Soomaaliya: Dal lacagta dadkiisa ay moobilka ku jirto

    • Author, Abdinasir Ali
    • Role, BBC Somali
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Marka qof Soomaali ah maanta rabo inuu raashin iibsado, gaari raaco, daawo helo, ama lacag u diro qoyskiisa, inta badan wuxuu ku tiirsan yahay lacagaha 'hawada ah' la isu mariyo ee moobilka lagu qaato. Waxaa xusid mudan in lacagta la isku diro ay tahay doollarka Maraykanka.

Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn, lacagta caddaanka ah ee shilin Soomaaliga ayaa noqday mid sii adkaaneysa in si caadi ah loo isticmaalo. Qaar ka mid ah ganacsatada iyo gaadiidleyda ayaa diida lacagaha duugoobay, halka dad badan oo dakhligoodu hooseeyo aysan si fudud u heli karin doolar caddaan ah ama adeegyo bangi oo u sahla tan la isku diro

Xaaladdaas haddaba waxay sababtay in adeegyada lacagta moobilka ahi aysan ku koobnaan adeegyo shirkada gaar ah ay leeyihiin balse ay noqdaan qayb ka mid ah nolosha maalinlaha ah.

Axaddii 10kii May, Hormuud Telecom ayaa sheegtay in adeeggeeda EVC Plus uu la kulmay hakad ku yimid qeybaha USSD-ga iyo lacagaha ganacsatada, intii u dhaxeysay 06:50 ilaa 08:32 subaxnimo waqtiga Soomaaliya. Shirkaddu waxay sheegtay in hakadka uu ka dhashay "dayactir nidaam oo caadi ahaa, balse ka dheeraaday waqtigii loogu talagalay".

Hormuud ayaa sheegtay in EVC Plus uu bishii maareeyo boqolaal milyan oo macaamil, islamarkaana uu yahay adeegga lacag-bixinta ee ay ku tiirsan yihiin inta badan dadka waaweyn ee Soomaaliya.

"Waxaan fahamsannahay in xitaa hakad kooban oo ku yimaada adeeg baaxaddan leh uu saameyn dhab ah ku yeesho nolosha maalinlaha ah ee dadka" ayay shirkaddu ku sheegtay bayaan ay siisay BBC-da.

Hormuud waxay sheegtay inay macaamiisha ay saameysay si toos ah ugula xiriirtay fariimo SMS ah iyo baraha bulshada. Waxay sidoo kale sheegtay inay wado dib-u-eegis gudaha ah, ayna xoojineyso habraacyada dayactirka si loo yareeyo in hawlaha qorsheysan ay mar kale ku fidaan waqtiyada dadka badan isticmaalaan adeegga.

Laakiin dhacdadani waxay dhalisay su'aal ka weyn hal hakad oo farsamo, waana: maxaa dhacaya marka nidaam lacag bixineed oo ay maamusho shirkad gaar loo leeyahay uu noqdo udubka dhaqaale ee ay malaayiin qof ku tiirsan yihiin?

Lacagta moobilka oo noqotay laf-dhabar dhaqaale

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa hore u sheegay in adeegyada lacagta moobilka ay bishii maraan macaamil lacageed oo gaaraya qiyaastii $2.7 bilyan, taas oo u dhiganta ku dhowaad 40% wax-soo-saarka guud ee dalka. Warbixinta Bangiga Dhexe ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhowaad 73% dadka Soomaaliyeed ee da'doodu ka weyn tahay 16 sano ay isticmaalaan lacagta moobilka.

Bangiga Dhexe wuxuu sheegay in baahida loo qabo xakameynta iyo kormeerka lacagta moobilka ay tahay mid weyn, maadaama adeeggan uu saameyn ku leeyahay xasilloonida nidaamka maaliyadeed. Sidaas darteed, bangigu wuxuu sheegay inuu soo saaray xeerar lagu maamulayo lacagta moobilka si shirkadaha adeeggan bixiya loo hoos geeyo kormeerkiisa.

Xeerarka lacagta moobilka ee Bangiga Dhexe waxay dhigayaan in shirkadaha adeeggan bixiya ay bishiiba mar soo gudbiyaan xog ay ka mid yihiin tirada iyo qiimaha macaamillada, tirada e-wallets, cabashooyinka macaamiisha, dhacdooyinka khiyaano ama tuugo, iyo tirada hakadyada ama ciladaha waaweyn ee hawlgalka. Xeerarku waxay sidoo kale dhigayaan in hakadyada adeegga iyo jebinta amniga ee waaweyn si degdeg ah loogu wargeliyo Bangiga Dhexe.

Dhinaca lacagta caddaanka ah, Bangiga Dhexe wuxuu hore u sheegay in uusan wax lacag ah soo saarin intii lagu jiray dagaalladii sokeeye ee billowday 1991. Warbixintiisa 2017 wuxuu ku sheegay in in ka badan 90% shilinka Soomaaliga ee wareega uu yahay lacag been abuur ah, islamarkaana dhaqaalaha Soomaaliya uu si weyn ugu tiirsan yahay doolarka Mareykanka.

Bangiga Dhexe wuxuu sidoo kale sheegay in shilinka Soomaaliga uu lumiyay qaar ka mid ah shaqooyinkii lacagtu lahayd, sida inuu noqdo shey wax lagu kala iibsado, wax qiimaha lagu cabbiro iyo meel lagu keydsado hanti. Wuxuu intaas ku daray in bangiyada ganacsiga, shirkadaha xawaaladaha iyo macaamillada lacagta moobilka lagu maamulo doolar.

Dhawaan ayay ganacsiyo iyo gaadiidley badan oo ka howlgala muqdisho ay diideen lacagaha shilinka ee duugoobay, taas oo si gaar ah u saameysay dadka saboolka ah, oo qaarkood aan haysan doolar ama qaab kale oo ay wax ku iibsadaan. Kadib warbixino badan oo dhacdadaas laga qoray, dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in diidmada shilinka Soomaaliga ay tahay dembi.

Shacabka Soomaaliyeed waxa ay dhexda ugu jiraan laba qaaba qooseyn, waana: lacagtoodii caddaanka ahayd oo aan si buuxda loo aqbaleyn, iyo lacag moobil ah oo haddii ay hakad gasho dad badan aysan helayn beddel degdeg ah.

'Marka nidaamka moobilku istaago, nolosha ayaa la istaagaysa'

Dr Peter Chonka, oo ah bare sare oo ka tirsan King's College London, kana mid ah cilmi-baarayaasha wax ka qoray dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Soomaaliya, ayaa BBC-da u sheegay in shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ay hormuud ka ahaayeen horumarinta adeegyada lacagta moobilka.

Wuxuu sheegay in adeegyadaas ay muhiim u yihiin dad badan, gaar ahaan bulshooyinka nugul, dadka barakacay iyo dadka ku nool xaaladaha dhaqaale ee adag.

"Lacagta moobilku aad bay u faa'iido badan tahay, laakiin marka ay noqoto ikhtiyaarka keliya, waxay keeni kartaa dhibaatooyin waaweyn, gaar ahaan waxaa u nugul dadka ugu saboolsan bulshada," ayuu yiri Dr Chonka.

Wuxuu sheegay in isticmaalka lacagta moobilka uu weli dadka qaar ku yahay kharash dheeraad ah, maadaama ay u baahan yihiin taleefan, koronto lagu dallaco, iyo aqoon ay ku isticmaalaan adeegyada dhijitaalka ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in dadka aan haysan doolar caddaan ah ay si gaar ah ugu nugul yihiin marka nidaamka lacagta moobilka uu hakad galo.

Soomaaliya waxay sanadihii u dambeeyay qaaday tallaabooyin lagu casriyeynayo nidaamka lacag-bixinta. Bangiga Dhexe wuxuu sheegay in nidaamka National Payment System-ka ee Soomaaliya uu saldhig u noqday hirgelinta Somali Payment Switch iyo Somali Instant Payment System, oo la daahfuray Janaayo 2025. Nidaamkaas wuxuu suuragelinayaa lacag diris degdeg ah oo 24 saac shaqeysa, taas oo isku xirta bangiyada, mobile wallets iyo qalabka lacagaha lagu bixiyo ee ganacsatada.

Laakiin dhacdada hakadka moobilka laga diro waxay muujisay in marka dhaqaalaha si weyn ugu tiirsanaado lacag-bixin dhijitaal ah, su'aalaha ku saabsan adkeysiga nidaamka, hufnaanta, kormeerka iyo wargelinta dadweynaha ay noqdaan kuwo aad u muhiim ah.

Hormuud waxay sheegtay inay dib u eegayso qaabka ay dadweynaha ula wadaagto macluumaadka marka ay dhacaan hakadyo adeeg. "Adeeg malaayiin Soomaali ah maalin kasta ku tiirsan yihiin wuxuu u baahan yahay heer sare oo hufnaan ah, waxaana naga go'an inaan gaarno," ayay shirkaddu tiri.

BBC-da waxay la xiriirtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka si ay uga jawaabaan su'aalo la xiriira kormeerka adeegyada lacagta moobilka, waajibaadka shirkadaha marka hakad dhaco, iyo sida loo xaqiijinayo in adeegyada muhiimka ah ay sii shaqeeyaan xilli lacagta caddaanka ah ay sii adkaaneyso.

Hakadka EVC wuxuu socday wax ka yar laba saacadood. Laakiin bulshada Soomaaliyeed oo lacagta caddaanka ahi ay sii adkaaneyso in la isticmaalo, wuxuu hakadkani muujiyay sida nolosha caadiga ah ugu xiran tahay in nidaamyada lacagta moobilka ay si joogto ah u shaqeeyaan.

Su'aasha hadda taagan waa sida loo xaqiijinayo in marka adeeg nolosha malaayiin qof ku xiran tahay uu hakad galo, dadweynuhu helaan sharaxaad cad, degdeg ah, oo ku filan.