You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Bukaanada dhaqtar ilkaha ah oo loo sheegay inay iska baaraan xanuunka HIV
- Author, Koh Ewe
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Maamulka Australia ayaa digniin u diray bukaanada dhakhtar ilkaha oo shaqada ka fadhiistay, iyaga oo ku booriyay inay iska baaraam fayrasyada dhiiga ka dhasha iyaga oona sabab uga dhigay in xaruntiisa caafimaad ay ku liidatay "nidaamyada xakameynta caabuqa".
Kumanaan bukaan oo tagay rugta caafimaadka Dr William Tam oo ku taalla Strathfield, oo ah galbeedka Sydney ayaa laga yaabaa inay qaadeen cagaarshowga nuuciisa B, cagaarshow C iyo xanuunka kale ee HIV, wasaaradda caafimaadka ee gobolka New South Wales ayaa bayaan ku sheegtay Arbacadii.
Wasaaraddu waxay ku boorisay bukaannada inay arkaan dhakhtar oo ay iska baaraan fayrasyada noocan oo kale ah, waxay u malaysaa sida ay sheegtay in "khatartu ay yar tahay".
Tam hadda waa hawlgab shaqada ka fadhiistay oo waa laga tiray diiwaanka dhaqtar ilkoodnimo, ayaa lagu yiri bayaan soo baxay.
"Dhaqanka xakamaynta caabuqa ee liita ee Dr Tam macnaheedu waa dhammaan bukaannadii hore waxaa laga yaabaa inay halis ugu jiraan caabuqa fayraska dhiigga, kaas oo yeelan kara saameyno caafimaad oo halis ah oo waara," Dr Leena Gupta, oo ah agaasimaha caafimaadka bulshada ee Degmada Sydney, ayaa ku sheegtay bayaanka wasaaradda.
"Dadka qaba HIV, cagaarshowga B, ama cagaarshow C waxaa laga yaabaa inaysan yeelan wax calaamado ah muddo tobanaan sano ah, sidaas darteed waxaa muhiim ah in dadka khatarta ugu jira infekshannadan la baaro, si ay u helaan daaweyn sida ku habboon."
Gupta ayaa sheegtay in ay rumaysan yihiin in Tam uu qaabilay kumanaan bukaan ah 25-kii sano ee la soo dhaafay, laakiin ma jiraan wax diiwaan ah oo loo isticmaali karo in lagula xiriiro dadkaas oo dhan.
Dr Zeina Najjar, oo ah khabiir ku taqasusay shaqaalaha caafimaadka degmada ee deegaanka Sydney, ayaa shir jaraa'id ku sheegtay arbacadii in rugta caafimaadka Tam la baaray bishii Abriil, xilligaasoo kormeerayaashu ay ogaadeen dhaqammada nadaafadda oo liita iyo qalabka aan nadiifka ahayn.
Tam waxa uu shaqada ka fadhiistay laba toddobaad ka dib markii ay goobtiisa booqdeen hanti dhawrku, sida ay sheegay warbaahinta maxaliga ah.
Tani maaha markii ugu horeysay ee mas'uuliyiinta Australia ay wax ka qabtaan walaacyada fayraska.
Sannadkii 2018, ku dhawaad 10,000 oo bukaan ah oo ku sugan Sydney ayaa la waydiistay inay iska baaraan dhiig ka dib markii laga shakiyay suurtogalnimada in ay qaadeen HIV iyo cagaarshow taa oo ka soo gaari kartay rugta caafimaadka ilkaha ee Haberfield.
Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, bukaannada ku sugan xarun kale oo ilkaha ah oo ku taal Mortdale - taa oo ah xaafad ku taal koonfurta Sydney - ayaa si la mid ah loogu boorriyay inay is-baaraan, iyadoo dhakhtarka ilkaha laga mamnuucay inuu ku shaqeysto ka dib markii uu jebiyey heerarka xakameynta caabuqa.