You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Trump oo toban sano kaddib Shiinaha ka degay

Madaxweyne Donald Trump ayaa gaadhay magaalada Beijing, booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiye Maraykan ah uu ku tago dalkaas muddo sagaal sano ah

Kooban

Tebin toos ah

  1. Turkiga oo doonaya "in uu ku martiqaado afar waddan oo Khaliijka ah shir madaxeedka NATO"

    Dowladdda Turkiga ayaa doonaysaa inay “afar dal oo Khaliijka ah ku casuunto shir-madaxeedka NATO”

    Warbaahin Turki ah iyo shabakadda wararka Mareykanka ee Bloomberg ayaa sheegay in iyadoo arrinta dagaalka Iran ay ku jirto ajandaha shir-madaxeedka xiga ee NATO, Turkigu doonayo inuu ku casuumo afar dal oo ah kuwa Khaliijka shirkaas.

    Bogga af-Ingiriisiga ee Turkey Today, oo taageera dowladda Turkiga, ayaa ku dhawaaqay in Ankara ay rajaynayso inay ku casuunto Qatar, Kuwait, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn shir-madaxeedka NATO, kaas oo la qorsheeyay inuu ka dhaco Ankara muddo laba maalmood ah laga bilaabo 7-da Luulyo.

    Afartan dal ayaa bartilmaameed u noqday weerarro militari oo jawaab-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran qaaday intii lagu jiray weerarradii Israa’iil iyo Mareykanka ay ku qaadeen Iran.

    Warbixintu waxay, iyadoo soo xiganaysa ilo amni, sheegtay in Ankara ay la tashanayso xulafada NATO arrinta ku saabsan casuumadda dalalkan sidii xubno ka tirsan “Hindisaha Iskaashiga Istanbul.”

    Warbixintu waxay sheegtay in ka qaybgalka xubnaha isbahaysigan ee shir-madaxeedka NATO uu noqon karo “fursad dhab ah oo dib loogu soo nooleeyo hannaan muddo dheer si liidata u shaqaynayay.”

    Waxaa sidoo kale la sheegay in ilo Turki ahi ay beeniyeen wax qorshe ah oo Ankara ay ku doonayso inay ku casuunto Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, kulankaas.

    Sidoo kale akhri

  2. Qaar ka mid ah faa'iidooyinka iyo dhibaatooyinka teknoolajiyada 5G oo meelahalaga hirgaliyay ay ka mid tahaySoomaaliya

    Horaantii sanadkii 2024-kii ayaa shirkadda Hurmuud ayaa daahfurtay isgaarsiinta casriga ah ee jiilka Shanaad oo loo yaqaan 5G, waxaa kasii horeeyay oo billowgii sannadkan isla 5G daahfurtay shirkadda kale ee Somtel.

    Waxaa suurta gal ah in aad isweydiiso muxuu soo kordhinayaa 5G, mase leeyahay dhibaatooyin?

    Ku dhufo lifaaqa hoose hoose si aad faahfaahinta u hesho

  3. Imaaraadka oo beeniyay in Netanyahu uu booqasho ku yimid dalkooda

    Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa si cad u beenisay sheegashooyinka ku saabsan in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu booqasho ku tagay dalkaas, ama in Imaaraadku uu martigeliyay wafdi milatari oo Israa’iili ah.

    Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay wararkaasi yihihiin aan "sal iyo raad toona lahayn”.

    Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in xiriirka Imaaraadka iyo Israa’iil uu yahay mid si rasmi ah loo shaaciyay, kuna dhisan heshiisyada Abraham Accords, isla markaana uusan ku salaysnayn sir ama heshiisyo qarsoon.

    Sida bayaan ku xusan, “sheegasho kasta oo ku saabsan booqashooyin aan la shaacin ama heshiisyo qarsoodi ah waa kuwo aan sal lahayn, ilaa ay ka soo baxaan hay’adaha rasmiga ah ee Imaaraadka.”

  4. Iran oo ka fal-celisay booqashadii Netanyahu ee Imaaraadka:

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa ka falceliyay shaacinta dadweynaha ee safarka Benjamin Netanyahu uu ku tagay Imaaraadka Carabta, isagoo yiri: “Netanyahu hadda wuxuu si cad u shaaciyay wixii hay’adaha ammaanka Iran ay horay ugu gudbiyeen hoggaankeena.”

    Araqchi ayaa sidoo kale jeediyay hadallo adag oo Imaaraadka iyo dalalka Khaliijka, isagoo sheegay: “Cadownimada looorka weyn ee Iran waa khamaar nacasnimo ah; iskaashi iyo la fal-galidda lala sameeyo Israa’iil dhankeena waa wax aan la cafin karin.

    Kuwii door ka ciyaara la falgalka Israa’iil si loo abuuro kala qeybsanaan waa in lala xisaabtamaa.”

    Marka laga soo tago shaacinta booqashada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee uu ku tagay Imaaraadka intii uu socday dagaalka, warbaahinta Mareykanka ayaa sidoo kale maalmahan dambe si weyn uga hadashay warar ku saabsan weerarro militari oo qarsoodi ah oo ay Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ku qaadeen Iran.

  5. Aqalka Sanetka Mareykanka oodiiday qaraar qabyo ah oo ciidamada Mareykanka looga saaro dagaalka Iran.

    Golaha Senate Mareykanka ayaa Arbacadii si dirqi ah u diiday qaraar lagu doonayay in lagu amro ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee ku lug leh dagaalka Iran, iyadoo inta badan xisbiga Jamhuuriga ay kasoo horjeesteen xaddididda awoodaha militari ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Qoraalka qaraarka, sida qaraarro kale oo ay toddobaadyadii lasoo dhaafay soo bandhigeen mucaaradka Dimuqraadiga, wuxuu helay 49 cod oo taageero ah — oo ay ku jiraan saddex senator oo Jamhuuri ah — halka 50 senator ay ka codeeyeen diidmo.

    Markii ugu horreysay tan iyo bilowgii dagaalka, senator-ka Jamhuuriga ah Lisa Murkowski ayaa u codeysay taageeridda baaqa ku saabsan in ciidamada Mareykanka laga saaro dagaalka Iran.

    Murkowski ayaa u sheegtay Punchbowl News kadib codbixinta: “Waxaan filaynay inaan dowladda ka helno caddeyn dheeraad ah oo ku saabsan mowqifkeenna (colaadda), laakiin wax faahfaahin ah ma aanan helin.”

  6. Mareykanka oo cunaqabateyntii hubka ka qaaday Itoobiya

    Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Itoobiya.

    Qaadista cunaqabateynta waxaa shaaciyay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, gaar ahaan Agaasinka Xakamaynta Hubka iyo Ganacsiga.

    Bayaan la soo saaray 11-ka May 2026, agaasinka ayaa sheegay in ay dib u eegis ku sameynayaan siyaasadda qaadista cunaqabateynta iyo hirgelinta ruqsadaha la xiriira Itoobiya ee hoos yimaada Nidaamka Xakamaynta Gaadiidka Caalamiga ah (ITAR).

    Kadib, Xeer cusub oo dib loo eegay, oo ah Nidaamka Xakamaynta Gaadiidka Caalamiga ah (ITAR 126.1), ayaa sheegay in magaca Itoobiya laga saari doono liiska.

    Xeerkan ayaa KA mamnuucaya dalalka qaar ee ku jira cunaqabateynta Maraykanka in ay soo iibsadaan ama dhoofiyaan hub iyo adeegyo la mid ah oo loogu talagalay ciidamada difaaca qaranka, booliska, hay’adaha amniga iyo kuwa kale.

    Itoobiya ayaa cunaqabateyn saarneyd tan iyo Febraayo 2021, kadib dagaalkii Tigray.

    Sannadihii u dambeeyay, Itoobiya waxay hub ka iibsaneysay Ruushka, Shiinaha, Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Iran.

    Ku dhawaaqista qaadista cunaqabateynta ayaa imaaneysa xilli xiisado sii kordhaya ay ka jiraan waqooyiga Itoobiya ee gobolka Tigray, sidoo kale waxaa jira xiisado u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea, iyo Itoobiya iyo Suudaan.

  7. Israa'iil: Waxaan bartilmaameedsanay bakhaarrada hubka ee Xisbullah

    Ciidanka Israa’iil ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu bartilmaameedsaday “bakhaarro hub, gantaallo diyaar u ahaa in la rido” iyo kaabayaal kale oo ay leeyihiin Xisbullah meelo kala duwan oo ku yaalla koonfurta Lubnaan.

    Bayaanka ayaa lagu yiri: “Goobihii laga ridayay ee la beegsaday waxaa lagu burburiyay gantaal-ridayaal loo jeediyay goobaha ay ciidamada Israa’iil ka howlgalaan iyo gudaha dhulka Israa’iil.”

    Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa horay u shaacisay in 12 qof ay ku dhinteen weerarrada Israa’iil ee maanta, kuwaas oo intooda badan ka dhacay koonfurta Bayruut.

    Weerarradan ayaa dhacay iyada oo ay jiro xabbad-joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo Xisbullah.

    Weerarada cusub ee lagu qaaday meelo kala duwan oo koonfurta Lubnaan ah ayaa yimid habeen ka hor wareeg cusub oo wada-hadallo toos ah oo u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil lagu qorsheeyay inay ka dhacaan Washington, kuwaas oo uu dhexdhexaadinayo Mareykanka.

    Hezbollah ayaa si adag uga soo horjeeda wada-hadalladan.

  8. Israa'iil oo digniin degdeg ah soo saartay

    Afhayeenka ciidanka Israel, Avichay Adraee, ayaa Arbacadii ku baahiyay digniin degdeg ah bartiisa X, isagoo ugu baaqay dadka reer Lebanon ee ku nool Kfarhatta, Arab Salim, iyo Deir Zahrani inay ka baxaan goobahaas.

    Qoraalkiisa ayuu ku sheegay in codsiga daadgureynta uu yimid kadib “jebinta heshiiska xabbad-joojinta” ee ay sameysay Hezbollah, taas oo ku qasabtay ciidanka Israel “inay si xooggan uga falceliyaan,” sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale akhri

  9. Safarkii qarsoodiga ahaa ee Netanyahu uu ku tagay Imaaraadka intii uu socday dagaalka Iran

    Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku dhawaaqay in Netanyahu si qarsoodi ah ugu safray Imaaraadka Carabta ka hor xabbad-joojinta, xilli dagaalka Iran uu socday, halkaas oo uu kula kulmay Sheekh Maxamedd bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Imaaraadka.

    “Booqashadan waxay horseedday horumar taariikhi ah oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta,” ayuu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.

    Dhawaan, wargeyska Israel Hayom ayaa soo xigtay safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay oo sheegay in Israa’iil ay siisay nidaamka difaaca hawada ee Iron Dome Imaaraadka Carabta intii uu socday dagaalkii dhawaa.

    Wargeysku wuxuu kasoo xigtay Mike Waltz isagoo leh: “Waxaan aragnay Imaaraadka oo isticmaalaya nidaamka Iron Dome ee Israa’iil ay siisay.”

    Sidoo kale akhri

  10. Starmer oo golihiisa wasiirrada shir muhiim ah la yeelanaya

    Ra’iisul wasaare Starmer wuxuu ku sugan yahay Baarlamaanka, halkaas oo uu kula kulmayo wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan xisbiga Labour.

    Wasiirrada golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ka dhex shaqeynaya hoolalka Baarlamaanka, iyagoo isku dayaya inay ku qanciyaan xildhibaanada kale in doorasho hoggaamineed ay “curyaamin doonto awoodda dowladda ee wax-qabadka muddooyinka soo aaddan”, isla markaana ay “keeni doonto fowdo.”

  11. Epstein ayaa igu xadgudbi jiray isaga oo xabsi guri ah, mid kamid ah dadkii ka badbaaday ayaa sheegtay

    Qof ka badbaaday xadgudubka Jeffrey Epstein ayaa ka waramay sida dembiilaha galmada uu u faraxumeeyay iyada xilli uu ku jiray xabsi guri isaga oo ka dalbaday in ay u keento ilmo yar oo galmo la sameeyo.

    Roza, oo laga shaqaaleysiiyay Uzbekistan iyada oo da'yar ah oo uu keenay nin saaxiib la ahaa Epstein iyo Jean-Luc Brunel oo ka shaqeeya model-ka, ayaa si fagaare ah markii ugu horreysay uga hadashay tiro dhibanayaal ah xilli ay socotay dhegeysi ay soo qabanqaabiyeen Aqalka Dimuqraadiyiinta .

    Waxay u sheegtay fadhiga in Brunel uu bishii Luulyo 2009 baray Epstein , loona sheegay in ay Epstein u qabanayso shaqo "si ay iiga caawiso dhibaatooyinkayga dhaqaale", ka dibna wuxuu u geystay kufsi muddo saddex sano ah.

    Xildhibaanka dimuqraadiga ah Robert Garcia ayaa sheegay in dhageysiga aan rasmiga ahayn lagu qabtay West Palm Beach, Florida, sababtoo ah waa meeshii "dambiyada Epstein markii ugu horeysay ay ka soo shaac baxeen".

    Dhegeysiga, oo Garcia uu tilmaamay in sidoo kale lagu qabtay meel u dhow guriga Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Mar-a-Lago, ayaa waxaa qabtay Guddiga Kormeerka Dimuqraadiyiinta ee Aqalka Wakiilada Mareykanka iyo xubno ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

  12. Fayras cusub oo kumannaan qof loo karantiilay dalka Faransiiska

    Dowladda France ayaa 1,700 oo qof ku karantiishay markab dalxiis oo ku xidhan magaalada Bordeaux ‘Bookhduu’.

    Kadib markii rakaab ka mid ahaa uu u dhintay fayraska loo maleynayo inuu yahay norovirus.

    Qiyaastii 50 qof oo kale ayaa muujinaya calaamadaha cudurkaas.

  13. Starmer oo hadlay markii u horraysay xilli mustaqbalkiisa siyaasadeed maalmahan buuq ka taagnaa

    Ra’iisul Wasaaraha Keir Starmer ayaa sheegay in dowladdiisu ay “fulin doonto dammaanaad qaad dhaqaale”, isaga oo ammaanay Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves, kuna sheegay in tallaabooyinkeedu ay UK ka caawinayaan xaalado adag oo lagu jiro oo uu keenay khilaafka Iran.

    Starmer wuxuu xusay guulaha dowladdiisa ee dhimista biilasha tamarta, kordhinta mushaharka nolosha, iyo ka saarista xadka kaalmada, isagoo sheegay in dowladdu “ay sii wadi doonto waxqabad dheeraad ah” gaar ahaan yareynta sugitaanka NHS-ta iyo wax ka qabashada socdaalka.

    Arrimaha siyaasadda dibadda, wuxuu mar kale xaqiijiyay sida UK uga go’an tahay xoojinta NATO, wuxuuna sheegay inuu “diyaar u yahay inuu hormuud ka noqdo” taageerada Ukraine iyo “amniga maraakiibta” ee marin-biyoodka Strait of Hormuz.

  14. Israel oo weli duqaymo ka geysanaysa Lubnaan

    Wasaaradda caafimaadka ee Lebanon ayaa sheegtay in ugu yaraan 12 qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah, lagu dilay duqeymaha cusub ee Israa’iil ka fulisay koonfurta dalka.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in weerarrada lagu beegsaday gaadiid ku socday waddo xeebeed, inkasta oo uu jiro xabbad-joojin ka dhaqan gashay Lubnaan.

    Ciidamada Israel ayaa sheegay inay beegsanayeen bartilmaameedyo ka tirsan kooxda Hezbollah, ayna horay uga digeen in dadku ka guuraan dhowr tuulo.

    Saraakiisha Lubnaan waxay sheegeen in in ka badan 400 qof la dilay tan iyo markii xabbad-joojinta la bilaabay bishii hore.

  15. Tobannaan eey oo la badbaadiyey kaddib baadhis BBC-du samaysay

    Booliska iyo ururrada xuquuqda xayawaanka ee Uganda ayaa badbaadiyay daraasiin eeyo ah kadib baadhitaan uu sameeyay BBC oo muujiyay xarumo been abuur ah oo lagu khiyaanayn jiray deeq bixiyeyaasha caalamka.

    Hal qof ayaa la xidhay, halka laba kale ay baxsadeen, waxaana eedeysanaha Owen Godfrey Membe lagu hayaa xabsi isagoo wajahaya eedeyn tacaddiga xayawaanka ah.

    Eeyaha la badbaadiyay ayaa hadda gacanta ugu jira ururro daryeel xayawaan, iyadoo la dhisayo hoy degdeg ah.

    Baadhitaankan ayaa sidoo kale la xiriira khiyaano lagu lunsaday lacag deeq ah oo ka timid UK.

  16. Nigel Farage: Hoggaamiyihii dhawaan xisbigiisu doorashadii deegaanka UK ku guulaystay oo baadhitaan wejahaya

    Hoggaamiyaha xisbiga midigta fog ee Reform UK, Nigel Farage, ayaa ay baadhitaan ku wadaan guddiga ilaalinta anshaxa baarlamaanka Britain kadib hadiyad lacageed oo dhan shan milyan oo gini oo uu helay

    Baadhitaankan ayaa eegaya inuu jebiyay xeerarka isagoo aan si rasmi ah u shaacin lacagtaas oo uu bixiyay maalqabeen British ah oo maalgashi ku sameeya lacagaha dijitaalka ah kana shaqeeya Thailand.

    Farage ayaa sheegay in shanta milyan ee gini ay ahayd hadiyad shaqsiyeed oo aan wax shuruud ah ku xidhnayn, isla markaana aanu wax xeer ah jebin. Wuxuu hore u sheegay in lacagta loo isticmaalayay kharashaadka ammaankiisa.

  17. Boqor Charles oo maanta guddoomiyey furitaankii Baarlamaanka UK

    Boqor Charles III ayaa guddoomiyay furitaanka rasmiga ah ee baarlamaanka Britain iyada oo su’aalo ay weli ka taagan yihiin mustaqbalka ra’iisul wasaare Keir Starmer.

    Waxaa sii xoogeysanaya wararka sheegaya in wasiirka caafimaadka Wes Streeting uu tafaxaydan in uu hoggaanka xisbiga iyo kursiga Raysalwasaaraha uu kula tartamo Starmer.

  18. Liiska ganacsatada Maraykanka ee Trump u raacay safarkiisa Shiinaha

    Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha shirkadaha waaweyn ee ganacsiga ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u raacay magaalada Beijing, waxaana ka mid ahaa madaxda shirkadaha Nvidia, Apple, Tesla iyo Boeing.

    Si kastaba, guud ahaan ganacsiga u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha ayaa hoos u dhacayay sanadihii dambe sababo la xidhiidha dagaalka ganacsi ee sii xoogeysanaya iyo canshuuraha iyo xayiraadaha ganacsi ee ka dhashay.

    Sanadkii hore, ganacsiga labada dhinac wuxuu gaaray $414.7 bilyan (£307.3 bilyan), taasoo aad uga hooseysa heerkii ugu sarreeyay ee uu gaaray sanadkii 2022 oo ahaa $690.4 bilyan (£511.6 bilyan).

    Mid ka mid ah dhibaatooyinka waaweyn ee Trump wajahayo waa isu dheellitir la’aanta ganacsiga, iyadoo Maraykanku sanadkii hore ka iibsaday Shiinaha badeecooyin ka badan $200 bilyan wixii uu isagu ka iibiyay.

    Hal dariiqo oo arrintaas lagu xallin karo ayaa ah in badeecooyin badan oo Maraykan ah loo iib geeyo Shiinaha, taas oo gudaha Maraykanka shaqooyin iyo fursado ka abuuri karto.

    Kuwa ugu badan ee ka faa’iidi kara waxaa ka mid noqon kara beeraleyda Maraykanka ee soybeans-ka iyo hilibka lo’da, iyo sidoo kale shirkadda diyaaradaha sameysa ee Boeing.

    Maamulaha Boeing, Kelly Ortberg, ayaa dhawaan u sheegay maalgashadayaasha inuu “aad ugu kalsoon yahay” heshiis horseedi kara in diyaarado tiro badan laga dalbado kadib shirkan.

    Hase yeeshee, markii Shiinaha iyo Maraykanku heshiis ganacsi gaadheen muddadii ugu horreysay ee Trump xukunka hayay, Beijing ma aysan iibsan dhammaan wixii ay ballanqaadday. Sidaas darteed, weli lama oga in taariikhdu markale is soo celin doonto iyo in kale.

  19. BBC ayaa daaha ka qaaday tahriibiye tiir-dhexaad u ah shabakad ka dambeysa inta badan dadka doomaha yaryar ku soo gala Ingiriiska.

    Baaritaan ay BBC ayaa daaha ka qaaday tahriibiye caan ah oo la rumeysan yahay in ay shabakaddiisu mas'uul ka tahay inta badan safarrada sharci darrada ah ee doomaha yaryar loogu gudbo Kanaalka isku xira Ingiriiska iyo faransiiska sannadihii u dambeeyay.

    Ninkan oo ka soo jeeda Kurdiyiinta Ciraa oo 28 jir ah ayaa muddo dhowr sano ah ka baxsanayay xarig, isaga oo isticmaalaya magac been abuur ah oo ah "Kardo Ranya". Wuxuuna si adag u qarinayay magaciisa dhabta ah, taas oo niyad jab ku noqotay hay'adaha sharci fulinta ee isku dayayey in ay soo saaraan amar caalami ah oo lagu soo xiro.

    Macluumaad la'aanta ku saabsan magaca dhabta ah ee Kardo Ranya ayaa sidoo kale adkaysey in Booliisyada Yurub ay la socdaan dhaqdhaqaaqiisa ama ay dabagalaan xogaha ka baxsan soohdimahooda.

    Si kastaba ha ahaatee, aniga iyo saaxiibkay Rob Lawrie oo adeegsanayna xiriirro ka dhex jiray dunida tahriibka, waxaan ku guuleysannay in aan raadraac ka bilowno xeryaha muhaajiriinta ee waqooyiga Faransiiska illaa Kurdistaan Ciraaq, halkaas oo aan ka helnay aqoonsigiisa dhabta ah iyo faahfaahin ku saabsan isaga, ugu dambayna aan fool ka fool ula kulannay. Sheekadan dabagalka ah waxaa lagu soo bandhigay Podcast cusub oo BBC Radio 4 ah oo la magac baxay Asaraar: Qabashadii Boqorka.Faahfaahinta halkan guji

  20. War deg deg ah, Yaa ka mid ah madaxda la socota Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo wafdigiisii ayaa hadda kolonyo baabuur ah kaga ambabaxay garoonka diyaaradaha.

    Wefdiga Trump la socday ee marayey roogga cas kuna wehlinayey safarkan waxaa ka mid ahaa maalqabeenka tiknoolajiyadda Elon Musk iyo wiilka Trump, Eric Trump.