan, dowladda Maraykanka."
Sánchez ayaa intaa raaciyay in Spain ay taageersan tahay "iskaashi buuxa oo ay la yeelato xulafadeeda, balse mar walba ku jirto qaab-dhismeedka sharciga caalamiga ah."
Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa ku adkeystay in ka qayb-gal ballaaran oo laga qaato dagaalka ama go'doominta hadda uu Maraykanku ku hayo dekedaha Iran aysan dani ugu jirin UK.
UK waxay u oggolaatay Maraykanka inuu isticmaalo saldhigyada Ingiriiska si uu weeraro ugu qaado goobaha Iran ee bartilmaameedsanaya Marinka Hormuz, diyaaradaha RAF-tuna waxay qayb ka qaateen hawlgallada lagu soo ridayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.
UK, Faransiiska iyo kuwa kale ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan sidii Marinka Hormuz oo ah marin muhiim u ah dhoofinta saliidda adduunka u furnaan lahaa ka dib marka la gaaro xabbad-joojin waarta ama marka uu dagaalku dhammaado.
Jimcihii, Wasiirka Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ayaa shir jaraa'id ka sheegay inuu mar kale dhaleeceeyay xulafada Yurub, isagoo ku eedeeyay inay ka gaabiyeen taageerada Washington dagaalka ay kula jirto Iran.
"Annagu kuma tiirsanin Yurub, laakiin iyaga ayaa si ka badan nooga baahan Marin-biyoodka Hormuz, waxaana laga yaabaa inay yara yareeyaan hadalka iyo shirarka qurxoon ee Yurub, oo ay markab saaran galaan. Tani waa dagaal iyaga ka badan annaga," ayuu yiri Hegseth.
"Yurub iyo Aasiya waxay ka faa'iideysanayeen ilaalintayada muddo tobanaan sano ah, laakiin waqtigii si bilaash ah looga faa'iideysan lahaa waa dhammaaday," ayuu raaciyay.
Bishii hore, Trump ayaa sheegay inuu mar walba u arkayay isbahaysiga difaaca NATO ee 32-ka dal inuu yahay "waddo hal dhinac ah," isagoo yiri: "Annagu waan ilaalin doonnaa, laakiin iyagu waxba nagama qaban doonaan."
Iimaylka gudaha ee Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in xuquuqda soo gelitaanka, isticmaalka saldhigyada, iyo duulimaadka hawada (ABO) ay yihiin "heerka ugu hooseeya ee looga baahan yahay NATO," sida uu sarkaal Maraykanka u dhashay oo aan la magacaabin u sheegay wakaaladda Reuters.
Si loogu aar-gudo waxa loo arko iskaashi la'aantaas, iimaylka ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo taageerada diblamaasiyadeed ee Maraykanka uu siiyo "hantida gumaysi" ee Yurub ay mudada dheer haysatay, sida Jasiiradaha Falkland, sida uu Reuters ka soo xigtay sarkaalka Maraykanka ah.
Maalintii Jimcaha, Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa ku boorisay xulafada NATO inay midoobaan ka dib qoraalkii ka soo baxay Pentagon-ka, iyadoo sheegtay in isbaheysigu yahay "ilo xoog lagu soo herdo."













