Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
"Wax kasta oo aan bartay qiimo ma lahan": Waa saameynta ay AI-du ku yeelatay xirfadeena
Saddex sano ka hor ayuu Briton Kyle Palmer qaatay go'aan in badan ay ku tilmaameen mid lagu degdegay. Wuxuu xiray shirkadiisa suuq-geynta oo haysatay heshiisyo faa'ido badan leh iyo macaamiil. Wuxuu sheegay in uu dareemay in ganacsigiisa uu halis ku jiro, maadaama adeegyada ay shirkaddu bixin jirtay ay isu beddelayeen adeegyo qof kasta uu ka heli karo internetka.
Palmer wuxuu yiri, "Markii uu soo baxay GPT-4, waxaan ogaaday in wax badan oo aan bixin jirnay ay lumin doonaan qiimahoodii. Macaamiishu waxay bilaabeen in ay wax ka weydiiyaan AI-da, isla markaana ay naga codsadaan in aan qiimaha adeegyadeenna hoos u dhigno."
Bilooyin kaddib, Palmer wuxuu go'aansaday in uu xiro shirkadiisa, sababtoo ah wuxuu dareemay in ay sii adkaanayso in macaamiisha uu ku qanciyo in ay lacag ku bixiyaan adeegyo ay AI-du qaban karto kuwaas oo si bilaash ah ama si tiisa ka jaban loo heli karo.
Sheekada Palmer ma ahan mid gaar ah oo isaga kaligii ku eg. Markasta oo shirkadaha waa weyn ku dhawaaqaan shaqo dhismis, waxaa soo baxda isla su'aashaas. AI-du ma waxay noqotay qof caadi ah oo shaqo dhimis sameynaya ama waa marmariiyo kharaska lagu dhimayo?
Bilihii la soo dhaafay, shirkado dhowr ah oo caalami ah ayaa ku dhawaaqay qorshayaal ay ku dhimayaan tirada shaqaalahooda, iyadoo ay taasi barbar socoto maalgelin ballaaran oo lagu samaynayo garaadka macmalka iyo kaabayaasha digitalka.
Shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyadda ayaa sameeyay dib-u-habayn ballaaran, iyagoo balaayiin doollar ku bixinaya horumarinta AI-da iyo xarumaha xogta.
Bishii July ee sanadkan 2026, shirkadda Microsoft ayaa ku dhawaaqday in ay shaqada ka cayrin doonto ku dhowaad 4,800 oo shaqaale ah, taas oo u dhiganta 2.1 boqolkiiba guud ahaan shaqaalaheeda.
Shirkadda Oracle ayaa iyaduna dhintay ku dhowaad 21,000 oo shaqo. Shirkaddu waxay sheegtay in tallaabadan loogu talagalay dhimista kharashaadka la xiriira ballaarinta xarumaheeda xogta iyo teknoolojiyadaha AI-da.
Khubaradu iskuma raacsana in shaqo dhismista ay si toos ah ula xiriirto arrimaha AI-da. Hamoud Al-Mahmoud, oo ah tifaftiraha guud ee majaladda Harvard Business Review Arabia, ayaa aaminsan in qayb ka mid ah dhibaatadu ay ka soo bilaabatay COVID-19. Wuxuu sheegay in shirkado badan ay shaqaale tiro badan qorteen, iyagoo ku salaynayay rajo laga qabay kobaca dijitaalka, balse markii dambe waxay ogaadeen in ay qorteen shaqaale ka badan intii ay u baahnaayeen.
Dalka Mareykanka sida lagu sheegay xogta shirkadda Challenger, Gray & Christmas ee soo baxday sannadkii 2025-kii, 54,000 oo keliya ayey AI-da saameysay balse in ka badan 1.2 milyan oo shaqo joojin, wax xiriir ah lama lahan arrimaha AI-da.
Nader Ghazal oo ah madaxa Shabakadda caalamiga ee Anshaxa Garaadka Macmalka ayaa sheegay in shaqo dhimis badan oo la sameeyay ay la xiriiraan arrimo kale sida cadaasi dhaqaale. Wuxuu intaas ku daray in arrintu aysan aheyn in AI-da ay badaleyso dadka. Arrintu intaa way ka weyn tahay ayuu yiri.
Ghazal wuxuu aaminsan yahay in waxa maanta dhacaya aysan inta badan ahayn in meesha ay ka baxayaan shaqooyin badan balse ay tahay dib-u-qaabayn ku socota doorarka iyo masuuliyadaha shaqo.
Saadaalaha qaar ayaa taageeraya isbeddelkan. Shirkadda cilmi-baarista iyo la-talinta ee Gartner ayaa sheegtay in ku dhowaad 30 boqolkiiba shaqaalaha ku waayay shaqadooda AI-da darteed ay dib ugu soo laaban karaan suuqa shaqada marka la gaaro sannadka 2029, haddii shirkaduhu dib uga fikiraan xeeladahooda maaraynta shaqaalaha.
Hamoud Al-Mahmoud wuxuu aaminsan yahay in shirkado dhowr ah oo ku degdegay in ay shaqo dhimista bilaabeen sannadkii 2024 ay fahmaan in u wareegidda AI-da ay qaadan doonto waqti ka dheer intii la filayay.
"Shaqooyinka qaarkood, AI-da degdeg uma beddeleyso sida ay dad badan moodayeen" ayuu yiri Hamoud Al-Mahmoud.
Habka ugu fiican ee Kyle Palmer waxa uu ahaa in uu la qabsado xaqiiqda jirtay. Markii uu shirkadiisa xiray wuxuu u wareegay in uu bixiyo tababaro iyo in uu si iskiis ah u shaqeysto.
Palmer wuxuu sheegay in uu hadda dadka ka caawiyo in ay bilaabaan ganacsiyadooda gaarka ah ama ay horumariyaan ilo cusub oo dakhli ka soo galo, iyagoo adeegsanaya aaladahan.
Wuxuu Palmer hadalkiisa ku soo gabagabeeyay, "waxay u badan tahay in aan mari doonno muddo adag oo isbeddello badan leh inta lagu jiro labaatanka sano ee soo socda, ilaa aan fahamno sida teknoolojiyaddu ula falgasho bulshooyinkeenna."