Trump soo ka hadlay waxa uu dareemay markii la soo weeraray xafladii cashada ee uu goobjooga ka ahaa

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Imogen James
- Author, Helen Sullivan
- Author, Tabby Wilson
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay "in uusan walwalsanayn" xilli laga soo saarayay casho-sharafta wariyeyaasha Aqalka Cad, kaddib markii nin hubeysan uu isku dayay inuu xoog ku galo goobtya ay munaasabadu ka dhacaysay.
"Ma welwelin, waan fahmsanahay nolosha, waxaan ku noolnahay duni waalan" ayuu yiri Trump mar uu wareysi siinayay barnaamijka 60 Minutes ee CBS News, hal maalin kadib toogashadii ka dhacday hotel ku yaalla Washington DC habeenkii Sabtida.
Warbaahinta Mareykanka ayaa ku sheegtay Cole Tomas Allen, oo 31 jir ah, inuu yahay tuhmanaha, kaasoo la xiray ka dib markii ay booliisku sheegeen inuu rasaas ku furay meel u dhow bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku sugnaayeen intii ay socotay dhacdada. Waxaa lagu wadaa in maanta oo isniin ah la soo taago maxkamada.
Waaxda dambi baarista ee FBI-da iyo kooxda u qaabilsan argagixisada ayaa baaraya dhacdada.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Todd Blanche ayaa sheegay in tuhmanuhu "ay u badan tahay" inuu bartilmaameedsanayo saraakiisha sarsare ee Aqalka Cad ee ka soo qayb-galaya kulanka, iyadoo lagu salaynayo natiijooyin "hordhac ah", isagoo intaa ku daray in weli baaritaan lagu hayo sababta loo haysto eedaysanaha.
Trump waxaa ku soo biiray munaasabadda Sabtidii xubno sarsare oo ka tirsan dowladdiisa, oo ay ku jiraan madaxweyne ku xigeenka JD Vance, Xoghayaha Caafimaadka Robert F Kennedy Jr, Xoghayaha Warfaafinta Karoline Leavitt iyo kaaliyaha sare Stephen Miller.
Ka dib markii si degdeg ah loogala cararay masraxa si ammaan ah, Trump ayaa markii dambe u sheegay warfidiyeenka hadal kooban Sabtidii: "Ma qiyaasi karo in ay jirto xirfad ka khatar badan".
Bayaan uu soo saaray Axaddii, Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump "uu yahay cabsi la'aan" ka dib markii uu ka badbaaday , isaga iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada, "isku day dil markii rasaastu dhacday".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta ee Aqalka Cad, Weijia Jiang, ayaa ku tilmaamay weerarka "mid naxdin leh".
Axadii, Jiang, oo ag fadhiisatay Trump cashada, ayaa uga mahad celisay ciidamada amniga in ay "ilaaliyeen kumanaan marti ah".
Axadii, Trump wuxuu Fox News u sheegay in tuhmanuhu "nacayb badan qalbigiisa ku hayay in muddo ah", wuxuuna sheegay in qoyskiisu ay ogaayeen inuu leeyahay "dhibaatooyin". Waxa uu intaa ku daray in tuhmanuhu laga hayo "cadeyn", wuxuuna soo jeediyay inuu "aad uga soo horjeedo Masiixiyiinta".
Warbaahinta Mareykanka ayaa soo tebisay taariikh qoraalo ka dhan ah Trump oo uu baraha bulshada ku soo qoray Allen oo 31 jir ah.
Wareysi uu siiyay barnaamijka 60 Minutes Axadii, Trump wuxuu sheegay "inuusan ufududeynin" ilaalada in ay galiyaan qolka.
"Waxaan doonayay inaan arko waxa dhacaya ... Waxaan doonayay inaan arko waxa socda. Waqtigaas waxaan bilownay inaan ogaano, laga yaabee inay ahayd dhibaato xun."
Mar ayaa Trump wuxuu sheegay in ciidanka ammaanku uu ka codsaday inuu ganbado "fadlan hoos u ganbo". Wuxuu ku ammaanay in ay yihiin "dad wanaagsan".

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, Getty Images
CBS News oo xulafo la ah BBC dan ayaa aragtay dukumeenti qoran oo la rumeysan yahay inuu xiriir la leeyahay tuhmanaha. Warbaahinada kale ee Maraykanka ayaa isla dukumentiga ka war bixiyay.
Waxa ay sheegtay in ninka hubeysan uu doonayay in uu bartilmaameedsado xubnaha maamulka Trump "laga bilaabo darajada ugu sareysa ilaa kuwa ugu hooseeya" iyo in martida iyo shaqaalaha hoteelka aysan ahayn bartilmaameedkii loogu talagalay, haddii loo baahdo waa ay weerari lahaayeen si ay u gaaraan mas'uuliyiinta.
Walaalkii ayaa la sheegay inuu la xiriiray booliska Connecticut ka dib markii uu helay. Waaxda booliiska ee New London, Connecticut ayaa sheegtay in lala xiriiriyay saacado uun ka dib toogashada oo isla markiiba la ogeysiiyay sharci fulinta federaalka.
BBC-da si madax-banaan uma xaqiijin qoraallada lagu eedeeyay, waxaana la sheegay in loo diray xubnaha qoyska eedaysanaha ka hor isku-dayga weerarka.
Waxaa isbitaalka laga saaray sarkaal la toogtay oo dhaawac uu kasoo gaaray weerarka. Jaakada xabada helisa ayaa "na caawisay inaan ka fogaano masiibo imaan kartay," ayuu madaxa isgaarsiinta ee ciidamada amniga, Anthony Guglielmi, u sheegay BBC.
Dhowr wariye oo ka tirsan BBC-da ayaa goob joog ka ahaa casho sharafta, waxayna ka sheekeeyeen muuqaalo jahawareer baahsan oo ka dhashay dhawaqa rasaasta.











