Sida looga hortago in sawiradaada khaaska ah ee taleefoonka kuugu jira lagu faafiyo internet-ka?

qof wax qoraya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Bishii October 2021, fanaanadda reer Nigeria Tiwa Savage ayaa ka hadashay muuqaal gaar ah oo iyada ah si khalad ah onlin-ka loogu faafiyay, iyadoo sheegtay in muuqaalkaas si aan ula kac ahayn uu saaxibkeed u geliyay Snapchat-ka, ka dibna uu ka tirtiray markii uu ogaaday, balse markii ay dad kale la dageen.

Waqtigan casriga ah ee tiknoolajiyada internetka, haddii aadan ka taxaddarin waxa aad ku kaydiso taleefankaaga iyo kombiyuutarkaaga, waxaad ka shallayn kartaa inta noloshaada ka hartay. Nasiib darro, waxa internetka gala aad bay u adag tahay in gebi ahaanba la tirtiro ama laga saaro.

Waxaa jira malaayiin qof oo la mid ah Savage kuwaas oo sawirro ama muuqaallo gaar ah oo ay leeyihiin si khalad ah ama si ula kac ah loogu faafiyay. Waxaana xaqiiqo ah in ay jiraan dad jecel inay ku kaydiyaan sawirro iyo muuqaallo gaar ah qalabkooda isgaarsiinta ama taleefoonadooda, sababo kala duwan awgeed.

In sawirro qaawan la qaado waa go'aan adag in la qaato. Laakiin ujeeddada maqaalkaan waa in la bixiyo talo ku saabsan sida aad isu ilaalin karto si sawirradaada gaarka ah aysan u gelin khatar ah in la faafiyo.

Ha iska qaadin sawiro qaawan

Tani waa qaanuunka koowaad: ha qaadin ama yaan lagaa qaadin sawirro qaawan, hana u dirin qof kale, sidoo kalena ha ku kaydin taleefankaaga.

Waxa gala taleefan way adkaanaysaa in gebi ahaanba la tirtiro, xitaa haddii aad delete garayso. Sidaas darteed, habka koowaad ee aad uga fogaan karto in sawirradaada gaarka ah la faafiyo waa inaad hubiso inaadan waligaa qaadin sawirro noocaas ah. Internet-ku ma waayo sawirro ama muuqaallo noocaas ah.

Marka aad sawirkaaga ku kaydiso taleefankaaga, taasi waa tallaabada ugu horreysa ee sawirkaas uu ku faafi karo si ballaaran. Sawirrada noocan ah badanaa waxay ku bilowdaan in la qaado, kadibna loo diro qof ama lagu kaydiyo taleefan.

Ha u oggolaan in lagu duubo ama lagu sawiro adiga oo aan si buuxda u oggolaan. Ha u oggolaan in lagu duubo xitaa haddii uu yahay qof aad jeceshahay, sida saaxiib, say, ama xaaskaaga. Tani waa qaanuunka koowaad iyo kan ugu muhiimsan dhammaan si loo ilaaliyo asturnaantaada, loogana hortago in noloshaada gaarka ah ay noqoto hadal haynta baraha bulshada.

Ha muujin ama qari wejigaaga

Oraah ayaa tiraahda, "dheg dhimatay dawo wax kama tarto." Shaki la'aan waxaa jira dad aan wax talo ah qaadanin oo aan wax isgaarsiin ah fahmin. Waxay kaliya rabaan inay sawir qaadaan oo ku kaydiyaan taleefankooda sababo kala duwan awgeed, ama ay u diraan qof kale.

Waxaa jira laba ikhtiyaar. Haddii aad khasab u aragto inaad qaaddo sawirro noocaas ah, hubi in wejigaaga aanu muuqan. Haddii ay tahay muuqaal, sawir caadi ah, ama wicitaan muuqaal, wejigaaga waa inuusan sinaba u muuqan.

Tani waxay kaa caawinaysaa haddii sawirkaaga lagu faafiyo baraha bulshada. Waxay adkaanaysaa in dadku ogaadaan cidda sawirka iska leh. Waxa ay kaa badbaadin kartaa ceeb iyo yaxyax aad kala kulanto saaxiibbadaa, walaalahaaga, waalidkaa, iyo dadka kale ee kuu dhow.

Taleefoon

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ka taxadar cidda qaadaysa taleefoonkaaga

Marka taleefankaaga ay ku jiraan sawirro noocaas ah, aad uga taxaddar qofka gacanta ku haya. Sawirro badan ayaa si khalad ah u faafiya marka taleefan la geeyo farsamo-yaqaan marka uu kaa halaabo, ama uu gacanta u galo qof kale oo hadhow khiyaano sameeya.

Sawirradan ayaa mararka qaar loo adeegsadaa aargoosi, gaar ahaan saaxibkaagii hore ama lamanahaaga, ama si laguugu qasbo inaad bixiso lacag si aan loo faafin. Waxaa jira tusaalooyin badan oo noocan ah, waxaana falalkan mararka qaar sameeya qofkii hore ee aad xiriir la lahayd, farsamo-yaqaan telefoon.

Si fudud ha u aaminin dadka marka taleefankaaga ay ku jiraan sawirro aadan rabin in la arko. Xitaa carruurta ha u oggolaan inay taleefankaaga qabtaan haddii ay ku jiraan waxyaabo gaar ah, maadaama ay si aan ula kac ahayn u gali karaan internet-ka adigoon ogeyn.

Iska jir tuugada internet-ka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wax kasta oo faa'iido aad ka taqaan internet-ka iyo taleefannada, waa in aad fahamtaa in ay jiraan caqabado. Caqabadaha taleefannada waxaa ka mid ah in la jabsan karo, sidaas darteed waa in aad aad uga taxaddartaa dadka kuu dhow ee heli kara taleefankaaga. Waxaa jira dad awood u leh inay jabsadaan taleefannada.

Waxay jabsan karaan akoonnadaada baraha bulshada sida WhatsApp iyo Facebook iyagoo adeegsanaya shabakado kale. Sidoo kale waxaa jirta suurtagalnimo in dadka qaar ay galaan kaydka taleefankaaga oo ay arkaan sawirro, fariimo, muuqaallo, kadibna u wareejiyaan taleefannadooda.

Ka fogow dadka kaa dalbanaya sawirro qaawan iyagoo kuu ballanqaadaya lacag. Ha ku dhicin khiyaanada noocaas ah. Ganacsiga sawirrada qaawan waa mid aad u weyn waqtigan, waxaana jira dad si xirfad leh u raadiya sawirro noocaas ah 24 saac maalintii.

Sidoo kale, ha ku kaydin sawirrada qaawan baraha bulshada. Halkaas ayay tuugada internet-ku mararka qaar uga gudbaan difaacyada shabakadaha waaweyn oo ay ka qaataan sawirrada dadka iyaga oo aan ogayn.

Sannadkii 2014, sawirro qaawan oo ay lahaayeen dad caan ka ah masaxyada madadaalada ee Mareykanka ayaa la faafiyay kadib markii tuugo ay jabsadeen iCloud-ka taleefannada Apple. Inkastoo ay jiraan horumarro waaweyn hadda, haddana waa muhiim in feejignaan la muujiyo.

Faafinta sawirrada qaawan waa dhacdo keeni karta burbur nafsi ah. Waxaa jira dad sawirradooda la faafiyo kadibna la kulma niyad-jab xun, qaarna xitaa isdilay.

waaxda garsoorka

Xigashada Sawirka, technology

Sii maclumaad cidda ku haboon haddii dhibaato ku soo gaaarto

Dalalka qaar waxaa jira hay'ado dowladeed oo aad uga dacwoon karto haddii sawirradaada la faafiyo, kuwaas oo kaa caawin kara in la tirtiro. Marka hore, ururi caddeymo ku saabsan sawirrada. Tusaale ahaan Tanzania Police Cybercrime Unit waxaad uga dacwoon kartaa gudaha Tanzania.

Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa oo aad uga warbixin kartaa xogta baraha lagu faafiyay sawirrada, sida baraha bulshada (Facebook, X, Instagram, YouTube, TikTok) ama Google, si ay uga caawiyaan in la saaro.

Sannadkii 2021 oo keliya, Reddit oo ah madal Mareykan ah oo dadka ku wada hadlaan ayaa BBC u sheegtay in ay ka saartay 88,000 sawir oo la soo dhigay oggolaansho la'aan.

Intaa waxaa dheer, la xiriir dadka aqoonta iyo khibradda u leh arrimaha ammaanka internetka. Waxaa jira shirkado iyo khubaro tiknoolajiyadeed oo ku takhasusay ka caawinta dhacdooyinka noocan ah.

Mararka qaar habka dacweynta iyo ka saarista sawirka wuu qaataa waqti ama lacag ayuu ku kici karaa. Sidaas darteed, qaanuunka asalka ah mar walba waa muhiim: ha qaadin ama ha oggolaan in sawirro qaawan la qaado.

Gabagabadii, waalid ahaan iyo mas'uul ahaan, sidoo kale ka taxaddar isticmaalka taleefannada iyo kombuyuutarkaaga.