Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa beeniyay sheegashooyinka iyo walaaca ka dhashay cilado isdaba joog ah oo toddobaadkii la soo dhaafay ku yimid nidaamyada tiknoolajiyadda, isagoo sheegay inaysan jirin caddeyn muujinaysa inay dhacdooyinkaas xiriir leeyihiin.
Rubio ayaa qiray in dadku ay ka walaacsan yihiin ciladahaas, kuwaas oo sababay in muddo saacado ah la hakiyo dhammaan duulimaadyada gudaha Mareykanka, isla markaana ay carqaladeeyaan adeegyada bangiyada iyo nidaamyada shirkadaha Apple iyo Microsoft.
Hase yeeshee, isagoo la hadlayay wariyeyaasha ayuu yiri: “Mareykanku ma wajahayo weerarro nidaamsan. Dhacdooyinkani sinaba iskuma xirna, mid kastaana wuxuu leeyahay sabab u gaar ah.”
Khubarada amniga internetka ayaa iyaguna sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in ciladahaasi xiriir leeyihiin. Waxay intaa ku dareen in dhibaatooyin badan ay u muuqdaan kuwo ka dhashay cusboonaysiinta nidaamyo tiknoolajiyadeed oo duugoobay.
Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa cilado waaweyn laga soo sheegay nidaamyada Microsoft, taas oo hakisay adeegyo kala duwan oo shirkaddu bixiso, oo uu ku jiro iimaylka. Sidoo kale, cilad farsamo ayaa sababtay in dhammaan duulimaadyada Mareykanka la hakiyo dhowr saacadood.
Dhibaatooyin kale ayaa laga soo sheegay nidaamyada Hay’adda Sirdoonka Qaranka Mareykanka (NSA), bangiyo dhowr ah iyo shirkadda Apple.
Shirkad kasta iyo hay’ad kasta oo ay ciladuhu saameeyeen waxay sheegtay in dhacdadii ku timid aysan ka dhalan weerar dhanka internetka ah.
Hadalkan Rubio ayaa yimid saacado kaddib markii agaasimaha Sirdoonka Qaranka Mareykanka, Jay Clayton, uu arrintan kaga hadlay wareysi uu siiyay telefishinka Fox News. Wuxuu sheegay in ciladahaasi aysan ka dhalan weerarro dhanka internetka ah.
Wuxuu sharaxay in hay’ado badan ay wax ka beddelayaan oo ay casriyeynayaan nidaamyadooda, taasina ay sababtay in adeegyada qaarkood ay hakad galaan.
Rubio ayaa sidoo kale la weydiiyay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ka walaacsan yahay in cabsida dadweynuhu ay keento in dadku badeecooyin kaydsadaan ama ay si degdeg ah lacagtooda ugala baxaan bangiyada, iyagoo ka baqaya ammaanka hantidooda.
Rubio oo qiray in walaacaasi jiro ayaa sheegay in sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo ay tahay in dowladda Mareykanku dadweynaha u sharaxdo xogta ay ka hayso dhacdooyinkan.