Qalliinkii ugu horreeyay ee maskaxda oo garaadka macmalka ah (AI) ku lug lahaa oo lagu guuleystay

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Qofkii ugu horreeyay adduunka ee lagu sameeyo qalliinka maskaxda iyada oo garaadka macmalka ah (AI) uu qalliinka si toos ah uga caawinayo, ayaa si guul leh looga saaray buro maskaxda kaga taallay.

Rhys Hibbert, oo ah aabbe laba carruur ah dhalay kana soo jeeda Bedfordshire ee Britain, ayaa qalliinka lagu sameeyay Isbitaalka University College London. Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in haddii aan qalliinkaas aan la samayn, buradu ay keeni kartay inuu araggu ka lumo.

Qalliinka dhexdiisa ayaa qalab AI ah wuxuu si toos ah u falanqeynayay muuqaalka kamaradda qalliinka. Wuxuu dhakhaatiirta ka caawinayay inay aqoonsadaan xididdada dhiigga iyo neerfayaasha muhiimka ah ee maskaxda, kuwaas oo mararka qaar qarsoon oo aan si fudud loo arki karin.

AI-gu wuxuu calaamadaynayay meelaha ay u badan tahay inay ku yaallaan xididdada iyo neerfayaasha, wuxuuna tilmaamayay meelaha ugu badbaadsan ee buradu laga saari karo. Si kastaba ha ahaatee, dhakhaatiirtu waxay sheegeen in go'aanka ugu dambeeya iyo xakamaynta qalliinka ay iyagu hayeen, AI-duna uu ahaa qalab caawinayey oo keliya.

Prof Hani Marcus, oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii qalliinka samaysay, ayaa sheegay in nidaamkan loo tababaray muuqaallo laga qaaday boqolaal qalliin oo burooyinka taas oo siisay AI-ga awood uu ku aqoonsado xididdada iyo neerfayaasha muhiimka ah.

Wuxuu qalabka ku tilmaamay inuu noqon karo sida "khabiir labaad oo aragti ku siinaya" kaas oo qolka qalliinka kula jooga, dhakhtarkuna talo ka heli karo marka uu u baahdo.

Hibbert oo 48 jir ah wuxuu sheegay inuu caafimaad qabay ilaa qiyaastii 18 bilood ka hor. Wuxuu ahaa maamule adeegga macaamiisha ah, wuxuuna maalin kasta socon jiray qiyaastii laba mayl xilliga qadada.

Maalin ka mid ah maalmihii socodkiisa ayuu si lama filaan ah u miyir doorsoomay, isaga oo wadada ku dhacay, xaalad suuxitaan ahna uu galay. Baadhitaan maskaxda ah ayaa lagu ogaaday inuu leeyahay buro aan kansar ahayn oo cabbirkeedu yahay 11 millimitir, taas oo ku kortay mid qanjidhada ka ag dhaw maskaxda.

Qanjidhkani waa xubin yar oo ku taalla salka maskaxda, wuxuuna soo saaraa hormoonno muhiim u ah jidhka, sida kuwa xakameeya koritaanka, dheef-shiidka, cadaadiska dhiigga iyo heerkulka jirka.

Dhibaatadu waxay ahayd in qanjidhku aad ugu dhow yahay agaag halis ah, kuwaas oo dhiigga gaadhsiiya maskaxda, iyo sidoo kale neerfayaasha indhaha ee xakameeya aragga.

Markii buradu cadaadis saartay neerfayaasha indhaha, araggiisa dhinacyada ayaa bilaabay inuu yaraado. Wuxuu sidoo kale bilaabay inuu waxyaabo qaar ku turunturoodo, daal badan iyo madax-wareer.

Hibbert wuxuu sheegay in xaaladdiisu aysan saameyn oo keliya caafimaadkiisa, balse ay si weyn u saameysay dareenkiisa iyo maskaxdiisa.

Wuxuu sheegay in 18-kii sano ee uu guurka lahaa uu caadi ahaan subax kasta sariirta uga kici jiray oo xaaskiisa koob kafee ah u diyaarin jiray. Sidaas darteed, wuxuu go'aansaday inuusan u oggolaan buradu inay noloshiisa ka hor istaagto.

Markii dhakhaatiirtu u soo bandhigeen inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee lagu tijaabiyo qalliinkan cusub ee AI-da caawinayo, si degdeg ah ayuu u aqbalay.

Qalliinka waxaa lagu sameeyay iyadoo kamarad dhuuban ee jidhka la geliyo ee loo yaqaan endoscope laga geliyay sanka, lana sii marayey ilaa salka maskaxda. Buradu waxay ku qarsoonayd lakabyo lafo iyo xuub adag gadaashooda, taasoo ka dhigtay in si taxaddar leh loo ogaado meesha ugu badbaadsan ee laga saari karo.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in qalliinnada noocan ah ay leeyihiin khataro kala duwan. Waxaa jiri karta 25% ilaa 50% fursad ah in buradu si buuxda aan looga saari karin, halka khatarta dhaawaca xidid weyn oo dhiig ay gaadhi karto 0.5% ilaa 2%.

Cilmi-baarayaashu waxay rajaynayaan in mustaqbalka ay horumariyaan nidaam AI ah oo noqon kara nooc "ChatGPT oo kale ah oo loogu talagalay dhakhaatiirta qalliinka". Nidaamku wuxuu siin karaa dhakhtarka talo iyo aragti dheeraad ah marka loo baahdo, balse dhakhtarku weli wuxuu ahaanayaa qofka go'aanka ugu dambeeya leh.

Kooxda cilmi-baarista ayaa tiknoolajiyaddan muddo sannado ah ku tijaabinaysay shaybaadho, iyaga oo taageero ka helaya National Institute for Health and Care Research iyo Google. Hadda waxay qorsheynayaan tijaabo caafimaad oo ballaadhan.

Hibbert wuxuu sheegay in siddeeddii toddobaad ee qalliinka kadib araggiisu maalinba maalinta ka dambaysa soo hagaagay. Wuxuu sidoo kale sheegay in tamartiisii soo noqotay, daalkii iyo dhibaatooyinkii kale ee uu qabayna ay meesha ka baxeen.

Wasiirka caafimaadka iyo hal-abuurka Britain, James Frith, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Hibbert uu helay qalliin noloshiisa wax weyn ka beddelay. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in AI loo baahan yahay in lagu isticmaalo badbaado iyo ilaalin habboon, iyadoo sidoo kale laga faa'iideysanayo fursadaha waaweyn ee tiknoolajiyaddu keento.