Haweenku maka ka naxariis badan yihiin ragga?

Xigashada Sawirka, Getty Images/Javier Hirschfeld/BBC
Cilmi-baarisyo saynis ah ayaa lagu ogaaday in aysan run aheyn fikrado khaldan oo ku saabsan naxariista iyo damqashada, kuwaas oo sameynayo faham cusub oo ku saabsan ragga.
Marka dumarku horumar sameeyaan, badanaa waa la iska indhatiraa, waxaana la yiraahdaa, "Ma ahayn dumar kuwa sameeyey waxaas, ee waxay ahaayeen rag dhar dumar xiran," ayey qortay Mary Astel sannadkii 1705-tii. Boqoradda UK ee Elizabeth I waxay sheegtay in ay Britain u hoggaamin doonto sidii boqor.
Inkasta oo kuwani yihiin sheekooyin hore, haddana weli waxaa jira eex ku saabsan sida wax-ku-oolnimada loo qeexo.
Weli waxaan u aragnaa in dabeecadda naxariista leh ay tahay wax dabiici ahaan dumarku leeyihiin, halka rabitaanka hoggaaminta iyo ad-adayggana loo arko wax ragga u gaar ah.
Ragga waxay u muuqdaan kuwa kalsooni badan qaba oo ka ad-adag dumarka xitaa marka ay isku wax qabanayaan. Waana midda keentay in loo arko dumarka in ay ka naxariis badan yihiin ragga.
Dumarka waxaa loo arkaa kuwo naxariis badan oo dareen leh, halka ragga mararka qaar muujiya naxariistana loo arko kuwo daciif ah.
Hadaba maxay sidan ku dhacday? Dumarka maka naxariis badan yihiin ragga mise waa wax nalaga dhaadhiciyay?
Fikradahan ku salaysan sida khaldan ee loo arko jinsiga ayaa saameeya sida aan u korinno carruurteena, dhaqanka goobaha shaqada, iyo hoggaaminta. Ma ogin sida ay tani ku bilaabatay iyo waxa keenay in aan gaarno heer laga fisho qofka waxa uu yahay.
Hormoonnada saameynta ku leh naxariista

Xigashada Sawirka, Alamy/ Javier Hirschfeld/ BBC
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Damqashada waxay ka mid tahay meelaha laga ogaado fakarka iyo dareenka qofka, waxayna naga caawisaa in aan siino taageerada ku habboon. Waxay kaloo sahashaa in qofka tixgeliyo dareenka dadka kale.
Saynisyahannadu waxay adeegsadaan habab kala duwan si ay u cabbiraan awoodda qofka ee dhinaca dareenka. Si taas loo ogaado waxaa qofka loo diraa howlo ama su'aalo ayey weydiiyaan. Waxaa la ogaaday in dumarka ay inta badan ka dhibco badan yihiin ragga.
Simon Baron-Cohen oo ah khabiir cilmu-nafsiga, kana tirsan jaamacadda Cambridge ayaa sheegay, "in maskaxda dumarku si dabiici ah ugu diyaarsan tahay damqashada," taas oo ka dhigaysa in ay ku wanaagsan yihiin doorarka daryeelka, halka maskaxda raggana "loogu talagalay fahamka iyo dhismaha nidaamyada."
Sawir
Daraasad uu Simon sameeyey sannadkii 2006-dii oo ay ka qayb galeen in ka badan 200 oo carruur ah oo da'doodu u dhaxaysay 6 ilaa 9 jir ayaa lagu ogaaday in heerarka hormoonka loo yaqaan testastaroon marka ay uurka ku jiraan wiilasha uu badan yahay, taas ayaana lala xiriirinayaa.
Daraasad kale oo la sameeyey sannadkii 2007 ayaa sidoo kale muujisay in hormoonka testastaroonka uu si taban ula xiriiro heerarka damqashada.
Damqashadu ma mid la socotaa hidde-sidaha?
Daraasad lagu ogaaday in kala duwanaanshaha jinsigu uusan muhiim weyn ku lahayn shaqooyinka u baahan damqashada ayaa muujisay in dumarku ka damqasho badnaayeen ragga 36 ka mid ah 57 waddan oo daraasadda lagu sameeyey, halka 21 waddanna ay natiijooyinku isku dhowayeen. Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in aan la helin sabab cad oo taas sharaxda.
Dumarku waxay muujiyaan astaamo damqasho badan leh. Sababta ayaa lagu sheegay in aysan aheyn wax ay ku dhasheen balse ay tahay sida loo barbaariyay. Gabdhaha waxaa loo sheegaa in ay tixgeliyaan dareenka dadka kale iyo baahida carruurta.
Qalabka carruurtu ku ciyaaraan ee gabdhaha la siiyo ayaa la xiriira waalidnimada halka wiilshana ay ku dheelaan alaabo sida gawaarida.
""Gabdhaha yaryar waxaa loo sheegaa in ay wanaagsanaadaan oo aanay edeb-darro samayn, muddo kaddibna taas waxay qayb ka noqotaa noloshooda," ayay tiri Gina Rippon oo ku takhasustay cilmiga neerfayaasha.
Naxariista waa astaan la baran karo
Damqashadu waa dareen la baran karo, sida uu qabo Nathan Spreng, oo ah cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda McGill ee Canada.

Xigashada Sawirka, Alamy/ Javier Hirschfeld/ BBC
Saameynta naxariista
Waxaa marar badan loo arkaa in haweenku ku yar tahay suurtagalnimada in ay noqdaan hoggaamiyeyaal marka loo eego ragga, sababtoo ah hoggaaminta waxaa lala xiriiriyaa awood, ad-adayg iyo go'aan qaadasho, kuwaas oo badanaa loo nisbeeyo ragga.
Laakiin marka laga hadlayo kelinimada, dumarku waxay u badan yihiin in ay kaalmo ka raadsadaan baraha bulshada marka la barbardhigo ragga. In qofka is go'doomiyo oo dadka ka fogaado waa halis keeni karta is-dilid. Waxaa la sheegay in taasi ay ku badan tahay ragga.

Xigashada Sawirka, Alamy/ Javier Hirschfeld/ BBC
Arrinta ku saabsan dareenka ragga iyo haweenka waa wax isbaddelaya, waxaana ka mid ah muhiimadda dadka kale iyo damqashada sida uu sheegayo Niall Hanlon
"Guud ahaan, wiilasha waxaa lagu barbaariyaa in ay waalidnimada u arkaan si ka duwan sida gabdhaha loo tuso. Waxay isu arkaan aabbayaal, marar badan ma qaadaan masuuliyadaha waalidnimada."
Bulshada hadda way isbadashay, rag badan waxay qabtaan howlaha daryeelka qoyska iyagoo si toos ah u muujiya naxariista. Ragga waxay waqti badan la qaataan carruurtooda marka la fiiriyo waqtiyadii hore.













