You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaa laga filayaa booqashada Trump ee Shiinaha?
Fagaaraha taariikhiga ah ee Tiananmen Square ee caasimadda Shiinaha ee Beijing, ayaa waxaa si weyn looga dareemayay ammaanka, si ka duwan maalmaha caadiga ah, waxaana aad mooddaa in diyaar garow ballaaran oo sir ah uu in muddo ah socday oo ku saabsan socdaalka Madaxweynaha Mareykanka ee Shiinaha.
Booqashada Donald Trump ee Shiinaha oo qaadan doonta laba maalmood, marka laga soo tago kulamada laba geesoodka ah, waxa kale oo ka mid ah martiqaad dawladeed iyo booqasho uu ku tagay macbadka caanka ah ee Boqortooyada ee loo yaqaan Macbadka Jannada. Meeshan waxaa inta badan booqda madaxweynayaal, boqorro, ama saraakiil si ay ugu duceeyaan mustaqbalkooda wanaagsan.
Waxa cad in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping labaduba ay rajeynayaan natiijooyin wax ku ool ah booqashadan. Kulankan dhex maray madaxweynayaasha labada quwadood ee ugu waaweyn caalamka ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah labada kulan ee diblomaasiyadeed ee ugu muhiimsan caalamka.
Ka hor inta uusan u dhoofin Shiinaha Arbacadii Trump ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Washington in uu sidoo kale "wadahadal dheer" kala yeelan doono madaxweyne Xi Jinping oo ku saabsan Iran, laakiin wuxuu raaciyay, "Uma maleynayo inaan u baahanahay gargaarkooda."
In kasta oo labada hoggaamiye lagu tiriyo inay ku xafiiltamaan xiriirka caalamiga ah, haddana Trump waxa uu khudbaddiisa ugu yeera Xi saaxiib, wuxuunu yiri "Waxa uu noqon doonaa safar aad u xiiso badan, wax badan oo wanaagsanina way dhici doonaan.
Safar oo laba bilood dib u dhacay dagaalka Iran aawadii
Kulanka Donald Trump iyo Xi Jinping ayaa markii hore loo qorsheeyay inuu dhaco 31-ka Maarso, balse ku dhawaad labo bilood ayuu dib u dhacay, sababo la xiriira weerarada Israa'iil iyo Mareykanka ay ku qaadeen Iiraan.
Qiyaastii laba toddobaad ka dib markii uu bilaabmay dagaalka Iran, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay bartamihii March in uu dib u dhigay kulan uu la yeelan lahaa Xi Jinping sababtoo ah, sida uu yiri, "waa inuu dalka joogo inta lagu jiro dagaal."
"Waxaan rabaa inaan halkaan joogo, waxaanan u baahanahay inaan halkaan sii joogo, sidaas darteed waxaan soo jeediyay in kulankan dib loo dhigo muddo bil ah," ayuu yiri Trump xilligaas.
Inkastoo diyaar garowga safarkan uu ka socday dalka Shiinaha, ayaa haddana waxaa si rasmi ah loo shaaciyay maalmo ka hor, iyadoo madaxda qaarna aysan mararka qaarkood horay u sii shaacin safarradooda sababo dhinaca ammaanka ah. In kasta oo safarka Trump uu yahay mid muhiimad gaar ah leh, haddana wuxuu ugu dambeyntii yimid Beijing abbaare 8-dii fiidnimo xilliga Shiinaha ee Arbacadii.
Madaxweyne ku xigeenka Shiinaha Han Zheng ayaa ku soo dhoweeyay martida gaarka ah garoonka diyaaradaha, wuxuuna loo fidiyay rooga cas imaatinkiisa. Han ayaa sidoo kale Shiinaha ku matalay caleema saarkii Trump sanadkii hore.
Shiinaha iyo Mareykanka ayaa sanadkii la soo dhaafay si weyn ugu xifaaltamay dhinacyo badan oo ganacsi, waxayna ku hanjabeen inay ruxayaan aasaaska dhaqaalaha adduunka. Donald Trump ayaa marar badan kor u qaaday kadibna hoos u dhigay canshuuraha la saaray ganacsiga ugu weyn Mareykanka, kuwaa oo mararka qaarna kor u dhaafayay boqolkiiba boqol.
Balse Shiinaha ayaa ka jawaab celiyay isagoo dhimay macdantii uu u dhoofin jiray Mareykanka iyo soo dejinta wax soo saarka beeraha ee dalkaas, taasoo si toos ah u saameysay dadkii u codeeyay Trump.
Xiisadda labada dal ayaa si weyn hoos ugu dhacday tan iyo bishii Oktoobar 2025 shir madaxeedkii Xi Jinping iyo Trump ee Kuuriyada Koonfureed.
Kdib kulankii ugu dambeeyay ee Beijing, halkaas oo arrimo badan oo ganacsi la filayo in laga hadlo, waxaa jira rajooyin natiijooyin wanaagsan in la gaaro ah.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa la filayaa inuu ku dhiiri geliyo Shiinaha inay iibsadaan wax soo saar badan oo beeraha Maraykanka ah, sidoo kalena ku cadaadiyo Shiinaha inay ka tanaasulaan hababka u oggolaanaya Trump inuu ku soo rogo canshuuro badan. Waxa la filayaa in aanay taasi u fududayn dhinaca Maraykanka.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, dawladda Maraykanku waxay ku casuuntay safarkaas madaxda shirkado waaweyn oo ay ku jiraan Nvidia, Apple, Exxon, iyo Boeing.
In kasta oo Shiinuhu uu hadda aad ugu tiirsan yahay ganacsiga Maraykanka marka loo eego xilligii Donald Trump ee ugu horreeyay ee madaxweynenimada, madaxweyne Xi Jinping ayaa isku dayi doona in uu kulankani guulaysto sababtoo ah Shiinaha ayaa aad ugu baahan xasilloonida dhaqaalaha adduunka.
Shiinaha ayaa hadda lagu tiriyaa inuu yahay saaxiibka ugu weyn ee ganacsiga in ka badan 120 waddan, laakiin ganacsiga faa'iidada leh ee uu la leeyahay Mareykanka ayaa weli ah mudnaanta koowaad.