Dhegeyso: Maxaa sababay in tirada codbixiyeyaasha doorashadii Somaliland ay hoos u dhacdo?
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo
Dadkii codkooda ka dhiibtay doorashada isku sidkanayd ee madaxtooyada iyo xisbiyada ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland ayaa hoos u dhacay kala badh, marka la eego dadka isu diiwaan geliyey in ay codeeyaan doorashooyinkaasi.
Dadka u soo baxay in ay codeeyaan doorashadan ayaa aad uga yaraa marka la barbar dhigo doorashadii madaxtooyada ee 2017 oo 80% ay codeeyeen dadkii is diiwaan geliyey, halka doorashadii 13-kii bishan dhacday ay codeeyeen 53%.
Waxa arrintan keenay ayaanu ka wareysannay Khadar Maxamed Diiriye, oo ah cilmi-baadhe iyo garyaqan madax-bannaan oo daraaseeyey sababaha yareeyey dadka codeeyey doorashada.










